SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Ku: Ibrahim Jamac Cigaal
Waad ku mahadsantahay qoraalkii ku saabsanaa Kismayo, inkastoo aad wax yaabo badan  ka hadlin, mooji inaad indhaha ka qabsanaysay ama aadan ogeyn.
 
Taariikhda Kismayo way ka qoto dheertahay ciidamo laga keenay Gedo ama Garowe, inay xasiloonina ka dhaliyaan Kismaayo, waayo degaanka dadka dega oo ah: Ogaadeen, Shiiqaal, Gaaljecel, Baajuun, Carab, Ciise Mohamud, midkoodna  kuma jira taliska dooxada ee la dhoodhoobay.
Nasiib wanaag, waa dad ganacsato, beero-leey iyo xoolo dhaqato ah, xaga diintana ku dheereeya, marti gelintana yaqaan, nabadana jecel, una fakarin nin kale oo Somali ah ayaa dhibaato keeni  oo xoog ku maquunin, kalsoonidaa aawgeed ayaa cid wax ka qaadi karta ayasan jirin oo aan ilaah ahayn.
 
Aan dib kuu xasuusiyo, Abdiqasim dowladiisa waxaa riday, ka dib markuu indhaha ka qabsaday dhibaatda isbahaysiga Cayr iyo Mareexaan ka wadeen degaankaa,  oo keentay fashil ku yimaado isbahysiga iyo kala daadasho.
Xuseen Aidid dharaar cad ayaa Shaargaduud iyo RRA kala wareegay xilka Baydhabo, 
SNM ay Hargeysa kala wareegeen ciidankii qaranka oo loo isticmaalay burburka magaalda,
SSDF meel cidlo ka helay mamulkii Bari.
USC gobolada handeen.
General Aidid iyo General Liiqliiqato ayaa ugu dhowaa inay xasilooni ka dhaliyaan gobolka, laakin waxaa fashiliyey Gen. Morgan oo ku mitiday Kismayo.
 
Nasiib wanaag dowlada KMGF ee Col Abdulahi Yusuf iyo PM Geedi u maleyn maayo inay waqti u hayaan arimaha Kismayo, oo dal lumay ayey dib u soo dhisayaan.
 
Xalka Kismayana waxaa hayo dadweynaha dega degaanka oo mamul loo dhan yahay u sameeya gobolka, waayo dalka intiisa kale maamul goboleed ayaa ka jira, sidaana lagu heli nabad.
 
Bare Hirale waa xildhibaan Somaliyeed waana inuu ka shaqeeyaa danta umada Somaliyeed, maaha inaad colaad aan loo baahneyn ama ciidan gadooday ka dhigtaa hero, iyaguna waa in lagu daraa ciidamada qalabka sida oo dalka ka daafici doono kuwa ku soo xad gudba.
 
Mahadsanid.
 
Faanoole fari kama qodna!

Y. Adam
yadam2004@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Deganaansho la'aanta Kismaayo yaa wada?
Afhayeenkii Isbahaysiga Dooxada Jubba Waqtigii Dagaaladu Socdeen oo Kahadlaya Dhibaatada ka Jirta Magaalada Kismaayo Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD