SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


Wararka Maanta:::

»Prof Geddi:oo loo ansixiyay tirada gollaha Wasiiradiisa.

»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf:oo xildhibaanimadiisi wareejiyay.
»Cawad Cashara:Inta C/llaahi Yuusuf Madaxweyne Yahay Ma rabo wasiirnimo
»Dowladda Kenya: ha baxaan Baarlamaanka Somaliya iyo dowladiisaba.
»Ergadii u baxaysay somaliya oo wali ku xirxiran Jommo kenyata.
»Marwo Faadumo Jinni Boqor: waa in la iska ilaaliyaan ergada dib u laabanaysa.AIDS.
»Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim: Kenya uguma dulqaadan doono baxa iyo xirxiris.
»Ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo oo aano qabiil loo dilay
»Waraysi Xildhibaanad Caasho Geelle oo ah Musharax MDGPL
» Hooyadii Ilamaheeda laga xaday oo...

Qaybtaan waxaa isku soo dubaridey
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com

 
Wasiirka koowaad ee dowlada FKMG ah ee soomaaliya Cali Maxamad Geddi oo baryahanba laga sugayay in uu baarlamaanka soo hordhigo qaab dhismeedka dowladiisa ayaa 4/1/2005 ka dalbaday baarlamaanka in ay ka dhagaystaan sida uu u kala qabiyay gollaha wasiirada iyo tiradoodaba hadal gaaban ka dib waxa uu wasiirka soo hor dhigay baarlamaanka tirada uu damacsan yahay in uu ka dhigo gollaha wasiirada iyadoo ay awooda diidmo ama ansaxiba leeyihiin hay'adda sharci dajinta oo ah baarlamaanka.
 
intaas ka dib waxa uu wasiirka keenay sida uu kala qabiyay gollaha wasiirada oo hab beeleed la waafajiyay 4.5 ah waxa ayna kala ahaayeen sidan
 
Digil iyo mirifle.... 9
Daarood............ 9
dir................... 9
Beesha 5aad....   4
Beesha Hawiye.. 11.
5 wasiiru dowle oo ah shanta beelood ah.
iyo laba u gaar ah oo sida uu sheegay uu ku xalinayo dhibaato soo gaartay.
 
Dhamaan wasiiradan ay helaan beelaha oo marka laga reebo shanta wasiiru dowle wata ku xigeenadooda waxa ay yihiin marka la isku daro ah sagaashan iyo kow gollaha wasarada ah.
Cali maxamad geedi intaas ka dib waxa uu doodi u daayay baarlamaanka waxaana socotay soo jeedimo kala duwan,oo qof walba oo ku falanqaynanay sida xaal yahay,Cali Baashi Maxmad oo ugu  horeyn qaatay hadalka ayaa xusay in waxii lagu riday cali gedi ka daran uu la yimid,la yaabna ay tahay iyadoo laga filayay in  uu yareeyo uu ka sii badiyo.waxa halka lagu hayana aysan ahayn wax sinaba socon kara.
 
figaradaha baarlamaanka ayaa aad u kala fogaa waxaana ka mid ahaa cawad cashara oo sheegay in isaga baryahaan lagu tiriyo mucaaradka dowlada laakiin uusan waxba ka qabin,waxa uuna sheegay in uusan simaba ka soo horjeedin sida Geddi wax u maareeyay,laakiin isga uusanba wax rajo ah ka qabin jago inta C/llaahi yuusuf madaxweyne yahay sida uu hadalka u dhigay.
 
Doodahaas ka dib waxaa la soo jeediyay in la qaado cod far taag ah saacado dood ah ka dib,waxana uu wasiirka ku guuleystay ugu dambayn in ay cod ku ansixiyaan soo jeedintiisa tirada gollaha wasiirada tiro dhan 210,waxaana codeeyay 233 xubnood halka ay ka aamuseen 4 xubnood waxaana diiday 19.
 
Xildhibaanada kale ee ka hadlayay kulanki baarlamaanka ee maanta maahayn kuwo ku kooban soo jeedinta geedi balse waxaa jiray kuwo ka hadlayay ergada lagu xiray garoonka jommo kenyata oo dib ugu laabanayay dalka soomaaliya meelo ka mid ah,maryan cariif qaasim ayaa ayaa sheegtay in guddi loo saaro arrintan xadgudbka ah kuna tilmaantay in kenya ay iskugu darto baxa iyo in caburin,dadkan waa dad ay bixistooda IGAD ka dambsay mana ahan in qiil loo raadiyo bixistooda,waxa laga xumaadana ku tilmaantay in soomaaliyeed oo waliba ahaa ergadii shirka si xun qurbe loogula dhaqmo madaxda soomaaliyeedna aysan ka hadlin dhibkooda,waxaana la soo jeediyay ugu dambayn in dadkaas wax loo qaban doono iyadoo loo marayo safiirka kenya ee shirka.
 
Dhinaca kale waxaa maanta lagu dhaariyay madasha shirka xildhibaan cusub oo lagu magacaabo C/rashiid Maxamed Cabdi-Xaashi (C/rahsiid Ciro) oo badalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad,waxaana uu gudoomiyaha sheegay in madaxeynaha uu warqad usoo gudbiyay xilkiisina uu ninkaas u baneeyay,waxa uuna gudoomiyaha intas ku daray in xildhibaanka cusub uu halkan baarlamaanka kala qabsan doono howlahooda.
 
Dowladda Kenya ayaa markale ku celisay xalay in ay ka baxaan Baarlamaanka soomaaliyeed iyo dowladiisaba waxayna ku tilmaameen iska sii joogistooda in aysan u dulqaadan doonin mar hadii ay u dhiseen dowlad iyo baarlamaan sida ay hadalka u dhigeen,xiligana uu yahay markii ay dadkooda waxay dhiseen ula tagi lahaayeen ee maahan in ay kenya iska joogaan,waxayana ku tahay laf ahaantooda mid aysan kalsooni badan kaga kasban karin shacankooda mar hadii ay dalkan waqti badan ku bixiyaan,hadalkan oo qoraal ahaan xalay ku soo gaaray dowlada iyo baarlamaanka waxa uu intaas ku daray in lagu wargaliyay baarlamaanka iyo dowladaba in ay diyaar u yihiin diyaaradihii ay ku tagi lahaayeen dalkooda soona cadeeyaan xiliga ay baxayaan,maahan oo kaloya kenya cadaadiska halka uu uga imaanayo madaxda soomaaliyeed ee waxaa la socda mid ay soo gudbisay beesha caalamka oo la qaba kenya in madaxda soomaaliyeed ay tusaan shacabkooda waxi ay u dhiseen si caalamkana u aamino deeqna u siiyo,shacabkuna ugu kalsoonaadaan.
 
Baarlamaanka iyo dowladda ayaa waxaa haysta laba arimood oo kala daran,tan ay kenya u soo gudbisay in dagaalada iyo amaan darada dalka oo ay cabsi wayn ka qabaan in ay fulin wayaan waxii ay kenya ku dhiseen mudadii la joogay,waxaa kale oo dowladda buuq galiyay soo jeedin madaxda qaar ka timid oo sheegaysa in baydhabo la geeyo dowlada ka hor inta la xasilanayo caasimada oo hubkana hal meel oo ay dowalada ogtahay lagu shubayo,laakiin figaradan ayaa waxaa si wayn uga soo horjeestay siyaasiyiin kale iyagoo ku tilmaamay in la xaqorayo jiritaanka caasimada iyo balanqaadkoodi ahaa in ay dowlada xamar ka dajinayaan hubkoodana u wareejinayaa,arrintan ayaa ah mid wali taagan oo aan go'aan rasmi ah laga gaarin.
 
Marwo Faadumo Cilmi Jini boqor oo ka mid ahayd ergadii shirka ku suganayd mudadii bilwoga ilaa hadda oo iigu waramaysay xarunta Embagathi maanta ayaa sheegtay in dadka soomaaliyeedd ee  eragada ah dibna loo celiyo ay iska baaraan eheladooda,si loo ogaado caafmaad ahaan waxa ay qabaan,waxa ayna intaas ku dartay marwo fadumo in somaaliya aysan u dulqaadan karin cuduro,dagaalo iyo dowlada la'aan,waxay uga digtay dadka ay ka dhasheen ama ehelada ergadan hadda ku jirta xabsiga kenya in iska baaraan caafimaadkooda,maadaama ay joogeen wadan qurbe ah oo waliba cudurka dilaaga ah halis u ah uun aku badan yahay siyaabo badana loo kala qaado cudurkan.
 
Ugu dambayn waxa ay intaas ku dartay in caafimaadku yahay muhiim dadka qaarna ay iska fududeystaan waxyaabo qatar badan leh oo cudurkana uu ku faafi karo iyagoo aan u aabo yeelina,ergada soomaaliyeed ee dib u laabanaysa ayaa horay looga digay in ay isbaaraaan ka hor inta aysan qoysaskooda la macaamilin, si loo yareeyo loona ogaado qatarta AIDS.
 
Horay illo aan rasmi ahayn ayaa u cadeeyay in ergo soomaaliyeed laga helay cudurka AIDS ka ay qatar badan oo ah in uu si fudud ku faafo cudurkan imaan karto,iyagoo walwal ka muujiyay hadii aysan helin baaritaan mustaqbalka dadka ay nolosha la qaynsanayaan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com


Ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo oo aano qabiil loo dilay

Waxaa barqadii (3/1/2005) bartamaha magaalda Gaalkacyo lagu dilay Siciid Xaashi Cali oo ku magacdheera "Sheeko-xariir",isagoo markaas galaya rugtiisii ganacsi. Sheeko xariir oo ku soo caan baxay ka ganacsiga isgaarsiinta Fooniyaha ka dib markii ay burburtay dawladii hore ee soomaaliya waqtigaas oo uu ka shaqayn jiray wasaaradii boostada iyo isgaarsiinta.

 
Siciid Xaashi 'Sheeko xariir' oo dhammaan gobalada soomaaliya laga yaqaanay gaar ahaan dadka ka shaqaysta mihnida isgaarsiinta loo yaqaan Halowhalowda (Fooniyaha), iyo kala xawilashada lacagaha ayaa maanta hal mar hawada laga waayay sheeko xariir khadkii lagula xiriiri jiray, waxaase goor dambe lanoo xaqiijiyay in 10.00 subaxnimo ee maanta niman hubaysan ay u fariisteen rugtiisi ganacsi halkaas ay xabado darandooriya ku fureen isagoo isla goobtii ku qurbaxay, waxaana loo aanaynayaa in loo dilay aano qabiil oo salka ku haysa dagaalo u dhexeeya beeshuu ka dhashay marxuumku iyo beesha oo aanayno in ay dishey, kuwaasoo muddooyin soo jiitamayay ku dagaalamayay agagaarka Gaalkacyo iyo Dooxada Golol ee ka tirsan degmada Jiriiban ee gobalka Mudug, waxaana dilidda marxuumkaasi ay ka dhexabuurtay gudaha magaalada Gaalkacyo xiisad colaadeed oo laga dareemayo labada beelood ee Sacad iyo Dir,sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Xasan somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com


Xildhibaanad Caasho Geelle oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo
sheegtay inay rajo ka qabto…
 

Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" Garowe Puntland, Somalia
Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Sida aad la socoteen baryahanba waxaa deeganada Puntland ka socday mowjado siyaasadeed oo wajahan abaabulka doorasho ee lagu wado inay dhawaan ka dhacaan deegaanada Puntland.

Waxaana sidoo kale soo kordhayay Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, kuwaasoo mid wali uu u han weyn yahay sidii uu mar un ku noqon lahaa Madaxweynaha sharciga ah ee Maamulka Puntland.

Haddaba Musharixiintaasi waxaa ka mid Haweeneynada lagu Magacaabo Caasho Geelle Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland. Caasho waxa ay Maanta ku sugan tahay Magaalada Caasimada u ah Maamul Goboleedka Puntland.

Wariyaheena Magaalada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" oo bilihii ugu danbeeyay Socdaalku marayay Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu ku sugan yahay Magaallada Garowe oo uu kulmay Musharaxada Caasho Geelle Diiriye, waxaana uu la yeeshay Waraysigan ku saabsan bal sida ay wax u rabto Caasho iyo caqabada ay ka baqaneyso inay ka horyimaadaan.

Waxaa uu waraysigii u dhacay sidatan:---

"Wariye Garyare" su’aasha ugu horeeysa ee aan Caasho ku weydiinayo waxay tahay waxaad dhawaan shaaca ka qaaday inaad tahay musharaxad u taagan xilka Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Puntland, bal waxaad inooga warantaa halka ay kuu marayso abaabulka aad ugu jirto in aad ku hanato xilkaasi???

"Caasho G Diiriye" marka hore waad mahadsan tahay marka xigta haddii aan isku dayo su’aasha aad iweydiisay jawaabteeda, waxaan inbadan ka dhex shaqeeyay arimaha bulshada oo aan ka helay waaya aragnimo aad u wayn, waxaan dhawaan booqday inta badan gobolada iyo dedmooyinka oo aan ku soo arkay inay ka jirto maamulka oo aan u gaarin sidii loogu talagalay, marka ay dalkan ka talin jirtay Dowladii dhexe waxaad
xasuusataa in xukunka Soomaaliya uu ku aruursanaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo dadka ku qasbi jirtay in marka uu rabo inuu dhoofo uu tagi jiray Muqdisho haddii uu isbital rabo waxaa uu tagi jiray Muqdisho kadib burburkii dalka waxaan sameeysanay Maamul la yiraahdo Puntland arintii hore un baa nagu qufulan, anagoo caasimadii ka dhiganay Garowe puntland waxaa ay noqotay meel lagu soo ardo, wasiirado iyo xildhibaanado meelkasta oo ay ka dagan yihiin Puntland meeshaasi ayay isugu yimaadaan, waxaad mooda in laga nastay wadadii dheereed ee muqdisho, laakiin waxaa muuqata inay jiraan baahi ay qabaan dadka ka fog fog Magaalooyinka waa wayn, haddii ay dhacdo in qof loo magacaabo degmooginka fog fog ee hoosyimaada Maamulka Puntland waxaa ka muuqaneysa inuusan jecleysan magacaabistaasi, marka aniga waxaan is leeyahay Puntland haddii aad Madaxweyne ka noqotid malaha waxaad sameyn lahayd isbadal guud ahaan, taasoo ay ugu horeeyso in dadka loo badalayo Gobolada, degmooyinka iyo Tuulooyinka inay noqdaan dadka ugu mushaharka badan Dowlada, iyadoo aan xooga u saari doono inay helaan Mushahar ku filan Gawaari ay is ticmaalaan, iyadoo aan is dhahayo taasi waxa ay keeni kartaa in marka danbe ay dadka isku dili doonaan in loo badalo Gobol ama degmo ka fog meesha uu dagan yahay, marka mahan in howshu ay tahay in lagu ardo laami oo kaliya.

"Wariye Garyare" waa tahay dadka badan oo soomaaliyeed ayaa akhrisanayay Waraysigan aad maanta bixisay oo marka ay maqlaan Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo sidoo kale ah xubin kaalin firfircoon ku leh Ururada qabta howlaha Bulshada ee ka howl gala Deegaanada Puntland inay maanta isku soo taagtay Xilka Madaxweyanah Maamul Goboleedka Puntland dadka ku yaqaan iyo inta aan ku aqoon Caasho Geelle Diiriye marka lagu yiraahdo u doorta Madaxweynaha Maamulka Puntland Caasho Geelle Diiriye maxaad u qaban kartaa marka laga soo tago howlahan ah in dadka gobolada loo badalayo aad mushaharka u kordhin lahayd oo la taaban karaa Caasho???

"Caasho G Diiriye" marka hore waxay dadku ogyihiin in aan leenahay ilo dhaqaale oo aad u wanaagsan, kuwaasoo loo baahan yahay in laga faa’iideysto, waxaa kale oo jirta in dadka reer puntland inay yihiin dad u bislaaday inay bixiyaan canshuurta laga qaado, laakiin ma oranayo qarashkaasi kasoo xarooda waa lagu tagri falaa, hase yeeshee waxaa meesha ka maqan qaabkii loo isticmaali lahaa dhaqaalahaasi ilaahay ku maneystay Deegaanada Puntland, waxaana qabaa in hadii la isku dayi lahaaa in arintaasi wax laga qabto in Gobolkasta uu meesha uu joogo ku barwaaqoobi lahaa, hadii aan wax ka iraahdo Dowlada waxaa jirta in wax lagu qeyb sado Beel ama waxa dhici karta in laguu yimaado oo lagu yiraahdo an ku doortee maxaad ii qabaneysaa, isagoo hadhow kuu keenaya wiil uu dhalay kuna dhahaya wax iiga dhig, marka aniga mahan caqabada I hortaal in dadku dadnimo xumi igu dooran waayo, waxaana sidoo kale aan ogahay oo aan idiin sheegayaa in gobolada dalka aan ku leeyahay dad aad u wanaagsan oo aan isleeyahay waa dadka ugu magaca dheer Gobolada, laakiin caqabada aan is leeyahay way ku hortaal waxaa ay tahay in marka hore ay dadku qaarkiis I oran doonaan waxaad tahay Haween oo haweenka ma qaban karaan xilka ugu sareeya dalka iyo iyadoo musharixiinta kale ee ila tartameysa ay wadaan lacago ay ku doonayan inay ku iibsadaan codadka ay ku qaadi lahaayeen Xilkaasi aan iminka u taagnahay, laakiin aniga maanta iyo horey waxaan warbaahinta uga cadeeyay in aan aniga diyaar u ahayn in xukunka aan ku iibsado Lacag iyo in aanan qofna kula hishiinin inuu igu doorto in aan hadhow wax u qabto, waxaana aniga aan horay u sheegay hadana aan u sheegay waxaa ay tahay in dadku hadii ay igu doortaan waxqabadkeyga aan soo dhaweynayo haddii la igu dooran waayana waan aqaan sida loogu shaqeeyo Ururada oo Bulshada wax loogu qabto.

"Caasho G Diiriye" Su’aasha kale ee aan ku weydiinayo Caasho waxa ay tahay waxa ay dadka Soomaaliyeed la socdeen Doorashadii Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay isku soo taageen Musharixiin badan oo ay kamid ahayd Haweyneyda lagu magacaabo Caasho Axmed Cabdala, iyadoo aad ogtahay in Soomaalida marka la yiraahdo Haween xilka Madaxweyne u taagan inaysan jecleysan, iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaad
ogeyd in Caasho ay Doorashii ka dhacday bishii tobanaad ee Sanadkii 2004 ay ka heshay 2 Cod oo kaliya, haddaba ma isleedahay adigana waxaad la mid noqon doontaa Caasho Axmed oo Kale mise rajadaadu intaasi way ka badan tahay???

"Caasho G Diiriye" waad mahadsan tahay Garyare marka hore Shirka Soomaalida markii uu bilaabanayay waxaan kamid ahaa 26-ka Hogaamiye xoghaynadooda waxaana sidoo kale ka mid ahaa guddi 9 qof ah oo ay lahaayeen Bulshada Rayidka, waxaan dhanka kale aan gudoomiye ku xigeen ka ahaa guddigii la oran jiray gudiga dastuurka kadibna waan isaga soo tagay shirka sadex bilood kadib sabata aan ugu soo tagay waa la dareemi
karaa oo qof wax qaban kara laba sano meel cidla ah is kama fadhin karo, shir ka Kenya waxaa isugu tagay dad u jilba jabsaday sidii ay wax ku noqon lahayeen marka aniga waxaan isleeyahay Caasho Axmed Cabdlah waxay kamid noqotay dadka is yiri meesha waxaan joogay laba sano ee waa in aan wax helaa, laakiin aniga waxaan aan qabaa haddii aan joogi lahaa meeshaasi waqtigaasi labada sano ah ma noqdeen Caasho oo kale ee waxaan meesha ka heli lahaa codad intaasi kabadan. Puntland xitaa waxaan qabaa hadii aysan ragu wax isdaba marsiin oo ay joojiyaan gees uriixa ay ku sameeyaan Haweenka waxaan qabaa in 100% aan ka heli doono Doorashada, iyadoo ay taasi jirto ayaan waxaan uga gol leeyahay xilkan aan u taagnayay in hawenka soomaaliyeed ee raga
sacabka u tumaya in aan dareensiiyo in ragu waxba u ogoleen Dumarka, waxaana xaqiiqo ah haddii aniga la idooran waayo inaysan jirin haween kale oo wax loo ogol yahay ayaan rabaa in aan dareeynsiiyo Dumarka reer Puntland.

"Wariye Garyare" waxad la socotaa Caasho inay xilkaasi Madaxweyne ay u taagan yihiin Rag badan oo magac ku leh Bulshada Puntland oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xaashi, Gen,Cadde Muuse Xirsi iyo rag kale waxa ay dhamaan ku maqan yihiin bulshada qeybaheeda kale duwan adigana waxaad sheegtay in aadan cidina ka codsaneyn in ay ku doortaan marka sidee isledahay ragan har iyo habeen u taagan dadaalka ay ugu jiraan inay ku hantaan xilkaasi Madaxweyne waad kula tartani kartaa adiga oo meel iska fadhiya???

"Caasho G Diiriye" horta doorashada Puntland ma ahan doorasho ee hadii ay ahaan lahayd doorashada mid inta sanaadiiq la dhigo Gobolada Dalka waxaan filayaa in sanaadiiqda intooda badan ay ahaan lahaayeen kuwo ay ka buuxsamaan codadkeyga, laakiin taasi ma dhicin oo waxaa ay doorashadu tahay baarlamanka aan ka
tirsanahay midna ogow Garyare Gobolo ayaan soo maray wax laguma doorto ee waxaa qofka lagu doortaa maxaad bulshada u qaban kartaa, hadii ay taasi jirto waan filayaa in in aan ku guuleysan doono hadafkeyga.

"Wariye Garyare" Su’aasha ugu danbeeysa ee aan ku weydiinayo Musharaxad Caasho Geelle Diirye waxaa ay tahay waxaad waqti dhow aad ka timid Dibada, iyadoo dadka u dhuun-duleela Siyaasada Puntland ay kugu xamanayaan in aad dibadaha u doonatay sidii aad u soo heli lahayd Dhaqaale kuu saamaxa in aad ku guuleysato xilka Madaxweynaha Puntland ee dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaallada Garowe maxaad hadaba arintaasi ka jira???

"Caasho G Diiriye" waad mahadsan tahay waxaad ogaataa aniga walikey dibada waan aadi jiray, waxaana jirta inaan mar u aado Shir marna aan u aado Caafimaad aniga ii gaar ah, laakiin waxaana aan maanta raab inaan beeniyo inaan dibada u aaday in aan ka soo helay lacag, haddii aan rabo lacag aan ku iibsado codadka dadka ii codeynay waxaan ka heli karaa Puntland Lacag iigu filin in aan dadka ku iibsado, hase ahaatee hore ayaan u cadeeyay in aanan marnaba sameeyn hishiis aan dadka kula galayo inay igu doortaan iyo balan qaadyo, waxaana markale aan ugu celinayaan Dhamaan Umada reer Puntland iyo inta jecel horumarinta deegaanada Puntland in hadii la igu doorto wax qabadkeyga aan soo dhaweynayo haddii la idooran waayana waan aqaan sida bulshada
loogu adeego waadna mahadsan tihiin.

Intaasina waxaa ku dhan waraysigii uu wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahin Aden "Garyare" oo haatan Socdaal ku jooga Caasimada Puntland ee Garowe uu la yeeshay Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo ah haweeneyda kaliya ee u taagan Xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.

Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" Garowe Puntland, Somalia
Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com


Mako Sh Ibraahin hooyadii Soomaaliyeed ee Ilmaheeda laga xaday oo sheegtay in ay ka dhursugayso Maxkamad waxa ay xukunto Itaal& talo kalle ma hayo ninkii ilmaha dhalayna waan kalla tagnay  

 

Axmed Muuse Cabdulle <axmeddheere65@hotmail.com>
Jan 4, 2004


Ma ahan wax qalin& qormo lagu soo koobi karo ma siibooyinka iyo xadgudubyada lagula kaco umada Soomaaliyeed ,

 
Meel walba oo daafaha dunida ka mida waxaad ku arkaysa ama ku maqlaysa dhibaato loo gaysanayo muwaadin Soomaaliyeed ama Muwaadinad Soomaaliyeed ,
 
Hadaba waxaan qadka taleefoonka ee Wadanka Noway kula Xariiray Mako Sh Ibraahin oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo labo Cunug oo ay dhashay laga Xaday Sida ay ii sheegtay ,
 
Markii aan wacay hooyadan Soomaaliyeed waxaan waydiiyay qaabka looga qaatay ilmaheeda laakiin hooyadan oo iyadu si aada u argagaxsaneed aadna u murugaysneed ayaan faalo badan bixin waxa aan waydiiyay halka uu ku suganyahay ninkii dhalay ilmaha waxa ayna ii sheegtay in ay kalla tageen aysan garanayn meel uu ku suganyahay ,
 
Waxa aan waydiiyay Magacyada Ilmaha waxa ayna ii sheegtay in ilamaha lakala Yiraahdo  Umulkhair,
 
Amiin waxa aan waydiiyay Halka ay ku suganyihiin waxa ayna ii sheegtay in ay Joogaan Nadarlan waxa aan waydiiyay go aanka ay iyadu damacsantahay oo go aan ah waxa ayna ii sheegtay in ay ka dhur sugayso Maxkamad u socota waxa aan waydiiyay Sababta ay u joogto Norway hadii ilmaheda Jiraan Nadarlan waxa ayna ii sheegtay in aysan wax sabab ahi jirin waxa aan waydiiyay in ay hada aadayso Holan iyo in kalle waxa ayna ii sheegtay in aysan u socon ,
 
Markii hadalku halkaa Marayo ayaa waxaa Taleefoonkii la wareegay wiil Soomaaliyeed kaas oo diiday in waraysigu sii socdo isagoo ii sheegay hadii aan rabo war in aan la xariiro Dowlada Norway ama Holand iyadiina ku amray in aysan wax war ah I siin,
 
Waxa aan waydiiya wiilkii sababta uusan iigu ogoleen in aan helo Faalo ku saabsan ilmahan la dhacay waxa uu ii sheegay in aysan Hooyada ilmaha dhashay aysan awoodin hadal badan oo waxa uu yiri beerkeedaa maqan ,
 
Masiibooyinkan inta badan ku dhaca Dadka Soomaaliyeed waxaa u sababa dowlad la aanta baahday ee Dadka Soomaaliyeed ku jireen mudad badan,
 
Waxa jiray Sanadkii ina dhaafay Soomaali badan oo ku dhintay Bada iyo kuwo ay galaafteen Colaadihi Dalka Soomaaliya ka jiray umada Soomaaliyeed wali uma muuqato dowlad nimo iyo ku noolaansho wadankeeda waxaase u muuqda Dadka Soomaaliyeed Tahriib iyo in ay ku hoosjiraan Gacanshisheeye,
 
Dad badan waxa ay is waydiinayaan halka uu ku suganyahay aabihii dhalay ilmahan la dhacay waana astaan u taagan mas uuliyad Xumida raga Soomaaliyeed,
Sida ay warinayaan ilo xoog_ogaal ah oo laga helayo Raga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Yurub&Ameerika iyo Xitaa kuwa ku sugan Gudaha Dalka Soomaaliya ayaan iyagu wax wayn oo sidaa ah iska saarin qoosaskooda iyo ilmahooda,
 
Gudaha Soomaaliya waxaa jira hooyooyin badan oo isku haya Labadii shaqo ee korinta iyo Nafaqaynta ilmaha &Xanaanayntii waxaadna arkaysaa hooyooyin badan oo Soomaaliyeed oo Cunugna Xanbaarsan uurna leh Hadana raadinaysa Biilkii Ilmaha Aabihii dhalayna uu fadhiyo goobaha Fadhikudirirka oo isaga oo isla wayn goobahaa ku qayilayo,
Wadamada Yurub waxaaba u sii dheer Sharaabka iyo Qamaarka iyagoo ku doodaya in ay Hooyadi  waa Xaaskiisee guriga ka Xiratay kuna noolyahay Guri gaara,
Kama warqabo Iskuulkii Ilmaha Dhaqankoodii&Diintoodii midna waxaana la soo warinayaa Dhalaan Badan oo Soomaaliyeed oo ay gacanta ku hayaan Ururada Bulshada ee Wadamada Yurub lana Baro Dhaqanka iyo Diimaha Goobahaa Yaala,
 
Waxaa Jira ku dhawaad Boqolkun oo Caruur Soomaaliyeed ah oo aan iyagu ku hadlin Luuqada Soomaaliga iskaba Daa Dhaqan&Diin Muslim Ama Dhaqan Soomaaliyeed,
Isku soo wada Duub waxa amuurahaa oo dhan u sanbaba dadka Soomaaliyeed oo ka Doorbiday Nabad kuwada Noolaanshaha Dhismaha Dalkooda& Wacyi Galinta Bulshadooda iyo Horumarka Dalkooda  in ay u tahriibaan wadamo Shisheeye iyo ku Faanida Qabyaalada iyo Bililiqada Dalkooda Hooyo iyagoo iska ilaaway in ay ku noolaadaan nolol raaxo badan oo ah in ay dalkooda wax ka soo raataan

Axmed Muuse Cabdulle <axmeddheere65@hotmail.com>


GABADHA ILMAHEEDII LAGA XADAY HALOO GARGAARO
Faalladii Fahad Yaasiin ee Isniinta.... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 5, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD