30 Desember kacdoon iyo kalatagii
Soomaali
Ilaa iyo markii ay Soomaaliya xurnimada
qaadatay waxaa dadlka soo maray talisyo aan tixgalineynin masaaliixda
dadkooda iyo dalkooda taas oo soomaaliya ka dhigtay iney noqoto wadanka
ugu horumar liita caalamka, hadaba siyaasada xukuumadahaas ayaa ku
saleysneed kor uqaadida danta shaqsiyadeed iyo mida qabiilba.
Hadaba xukuumadii Maxamed Siyaad alaha u naxariistee oo ku caan baxday
falal waxaxhnimo ah sida:- musuqmaasuq, eex, caburin, cadaalad daro,
xasuuq iyo xarig maxkamad la aan ah. Waxey kaloo ku caan baxday xeelada
Qeybi oo Xukun "Divide and Rule" iyadoo colaad ka dhex abuurtay
qabaa-iladii soomaaliyeed waxyna hubeysay qabaa-ilka qaarkood si ay u
gumaadaan kuwa dariskooda ah, xeeladaas ama qayaanadaas ayaa u suurta
gelisay inuu xukunka ku nagaado 21 sano. Wuxuuna meesha ka saaray fursad
kasta oo lagu xalin lahaay mushkilada soomaaliya qaab nabadeed.
Hadaba waxba yuusan qalinku ila turanturooninee aan u soo laabto dulucda
maqaalkeega. 1990 waxaa xaqiiq eheed in siyaasad ahaan iyo nabadgelyo
ahaanba uu dalku meel xun maraayey, waayo goboladii waqooyi waa soo
burbureen, goboladii dhexena waa soo burbureen, dadkiina wexey iskugu
yimaadeen Xamar. Xamarna wexey eheed Xabadi sugto sida dadka intiisa
badan ay aaminsanaayeen. kadibna qof walbo oo lacag lahaay wuxuu
bilaabay inuu lacagtiisa doolar ka dhigo ama boos galiyo, waxaa dhacday
in musqulihii Shangaani ay qiimo yeeshaan oo la dhaho xaasiifka sarifka
lacagaha qalaad ayaan ka furanaayaa ee iga kireey! ! cajiib!waana
soona Shariif Zeeno agtiisa. (ama inta u dhexeyso Hotel Al Curuba iyo
shariif zeno)
Waxaan is tusay hadii uu Xamar dagaal ka dhaco, in soomaali ay kala
tageyso hadii ay kala tagtana ay adkaan doonto mustaqbalka sidii ay
isugu timaado, waayo wadamo cadow ah ayaa nagu hareereysan oo dal iyo
dadba naga heesto, iyo walibo damaca gumeysta yaashii reer yurub iyo
mareekanka oon meesha aan ka marneen damacaas iyo loolankaas oo soo
bilawday Furitaankii kanal Suez 1869 kii, Soomaaliyana ay noqotay meel
istaraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah quwadihii reer yurub (European
powers ) sida Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga oo gumeystay
kalana qeybsaday xeebtii dheereed ee soomaaliya.
Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxay baaqaaq caalami ah iyo mid
gudaha ah sida Bayaankii Manafeesto oo laagu baaqaayay xukuumadii
milateriga eheed iney xukunka iskaga degto ama la timaado isbedel
siyaasadeed si wadanka looga samata bixiyo musiibada ku soo foodleh
waayo daaweynta waxaa ka horeeyo astaamaha cudurka (Symptoms before
curing) astaamihii burburka iyo kala taga soomaaliyeedna waa soo shaac
baxay inta indheergaradkana wey dareemi kareysay waayo waxaanu leenahay
Natural ability :- to know, to think, to plan and to predict.
Arintu si kastaba ha ahaatee baaqyadaas iyo bayaanadaas dhagaha ayey ka
fureysatay xukuumadaii milateriga eheed waxeyna noqotay arin laga
qoomamoodo in aan laga faa-iideysan fursadaas si dalka iyo dadka loo
badbaadiyo soomaaliduna wexey tiraahdaa:-
Saban tegay , mid soo socda iyo saaka waxa joogo,
Sedexdaa wakhti baa xaal aduun lagu sifeeyaahee
Soo noqod ma jirto shalay wixii saabiqoo tegayee
Wexeyse taladu kuu suubantahay subaxeey joogto
Marse hadey arimi ku seegto, oo sibaq yar kuu dhaafto
Allow maan sidaas falo ma jirto wexey sameysaayee
Hadaba wakhtiga axmaqnimo kaaga tegay oohin kuugu reeb
.
Markii uu dagaalka sokeeye dhacay dadkii soomaaliyeed wexey u
qeybsameen labo qeybood, qeyb dalka ku hartay iyo qeyb dibada soo aaday
1- Qeybtii dalka ku hartay waxaa heysato nabadgelyo xumo iyo nolol xumo
laakiin wexey heystaan cisi, sharaf iyo karaamo, waayo dalkoodii ayey
joogaan oo cid ku cunsiryeyneyso maleh hadey dhintaana wdankoodaa lagu
duugaa oo xusuus baa ka hareyso, oo waxaa la leeyahay "hebel ama
heblaayo qabrigiisii ama qabrigeedii waa kaas"
2-Qeybtii dibada soo aaday wexey heystaan nolol iyo nabadgelyo, laakiin
ma heystaan sharaf, cisi iyo karaamo, waayo soomaalida intooda badan
waa marti aan edeb leheen, marti aan edeb leheena cidi marabto,
meelkastana waa laga nacay meeshii laga naco oo ugu danbeysayna waa
dalka Koonfur Afrika oo mar dhaxdaas ayaan ka aqristay websiteka
Hornafrik online oo soo qoray daraasad ama baaritaan ay sameysay
Jaamacada Johannsburg ayaa cadeysay in dadka ugu badan ee lagu
midabtakooro dalka koonfur afrika ay yihiin Soomaalida.
Hadaba horaa loogu heysay "Heybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo"
dulinimada soomaali ku dhacdayna iyadaa u sabab ah ayaan qabaa waayo:-
Umadi ma dulowdo,hadey dulowdana waa ducafowdaa.
Umadi ma ducafowdo, hadey ducafowdana waa tafaraaruqdaa.
Umadi ma tafaraaruqdo, hadey tafaraaruqdana waa is khilaafaan.
Umadi ma iskhilaafto, hadey iskhilaaftana waa isku caroodaan.
Umadi ma isku carooto, hadey isku carootana waa is xasidaa.
Hadaba waxaan maqaalkeega kusoo gaba gabeena in lagu cibro qaato wixii
dalka ka dhacay laguna dadaalo nabada iyo sidii dalka dib loogu soo
celin lahaay lugihii uu ku taagnaay (to return back the country on its
feets) iyo sidii umada soomaaliyeed loogu abuuri lahaay rajo dhab ah
(and to creat a real hope) meel kasta oo ay joogto. Waxaadna ogaatiin
inaan nabada lagu soo celin kerin xoog loona marin hab milateri laakiin
loomaro qaab ay ku dheehan tahay micno siyaasad iyo dhaqaale iyadoo
laxoojinaayo jawi meesha ka saari karo Colaada, Shakiga iyo Is aamin
dara sida uu yiri Madaxweynihii hore ee ruushka Gorbajoof dhamaadkii
1988 mar ay isaga iyo Madaxweynihii hore ee mareykanka Reegan ku
shiraayeen Jasiirada Malta.
"We seek peace not throug military, but through political and economic
means, by fostering a climate that removes out Hostility,Suspicious and
Mistrust.
Yoonis Aaden Cigalle (Cigalley)
wardhiigley@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005