SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
Daabaco Boggan | Print


Dowladda Mbagathi iyo fikaradaha Soomalida kunool Pakistan. 

W/D Suldan Nayruus Xaaji Aadan.
 Karachi-Pakistan
Suldaan25@hotmail.com
Suldan25@yahoo.com


      Soomaalida ku kudhaqan waddanka Pakistaan, ayaa intabadan waxyaabaha ay iswaydiiyaan u badantahay arimaha Soomaaliya, gaar ahaan waxa ku soo kordha, shirka dib u heshiinta, horu marka laga gaaro iyo waliba caqabada soo food saara.

Soomaalida kunool Pakitaan, oo aad u jecel in ay mar arkaan waddankoodoo nabad ah, calankoodoo  meel walboo adduunka kamid ah kalusha, ayaad arkaysaa markay isu yimaadaan iygoon is nabdaadin (is bariidin) su’aasha ugu horaysa ay is waydiiyaan ay tahay  “war habaloow xagee shirkii u heshiisiintu ku danbeeyey, xaggeese wax marayaan”. Intabadan kuma eka oo kaliya is waydiine, waxaad arkaysaa iyagoo falanqaynaya waxa ka imaankara dowladda  lagu dhisay shirkaas, iyagoo aragtiyo kala duwan soo bandhiga.

     Mara aan  booqday meelaha Soomaalidu isugu yimaadaan, una kuurgalay fikaradaha  ay ka qabaan shirka  Soomalida uga socda Mbagathi iyo dowladdda lagu dhisay, ayaan waxaan kadiyaariyey war bixintaan. 

Dowladda  lagu soo yagleeley shirka dib u heshiinta Soomaliya oo muddo laba sano iyo bar ku dhawaad ka socda dalka Kenya, ayaa  Soomaalida ku nool waddanka Pakistan  ay bixinayeen arigtiyo  kala duwan xaaladda dowladdaas iyo aayaha ay ku danbayn doonto. 

    Dowladdaas oo ay hareeyeen khilaafyo joogta ah oo sababay dib u dhac mar walba ku yimaada hor u socodka dowladdaas, iyadoo marka loo eego shirarkii kahoreeyey  ay isaga eg yihiin  meelo badan. 

    Inkastoo shirarka loo qabanayo Soomaliya wixii kadanbeeyey ridistii Maxamed Siyaad Barre uusan midkoodna caqabad la’ayn, haddana shirka iminka kasocda deegaanka Mbagathi ee magaalada Nayroobi, ayaa Soomaalida Pakistaan ku dhaqni qaarkood qabaan in uu noqonkaro rajada ugu wayn ee nabadda iyo daganaashaha Soomaaliya.

Inkastoon lafilayn in dowlad 100% Soomaalidu wada jeceshahay ay noqoto dowladda lagu dhisay  Kenya, haddana dadka qaba fikraddaan ayaa waxay ku adkaysanayaan inshirka Kenya uga socda Soomaalida,  oo imika lagu dhisay baarlamaanka iyo madaxwaynaha  uu noqon doono mid hirgalidoona, kana door roonaandoona  kuwii isaga kahoreeyey, maadaama shirku uu taageero kahaysto beesha caalamka, dowladaha safka horana ay isku meel kataaganyihiin sidii loo taaba galin lahaa dowladdaas. 

 Laakiin qaar kale oo aan ra’yigaas qabin, ayaa waxay taagan yihiin in laba jeeraale dowladdaas aysan fashil kabadbaadi doonin, ayna adagtahay in soomaalida shirka wada joogtaa ay u wada hogaansamaan natiijooyinka kasoo baxa marka ladhamaystiro xubnaha dowladda, ayna dhici karto dad badan oo goobjoog haatan ka ah madasha shirka marka ay dantooda kawaayaan in ay kahoryimaadaan wixii natiija ah ee kasoo baxa, maxaa yeelay waxaa jira qaar kamid ah hogaamiyaasha kooxaha Soomaalida, oo aan doonayn  in Soomaaliya yeelato dowlad dhexe,  iyagoo kacabsanaya in awoodooda hoos u dhac kuyimaado. 

           Dadka ra’yigaan qaba ayaa  waxay sheegayan in haddaba kooxaha shirka jooga ay qatar ugu jiraan in hal bacaad lagu lisay ay kadhigaan natiijada shirkaas, waayo waxaa jira is jilaafayn xoog leh oo u dhaxaysa ragga u baratamaya  jagooyinka wasaaradaha, oo kol dhow lafilayo in uu Pro. Geedi ku dhawaaqo. arinta kale oo  fashil ku keeni karta  dowladdan ayaa waxay qabaan in ay tahay hubka  faraha badan ee daadsan Soomaaliya oo malaayiinta gaaraya, kuna jira gacmaha beelaha  iska soo horjeeda, oo mid waliba ay u haysato in jiritaankeedu uu ku xiran yahay haysashada hubkaas, ayna adag tahay in hubkaasi laga qaado ilamaa xoogog loo helo, xilli ay beesha caalamku  faraha katagteen in ay ciidadooda geeyaan Soomaaliya. 

     Dhanka kale waxaa iyana dhibkeeda leh marka xukuumadda lasoo dhamaystiro meesha ay cagaha dhigi doonto. Soomaalida Pakistaan kunooli taasina  fikrado kala duwan ayey kaqabaan. Qaar  ayaa waxa ay qabaan in  aan dowladda lagayn Muqadisho, maadaama ay tahay meel aan si sahlan loo tagi karin, lana geeyo meel kale oo nabdoon, hal qaar kale ee kasoo horjeeda ku waasi ay qabaan in Muqadisho ay joogaan hogaamiyo kooxeedyo maleeshiyooyinka ugu badan iyagu gacanta ku haya, haddii ay kuwaasi gacan ka gaystaan sidii maleeshiyooyinka loo xarayn lahaa ay tahay meel dowladda lagayn karo.

     Si kastaba ha ahaatee xaaladdu waxay maraysaa meel adag, wallow Soomaalida dowladdaas  ku niyad sami ay taagan yihiin in haddii laga gudbay laba mar xaloodood oo adag oo kala ah doorashada  barlamaanka iyo madaxwaynaha, ay tahay inta kale wax iska sahlan, balse ay jiraan caqado adag, waxayse wax waliba ku xiran yihiin sida ay soomaalidu ay u aragto iyadu xalka, oo khilaafka u dhexeeyaa uu  kadhigi karo in aan waxba hirgalin iyo inwax hirgalaan intaba, lakiin la arkidoonee meesha xaalku uu ku biyo shuban doono.

 W/D Suldan Nayruus Xaaji Aadan.
 Karachi-Pakistan
Suldaan25@hotmail.com
Suldan25@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Deganaansho la'aanta Kismaayo yaa wada?
Afhayeenkii Isbahaysiga Dooxada Jubba Waqtigii Dagaaladu Socdeen oo Kahadlaya Dhibaatada ka Jirta Magaalada Kismaayo Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD