SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Na soo tarxiila bal aan is aragnee kuwa dawlad la’aan na dhigay iyo annaga 

Dhowaan waxaa la filayaa dad Soomaaliyeed oo badan in  laga soo tarxiili doono  dibadaha gaar ahaan galbeedka.  Dalalkaas oo ku faani jirey inay yihiin dad aqoon leh oo xuquuqal insaanka ilaaliya oo demoqraadiyadda iyo freedomka dunida ku fidinaya.  Sheegan jirey inay cadaaladda ku dheereeyaan boorin jirey in dadka kala dhaqanka ah ama kala diinta ah ama kala midabka ah wada jir iyo deris wanaag u wada noolaan karaan ayaa bilaabaya inay Soomaalida soo tarxiilaan. 

Marka koowaad In Soomaalida la soo tarxiilo wax xun maahan.  Dhabtii waa fiican tahay waayo wadankooda ayey wax u tarayaan.  Ilbaxnimada ay ka soo barteen dunidana waa loo baahan yahaya inay ku soo celiyaan.  Soomaaliyana waa u baahan tahay waayo waa dad ilbaxnimo soo kororsaday ugu yaraan waxay soo barteen 4 tan arrin, laakiin intan kuma koobna

1)      In haddii meel wax laga rabo sida loo soo kala horeeyey saf loo galo ee aan la is ku dur durin sidii xoolahii (somaalida).  Saf u gelidda basaska, bangiyada, meelaga tikidhada laga goosto.

2)      In aan lagu qoslin qof haddii uu xubin la’ yahay ama aan loogu yeerin xubinta uu la’yahay sida ilay, lugay, gacamay, afweyne, afey, af qalooc, san go iwm

3)      Wadaninimada.  Qofku inuu jeclaado dalkiis oo uu daacad u noqdo ama uusan u ogolaan jabhado ama mucaarad xun ah inay wadanka burburiyaan ama xataa nafta loo huro oo aan la ogolaan musuq maasuq.  Waxaa la dhihi karaa wadaninimada waa shayga ugu muhiimsan ee dibadda laga soo barto waayo qurbo joogta waa la ciilaa ilaa la dhadhansiiyo qiimaha dhulka iyo dawladnimo iyo shacabkiisa.

4)      In wada hadal xal lagu gaari karo xal sidoo kale sabir ama isu tanaasul.  Qabiilna uusan run ahayn ee uu yahay dhaan dabangaalle iyo waxba kama jiraan. Haddii dawladdu xumaato aan qori  la qaadan ee caqli lagu rido.  In la wada noolaan karo ayadoo fikradaha la isku diidan yahay “accept the differece” iwm.   

Maraykanka oo keliya waxaa laga soo wadaa ilaa 8,000 oo qof oo Soomaali ah waxaana ay ku dhawaaqayaan “haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo- waana lama huraanee hagar li’i wax ugu qabo waana lama huraanee hagar li i wax ugu qabo”  

Dadka qaar waxay ba aaminsan yihiin in Soomaalida oo dhan xataa kuwa gudaha jooga in mar dibadda loo diro  oo qaxooti laga dhigo si ay u bartaan macnaha dawladda iyo nidaamka iyo wadaninimada.  Meelaha lagu barto qiimaha qaranimada waxaa ka mid ah Kenya oo ay ka socoto leeta beesa kitanbulusha.  Waxaa kale oo ay soo barteen habka xukuumadaha loo dhiso ama ayadoo aan qori la qaadan loo saxo dawladda haddii ay qaldanto. 

Dadka la soo tarxiilayo qaarkood ayaaba ciil u qaba jabhadihii riday dawladdii Soomaaliya ee u danbaysay sida SSDF USC SNM SPM iyo warlordska  waxa kala qabsada hala dhowro.  Dadkaasi waxay aaminsan yihiin in haddii aanay jabhadahaan ahayn iyo warlordska Soomaaliya aanay sidan u silicdeen

hassan warankulule
warankulule@yahoo.com

  Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Jan 18, 2005

MADAXWEYNUHU WAA DIBAD JOOGE WAANA BAASABOOR LA’AAN  
Faalladii Isniinta Faahad Yaasiin...
Guji...  

AKHRI BOGGA MAQAALDA: www.somalitalk.com/maqaallo

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD