SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa difaaci doona maandeq!!!?

Difaacu waa shayga ugu muhiimsan oo ay leedahay umad leh dall,dowlada, sharci iyo asataan qaran oo lagu aqoonsado, wuxuuna ka mid yahay waxyaabaha ugu waaweyn oo lagu qiimeeyo dall kasta iyo dadd kasta, hadii uu san jirin waxyaabahaas aan kor ku soo sheegnay uu san imaan karin wax la yiraahdo difaac mudana in lays weydiiyo waqiyadaan oo kale.

Maan deeq waa hal geel ah oo ka qurux badan geela intiisa kale xaga midabka, qoodha, hilbaha iyo caanaha, waana hal si weyn loo jeclaa inuu lahaado qof kasta oo reer mii ah, hasha tilmaantaa iyo wax ka sii badanba leh ayey soomaalidu ku mii thaalisaa dowladnimadeeda.

Oraahdaan yaa difaaci doona maandeeq badanaa waxaa adeegsada marka odayaasha geel jirka ah ee iska lehgeela ay ka baqaan xiliyada colaadaha ama ay degaan dhul dugaagu uu ku badan yahay oo ay ka tagaan wiilashii raaci jiray geela galaana magaalooyinka ama intay aadaan meelaha ka jira dagaal beeleedka dabadeedna ay ku soo haraan halkaas iyo waxaa kaloo jira kuwo ay lka layso cudur iyo gaajo daran dabadeedna odaygii iyo xaaskiisa ay u soo haraan geela.

Tan iyo markii uu burburay maamulkii dalka waxaa jira isbedelo fara badan oo ka dhacay dunida inteeda kale, is bedeladaas waxaa ka mid ah horumarka dhinaca dhaqaallaha, wax-barashada, ganacsiga iyo siyaasada.

Dowladaha deriska anyu nahay ayaa mudadii 14 sano waxaa ka dhacay is-bedell xaga mas'uuliyiinta ugu sareysa sida itoobiya waxaa ka dhacay is-bedell weyn oo xaga isku duubninada weyna kala qaybsantay waxayna doonaysaa in soomaaliya ay kala qaybsanto sida iyada oo kale, waxaa keloo jira waxaa isku bedelay 3 madaxweyne iyo hal ra'iisul wasaare, sidoo kale waxaa soomaalida zoonka shanaad la siiyey is maamul goboleed hoose, jabuutina

waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne, dalka kiiniya isaguna waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne taasina waa lagu guulaystey in kii hore lla bedelo, sidoo kale weli waxaan ku dhex jirnaa meelaha soomaalidu sida khaaska ah ay u xiisayso waxaana ka mid ah dalka maraykanka isna waxaa ka dhacay doorashadii shanaad oo dhinaca madaxweynaha ah iyaduna waxaa ku guulaystay labadii ugu danbeysay bushka yar halka soomaalidu intaas ay is dilaysay iyadoo isku haysata qabashada mas’uuliyada ugu sareysa, taasoo ay ku burburtay hantidii qaranka, nidaamkii , kala danbeytii iyo sharaftii ay lahayd soomaalidu oo uu gacanta ku hayn jiray taliskii militeriga.

Taliskaan meliteriga waxaa maamuli jiray saraakiil tababar kala duwan leh in kastoo qaar ka mid ahlagu toogtay xiligii dagaalkii soo baxaydii 1978dii intii soo hartayna kuwa ugu badan waxaa laga dhigay shibil sida ay qoreen khabiiro soomaaliyeed, waxaase laga reebey kuwo yar oo fara ku tiris ah marka loo fiiriyo fara badnaantii ay qabeen.

Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed waxay lahaayeen qaybo kala duwan sida 21,26,27.54,60,77 iyo sedax saldhig oo waaweyn, tiro ahaana waxay ahaayeen kuwo ku filan geeska afrika xaga khibrada iyo tayada awoodooda dagaall waloow ay u badanaayeen dhalin yaro reer mii ah waxaana yaraa aqoontooda diinta iyo tan maadiga balse waxay ka sinaayeen difaaca dalka , dadka iyo diinta cadaawad kala dhaxaysey soomaaliya iyo itoobiya darteed.

Taasina waxay keentay in ciidamada aqoon la’aantooda ay ka faa’iidaystaan saraakiil aqon gurucan leh kuwaa soo si fudud ku hantay mooralkii ciidanka iyagoo adeegsanaya farsamooyin ay ka mid tahay qabiilka, dhaqaalo ay ka helayeen ganacsato waaweyn oo soomaaliyeed iyo taageero shisheeye qarsoonaa, taasina waxay dhalisay in ciidamadii ay ku soo jeestaan dalkii iyo dadkii halkaasna ay ku kala jabaan awoodii ciidanka kadibana iyaga gudahooda laysu adeegsado iyagoo kala u kala saftay kuwo difaacaya maamulka iyo kuwo kusoo duulay waxaana meesha ka baxay awoodii iyo isku duubnidii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo sharaftoodii.

Hadii aan si foojigan u eegno shirka dibu heshiisiinta soomaalida oo hada lugaha la siigeley sanadkii sadexaad ayaa waxaa hada inoo muuqda marka hore in la dhisay baarlamaan iyo gudoomiyihiisa iyo gudiyadiisa, waxaa ku xigay doorashadii madaxweynaha.

Madaxweynuhna isna wuxuu magacaabay ra’iisul wasaare waxaa dhacaday in ra’iisul wasaaruhu uu soo dhiso dowladiisii intii uu soo dhisayey waxaana ka dhacay waqtiigii intii wada tashiga uu ku jiray taasoo ay ku qabsadeen isagoo weli aan helin codkii kal soonida kadibna baarlamaanku uu cod u qaaday sidaasna ay ku ogolaadeen 153 xildhibaan in la rido dowlada.

Madaxweyne C/llaahi yuusuf ayaa arinkii ay isku haysteen baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha soo kala dhexgalay kadibana sida cidaacaduhu ay aan ka maqalnay madaxweyne C/llaahi yuusuf wuxuu mudo afar iyo labaatan saac gudahood ku magacaabay markii uu ogolaaday in dowladu ay dhacday ra’iisul wasaarihii hore ee Prof; cali maxamed geedi.

Ridida dowlada Prof; geedi ayaa dadka qaar waxay qabaan in digniin ay u tahay madaxweyne C/llaahi yuusuf, halka baalamaanku ay ku sheegeen inuu sameeyey tijaabo xaga awooda ah,. Waxaa kale dadka qaar ay carabka ku adkaynayaan in hadii ra’iisul wasaaraha codka la siiyo keligiisa u codaynta dowlada uu soo dhisayo aysan wax micna ah samaynaynin waxayna ku sababeynayaan ra’iisull wasaaraha iyo dowladiisa waxaa muhiimsan isaga mar hadii isaga la aqoonsadana dhisida dowladana ay ku adkaandoonto aqbalideeda qaabka loo aqbalayo halka dadka qaar ay is weydiinayaan hadii uu ku guulaysto raysul wasaaraha dhismaha dowlada, goormuu soo dhisidoo safiirada qabiilka!? Maxayse noqondoontaa qaabka loo soo xuli doono? Ma kuwo aqoon u leh bay noqondoonaan safiirnimadooda? Mise kuwii hore ayaa sii joogi doona? Ayaguse 4.5 ma ku joogaan hada? Hadiise la raaco 4.5ka maxaa dhib ah ayaa imaan kara!!? Runtii waa su’aalo adag mudanse in soomaalaidu ay isla garato danteeda guud iya tan gaarka ah.

Dhinaca kale markii lagu dhawaaqay inuu dhamaaday wada hadaladii shirkii dibu’heshiisiinta ayaa waxaa soo if-baxay dilall loo geysanayo saraakiishii ciidamada xooga dalka iyo aqoon yahano kale oo ka mid ah soomaalida eek u sugan magaalada muqdisho, taasoo dadku ay ka bixinayaan warar kala duwan sida waxaa ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa lagu shegay inay u shaqaynayeen hay’adaha UNka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala dalka iyagoo kula shaqaynayey si dadban,halka kuwo kale ay ku sheegayaan in qaar ka mid beelaha soomaalida saraakiishoodii ay ku baaba’een dagaaladii sokeeye marka si ciidamada marka la dhisayo oo laga yaabo 4.5ka in lagu dhiso marka si aan looga sarkaal badin ama xaga darajada,dadka qaar ayaa waxay isla dhex-marayaan waa yaab lama garanayo cida ka danbeysa falkaan waxash-nimada ah waxayse ka walwalsan yihiin inuu falkaan keeni doono dagaal gacan kahadal ah oo ka daran kii 14 sano la soo maray mid ka daran.

Dadka qaar ayaa waxay tibaaxayaan in maraca dowladu ay gaarto xiliga dhismaha maamul goboleedyada ay keeni doonaan dagaalo beelaha wada degan deegaaanka iyo kuwa beeha dhexdeeda, taasoo laga yaabo in laysku qabsado dhismaha madaxweyne goboleedka,wasiiro goboleedyada iyo baarlamaanka sida look ala mudnaan helidoono runtii waa dhismo dhib badan

Astaamaheedna waxaa ka mid ah dagaalada ka soo cusboonaadey sool iyo sanaag iwm halka magaalo madaxda jubada hoose ee kismaayo oo si dadban dagaal ugu soo foolanaysa.

Magaalada muqdisho ayaa dadku waxay ku sheegayaan inay lumisay kalsoonidii DFKGM maadaama ay noqotay magaaladii ugu horaysay oo fal denbiyeed ka gasha saraakiisha ciidanka iyo aqoon yahanadii mustaqbalka difaaci lahaa dalka iyada dhexdeeda taasoo ilaa iyo hada aan muuqan calaamado looga hortegi karo arimahaas siina siyaadaysa cabsidii maalinba maalinta ka danbaysa, waxaana jira hadal hayn isasoo taraysa oo ah in dalka ay ku soo fool leeyihiin ciidamo shisheeye oo ay ugu horeeyaan dowladaha deriska oo hub ka dhigis ku sameeya maleeshiyooyinka soomaalida, kadiban iyagii dib loo tababaro taasina ma muuqato, shacabka soomaaliyeed waxaa uu muujinayaa dareen fara badan oo ku aadan dhinaca ciidamada shisheeye.

Hadii aan u soo daadegno dulucda maqaalkeena oo ahayd YAA DIFAACI DOONA MAANDEEQ!!!? Inta aynaan ka jawaabin waxaa jira shirar kala duwan oo ka kala dhacay dalka jarmalka, ithoobiya iyo kiiniya oo dhamaantoodba ay ka mid yihiin sidii soomaalida hal weji loogu samayn lahaa , hadii aan ka jawaabno su’aasheenii ayaa waxay tahay lama hayo sababtoo ah ciidankii difaaci lahaa oo dhamaantood ku kal biiray beelahoodii, saraakiishii oo noqotay qaar soo hogaamiya ciidamada shisheeye, qaarna ay nooqdeen kuwo hawl-gab ah halka kuwa kale ay ku dhinteen ugaarsi iyo dhimasho caadi ah, waxaana qarnigaan 21aad la kowsaday in qaran dhisan la burburiyo kadibna la yiraahdo waxaan idiin dhisaynaa dowlad ka fiican, tusaalena waxaana inoogu filan Af-gaanistaan iyo Ciraaq welina aan la soo af-jarin barnaamijkooda kuwii horboodayeyna arimahaasna manta way eedeen guntii iyo gababgebadii shacabka soo maaliyeedoow manta ma is weydiisay su’aashaan YAA DIFAACI DOONA MAANDEEQ!!!?,hadaadan is weydiin gooray ahaataba waa laysweydiin doonaa ee maa lays daba qabto.

W/Q: Maxamed Mcalin Cismaan(Allman)
Emeil:
fatxumaalik@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Jan 17, 2005

MADAXWEYNUHU WAA DIBAD JOOGE WAANA BAASABOOR LA’AAN  
Faalladii Isniinta Faahad Yaasiin...
Guji...  

AKHRI BOGGA MAQAALDA: www.somalitalk.com/maqaallo

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD