SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Prof:Geddi oo Dalka Talyaaniga ka raali galiyay soo saaridii lafahii ka haray maydadkii talyaaniga.
  • C/llaahi yuusuf oo xalay booqday qubuurihii ciidamadii talyaaniga uga dhintay dagaalkii labaad ee Aduunka oo ku xabaalan Nyeri oo 200km u jirta Nairobi.
  • Maxaa ka hortaagan Doowlada Soomaaliya in ay ku noqoto Dalkeeda?  Hadiise ay ku noqoto Maxaa uga Horeeya Gudaha Dalka Soomaaliya, 
  • Canbaareyn: Burburinta Qabuuraha Talyaaniga ayaa Soomaalida u keeni karta Cadaawad Shisheeye by Dahabo Dowlo

Prof:Geddi oo Dalka Talyaaniga ka raali galiyay soo saaridii lafahii ka haray maydadkii talyaaniga.

 
C/llaahi yuusuf oo xalay booqday qubuurihii ciidamadii talyaaniga uga dhintay dagaalkii labaad ee Aduunka oo ku xabaalan Nyeri oo 200km u jirta Nairobi.

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk.com Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 22, 2005

 
Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediRa'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta shir jaraa'id ku qabtay hotelka Grand Regency ee magaalada Nairobi waxa uu ka hadlay dhawaan dhacdadii ka dhacday caasimada soomaaliya ee Mogadishu laguna soo saaray lafihii dadkii talyaaniga ahaa ee ku xabaalnaa meel ka mid ah xamar,waxa uu ugu horeyn sheegay in uu ka xun yahay falkaas uguna tacsiyaynayo dowladda iyo shacabka talyaaniga arrintan naxdinta leh.
 
Waxa uu wasiirku cadeeyay sida uu hadalka u dhigay in aysan dowladiisa gacanta ka laaban doonin falalkaas carqaladayn kara xiriirka ka dhexeeya dowladiisa iyo dowladda talyaaniga oo ay wadaan dad raba in ay fashiliyaan xiriirka labada dal ay lahaayeen mudo aad u fog oo hadana ay dowladdaasi tahay mid leh xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.
 
Ra'iisul wasaaraha waxa xusay gargaarkii ay u fidisay dowladda talyaaniga boqolaal tahriibayaal ah oo ku maanshoobay xeebaha talyaaniga ayna u samaysay xabaalid heer qaran ah,taas oo ah mid aysan shacabka soomaaliyeed marna iloobi doonin dadaalkaas dowladdiisana ay aqoonsan tahay.
 
Waxa uu sheegay in Xiriirka ka dhexeeya labada dowladdood uusan ahayn mid sidaas ku go'i kara uuna yahay mid kaalin  ka gaysatay dowladiisan iyagoo kulan qaas ah la yeeshay mas'uuliyiinta dowladda talyaaniga ee ku sugan dalka Kenya kana raali galiyay arrintan.
 
Dadkii ka dambeeyay mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay in ay yihiin maliishaad aan cidna ka amar qaadanin,waxaana ka hadlayay arrintan waxgarad,culumaa'udiin iyo siyaasiyiin ku sugan caasimada somaliya ee xamar oo ah halka uu ka dhacay falkan dhamaantoodna waxay wadaan dadaal ay ku baadi goobayaan dambiilayasha arrintan ku kacay.
 
Somali President Abdullahi Yusuf AhmedCali Maxamad Gedi waxa uu intaas ku daray in dowladiisa dadaalka awgiis uu ugu mahadcelinayo talaabadii uu qaaday Madaxweynaha DFKMG ah C/llaahi Yuusuf Axmad oo xalay booqday Qubuuraha Ciidamadii talyaaniga oo ku naf waayay dagaalkii labaad ee Aduunka oo ku xabaalan Magaalada Nyeri oo laba boqol kiilo mitir ku jirta magaalada Nairbi(200km) si uu  dowladda talyaaniga ugu muujiyo sida dowladiisa ugu xun tahay fal dambiyeedkaas.
 
Ugu dambayntii waxa uu wasiirka xusay dadkaas ay ku xabaalan yihiin dhul ay milkiyad u leeyihiin oo u sharciyaysan,xukuumaduna ay dadaal wayn ku bixin doonto sidii sharciga u hor keeni lahayd kuwa ka dambeeyay soo saarida lafihii maydadkii talyaaniga ee ku xabaalan somaliya.
 
Mar wax laga waydiiyay waxa ay arrintan u buunbuuniyaan iyadoo dhibaatooyin badan ay ka dhacaan somaliya daafaheeda, waxa uu ku tilmaamay in arrintani tahay mid qaran oo saamayn wayn ku reebi karta xiririrka labada dal ee soo dhisnaa qarniyaal,ka hadalkeedana waa wax  loo baahan yahay.
 
Todobaadkii hore ayay ahayd markii maliishiyaad ay soo saareen lafahaas talyaaniga,iyagoo rabay in ay dhistaan dhulka ay ku xabaalan yihiin,waxa ayna maliishaadkaas dad ku dhaw sheegeen in loo diyaarinayo meelo kale oo lagu xabaalo mayadadkaas,mayadadkan waxaa horay looga soo raray masaajidka isbahaysiga meel u dhaw waxaaana loo soo wareejiyay meel u dhaw xaafadda heliwaa(huriwaa)ee magaalada Mogadisho ahna halkan hadda laga sii saaray.
 
Arrintan waxaa horay loogu eedeeyay in ay ka dambeeyeen maxaakiibta islaamiga ah sida ay sheegeen illo aan rasmi ahayn,laakiin mas'uul u hadlayay maxaakimta islaamiga ah ayaa iska fogeeyay eedayntan kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayd oo la damacsan yahay in meel looga dhaco sumcadda islaamka iyo shaqada maxaakimta u hayaan shacabka soomaliyeed.
 
Ugu dambayntii arrintan waa mid ay baryahaan ka jirtay xiisad sare iyo hadal hayn badan oo ku aadan qubuurahas la soo saaray,iyadoo ay iswaydiinayeen dad badan waxa ka dhalan kara,ka sokow xiriirka dowladda talyaaniga iyo somaliya.

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk.com Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 22, 2005

Warbixinada kale ee la xiriira warkan hoos ka akhri


Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi Sharciga ayaa la horkeenayaa cidii ka danbaysay Fagashada Qabuuraha Talyaaniga

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta waxaa uu ka hadlay Xabaalo la sheegay in lagu fagtay Magaalada Muqdisho Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu ku tilmamay Amuurtaasi Ficil aad u qaldan oo aan wanaagsnayn ahna wax laga xumaado,

Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu si fiican uga faaloda Xiriirkii u dhaxeyay Labada wadan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, Raysulwasaaraha Soomaaliya Waxa uu meesha ka saaray in aysan waxba u dhimayn xiriirka labada Dal dhibaatooyinka ay abuurayaan wax magaradku,

Prof Cali Maxamd Geedi waxa uu ku tilmamay fal dhiilo keene kara amuurta fagashada Qabuuraha waxa u hoosta ka xariiqay rausul wasaaraha Soomaaliya in dhulka Qabuuruhu ku yaalaan ay leedahay Doowlada Talyaanigu,

raysul wasaarahaa Soomaaliya waxa uu shaaciyay in Dadka amuurtaan ka danbayay la hor keeni doono sharciga isagoo intaasi raaciyay in ay hada socdaan kulamo ay leeyihin Maxaakimta Islaamiga ah, Siyaasiyiinta wax garadka,Aqoonyahanka isagoo sheegay in ay dhamaantood ka soo hor jeedaan falkaas argagaxa leh,

dhinaca kalle waxa uu xusay Mudane Cali Maxamed Geedi in dadka Soomaaliyeed ay abaabuli doonaan Bananbaxyo ay amuurtaas uga soo horjeedaan,

Dhinaca kalle Madaxwaynaha Soomaaliya Mudana Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay Boqday Qabuuro ku yaalaWadanka keenya Gaar ahaana Magaalada Nyareoo ay ku aasnaayeen Dad Talyaaniya


Maxaa ka hortaagan Doowlada Soomaaliya in ay ku noqoto Dalkeeda?  Hadiise ay ku noqoto Maxaa uga Horeeya Gudaha Dalka Soomaaliya, 

 

Shacabka Soomaaliyeed ma helin Doowlad ku hagta Nabada Cadaalada iyo Dib u dhiska Dalka Soomaaliya ku dhawaad 14 Sanadood tan& xiligii Dagaalada iyo Colaaduhu ka bilowdeen Dalka Soomaaliya Sanadii 1991dii,

Beesha caalamka ayaa Soomaalida ugu baaqday in ay dib u sooceliyaan nabad kuwada noolaanshii iyadoo Soomaalida loo qabtay shirar badan ,

Shirkii ugu danbeeyay ee Shacabka Soomaaliyeed iskugu yimaadaan waxa uu ahaa kii 15/10/2002 lagu qabtay galbeedka wadanka Kenya ee Eldoret,

Shirkaas mirihii ka soo baxaa waxa ay noqdeen doorashadii Baarlamaanka Soomaalidu madaxwayne ugu doorteen Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed 10/10/2004,

Waxii xiliga ka danbeeyay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu xooga saaray Siyaasada Arimaha Dibada isaga oo safaro ku aaday Wadamo ka tirsan Afrika iyo Aasiya,

Madaxwaynuhu waxaa kaloo uu xooga saaray la xaajoodka Hogaamiyaasha Hubka leh Sida Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid,Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxo, Maxamed Qanyare Afraxm Cusmaan Xasan Cali Caato,Madaxwaynihii isaga Xilka uga Horeeyay Dr C/qaasion Salaad Xasan, Maxam,ed Cumar Xabeeb Maxamed dheere, iyo Hogaamiyaal kalle,

Madaxwaynaha ilaa iyo hada inta la ogyahay lama uusan kulmin Hogaamiyaasha Diinta Soomaalida iyo Ganacsatada oo ah Xoogaga ugu badan ee haya Hubka isla mar ahaantaana heli kara Ciidan iyo Goobo ay ka taliyaan,

Waxaa maalin walba ku dhacaya dhagaha dadwaynaha Soomaaliyeed in ay raali ka yihiin Hogaamiyaasha Siyaasada oo iyagu iminka Xubno ka ah doowlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliyeed taabo galka Xukuumada iyo in ay dib ugu noqoto wadanka Soomaaliya,

Dad badan waxa ay is wadiinayaan hadii Hogaamiyaashii Xukuumada Xubno ka yihiin ayna ogol yihiin in Doowladu ku noqoto deegaamadooda waa maxay Sababta ay doowladu ujoogtaa Dal shisheeye?

Dad kale waxa ay is waydiinayaan ma la aamini karaa Hogaamiyaasha iyadoo maanka lagu hayo Dhibaatooyinkii ay ugaysteenXukuumadii lagu soo dhisay Wadanka Jabuuti ee Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan, Tii Cali Mahdi Maxamed , Jan Cadiidkii isku caleemo Saaray Koofurta Muqdiso,

Colaadihii iyo Dhibaatooyinkii iyaga dhaxdooda ka dilaacay ee Galaaftay Milaayiinta Qofood ee Rayidka ahaa ,

Waxaa xusud mudan in Hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida laga saxiixay Qoraal sheegaya in ay hubkooda ku wareejin doonaan Cidii la doorto taasi wali ma dhicin waxaana soo if baxaya Colaado badan oo u dhaxeeya ragii saxiixay heshiiskaas,

Waxaa kaloo jira arin la is waydiinayo oo ah ha guurtee Doowlada yaa ka horeeya oo uga horeeya Soomaaliya marka ay ka dagto Diyaarada Sida gurigee dagaysa mase Jiraa Hogaamiye u diyaara oo dajin kara meel isagu uu ka taliyo iyo amaan sugan hadii uu jiro se ma la aamini karaa hogaamiyaa o ma ku calool fiyoow yihiin Xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada,

Waxaa kaloo jira kooxo iskood u madax banaan oo iyagu leh hub ayna adagtahay in ay dhiibaan hubkooda hadaba waxaa la is waydiinayaa qaabka loo qancinkaro qaybaha hubka gacan tooda ku jiro

  1. Hogaamiyaasha Diinta oo ay ku jiraan Maxaakimta Islaamiga ah iyo kooxo kalle
  2. Ganacsatada oo ah kooxda kaliya ee heli karta hub nuucyo badan walibana leh deegaamo iyo goobo ay ku ganacsadaan oo aysan iyagu hore u lahayn oo sharcoi daro gacantooda ugu jira halahaadaan rayid ama doowladuye isla markaasna aan iyagu xiligan rabin in ay doowlada ku wareejiyaan hubkooda iyo Degeeamadooda
  3. Hogaamiyihii Xukuumadii Lagu soo dhisay Wadanka Jabuuti Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan oo isagu sheegay 14/101/2004 in uu la shaqaynayo Xukuumada La doortay madaxwaynaheeda ilaa iyo hadana aan laguhayn wax dhib ah oo uu ugaystay Xukuumada,
  4.  
  5. Hogaamiyaasha hada ka mida labada gole ee Doowlada loona aqoonjiray Hogaamiye kooxeedyada laguna yaqaano go aamo dagdaga oo ubadan Colaado& Dagaalo
  6. Dadka caadiga ah oo iyagu waliba u badan dhalin yaro ka soo yaacday Miyaga kuna baraarugay nidaam aan la hayn kalla Danbayn iyo iscisayn balse xaalkoodu yahay waan xoraystay
  7. Waxaa jira Doowladu shisheeye oo toos faraha ugala Jira arimaha Soomaaliya oo leh Afrikaan iyo Carab waxaa kaloo Jira wadamo Yuruba oo lagu eedeeyo Arimaha Soomaliya oo iyagana aysan ka go neen in Soomaaliya Xal loo helo,

Aduun waynaha ayaa marar badan ku celceliyay in Doowladu uguurto Soomaaliya waxna ka qabato amuuraha Amaanka Dalkeeda,

Madaxwaynaha Bartida loo yahay ee Kenya Mo Kipaki ayaa sheegay in Soomaalidu aado wadankeeda ayna xaliyaan dhibka ka jira Soomaaliya,

Xubnaha Baarlamaanka Soomaalida ayaa amuurtan isku qilaafsan oo iyagu qaarkood qaba in doowladu marka hore damaanad qaado Amaankeeda,

 

Walaac xoogan ayeey ka muujinayaan Dadka Soomaaliyeed ee ku dayacan Daafaha Dunida Doowladooda oo aan wali ka hadlin dhibaatooyinka ku haysta Goobha ay ku suganyihiin Ciidanada Ajnabiga ah ee la doonayo in la geeyo Soomaaliya Wali iskama Raacsana Aduunku mida kale Waxaa wali Maanka lagu hayaa Dhibaatooyinkii ay la kulmeen Ciidamii Ameerikaanku horkacayay ee Gaaray Soomaaliya iyo Cawaaqib Xumadii ay la kulmeen iyo Khasaarihii ay ugaysteen Bulsho waynta Soomaaliyeed,

 

Dad badan waxa ay is waydiinayaan Ciidamada Soomaaliya la gaynaya wadankee laga keenya  Tusaalle Ahaan Itoobiyaiyo Wadanka Soomaaliya waxaa hore uga dhaxeeyay Colaad intii Soomaaliya burburka ka jirayna dhoor goor ayeey Itoobiyaanku galeen Dalka Soomaaliya,

 

 Ma waxaa laga keenaa Ciidamada Wadanka Kenya ee Marti galiyay Shirkii Guusha ee Soomaalidu ku dhisteen  Doowladadhinaca kale waxaa jira wadamo carbeed oo wadamada Afrikaanka ah kula jira loonka Soomaalida wadanka Yaman oo isaga dalkiisa lagu qabtay xili shir soomaaliyeed ayaa ku doodaya in Soomaaliya Tahay Wadan Caraba Hadana Muslinaoo isagu raba in aan marna looga awood badan gudaha Dalka Soomaaliya Yugaandha oo ah wadanka Haya Gudoonka Ururgoboleedka IGAD ahna Dal Soomaalida ay Saaxiib Yihiin Isagu waxa uuba ku yaboohay mar hore Ciidamoisaga oo leh waa in Soomaaliya loo helaa Nabad Waarta hadaba  doowlada Soomaaliya waxaa lo dhisay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka Dalkeeda ee looma dhisin in ay Magan u noqoto Wadamo Shisheeye,

Doowlada waa in ay Sii wadaa ayeey leeyihiin Soomaalidu Dadaalka ay ku doonayso in ay ku gaarto Gudaha Dalka Soomaaliya,

 

Dadka Soomaaliyeed waxa ay Maanka ku hayaan Dhibatooyinka ay la kulmi karto doowladu marka ay Soomaaliya Gaarto hadana waxa ay leeyihiin waa in La sabraa lana aado Soomaaliya,

 

 Soomaalida oo Muujinaysa sida ay uga go antahay in ay Helaan Doowlad Qaran

Dadka Soomaaliyeed waxa ay maanka ku hayaan in aysan Jirin Cid uga horaysa Doowlada Gudaha Soomaaliya waa Walaaca ugu wayn oo ay muujinayaan Saraakisha Doowladu,

Dalka Soomaaliya waxa uu Xoriyadiisa Qaatay Sanadii 1960kii waxaa Soomaaliya Madaxwayne ka Noqday Adan Cabdulle Cusmaan Adan Cade,C/rashiid Cali Sharmarka, Maxamed Siyaad Bare, Cabdi Qaasin Salaad Xasan,Cabdulaahi Yuusuf Axmed,

 

Soomaaliya waxaa lo qabtay 14 shir ilaa iyo Burburkii Xukuumadii dhaxe waxes kama aysan Soobixin marka laga Reebo shirkii Carta iyo Midkii Ugu danbeeyay ee lagu Soo Doortay Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ,

 

Madaxwaynaha Soomaaliya waxa uu sheegay 10/10/2004 oo ahayd maalinkii la doortay in uu gudanayo waajibkiisa Qaran ee Loo Doortay, ama  Dalka Soomaaliyana ku soo celin doona Nabad iyo Cadaalad ama isaga oo Xilkiisa Qaran Gudanaya lagu Dili Doono, hadii aan Awoodi Waayna waan Is Casilayaa buu Yiri waxaana Xukunka ku Soo celinayaa Dadka Idoortay,

 

madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa looga fadhiyaa in Soomaaliya oo ah goob burburat nidaamna uusan ka jirin mudo badan ka dhigo Goob Xasiloon amuurtaas oo ah Amuur aan Sahlanayn,

 

Soomaaliya waa dal ay ku nool yihiin Dad isku Diin ah , Isku dhaqana, isku Luuqad ah, Walaalo Wiil& Abtigi ah,laakiin Nidaam uusan ka Jirin ku Dhawad 14 Sanadood nin walibana meel Xoog ku Haysto,

waa heshiiskii Soomaalida ku dhaxmaray Wadanka Kenya 29Janaayo 2004 Guriga Madaxtooyada Dalka Kenya oo ay Ka muuqdaan Xubno ka Tirsan Siyaasiyiinta Soomaalida,

Qore: axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi


RA'YI:

 

Qabuuraha gaalada ee Xamar & Hargeeysa!

baydan Samatar khalaf  baydan@mail.com  

Waxaa hubaal ah gaalada ku aasan Xamar iyo Hargeeysa ay kala nasiib badan yihiin marka aad fiiriso sida kala fog ee loola dhaqmay.Qabuurihii gaalada. Kuwii Xamar ayaa markii labaad  la burburiyey , lafihii soo harayna khashin qubka lagu daadiyey, halka kuwa Hargeeysa laga dhigay kuwo loo daawasho tago , la xuso sidii ay halkaas awliyo la qadariyo ay ku aasan yihiin, oo walibana ubaxyo la suro.

Runtuse, waxay tahay in Somaalida qaxootiga ku ah ee sida xushmada leh markii ay geeriyoodaan loogu aaso dunida inteeda kale ay dan u aheyn falka ay ku kaceen wadaadyo ku sheegyada dhul boobka ee cid ay u daneeynayaana ayan jirin, anagoo ogsoon in ku xumeytna ay meesha ka maqneyn iyagoo u dan leh xiriirka Talyaaniga iyo dawladda cusub, lakiin taas ayba sii xoojin doonto.

Dhanka Hargeeysana, waxaa iyaduna ka hari doonin in maamulkaas ay isku ekeeysiiyeen gaalo markii ay qabuuraha gumeystayaashii ay ku xuseen magaaladaas iyagoo sida masiixiga dhar madow soo xirtay oo wadaad gaal ahna  uu Alle bari u sameeyey.

Marka Somaalidu heyska qabato waxyaabaha aan danta noogu jirirn ama diinteenna naga fogeenaya.

 B.S.Khalaf 
baydan@mail.com  


Canbaareyn: Burburinta Qabuuraha Talyaaniga ayaa Soomaalida u keeni karta Cadaawad Shisheeye by Dahabo Dowlo

Dahabo Isse

Waxaa ceeb ah in qabuuro waqti hore ahaa ee qalfoof noqday la burburiyo ayada oon taasi macne weyn u sameyneynin dadka falkaas geeystay. Qabuuraha la jajebiyey ayaa lagu qiyaasay 700 oo qabri, in kastoo dad ku sheegeen inay gaaryaana 1,500 oo qabri. Qabuurah la soo qufay ayaa ahaa xiligii gumeysiga Talyaaniga oo Soomaaliya u talinayey ilaa dagaalkii 2aad ee Aduunka WWII.

Taariikh ahaan, Talyaaniga ayaa Soomaalida lugta kula jiray ilaa Sanadkii 1869, ka dibna wadankeena gumeystay laga soo bilaabo sanadkii 1908 - 1941, ilaa ay ciidankii Ingriisku kala wareegeen.

Ficilkan qabuuro qufida ah oo kadhacay Magaalda caasimada ah ee Muqdisho ayaa ka careysiiyey dad badan oo aduunka ku nool gaar ahaan Talyaaniga iyo Soomaalida ku nool dhulkooda. Aniga sawiradii la soo xabaala quday waan eegi waayeen ee waa iga qalbi adag yihiin kuwa ficilkaas geystay.

Xaafiiska Ra’isawaraha Talyaaniga ayaa canbaareyey kuna sheegay mid axmaqnimo, waxashnimo ama cawaannimo ah (reer baadiyenimo) in qabuurahaas la burburiyo. Waxaana lagu macneeyey in la burburiyo meel deganaasho iyo xasuus leh oo Ilbaxnimada aduunka oo dhan ay xaq dhowraan, in lagu sameeyo wax xun oo ficil naceyb ah, mana laha wax sabab macquul ah oo lagu difaaci karo. (The office of Prime Minister Silvio Berlusconi described the action as barbarous, and to desecrate a place of silence and memory, sacred to all civilisations, represents a vile and particularly hateful act that cannot have any justification," Mr Berlusconi's office said).

Sida uu sheegay Mohamed Culaad Xassan ee BBC da, Qalfoofihii laga soo saaray qabuuraha Talyaaniga ayaa loo raaray meel ku dhow Airoboorkii hore, lafahiina qaar ayaa la arkay in ciyaal ku cayaarayeen, qaarna qashin lagu daray, kuwana xeebta lagu shubay.

Waxaa dad badani leeyihiin waxaa falkaas naxdinta leh geeystay maleeshiyada Ciidanka Maxkamadaha oo ka soo horjeeda in Dowladu Xamar timaado oo arrintan ayaga ku xumeynaya. Laakiin dad aad siyaasada ugu dhuun daloola ayaa qaba iney arrintu sidaas ka duwan tahay. Waxa ayna leeyihiin waxaa ka danbeeya dhac dadan dadkii u ole oleynayey in Ciidamo Shisheeye wadanka la keeno. Markaas ayaa la soo qufuy Xabaalaha Talyaaniga si dhacda dani uga xanaajiso Dowlada Talyaaniga iyo wadamo kale. Kadibna loo arko in nimmankan Muqdisho jooga ay cawaan yihiin, loona baahan yihiin si dhaqsa ah dadka iyo dowalda looga qabto. Arrintan oo loo arko iney sahleyso soo dedejinta in Ciidan shisheeye la geeyo xamar.

Waxa ay ku andacoodeen haddii Reer Muqdishu ay qabuurahaas qufanayaan waxaa lagu sameyn lahaa ilaa 15kii Sanno ee hadda la soo dhaafay. Waxa ayna leeyihiin maxaa Saca naasa adag iyo weedha kulmiyey. Ayaga oo ku adkeysanayaa maxaa isla kulan siiyey dad leh Ciidan Shisheeye ha la keeno wadanka iyo burburinta Qabuura Talyaaniga. Ilaah ayaa garanaya dadkii ka danbeeyey iyo danta ay ka la haayeen, waase dhacdo naxdin iyo argagax leh oon loo baahneyn in la canbaareeyana mudan. Wax aan cadow aheyn oo inoo soo kordhineysana ma arko, waana canbaareysan yihiin kuwii ka danbeeye.

Waxaad mooda in Soomaalida inta badan aysan ka fekerin waxa soo socda Ficilkan xabaala soo saarida ah, oo ayna isku koobaan waxa markaas jooga ee indhahooda qaban kara. Waxaa la yiri ninka aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto. Waxaa la arki karaa in dadka falkaas ku kacay ineysan ku xisaabtamin waxa ka imaan kara ee dareen celin ah (reaction). Marka taas macnaheedu waa ayaga oo ku xisaabtamay iney degan yihiin ama ku nool yihiin gudaha Soomaalia keliya, danna aan ka yeelan kuwa walaalahooda ah oo dibadda ku nool ama ku dhintay oo qabuurahoodu gacan kale ee shisheeye ku jiraan. Waxa kale oo aysan ka fekerin waxa ku iman kara ayaga iyo dadka la degan Muqdisho ee berito dowadaha shisheeye uga iman kara dhib iyo naceyb intaba.

Waxaa jirta in dad badan oo Soomaali ah ama Muslimiin ah uu Meydkoodu ku duugan yihiin Carriga Talyaaniga ama wadama kale ee Reer Yurub ah. Ficilkaan oo kale wuxuu keeni karaa in qabuuraha Soomaalida ama Muslimiinta dhulkaas ku Aasan sidoo kale loo burburiyo ama la soo qufo. Ficil kasta wuxuu yeelan karaa jawaab ficil celin ah. Marka waxaa haboon in laga digtoonado waxa ka iman kara.

Waxaa la yiri inta Aadan Falin ka fiirso. Waxaa ila fiican Aniga in wax kasta oo la sameynayo lagu sameeyo qiyaas iyo hab caqli gal ah, lagana foojignaado wixii ka imaan kara oo dhib ah. Soomaalidu waxa ay joogtaa xiligii ay u bislaan laheyd siyaasadda aduunka. Ayada oo maanta Soomaaliyi ku kala daadsan tahay aduunyada daafaheeda, meydka dad badana uu ku duugan yahay meelahaas, wadankiina aan maanta Nabad iyo Amni loogu noqdo midna aysan ka jirin. Ayaa waxaad moodaa in loo abuuray dadka debadda jooga cadaawad aysan iska difaaci karin, kuwa gudaha joogana loo abuuray naceyb dunada kaga iman kara dunada hormartay (Developed World). Waxaad mooda in dadka gudaha jooga ee falkaas geysatay aysan ogeyn in dad badan oo Cunsuriyiin ah (racists) ay sugayaan wax yar oo marmarsiiyo ah ee dadkan qaxootiga ah loogu marmarsoodo.

Waxaan wada ognahay in markii 11 September dhacay in Muslin badan la wax yeeleeyey ayna u badnaayeen gabdho Soomaaliyeed ee yurub ku nool oo dhibaato la soo gaarsiiyey, qaar badan oon daawan TVga oo aysanba la socon dhacdadaas. Laakiin ayaga oo Train saaran, Basas ku socdaalaya, Suuqa ka adeeganaya, ilmihii Iskuul u wada la dhagaxyeeyay, dharkii laga jeexjeexay, qaarna nafta laga qaaday. Sidoo kale markii la dilay ninkii Film qaadaha ahaa ee Reer Holland in aydan Iskuuladii Muslimka la gubay, dad badana oo muslimiin ahna dhib loo geystay oo arrintu meel xun gaartay. Marka waxaa jira dad wixii dhaca oo shisheeyaha lagu sameeyo uga aarsanayaa kuwa la degan ee qaxootiga masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Waxaa ila haboon in ficil kasta inta aan la sameyn la eego, ficil celinta ka iman karta, iyo sida dadkaaga uu u waxyeeleyn karo. Soomaaliya ayada ayaa maanta dhiban, dadkeeduna meel kasta waa ku dhibaateysan yihiin, sidaas darted dadka ha loo turo oo wax ayaga dhib u keeni kara yaan la sameyn. Dheg xumadana ha la iska ilaaliyey, Sumcad inaan adduunka ku leenaha waa lama huraan. Qabri la jejebiyey waxaan ceeb iyo naceyb aheyn inoo keeni mayo waa arrin lala yaabo oo muujineysa danbeyn iyo cawaanimo.

Waxaa wanaagsan inaan xaqiiqada la iska indha saabin. Ninkii ku fekerayey inuu dhulkaas Qabuuraha ahaa ee qalfoofyada laga saaray uu degayo ama iibsanayo, ha ogaado iney la mid tahay meel Safaraadeed. Markasta oo dowlad Soomaaliyeed la helo, Talyaanigu wuu sheeganayaa dhulkaas, waana laga rarri doonaa ninkii degan. Kolka hadda lacag ha iska gelina, Soomaaliya weligeed dowlad la’aan ma ahaan doonto, dhulkuna wax yaabaha laga xisaabtami doono ayuu ka mid noqonayaa ee taas reer Muqdisho ha la socdo.

Waxaad Tusaale u soo qaadan kartaa Safaaradda mareykanka oo Xero qaxooti aheyd xiligii dagaalka 1992gii. Markii u horeysay ee Mareykanku yimid dalka xiligii UNISOM, waxa ay dacwa dooda ka bilaabeen in dhulkaas ay leeyihiin oo loo baneeyo. Islamarkiiba waa looga baxay dhulka safaarada u ahaa, waana lagu qasbanaa. Hadaba Qubuuraha Talyaaniguna waa la mid, oo markii dowladu timaado wey sheeganayaan, ama haddii Ciidan Shisheeye la keeno ayaga ayaaba xoog kaga kacsan kara qoladii degan dhulkooda.

Haddaba dhibaatooyinka ka iman kara qabuurihii la burburiyey ayaa waxaa ka mid noqon kara arrimahan:-

In ay soo dedejiso u helid sabab lagu keeni ciidan shisheeye Muqdishu;
In aduunka aan ceeb iyo Canbaareyn kala kulano;
In na loo arko dad aan ilbax aheyn oo cawaan ah (Barbaric), xaq dhowrna aan aqoon;
In dadka Soomalida ah ee ku dhintay Qurbaha siiba Galbeedka, sidoo kale qabuurahooda la soo fago, ayada oo looga aargaasanayo wixii ka dhacay Mogadishu;
In cuduro halis ah ay halkaas ka dilaaci karaan, maadaama ay meydadkani ku xabaalnaayeen qabuurahan mudo gaareeysa ilaa hal qarni iyo wax ka badan;
In naceybka Muslimka loo qabo aan sii kordhineyo, oo dhacdan loo arki karo in Muslimku kuwada siman yahay naceybkan, sidaan si la mid ahna ay u geli doonaan qabuuraha shisheeyaha. Markaasna Galbeedka iyo Dowladaha Islaamka shakiga qaba ay sii kordhin doonaan taxadarka iyo isku duubnaanta ay ka qabaan dhanka muslimka.

Qodobadan aan qoray ayaa laga yaabaa ineysan dhici Karin ama aan laga Ficil qaadan oo wax walba ilaahey iraadadiisa ayey ku xiran yihiin, laakiin hore ayaa loo yiri “KHEYR WAX KAAMA DHIBO EE SHAR U TOOG HAY”.

Hadaba Soomaaliyeed aduunka kula midka ah arag. Wadamada kale ee Muslimka ah arag. Ma jirto meel sidaas oo kale ay ka dhacday ee xabaalo la qufay. Yaanan cadow aan loo baahnaan xiligaan la abuuran, dadka banaanka deganna dhib yaan loo horseeden, ileen meel ay ku soo noqdaan oo nabad ah hadda ma jirto ilaa dowlad Caadil ah la helo.

Ilaahey ha ina badbaadiyo, Ciidan Ciideeda kalena nabad qab, cibaado suuban, cilmi naafac ah, caafimaad qab, Cimri dheer iyo bash iyo barwaaqo kuwii wadaankooda oo dowlad ku Ciida Allaha nagu gaarsiiyo (Amiin)

Dahabo Isse

MA Diplomacy
London, UK
dahabodowlo@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD