SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Maanta:: Jan 18

  • Dagaal culus oo maanta dhexmaray labo maleeshiyo oo kusugan gobolka galgaduud.
  • Dagaal ka Dhacay Xiin Dawaco, Mudug
  • Aagga Ceerigaabo: Dagaal ka bilowday Qaad oo ay Ku Dhinteen 17-qof
  • Baaq Nabadeed ka soo baxay Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda Kuwait ee ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd
  • Baaq Nabadeed ka yimid UK oo Ku socda gobalka Sanaag Bari

Dagaal culus oo maanta dhexmaray labo maleeshiyo oo kusugan gobolka galgaduud.

galgaduud  (somalitalk)
talaado,18/01/05

Waxaa maanta labiyo tobankii  duhurnimo uu dagaal culus dhexmaray labo maleeshi oo hubaysan oo wada daga tuulo lagumagacaabo mire cowleed oo dhowr iyo afartan km, kaga aadan dhinca dagmada cadaado oo ka tirsan gobolka galgaduud, dagaalkan maanta dhacay ayaa waxaa ku geeriyootay sida aan wararka kuhelyano labo qof halka ay dhowr iyo labaatanna ku dhaawacantay, ayadoo dhaawacana  18-kamida lagu dawaynayo isbitalka dagmada cadaado halka qaar kalana lafilayo in goor dhow la keeno isbital ku yaala kofurta magaalada galkacyo ee xaafada baraxlay.

Dagaalka maanta dhacay ayaa waxaa ka horeeyay mid isna labo casho kahor dhexmaray labadamaleeshiyo ayadoo aan lashaacin cidda wax ku noqotay dagaalkaas, maaha markii ugu horaysay oo beelahan uu dagaal dhexmaro ayadoo ay in mudo ahaydba ay ku dagaalamayeen gobolada mudug iyo galgaduud waxaana jiray dadaalo dhowra oo ay wadeen odoyaal iyo wax garad ka kala socda ladada beelood ee sacad iyo saleeebaan waana ay ku guulaysan waayeen in ay soo afjaraan colaadau dhexaysa beelahooda.

Sidoo kale waxaa jiray odoyaasaha, waxgaradka, culumaa udiinka beelaha hawiye in ay wadeen dadaalo kala duwan oo ay rabeen in ay kaga qayb qaataan soo afmeeridda colaadan dabada dheeraatay ee u dhexaysa sacad iyo saleebaan oo ah beel wada dhalatay,  nabadayntii ay in muda ahba wadeen beelaha sacad iyo saleebaan waxaana lagu dilay qaar kamida ergo isugu jirtay labada dhinac ee sacad iyo slaeebaan ayadoo ladilay gudoomiyihii dagmada cadaado Maxamuud Maxamed Suulay iyo xubnokale halka la dhawacay culumadii qaarkamida, arintan ayaa yaab ku dhalisay dhamaan beelaha soomaaliyeed, waxaana ka dib soo dhexgalay guud ahan beelaha hawiye oo haatan uu ka mid yahay Sh. Xasan Dahir Aways oo ka mida culimada doonaysay maal mahanba in ay soo gabagabayso colaada beelahan. ayadoo ay haatanna qaar kamida ay wali ku suganyihiin deegaankauu dagaalku ka dhacayo ayaa hadana uu socdaa dagaalka labada maleeshiyo.

sahrosiglan@hotmail.com


Dagaal ka Dhacay Xiin Dawaco:::

Wararka kale ee ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegay in meesha lagu magcaabo Xiindawaco oo ka tirsan gobolka Mudug ay maalintii shalay ahayd ku dhinteen 16 qof, ayna ku dhawacmeen 23 qof kaddib markii halkaas uu dagaal ku dhex maray labada beelood ee walaalaha ah Sacda iyo Saleebaan.


Aagga Ceerigaabo: Dagaal ka bilowday Qaad oo ay Ku Dhinteen 17-qof

Wararka ka imanaya aagga Ceerigaabo ayaa sheegay in ay aagaas ku dhinteen 17 qof, ayna ku dhaawacmeen ilaa tiro lagu qiyaasay dhawr dersin. Dagaalkaas ayaa lagu soo waramay in uu ka bilowday kaddib markii woqooyiga Ceerigaabo lagu diley nin ganacsade Qaad ah, kaddibna uu dagaalkii sidaas ugu faafay tuulooyinka aagaas ku yaal, tiradaas kor ku xusan oo dadka ahna ay dhinteen. Hay'da Reuters oo warkaas werineysey waxa ay tiri: "Waxaa dagaalku ka bilowday dilkii nin ka ganacsada Qaadka, Qaadka oo ah geedka xaraaradda kiciya ee ay Soomaalidu Calashadaan."


BAAQ NABADEED
 

Ku: Dhammaan Isimada iyo Sama ka Taliska kale ee Puntland
Ku: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland
Ku: Madaxweyne ku Xigeenka Maamul Goboleedka Puntland
Ku: Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland
 
Annaga oo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda Kuwait ee ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd kana wakiil ah jaaliyadda SSH Kuwait {Warsangeli iyo Dhulbahante}  waxaanu aad uga xunnahay oo ka tiiraanyoonaynaa dhiilada ka dhex dhacday labada beelood ee walaalaha ah ee Dhulbahante iyo Warsangeli. Waxaanu dhammaan Isimada iyo odayaasha iyo madaxda BAAQANI sida tooska ah ugu socdo ka codsanaynaa inay si deg deg ah u dhex galaan walaalaha waxyeeladu kala gaadhay si tolnimo ahna u kala badbaadiyaan wixii xaq ah ee ay isku yeeshaana si cadaalad ah ugu kala qaadaan.
 
Dhiiladani waxay dhacday waqti colaad uu sababay Maamulka Hargeysa ee Isaaqland ka taagantahay Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd ee Puntland.Labada beelood ee walaalaha ah ee dhiiladani ka dhex dhacday waa inay gartaan khatarta uu ku hayo Maamulka Hargeysa ee goonni u goosadka ahi kana feejignaadaan in maamulkaasi ka faa'iidaysto dhibaatadan hadda dhacday.Sidaas awgeed waa in si deg deg ah loo xalliyaa meella looga soo wada jeestaa Maamulka Hargeysa ee Soomaalidiidka ah.
 
Annagoo Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka iyo Goddoomiyaha Barlamaanka ee Maamul Goboleedka Puntland ugu hambalyeynayna jagooyinka loo doortay Ilaahayna ka baryeyna inuu xilalka la saaray u fududeeyo, waxaanu ka codsanaynaa inay dhibaatadan dhacday kaalin dawladnimo ka qaataan iyagoo kaashanaya Isimada, Culumaau'diinka iyo waxgaradka kale ee beelaha Puntland.
 
Guddiga Fulinta ee SSH Kuwait:

1. Saalax Shire Saalax......................................Guddoomiye ...
2. Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}...................Xubin.........
3. Cali Maxamuud Cali Bayr...................................Xubin.........
4. Axmed Maxamed Cali  {Qodax}.........................Xubin.........
5. Siciid Ismaaciil Himbool......................................Xubin.........  
6. Maxamed Xirsi Muuse......................................Xubin..........
7. Cabdullaahi Sheekh Maxamuud...........................Xubin.........               
8. Cabdullaahi Maxamed Aadan {Dhoolawaa}............Xubin.........   
9. Naasir Sheekh Saalax.......................................Xubin.......                       
10. Maxamuud Ismaaciil Nuur.................................Xubin......                     
11.Yuusuf Xaaji Samatar......................................Xubin.......                     
12.Faarax Cabdi Gaas..........................................Xubin......                        
13.Maxamed Faarax Abyan..................................Xubin.......                    
14.Maxamed Ciise  Muuse....................................Xubin......                      

Kala xidhiidh:

Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
ahmedtabaatiig@yahoo.com

 


Baaq Nabadeed Ku socda gobalka Sanaag Bari

Baaq :- Anagoo ku hadlayna magaca jaaliyada beesha Bariga Sanaag ee Scotland (UK) waxaanu aad uga xunahay dilalka iyo afduubka ka socda degaanada Sanaag kaas oo sababay dilal macno dari ah iyo weliba dhaawacyo sababi karana barakac.

Waxaanu usoo jeedinaynaa aqoonayanada, duubabka, culima awdiinka iyo wax garadka labada beeloodba inay ka hortagaan dagaalada macni darida ku socda waayo balaayo hor la qabto ayay lee dahay laakiin dabo la qabto malaha.

Maadama aynu naahay beelo walaalo dhiiga islaamkuna xaaran inaga yahay waxa haboon in la joojiyo lagana hortago wax ala wixii keeni kara isku dhac waxaanu ka rajaynaynaa qol yaha saxaafadu arinka inaanay siyaasadayn sida radiolaascaanood oo ku tilmaamay mashruuc laga soo qaatay Daahir Riyaale waxaanuna uga digaynaynaa arinka inaan lagu shaacin websiteka wax aan la hubin keeni karana falqalado abuuri karana colaad aan wanaagsanayn

Waxaanu mar labaad idiinku baaqaynaa in la dhowro deris wanaaga iyo xasiloonida soo jireenka ah lagana fogaado wixii keeni kara isku dhac danbe arinkana lagu dhameeyo wada hadal siday ahaan jirtay. Waxaa bayaanka soo qoray

  • Siciid daahir
  • C\salaan maxamed ciise
  • C\raxmaan maxamuud dhoore c\star
  • Axmed maxamed muuse
  • Maxamuud cabdi shirwac
  • Maxamed cumar ciise

Kala xiriiri: cabdirahmaan dhoore  cdhoore@yahoo.com


»Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka.... [Warbixintii Qodax & Kaahiye]

Soomaalida Norway oo Lagu Eedeeyey Dhaqan Xumo...
» Soomaalida Norway oo Lagu eedeeyey Dad-dilmo
» Saxaafada Norway iyo ka hadalkooda Soomaalida..
Warka oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Jan 18

Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho
»Muqdisho: Xarunta Ra'iisul wasaaraha & Baarlamaanka
»Marrunbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?
»Cadde Muuse oo Kedis ku Tegey Deegaanka Adhi cadeeye
»Wafti oo la socdo Maxwell oo Booqday Soomaaliya
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji... Jan 17

Faafin: Somalitalk.com | Jan 18, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD