”Aqoonsi Israa’iil Mabixisee
Aayaha Ummadda U Orod!”
Dabcan in laga fekero wixii dan ama dhib u ah
Dowlad leh nimdaankeed iyo kala dambeyn waa arrin haboon in lugu dhaqaaqo.
Hase ahaatee haddii dowladaasi tiraahdo waxaan dan iigu jirin baan daba
ordayaa waqtigana ku dhimanayaa waa garaad yari heerkii ugu hooseeyey ee la
tirsan karro. Hadaba Dowladdii Kenya lugu soo dhisay shirkii dheerka kadib
waxaa ay doontey ineey meelkasta gasho siddii ay heli laheyd aqoonsi buuxa
iyo kaalmo maaliyeed. Taasi maxuma waana mid la oran karro waxey dan ugu
jirtaa cida dooneysa hormarka Soomaaliya haddiiba ay ka tahay daacad.
Afhayeenka Madaxweynaha dowladda dibad joogta
ah ayaa wareysi uu siiyey Idaacada la hadasha Muqdisho ku sheegay in haddii
dan ugu jirto dowladda u afhayeenka u yahay iney xirriir Israa’iil la
yeelato ay sameynayaan. Taasi macnaheedu waxey tahay in ”Berito ay imaneyso
xirriir noocaas ah” Haddiise uu hadalka sidaas u oran waa loo fasiran karaa.
Su’aasha mudan in la isweydiiyo hadaba waxey
tahay dadka iyo dalka Soomaaliya danta ugu jirta maxey tahay xirriir ay
layeelato maamulka Tele Aviv? Soomaalidu weligeed diin ahaan Islaam baa
lugu tiriyaa xukuumadihii dalka soomaray maalin qura kuma fekerin in dan
nooca kasta ee ay tahay Israa’iil kasoo geli karto ,maxeyse tahay mida
Embagthi ay u aragto hadaaney danno dahsoon jirin?
Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre oo la ogsoon
yahay cilaaqaadka dalalka u arkayey iney maslaxadiisa ku jirto la lahaa
ayaan marna Israa’iilka ka dhigin iney wanaag u heyso ummadda Soomaaliyeed
guud ahaanteed.
Sida oo kale Soomaaliya weligeed Islaanimada
kasokow waxaa jirtay in wax badan oo dhaqan iyo ganacsi ahaan ay wadaageen
dalalka Carabta. Marrna majirin in dalalkaasi ka telin jireen aayaha ummadda
Soomaaliyeed, hadaaney laftoodu qeyb ku laheyn burbirkii baaxadda lahaa ee
ku dhacay Qarankeena.
Ku talinmayo
In Carab Gacmaha Loohoorsado!
Soomaalida waxey horey u tiri “Tiisa daryeela tukale ku dara”,
macnaha waxaa weeye in Carabi halka ay is dhigtay ay iyada iska qaadi karto,
heeryada saaran ee cid saartay aaney jirin. Soomaalida dhankasta liita oo ay
Carabi leedahay wey lawadaagtaa sidaasi daraadeed inta Carabi heerkaas
damiir iyo caqli liita uu jiro Soomaalida wax badan uma qabsoomi doonaan.
Tusaalena waxaa kuugu filan halka Falastiin ku sugan tahay aakhirkiina
hogaamiyihooddii xorrnimada u astaan ahaa isagoo aan helin gobanimadii uu
doonayey geeriyooday. Iyo Ciraaq oo iyadana gacanta ugu jirta gumeystaha
qarniga 21aad. Midnimo dambana aan cabsi looga qabin.
Waqtiga iyo waayaha iney wax ku qaateen bey aheyd Soomaali,
dhibtuse waxey tahay min shacab ilaa maamul iyo madaxweyne waxey u taagan
yihiin dantood moogeyaal, waxey u hanqaltaagan waxaan dani ugu jirin iyo
damaca hogaaamiyaalka oo hadafkoodu ugu weynaa u bur buriyey qaranimadii
Soomaaliya aad heshaan xukun aad ka dhexmuuqatan, laakin ku fashilmay sidey
dowladnimadii ay rideen u soo celin lahaayeen aakhirna ku dhamaatay
sheekadoodi in dalalka danaha kaleh Soomaaliya midba magaalo lageeyo si loo
heshiishiiyeo dadka damacoodu kala geeyey. Mana qabo in dadyowga ay
Islaanimada isku kaaya keentay ka fogaano sababo la xirriira jiritaanka
Diinteena oo halis ah. Maxaa yeelay Carabi iyadoo isku diin ah intooda badan
ayaan hadana wanaag isku ogoleyn [Eegg xurgufta u dhaxeeya, Sacuudiga iyo
Baxreyn, Imaaradka iyo Iiraan!]
Danta
Israa’iil Naga Soogeli karro Maxey Tahay?
Afhayeenka u hadla dowlada KMG ah wareysigii uu bixiyey waxa
uu ku sheegay in albaabkasta garaacayaan haddey u arkaan iney dani ugu jirto.
Hadaba Israa’iil xudduud ma wadaagno sida Axmaaro danta naga ay soo geli
karto ee maxey tahay waxa hadalkan ka dhawaajiyey?
Caasimadaha carbeed uu carabka ku dhiftay in calan Israa’iil leedahay ka dul
ba’abanyo kuwaasi waa dad xudduudo wadaaga Sida Masar Suuriya, Ciraaq Jordan
iyo dalalkale. Taariikhda inta la ogsoon yahay tan iyo qanrigii tagay Carab
iyo Israa’iil waxaa u dhaxeeyey muran xag dhuleed waqtigan aanu joognana
murankaasi waa halkiisi sidaas aawadeed arrimo badan oo Carabi u aragto in
Amnigeeda ku jiro ayaa keentay in xirriir la yeelato, Soomalise maxey tahay
dhulka xudduud ahaaneed iyo mid diimeed ay lawadaagi karrto? Jawaabta
afhayeenkaas iyo intii la fikir ah baan u dayeey. Midse yaan la iska indho
tirrin arintani waxaa dabada ka riixaya Itoobiya oo iyadu ah dalka keliya ee
xirriir toos ah la leh Israa’iil, sidaas awgeed kuhamiyeysa in wax badan oo
Soomaaliya ay ka dooneyso u hagaagan. Tusaale waxaad u soo qaadan kartaa
shirkii sadex geesoodka ahaa dhawaan lugu soo gabagabeeyey magaalada Sanca
ee dalka Yamnen in Soomaliya ay taariikhda markii ugu horeysay goob joog ka
aheyd islamarkaasina la aqbalay xubinimadeeda ku aadan ku biirista ururkaasi
ku midowbey sidey iskaga difaaci lahaayeen Ereteeraya oo iyada dalalkaasi
muran xagga dhulka ah ka dhaxeeyo.
Dowladan dagaal oogeyaalka ah iyo “damiirqabayaalka”
Baarlamaanka kujira waxaa haboon iney ka fiirsadaan waxa keeni kara in
Qaranimadeena loolanka loogu jiro sidii loo ciribtiri lahaa lunto. Haddii
dowladan sida maanta la ogsoonayahay xubnaheeda ku jira heerka ay
Soomaalinimada ka joogaan ku dhaqaaqdo iney Israa’iil iyo Itoobiya miciin
bidaan waxey noqoneysaa dhamaadkii magac Soomaali, waxaana maalin maalmaha
kamid ah la isweydiin doona in Soomaaliya berri ku ooli jirtay Geeska Afrika,
sida maanta la isku weydiinayo dhulalka ka maqan Carabta deriska la ah
Israa’iil.
Ikraam Cali-kaar
ikraam_k@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Jan 17, 2005
 MADAXWEYNUHU
WAA DIBAD JOOGE WAANA BAASABOOR LA’AAN
Faalladii Isniinta Faahad Yaasiin...
Guji...
AKHRI BOGGA MAQAALDA:
www.somalitalk.com/maqaallo
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|