SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

ARDAYDA REER SOMALILAND EE MAGAALADA KARACHI OO U DEBAAL DEGTAY CIIDUL ADXA IYO URUR CUSUB OO AY KU DHAWAAQEEN 




Waxaa Habeenkii  ay bishu ku beegnayd 25-ka January ka dhacay magaalada Karachi xaflad aad iyo aad u qiimo badan oo si weyn loo soo diyaariyey oo ardayda Reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Karachi ee waddanka Pakistan ay ugu dabaal degayeen Farxadda Ciidul Adxa, Xafladdani oo run ahaantii qabban qaabadeeda laga dareemaayey daafaha magaalada Karachi maalmahii ciidda ka horeeyey iyo weliba maalmahii ciidda laftigeeda ayaa waxa ay suuro gal noqotay in dhammaan ardayda Reer Somaliland ee ku dhaqan Xarunta gobolka Sindh waa Magaalada Karachi iyo weliba Magaalada Hyderabad la isku keeno, iyada oo laga faa’iidaysanaayey fasax gaaban oo ardaydu ay ku jireen. 

Qaban Qaabada barnaamijkani oo ay si weyn iskugu hawleen soona abaabuleen Cali Ibraahim Ismaciil (Ali Dhoolayare) iyo  Cabdirashiid Daahir Aaye, ayaa lagu casuumay arday reer Somaliland ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 50-meeyo Qof oo ka kala yimid daafaha magaaladani Karachi iyo weliba Magaalada Hyderabad. 

Xafladdani oo run ahaantii lahayd xiiso gaar ah iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee ay taariikhda gashay in arday reer Somaliland ah oo tiradoodu intaa le’egtahay lagu guulaysto in meel la iskugu keeno ayaa run ahaantii waxay gelisay dhammaan ardaydii  iyo dadweynahii ka soo qayb gallay xiiso gaar ah iyo qiiro Wadaninimo  oo si weyn ugu baahday quluubtooda. 

Dhammaan dadka ka soo qayb gallay oo u badna arday ayaa waxay soo gaadheen goobta lagu casuumay oo ahayd hoteelka casriga ah ee “LASANIA” hoolka weyn ee xafladaha lagu qabto, waxaanay soo gaadheen Abaaro intii u dhexaysay 8:00 Fiidnimo ilaa 9:00 fiidnimo, iyadoo oo cimiladu ahayd mid aad u wanaagsan roob fiicanna uu ka da’ay magaalada Daafaheeda, Necawda Saxan Saxada Roobkuna si weyn looga dareemaayey dhammaan magaalada Karachi. 

Xafladda oo ku tallo galkeeda koobaad ahaa in bal markii ugu horaysay taariikhda la geliyo isku keenka arday reer Somaliland ah iyo weliba in lagu naaqisho   laguna fallan  qeeyo dallad urur ah oo midaysa ardayda Reer Somaliland ee Magaalada Karachi iyo guud ahaan Gobolka Sindh ayaa waxay ku bilaabantay farxad iyo rayn rayn weyn oo ka muuqata wejiyadii ka soo qayb  gallay,  Barnaamijka oo ahaa taxane loogu tallo gallay in lagu maaweeliyo ka soo qayb galayaasha iyo weliba qudbado iyo Muxadaro ayaa waxay u dhacday sida tani

Barnaamijka ayaa wuxuu toos u bilawday 9:15 daqiiqo wakhtiga Magaalada Karachi waxaana Furay Mohamed Abdi Hassan (diridhaba) waxaanu Mikroofanka ku soo dhaweeyey Xidhiidhiyaha barnaamijka kala wadday Muscab Cali Xirsi, Waxaana daadihinta barnaamijka la wareegay Muscab oo  ku soo dhaweeyey Shiekh Cabdi Naasir Axmed Xasan oo ku furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah Sida Umadda Islaamku meel kasta oo ay iskugu timaado u caadada ah, ka dib Aayadaha Quraanka ah wuxuu Muscab ku  soo dhaweeyey  Mikrafoonka Sheikh Aadam Xasan  (Osama) oo jeediyey Muxaadiro diini ah, wuxuu sheekhu ka hadlay xoojinta cibaadada ilaahay iyo inaan la iloobin markasta goob kasta oo la iskugu yimaado xusidda ilaahay iyo xasuusnaata Qawlka  Ilaahay (S.W) sheekhu wuxuu aad ugu dheeraday Muxaadaro runtii baraarujin u ah dhammaan dhalinyarada Maadama oo qurbe Waxbarasho la yimid, wuxuuna xasuusiyey inaan markasta la seegin xasuusnaata axkaamta ilaahay.

Muscab wuxuu Mikrafoonka ku soo dhaweeyey  Siciid Cabdi Sulayman oo halka ka jeediyey qudbad qiimo badan oo ka hadlaysay ama tilmaamaysay ahmiyadda koobaad ee kulankani iyo xafladdani la soo qaban qaabiyey ardayduna iskugu timid, Siciid Cabdi Sulayman wuxuu ka jeediyey kelmado qiimo badan oo  kaga hadlaayey isku duubnaanta ardayda reer Somaliland iyo  weliba in la is xaal ogaado, wuxuuna ka hadlay faa’idada weyn ee ay lahaan karto  dallad ama urur midayaa ardayda Reer Somaliland ee ku nool Magaalada Karachi iyo weliba guud ahaan gobolka Sindh oo ay soo raacaan ardayda ku dhaqan Magaalada Hyderabad.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyey Mikrofoonka Engineer Ibraahim Xasan Daahir oo dhawaan ka soo laabtay dhulkii Hooyo ee Somaliland wuxuu ibraahim halkaasi ka jeediyey qudbad qiimo iyo qaayo mudan oo runtii hoos u taabatay waayaha iyo xaaladda guud ee dalkii Hooyo Somaliland ku sugna wakhtiyadii uu joogay, Ibraahim wuxuu ku bilaabay hadalkiisa taariikhdii dheerayd ee Somaliland jiritaankeedu soo martay iyo weliba wacdigii iyo caqabadahii Somaliland lala soo maray, Wuxuu ibraahim  taabtay horumarka uu dalku gaadhay isaga oo ka hadlay ilaha horumarineed  ee uu dalku gaadhay sida nabad gelyada,Isgaadhsiinta,waxbarashada iyo qodobo kale, wuxuu ku soo gebo gebayeeyey dardaaran iyo waano uu usoo jeediyey ardayda markay waxbarashadooda dhamaystaan in dalkii dib loogu laabto si cilmiga dalkii loogu maal geliyo.

Sidoo kale waxaa qudbad halkaa ka jeediyey Cabdi Salaam Xuseen Cawaale oo ku hadlaayey afka Ardayda Magaalada Hyderabad ee gobolka Sindh isagoo halkaasi ka soo jeediyey kelmado xusuus weyn ku reebay ardayda dhamaantood, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Wixii  ardayda reer Somaliland midaynaya ee ay isku raacaan annaguna waxba kama qabno haddaanu nahay Ardayda reer Hyderabad” Cabdisalaam wuxuu ku soo  gebo gebeeyey hadalkiisa in la is xaal ogaado oo sidani oo kale xaflado iyo kulano kuwan la mid ah la  qaban qaabiyo mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa meesha aan ka maqnayn oo wacdaro muujiyey Masrixiyad bandhigeed uu  si weyn ugu soo faro yaraystay Cabdirashiid Daahir Aaye oo runtii aad u madadaaliyey ka soo qayb  galayaashii barnaamijkani Cabdirashiid wuxuu soo abaabulay bandhig fanneed  iyo Su’aalo cilmiyeed isaga oo weydiinaayey ka soo qayb galayaasha, waxaana ay runtii ahayd mid qosol iyo madaadalo badan.

Waxaa marlabaad ku soo laabtay Masraxa (Stage) Siciid Cabdi Sulayman oo soo jeediyey Maadama oo la isku waafaqay in Jaaliyadda Ardayda Somaliland lagaga dhawaaqo goobtani la guudo galo guddi loo sameeyo oo ka koobnaan doona Gudoomiye ku xigeenkiisa iyo laba guddi oo la shaqayeeya, waxaa gudida ku meel gaadhka ah oo ka koobna Siciid Cabdi Sulayman, Ibraahim Xasan, Cabdisalaam Xuseen iyo Aadan ay soo sharaxeen Seddex qof oo ay usoo sharaxeen gudoomiye iyo ku xigeen iyo weliba hal qof oo loo soo sharaxay inuu gudida ku biro seddexda  Qof oo kala ahaa  

  1. Cali Ibraahim Ismaciil (Ali Dhoolayare)
  2. Maxamed Muxumed Diiriye (Qawdhan)
  3. Cabdirashiid Daahir Aaye (A.Aye)

Waxaa loo qaaday Musharaxiinta cod qarsoodi ah oo u dhacay si dimuqraadi ah waxaana laga uruuriyey ka qayb galayaasha codod waraaqo ah oo ay ku qorayeen kolba qofka ay dooranayaan waxaana ku guulaystay Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Karachi  Mudane Cali Ibraahim Ismaciil (Ali Dhoolayare), sidoo kale waxaa ku xigeenka Gudoomiyaha ku guulaystay Mudane Maxamed Muxumed Diiriye (Qawdhan) waxaana si weyn loogu hambalyeeyey Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo ilaahay looga beryay inuu hawsha u fududeeyo. 

Cali Ibraahim Ismaciil (Ali Dhoolayare)
Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyadda Somaliland ee karachi. 

Ka dib dhammaadkii doorashada ayaa waxaa loo kacay  cashada oo diyaar u ahayd ka qayb galayaasha, iyada oo Gudoomiyaha cusub uu halkaasi ka jeediyey qudbad uu ugu mahad celinayo dadka intii u codaysay iyo intii  aan u codayn, waxaana markale loo ballamay sidii la iskugu keeni lahaa  ardayda iyo jaaliyadda Somaliland ee magaalada ku nool.

WARBIXINTANI WAXAA SOO DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) OO GOOB JOOG KA AHAA XAFLADDANI. Email: mabdihassan@yahoo.com
KARACHI, PAKISTAN.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2005
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD