SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA KU KELIFAY INUU JEN. CADDE DIB U SOO CELIYO MAAMULKII COL. CABDULAAHI? 

Waxaa hubaal ah in dhamaan muwaadiniinta u dhashay Maamul Goboleedka Puntland dibad iyo Guddaba ay sugayeen isbadel wayn oo uu la yimaado maamulka cusub ee uu madaxda ka yahay Jen. Cadde Muuse. 

Waxaa la filayay isbadel madaxeed, maamul, maarayn, maaliyadeed, mushtamac iyo mustaqbal in uu la yimaado Jananka Cusub ee dhawaan la doortay.   

Waxyaabihii ay mucaaradku ku haysteen Col. Cabdullahi Yusuf ayaa waxaa ka mid ahaa inuusan wax horumarka ka samayn deegaamada Puntland 7dii sanadood oo uu hormuudka ka ahaa dhulkaasi.  

Shacabku waxay is lahaayeen hadii Jen. Cadde uu meesha qabsado waxaa iman doona isbadel kaamil ah, wuxuu kala-dirri doonaa dhamaan ragii Col. Cabdulaahi maamulkiisii lagu yiqiin.  Waxaa kaloo la is lahaa wuxuu ku xulan doonaa raga cusub ee maamulkiisa halku dhaga ah “maxaa taqaan ood dadka u qaban kartaa, ee yaatahay iyo yaataqaan meesha way ka bixi”. 

Waxaa durba markii Jen. Cadde uu meesha qabsaday soo ifbaxday inay isku hareereeyeey dad ay isku jifo hoose yihiin sida Ing. Caydaruus (oo ah qof aan oran karo wuu u qalmaa jago kasta oo loo dhiibo), laakiin nasiib daro dadka indhaha qabiilka wax ku eega oo indho ku garaad laha ahi si kale ayay u arkaan, Osman oo ah nin reer Kanada ah oo isaguna jifada ka tirsan, Faarax Xaaji Mire, iwm….. 

Intaa markii laga soo gudbo oo la eego wasiirada uu ku dhawaaqay Jen. Cadde, waxaad laga dhandhasanayaa in uu ku saleeyay qaab qabiil oo weliba uu u sadburiyay qolooyin gaar ah. 

Mida intaas isku fuuqsatay oo Dulucda u ah qormadaydu waa su’aasha oranaysa :

Maxaa ku kelifay Jen. Cadde in uu dib u soo celiyo wajiyadii laga daalay ee maamulkii Col. Cabdulaahi, maxaa kelifay in uu ragii lagu eedaynayay dhunsashada Canshuurta Shacabka inuu soo celiyo?  (Faroole, Gaagaab, Xaabsade, Seefta Banaanka) iwm…. 

Xaaji Bakiin iyo Ismaaciil Xaajina muu ku soo daro dee, ilayn ragu waa isla ragii ruugcadaaga ahaaye. 

Markaan dib ugu noqday khibradayda aan deegaanada Puntland u leeyahay, markaan la kaashaday aqoontayda Shacabka reer Puntland, waxaaba ii soo baxday in uu Jen. Cadde, ragaas wax u dhaama waayay, maxaa yeelay raga meesha jooga waa wada (maxaan cunaa iyo aan ku cuno), waa dad bahaloobay oo xaaraantu uga macaan tahay xalaasha. 

Sidoo kale , isbadelka waxa layiraahdo kuma yimaado habeen qudha, ee waa wax u baahan dulqaad, iyo marba talaabo qaad.   

Sidaa awgeed anigu oran maayo sida dadka qaarkii leeyihiin oo ah maxaa odaygii Col. Yay saynta loo maroojinayay hadii uu Jen. Cadde shaxdaan iyo sheekadaan aan cuntamayn soo bandhigo.????. 

Waxaa sidoo kale u baahan in shacabka reer Puntland la xusuusiyo in Jen. Cadde uu wadanka ka maqnaa Muddo aad u dheer oo dhan ilaa 30 sanadood, sidaa awgeed, isaga laftiisa ayaa u baahan inuu dadka iyo deegaankaba dib u kala barto, qofkastaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo ogaado,  markaasi ayaa laga yaabaa inuu ama sidii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen lafihiisa la cararo ama inuu isbadel keeno ama inuu sidii ragii asaagiis iyo jaalkiis ahaa ku dhexmilmo Sidii Jen. Maxamed Abshir oo kale, oo baalashu kaga rifmaan meesha, ilayn waa nin waraabayaal iyo yay la yiri kala hore. 

Waxaan Jen. Cadde kula talin lahaa inuusan marna isku deyin isbadel degdeg ah oo aan caaqibadiisa laga fiirsan, sidoo kale inuusan il keliya wax ku arkin dhag keliyana wax ka maqlin ee uu ahaado nin figradaha wax ku oolka ah qaata.   Waa hadii Jen. Cadde uu weli yahay ninkaan aqaanay oo ah nin war cad, munaafaqada aan jeclayn, beenta necel, hadalkana aan qofna kala cabsan. 

Shacabka reer Puntlandna waxaan leeyahay dulqaad muujiya oo ka wardhowra odayga, oo haka sugina dowladaan dhalatay inay orodo oo isbadel degdeg ah iyo barwaaqo iyo xabag barsheed farta idiin wada geliso.  Orodka waa marxalad la gaaro oo dulqaad u baahan,  waxaa ka horeeya xamaarasho, guurguurasho, kufaa dhac, iyo socod. 

Ha oranina maba aysan dhalane dhowrsan okaa?!!!!!!!! 

Jabarti Osman
Jabarti2020@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2005
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD