SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


  • Kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka cusub ee  Puntland oo maanta lagu doortay hogaankii hogaamin lahaa. 
  • Kaalmo loo direy Jaamacadda Nugaal University 
  • CASHO SHARAF LOO SAMEYAY KOOXDII KA SOCOTAY DALKA NORWAY OO KA DHACDAY MAGAALADA OSLO DALKA NOORWAY. 
  • Dr. Black: QOF WALBO HADDII DOWLAD LA HELO, DOOBKIISUU KU DHARGI
Maalinki labaad ayeey xabsiga ku jiraan Ergooyin Soomaaliyeed oo damacsanaa in ay ku laabtaan Dalkooda Soomaaliya

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya,Nairobi  Somalitalk

Jan 3, 3005


Waxaa maalinki labaad Xabsiga Garoonka Diyaaradaha ee Wilsan Airport ku xiran 36 Qofood oo Soomaaliya.

Dadkan ayaa ahaa Ergooyinkii Soomaaliyeed ee ka qayqaadanay wada hadalada Soomaalida ilaa 15 OGTOBAR 2002, ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii ay damcen in ay wadankooda Soomaaliya dib ugu laabtaan maalinimadii shalay.

Ergooyinkaan waxaa lagu soo edeeyay in ay wadanka Kenya ku joogeen sharci daro iyadoo dhinaca kalle ay barbar socoto edaymo ah in baasaboorka ay wateen uusan ahayn sax oo waxaa la sheegayaa in uu fujis ahaa.

Waxaa jira dadalo lagu doonayo in lagu sii daayo dadkaas oo ay wadaan Xukuumada Soomaalida iyo Urur goboleedka IGAD iyadoo ilaa Xalay uu orday Safiirka wadanka Kenya u qaabilsan Wadanka Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay, Maanta arinka uu soo galay ninka u qaabilsan wadankan Shirka Soomaalida Kipligat.

Waxaa kaloo jira dadaalo ay wadaan Xukuumada Soomaalida Golaha Baarlamaanka iyo Dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi.

Ma ahan markii ugu horaysay oo xabsiga la dhigo  Dad Soomaaliyeed waxaa jira Xadgudubyo badan oo dadka Soomaaliyeed ku yimaada marar badan.

Baasaboorka Soomaaliga ah ayaan ka socon wadanka Kenya waxaaana hore loo diiday in Ergooyinka Soomaaliyeed loo kordhiyo Fiisooyinka ay ku joogaan wadanka Kenya iyadoo mar aan la xariiray Qaybta Socdaalka ee Nairobi ay ii sheegeen Saraakiil ka tirsani in ay dhamaatay ujeedadii loo siinayay dadka Soomaaliyeed fiisada taa oo ay ku sheegeen wada hadalkadii Soomaalida.

Dadka Soomaaliyeed waxa ay heleen Dowlad 14 Sano ka dib marka waa in ay aadaan Dadlkooda ayuu yiri mid ka mida Saraakiisha Socdaalka ee wadankan Kenya.

Madaxwaynaha Wadankan waa Kipakiye ayaa isaguna sheegay in la joogo xiligii Dowlada Soomaaliyeed ay wadankeeda aadi lahayd ayna xalin lahayd Masiibooyinka wadankooda hareeyay mudada Badan.

Dadka Soomaaliyeed Gaar ahaan Xubnaha Baarlamaanka ayaa walaac ka muujinaya Hadalka ka soo yeeray Madaxwaynaha Kenya iyagoo sheegaya in aysan jirin goob Soomaaliya ka tirsan oo ay ka jirto Xasiloni.

Hadaba Mas'uuliyiinta Doowlada ayaa iyagu sheega inta badan in ay ku laaban Doonaan wadankooda balse ilaa& hada macada sida ay Soomaaliya u aadi karaan.

Waxaa baaqday Socdaal Raysul wasaraha Soomaaliya ku aadi lahaa Goobihii ay Masiibadii Badwaynta Hindiya halakeeyeen mase Suuro galin.

Ma jirto cid doowlada uga horaysa Soomaaliya Taageero& dhaqaalo mana Jirto deegaano ku jira Gacmaha Dowlada Soomaaliyeed ee Curdunka ah sidaa oo kalle lama hubo in ay Hubkooda iyo Deegaanadooda ku wareejin doonaan hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida Gacanta Doowlada .

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya,Nairobi  Somalitalk
Jan 3, 200
5


Kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka cusub ee  Puntland oo maanta lagu doortay hogaankii hogaamin lahaa. 

Wqorey. Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare” Garowe Somalia
Garyare20@hotmail.com 

Garoowe | Jan 2, 2005

Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen 63 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka dhawaan la soo magacaabay ee Puntland iyo inbadan oo ka dib ah Dadka Reer Punrland ee ku sugan Caasimada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa  uu ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Garowe,iyadoo kulankaasi oo ahaa mid uu shir guddoomiye ka ahaa Gen,Jibriil oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada hogaanka Baarlamaanka Puntland. 

Bilowgii Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Cusub ee Puntland ayaa waxaa lagu dhaariyay afar mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuwasoo ka baaqaday inay ka soo qeyb galaan dhaarintii guud ee shalay la dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,waxaana ka dib ahayd Xildhibaanada la dhaariyay Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo ah Musharaxad u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland. 


Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Puntland oo aqrinaya Waxqabadkiisa

Gudoomiye kuxigeenka Koobaadee Baarlamaanka Puntland, Salaad Xared


Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland

Dr. Abdirahman Faroole oo ah Musharaxa kaliya ee goobjooga ka ahaa kulankii maanta
 

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Baarlamaanka Puntland  Gen,Jibriil  oo ahaa Mas’uulkii furay kulankii maanta ee baarlamaanka isugu yimaadeen ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday jadwalka  ay maanta ka doodayaan Baarlamaanka,waxaana ka dib ahaa arimihii uu ka hadlay Janaralka  in Marka hore Baarlamaanka ansixiyo qaabka loo wajahayo doorashada hogaanka Baarlamaanka oo uu sheegay inay tahay mid muhiim  u ah kulanka maanta iyo waqtiga laga dhigayo in doorashadaasi ay dhacdo. 

Intaasi kadib waxaa hadalka loo furay Xubnaha baarlamaanka ee goobjooga ka ahaa fadhigii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan Barlamaanka cusub ee Puntland kuwaasoo dhiibanayay fikrada ay ka qabaan hadalada ka soo yeeray shir gudoonka,taasoo salka ku haysay qaabka doorashada. 

Caasho Geelle Diiriye  ayaa noqotay Xildhibaanadii ugu horeeysay ee bilowday ka hadalka ajandayaashii maanta la soo hor dhigay Baarlamaanka Cusub ee Puntland,waxaanay ay ka hadashay Caasho arimo door ah oo ay ka mid yihiin sidii loogu kala cadeyn lahaa haddii ay yihiin Baarlamaanka Puntland Sadex qodob. 

Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye waxaa ay qodobadaasi ku sheegtay bal in loo kala saaro Xubnaha isku soo sharaxaya Xilka hogaanka Doorashada Maamulka Puntland jagada ay doonto ha noqotee,iyadoo tibaaday in waqtiyadii hore Qaabka doorasha ay kala ahaan jirtay in Madaxweynaha uu ka soo jeedo Deegaan ahaan  Gobolada Mudug iyo Bari, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna waxaa uu ahaa Mudane ka soo jeeda Gobolka Sool,iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland lagu soo xuli jiray Gobolka Sanaag halka ugu danbeytii Gobolka Nugaal laga siiyay Caasimada Maamul Goboleedka Puntland. 

Xildhibaanad Caasha Geelle Diiriye waxaa ay intaasi ku sii dartay oo ay Maanta daboolka ka qaaday in aan indhaha laga qarsan Karin xaqiraada toos ka ah ee lagu sameynayo Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland qeybta ay ku leeyihiin hogaanka Deegaanada Puntland oo ay ku tilmaantay lama taabtaan,iyadoo tusaale u soo qaadatay in haweenka reer Puntland ay  Baarlamaanka Puntland kula haayeen tiro shan xubnood ah oo ka kala yimid Gobolada Hoosyimaada Maamulka  Goboleedka Puntland.waxaana ay ka codsatay Baarlamaanka inay xooga saran sidii baarlamaanka loogu soo dari lahaa xubinta Haweenka ah ee ka maqan 5-tii haaweenka ahaa ee horay loo qorsheeyay in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Puntland. 

Hadalada Xildhibaanad Caasho Geelle ayaa noqday kuwao ay ka abuurmaan muuq iyo sawaxan hareyay Kulankii Baarlamaanka  cusub ee Puntland isugu yimaadeen,iyadoo Baarlamaanka intiisa badan ay la dhinac safteen Xildhibaanad Caasha Geelle oo ay ku tilmaameen in loo baahan yahay in lagu raaco Caasho,laakiin qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka ayaa gaashaanka ku dhufta Fikradaasi,waxaana ay sheegeen inaysan ahayn arimaha ay Caasho ka hadashay wax loo hanyahay. 

Buuq iyo muran badan oo  dhexmaray Baarlamaanka kadib waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorasha Baarlamaanka Gen,Jibriil waxaana uu sheegay in arinta la kala qaadi doono oo qaarba markeeda la xalin doono,isagoo intaasi kadib cod u qaaday arinta ah in Doorasha hogaanka Baarlamanka Maanta laga dhigo iyo in kale,iyadoo taasi ay sahashay inay Baarlamanka inta badan u codeeyaan in maanta la soo afjaro dhameystirka hogaanka Baarlamaanka Puntland. 

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa isku soo taagay sadex Musharax oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cismaan  Dalmar Xaaji Yuusuf waxaana xilkaasi kula tartamay Musharixinta kala ah Mudane, Maxamed Cali Guuleed iyo Madane, Maxamed Cabdi Naaleeye. 

Aqrinta taariikhdooda iyo waxqabadkooda kadib waxaa la bilaabay sidii cod loogu qaadi lahaa sadexdaasi musharax ee u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,iyadoo kulankii maanta ay codkooda dhiibteen 63 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland. 

Tirinta codadka Baarlamaanka kadib ayaa gudoonka golaha doorasha baarlamaanka Puntland waxaa ay shaaca ka qaadeen in uu ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Md,Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo horay u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaankii waqtigiisu dhamaaday ee Puntland.iyadoo ay codadka u kala heleen sidan sadexda Musharax:- 

  • Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf 44
  • Maxamed Cali Guuleed             12
  • Maxamed Cabdi Naaleeye          6

Halka xubinta sadexaad ee ka dhiban dhirada guud ahaan ee Baarlamaankii maanta soo xaadiray uu warqada codeeynta ku soo qoray midna uma codeeyn aniga,taaso tirada xildhibaanada ka dhigaysa 63. 

Intaasi kadib waxaa hadal yar jeediyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Md,Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo mar kale ku celiyay inuu xooga saari doono sidii uu horay ugu marin lahaa Deegaanada hoosyimaada Puntland iyo sidii dhaqso loogu heli lahaa Ciidamada kharashaadka ka maqan,isagoo intaasi ku daray inay qaarka mid ah Qarashaadka ka maqan ay ku jiraan gacantooda, 

Waxaa intaasi kadib la bilaabay sidii loo dooran lahaa Labada Guddoomiye ku xigeen oo ay isku soo sharaxeen Lix mudane oo ka tirsan Baarlamaanka,kuwaasoo afar ka dib ah oo magacyadoodu kala yihiin kuwa hoos ku qoran ay u taagnaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad.waxaana ay kala yihiin. 

  • Cali Sarax Guuleed
  • Mahdi Maxemed Muse
  • Salaad Xareed
  • Maxamud Maxamed Idiris

Wareegii koobaad ayaa waxaa ay kala heleen sidan 

  • Cali Saxar Guuleeg 22 cod
  • Salaad Xareed         22 Cod
  • Mahdi Maxamed Muse 13 Cod
  • Maxamud Maxamed Idirid 5 Cod

Hadaba sida uu dhigayo sharciga doorashada Puntland waxaa sidaasi ku haray Mudanaha ugu cod yar kasoo noqday Maxamud Maxamed Idiris,intaasi kadib waxaa lagu dhawaaqay inay wareeg labaad isla galaan Sadexda Musharax ee ugu codka badan,laakiin taasi ma dhicin kadib markii uu hadalka Qaatay Mahdi Maxamed Muse oo sheegay inuu isaga tanaasulay  xilkaasi oo uu ku faraxsan yahay meesha uu ka gaaray tartankii uu la galay Saaxiibadiisa kale. 

Waxaa intaasi kadib wareegii labaad isla galay Musharixiinta kala ah Cali Saxar Guuleed iyo Salaad Xareed,codeenta baarlamaanka iyo tirinta kadib waxaa ku guuleystay inuu xilkaaasi hanto Salaad Xareed,iyadoo ay isku hanbalyeeyeen Labada Musharax ee kala guuleysatay.waxaana uu maanta noqday Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Puntland. 

Waxaa ugu danbeeyntii la galay sidoo iyana loo dooran lahaa Gudoomiye ku xigeenka labaad oo ay isku soo taageen Xuseen Maxamed Cigaal iyo  ninkii horay xilkaasi u heen jiray ee Xasan Daahir Af-qurax. 

Doorashan qeybtan oo ahayd codka hal dheeriga loo yaqaan ayaa waxaa ku guuleystay ugu danbeytii xilka Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland Musharaxa lagu magacaabo Xasan Daahir Af-qurax.waxana ay taasi soo afmeertay dhameystirka hagaanka cusub ee Baarlamaanka Puntland. 

Kulankii Maanta Baarlamaanka oo ahaa kii ugu waqtiga dheeraa oo ay isugu yimaadaan tan iyo markii lagu dhawaaqay sharci ahaantooda ayaa waxaa dhinac kale goobjoog ka ahaa Musharaxa  u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Maamul Goboleedka  Puntland Dr,C/raxmaan Maxamed Faroole oo baryahanba waday abaabulkiisa ku wajahan sidii uu ugu soo bixi lahaa Xilka Madaxweynaha Puntland oo lagu wado inay doorashadiisu dhacdo 8 bishan,iyadoo ay xilkaasi u taagan yihiin musharixiin ka badan kuwa maanta isu soo sharaxay Hogaanka Baarlamaanka Puntland. 

Wqorey. Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare” Garowe Somalia
Garyare20@hotmail.com 

Faafin: Somalitalk | Jan 2, 2005


Kaalmo loo direy Jaamacadda Nugaal University 

Jan 1, 2005

Waxa galabta gegada dayuuradaha ee gobolka Minnesota ka dhoofey BS. Abshir Maxamed Askar oo ka baxay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ee Gaheyr waaxda Engineeriyada. Wuxuuna u kici timey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo ka wadey deeq ay ka mid yihiin buugaag, qalimaan iyo wax yaalo kale. Waftigaas oo uu direy hogaamiyihii ururkii asaasey Jaamacadda Nugaal University 9/19/1999, Maxamed Askar Galaydh. 

Jaamacada Nugaal University ayaa albaabada loo furey September, 6 sanadkii la soodhaafey 2004. Halkaas oo ay hada dhigtaan ardey gaareysa Lixdan Ardey. Jaamacadan oo ah Jaamacaddii ugu dambeysey ee dhawaan laga furo wadanka Soomaaliya. Waxa dhisida jaamacaddan ay soo jiitameysey ilaa sanadkii 9/19/1999 xafladii furaataankeedane ay noqotay bishii dhaweyd ee September, 2004.  

kor uqaadida iyo balaadhinta jaamacadda waxay ka socdaan gobolo badan oo caalimka ah ayna ka mid yihiin Mareykanka, Kanada, Yurub, Wadamada Carabta, Ustareeliya, Newseland, iyo kuwo kale. Shirarkii ugu dambeeyey ee lagaga hadleyey arimaha Jaamacadda waxa ka mid ahaa kii lagu qabtey Yurub dhawaantan, shirkaas oo lagu gudoomiyey dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: in gudi loo xilsaaro jaamacada, in macalimiin loo diro, in dhaqaale loo raadiyo iyo qodobo kale oo muhiim ah. 

Waxaanu rajeyneynaa haddaanu nahay reer Minnesota in la kordhiyo wax u qabashada Jaamacadda Si looga saaro dadka mugdiga iyo aqoon darada.

Madaxa TVga Somalida Minnesota
Abdimalik Askar
Minneapolis, MN
aabdimalik@comcast.net


CASHO SHARAF LOO SAMEYAY KOOXDII KA SOCOTAY DALKA NORWAY OO KA DHACDAY MAGAALADA OSLO DALKA NOORWAY. 

Casho sharaf si quruxbadan loo soo qaban qaabiyay ayaa ka dhacday habeenkii December 30, 2004 magaalada Oslo ee dalka Norway. 

Xafladdaas oo ay iska kaa shadeen  Somali Sport & Culture iyo makhaayada caanka ka ah Oslo Waabari , oo runtii habeen iyo maalin u soo jeeda si ay u caawiso dhalinyarada dagan magaalada Oslo iyo -Nawaaxigeeda. 

Waxaa kaloo halkaa yimid dadweeynaha dagan magaalada Oslo,  oo runtii u riyaaqay guushaas ay u soo hooyeen  Somalida dagan Norway. 

Kooxdan oo ah koox qaran ah lagana soo xulay dhamaan dhalinyarada dagan Norway, waxaa habeenkaa ka muuqday wajigooda farxad iyo reenreen fara badan. 

Waxaa casho sharaftaas noo furay Mr Abdulgadir Ibrahim Caddaay oo ah xoog hayaha Somali Sport & Culture, ahna Tababara kooxda, habeen iyo maalina u soo jeeda sida ay kooxdani guulo badan u gu soo hooyn lahayd umada Somaliyeed eek u nool Norway.

Wuxuu Caddaay carabka ku dhuftay in uu ku faraxsanyahay guushan ay dhalinyaradu u soo hooysay Norway, lakiin ay sugayso hawl farabadan.

In ay dadaalkooda halkaas ka sii wadaan, wuxuu caddaay qiray in ay kooxdani isku darsatay cayaar wanaag iyo asluub. 

Waxaa isna hadalkii la wareegay Mr Ali Macalin oo ah Gudoomiyaha isku xirka wadamada Skandinavia, mar walbana ku dadaala sidii ay iskugu xirmi lahaayeen wadamadaasi. 

Waxa uu Ali Ma-alin u mahad celiyay dhalinyaradii yaryaraa ee wacdaraha layaabkale ka soo hooyay koobkii lagu qabtay Danmark.

Koobkaas oo ahaa koob loogu talagalay dhalinyarada dagan Europe oo ka dhacay Magaalada Kobanhegan ee dalka Danmark. 

Waxaa uu Ali Tusaaleeyay dhalinyaradii in ay fooda ku soo hayaan cayaaro farabadan, kan ugu soo horeeyana uu ka dhacayo Finland.

Waa cayaaro loogu talo galay xiliga qaboobaha , koobkaas oo ay ka soo qayb gali doonaan 8 wadan oo ah Somalida Europe dagan. 

Waxaa kaluu Ali Carabka ku dhuftay in ay jiraan cayaaraha Samarka laguna qaban doono Sweden , sida ugu dhaqsaha badana hawsheeda uu u gali doono. 

Makhayada Waabari oo ahayd meeshii casho sharaftaas lagu qabtay waxay dhalinyarada u qaybiyeen cabitaan iyo casho Somali aad u macaan, iyo soo dhaweyn runtii soo jeedatay indhaha dhalinyarada, waxayna balan qaadeen in ay hawshooda caawinta halkaas ka sii wadi doonaan. 

Waxaa akhristoow guushaas mudan dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee xiisaysa Sportiga, iyo kuwa ku caawiyaba. 

Mahadsanidiin.

By Mahad Turbashaash.
Turbashaash@hotmail.com  


Dr. Black: QOF WALBO HADDII DOWLAD LA HELO, DOOBKIISUU KU DHARGI

Ra’iisul Wasaaraha Cusub, waxaa hortaagan caqabooyin fara badan, oo u baahan in dhammaan Soomaalidda dibedda iyo gudaha joogta in ay gacan ka geystaan, si dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed loo samatabixiyo. Markii, dib loo soo magacaabay, Ra’iisul Wasaaraha 13-ki Diseember 2004; waxaa u codeeyay 229 Xubnood, oo ayagu taagyeeray iyo lix Xubnood, oo bixiyay cod lid ku ah; waxaana ka ah: labo Abgaal ah, labo Cismaan Maxamuud ah, hal Marexaan ah iyo hal Ogaadeen ah, oo ila qaldan, mar haddii ayna ku diidin Ra’iisul Wasaaraha fikir siyaasadeed, oo loo codeeynaayay.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha, waxaa lagu edeeyay, in wixii wixii nuxurka laha Dowladdi uu soo magacaabay, ay qaateen Reer Puntland ama leyskugu daray, Wasaarado aan is raaci karin, in Hawiye Wasaarado la qeybiyay Wasiiro looga dhigay, in Awood Qeybsiga sal looga dhigin, Qaabka Qabiilada wax ku Qeybsadaan (Somali Clan Formula 4.5) iyo in Itoobiyaanka (Gaa-Gaabka) ay soo xuleyn Golaha Wasiirada. Sidaa daraadeed, Prof. Cali Maxamed Geedi, wuxuu go’aansaday in uu arko, Xildhibaanada Beelaha, wuxuuna diiday in uu qaabilo Xildhibaan kaligii socda ama Xildhibaanada Beelaha, oo koox-koox u kala socda, oo iskood wax u doonayaan. Wuxuu raba, in dhammaan Xildhibaanada talo ku yeeshaan qaabka Dowladda loo soo dhisayo, awood qeybisiga guud ee beelaha iyo u qeybinta beelaha iyo jufooyinkooda jagooyinka muhiimka ah ee Dowladda; si magacaabida Golaha Wasiirada u noqoto, mid muuqata oo caddaalad lagu soo xulay. Wuxuu kaloo raba, in Xildhibaanada beel kasto, ayaga iska soo dhex xulaan, ciddi reerka Wasiir, Wasiir ku-xigeen iyo Wasiiru Dowlo; u noqon lahayd. Haddii, ay dhado in Xildhibaanada beelaha qaar ku heshiin waayaan dhexdooda, lana waayo Xildhibaan haysta taagyeerida Xildhibaanada beeshiisa inta badan ama sita cod dheeri ah; wuxuu kula talinaya, in ay magacyo soo gudbiyaan si uu uga xusho; waxayna raali ku noqonayaan in loo magacaabo, oo ay taagyeeraan Xildhibaankooda.

Magacaabida Golaha Wasiirada, waxaa iska leh Ra’iisul Wasaaraha, waana muhiim in uu soo dhiso koox la shaqeyn karta, laakin waxaa muuqata, in uu rabo qilaafka Xildhibaanada jaga doonka ah yaraado, oo ay , isku tanaasulaan, Dowladdana caqabo ugu noqonin iyo in uu diyaar ah u yahay, cid allaale ciddii ay isku soo raacaan Xildhibaanada beel kasto; in uu magacaabayo, oo ayna jirin cid uu gaar jago ula doonayo. Runti, Ra’iisul Wasaaraha, waa ku ammaanan yahay in uu isku dayo, asagoo xal raadinaayo; cid walbo in uu qanciyo, Dowladdiisuna noqoto mid Dib-u-heshisiin ah, go’aamadeenuna u noqdaan mid leysku raaco inta badan, Xildhibaanada Soomaaliyeedna, oo matala Midnimada Qaranka kala shaqeyaan, wixi labada sanno loo fadhiyay, Ummadda Soomaaliyeedna sugeeysay, ayna noqon wax fashilma, sida caadada ahaan jirtay; wax kastana laga hormariyo danaha guud ee dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaan, kaloo ku ammaani kara Ra’iisul Wasaaraha, oo ay tahay in la dhiiri geliyo, asagoo maal yar ka harayn, waqtigi u soo bandhigi laha Baarlamaanka Golihi Wasiirada u soo magacaabay iyo Qorshihi Dowladdiisa; in uu Shir Saxaafadeed qabtay, Caalamka ku weydiinaayo, in lala soo gaaro gar-gaar deg-deg ah dadkii dhibaatada ka soo gaartay Xirarkii kacay (tidal waves) ee Gariir Aasiya iyo inuu hakiyay hawlihi uu ku jiray, si uu u soo booqdo dadweynaha Soomaaliyeed ee dhibaatada soo gaartay iyo in uu soo qeymeeeyo qasaaraha inta uu la’egyahay.

Ugu dambeynti, Ra’iisul Wasaaraha, si uu qorshahiisu ku hirgalo, waxaan qaba in loo baahan yahay, in Guddigga la shaqeeyo la tashto, in ballan qaadyada uu galo fuliyo iyo in uu ka diido hoggaamiye koxeedyada culeyska ku saaraya, in loo magacaabo cidda ay rabaan; ayagoo faragelinaayo beela kale arrimahooda, danta ay ka leeyihiinna ah, in Baarlamaanka dhexdiisa kooxa ka abuurmaan, marki ay rabaan wax ku bur-buriyaan iyo in uu noqdo Baarlamaanka meel lagu bar-baariyo hoggaamiye koxeedyo cusub, oo looga fa’ideeynaayo jagooyinka loo magacaabay, si ay u soo kobcaan. Mida kale, si uu qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ku fulo, waa in Golaha Wasiirada lagu saleeyo beel kasto ama jufo kasto tirada Xildhibaan, oo ay Baarlamaanka ku leedahay. Marka, waa in uu damaca yaraado, oo camal sheydaan ah iyo in ay ogaadaan kuwa hadda olaha bur-burka Dowladda ka shaqeeynaayo, kuna xisaabtama in ay mucaarad helaan, marka Golaha Wasiirada la magacaabo, in “DOWLAD CID WALBO DAN U TAHAY”, beeshi Xildhibaankeeda Wasiir, Wasiir ku-xigeen ama Wasiiru Dowlo weysa, in ay jagooyinka Guddiyadda Baarlamaanka fara badan yihiin, Xildhibaanku dhaqaale la siinaayo iyo in beelahooda lagu dayactiri jagooyinka Dowladda, oo ayaguna fara badan sida Guddiyada Qaranka, Safaaradaha, Agaasimayaasha Guud iyo Maareeyayaasha Mashaariicda iwm, marka caqliga, waa in uu noqon ANIGA ayeey wax walbo igu fiican yihiin, haddii aan ka mid noqonna Golaha Wasiirada, waxaan ka shaqeeynayaa in Dowldda la rido.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow (Black)
drabdi2000@yahoo.com
Dec 31, 2004


Waftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha J.W.X.O oo booqasho ku tagey Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minesota.

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 2, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD