SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Daabaco Boggan | Print


Gollaha Wasiirada Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo Maanta lagu dhawaaqay.
Prof Cali Maxamad Gedddi ayaa maanta ku dhawaaqay Gollaha wasiira cusub ee dowlada FKMG ah ee soomaaliya,kadib markii bishii hore ay baarlamaanka cod ku rideen gollihii wasiirada uu soo dhisay iyo laf ahaantiisaba iyagoo ku eedeeyay in uu ku tuntay qodobo ka mid ah baarlamaanka,gollahan cusub ayaa waxaa u badan kuwii hore marka laga reebo dhowr wasiir oo cusub,tirada guud ayaa marka la isku daro wasiirada,ku xigeenada iyo wasiiro dowladaha ayaa gaaraya 91 xubnood.
 
Madaxweyne C/llaahi yuusuf oo goob ka ahaa goobta magacaabista ayaa qudbad uu soo jeediyay waxa uu sheegay in uu aqbalay magacaabista gollaha wasiirada isagoo intaas ku daray in ay dhici karto qaark badan oo ka biya diidsan kuna qancin qaabka wax loo maareeyay,laakiin aniga waan aqbalay ayuu yiri madaxweynaha,ugu dambayna waxa uu baarlamaanka u sheegay in aysan la dhaafin ansaxinta Gollaha cusub maalinta axada ah.
 
Baarlamaanka iyo dowladana ay isku diyaariyaan sidii ay dalkan uga baxi lahaayeen iyagoo soomaaliya tagaya wax qabadna muujinaya,gollaha cusubna waxa uu ka dalbaday in ay shir gooni ah iskugu yimaadaan si ay uga baaraan dagaan ku laabashada dalka iyo barnaamijyada dowladeed ee hor yaala.
 
Ugu dambayn waxaa la dhaariyay gollaha dowladda waxaana goob ka ahaa Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Ku xigeenadiisa,wadamada safka hore ee IGAD Qaarkood iyo wakiilo beesha caalamka ka socday
 
Gollaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa sidan kala ahaa. 
 
 
Rasul Wasaare Ku xigeen Eng Xusseen Maxamed Faarax Caydiid,ahna wasiir
Dr Maxamed Cabdulaahi JaamacWasaare Ku xigeen Sifir,ahna wasiir
Dr Saalim Caliyoow Ibroow Wasaare Ku xigeen,ahna wasiir.

Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil
Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xussen Maxamed Faarax Caydiid
Wasiirka Garsoorka Sh Adan Maxamed Nuur
Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax
WasiirkaTastuurka& Arimaha Federaalka Cabdalla Deeroow Isaaq
Wasiirka Qarshaynta Qaranka& Iskaashiga Gobolka Cabdi Risaaq Cismaan Xasan
Wasiirka Horumarinta Daryeelka Qoyska Fowziyo Maxamed Sh Ibraahin
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Ibraahin Maxamed Isaaq
Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Xasan Abshir Faarax
Wasiirka Batroolka Yusuf Maxamed Axmed Xaraare
Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato
Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Bada Cali Ismaaciil Cabdi Giir
Wasiirka Cirka iyo Dhulka Ibraahin Adan Xasan
Wasiirka Gaashandhiga C/raxmaan Maxamed Cali
Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muse Sudi Yalaxow
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamed Salaad Nuur
Wasiirka Horumarinta Iskaasha tooyinka Maxamed Cabdulaahi Kaamil
Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Agoonta Xussen Ceelaabe Faahiye
Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cali Axmed Jaamac
Wasiirka Warshadaha Cabdi Maxamed Tarax
Wasiirka Dhulka iyo Deegaamaynta Moowliid Macaane Maxamuud
Wasiirka Horumarinta Reer Miyaga Maxamed Maxamuud Guulayd Gacmodheere
Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dajinta Bare Adan Shire Bare Hiiraale
Wasiirka Caafimaad Dr Cabdi Casis Sh Yusuf Sh Ibraahin
Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdulaahi Cosoble
WasiirkaTacliinta Sare Xussen Maxamed Sh
Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Cabdi Xaashi Cabdulaahi
Wasiirka Deegaanka& Maraynta Aafooyinka Maxamed OsmanMaye
Wasiirka Iskaasho Goboleedka Ismaaciil Maxamed Hure Baoobaa
Wasiirka Hantida Qaranka iyo qalabaynta Maxamuud Sayid Adan
Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjogta Maxamuud Maxamed Xayd
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdulaahi Kaamil
Wasiirka Dib u heshiisinta Jaaliyadaha Dibada Sh Adan Sh Maxamed
Wasiirka Lacagta Dr Cabdi Kariim Axmed Cali
Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin
WasaaradaAwqaafta Arimaha Diinta Cumar Maxamed Finish
Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha Saalax Cali Faarax
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Cabdulaahi Jaamac Daakir
Wasiirka Cilmiga iyo Tajnoolijiyada Xasan Jaamac

Sidoo kalle Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu magacaabay Wasiiru Doowlayaalk kala ah
1-Ibraahin Sh Cali Xaafuun Dibada
2- Dr Qaalid Cumar Cali Xafiiska Madaxwaynaha
3- C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane Xafiiska Raysul Wasaaraha
4-Maxamuud Xareed Gaashaandhiga
5- C/rixmaan Adan Ibi Baarlamaanka& Xukuumada

Wasiiro ku Xigeenada waxa ay kalo Yihiin Sidan

Wasiiru ku xigeenka Arimaha Dibada Xasan Axmed Jaamac
Arimaha Diinta iyo Awqaafta Sh Maxamed Nuur
Badroolka Ibraahim Xuseen Cali Saalax
Beeraha Maxamed Cali Bilaal
Boostada iyo Isgaarsiinta C/kaafi Macalin Xasan
Caafimaadka Dr Cusmaan Maxamed Maxamuud Dufle
Dalxiiska & Duurjogta Geele Maxamed Adan
Amniga Qaranka Cabdi Rashiid Maxamed Xidig
Tastuurka iyo Arimaha Federaalka Maxamed Axmed Kulan
Dhalinyarada Isboortiga Bashiir Maxamed Adan
Dib u dhiska iyo dib u dajinta C/kariim Cige Guuled
Gaashaandhiga Cumar Adan Xasan
Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cabdulaahi Axmed Cabdulle
Ganacsiga Amiin Axmed Sh
Garsoorka Yuusuf Maxamed C/qaadir
Howlaha Guud iyo Guryeenta
Wasaarada Tacliinta C/rixmaan Maxamed
Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Cabdi Axmed Dhuxuloow
Dhaqan Celintaiyo Tababarada Maleeshiyooyinka Dr Xasan Isaaq Yacquub
Ikaashi Goboleedka Deeqo Jaamac Col ujoog
Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dr C/qaadir Nuur Caraalle
Maaliyada Maxam,ed Xasan braahin
Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga Ciise Wehliya Maalin
WasaaradaShaqada iyo Shaqaala C/qaadirSh Maxamed Nuur
Wasarada Warfaafinta Salaad Cali Jeele
Wasaarada Warshadaha Cabdulaahi Cabdi
Wasarada Arimaha Gudaha Fahgmo Axmed Nuur
Wasaarada DakedahaGaadiidka Bada Xirsi Adan Rooble
Wasaarada HantidaQaranka iyo Qallabaynta Maxamed Isaaq Yaroow
Wasaarada Dib u heshiisiintaiyo Jaaliyada Dibada Maxamed Cismaan Qudub
Wasaarada Waxbarashada Muqtaar Maxamed Yuusuf
Wasaarada Horumarinta Miyiga Saciid Xasan Shire
Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Cabdi
Wasaarada Tamarta Maxamed Sh Isaaq
Wasaarada Lacagta Mire Xaaji Faarax
Wasaarada Daryeelka Naafada iyo Agoonta Maxamed Jaamac
Wasaarada Horumarinta Iskaashatooyinka Xuseen Maxamuud Musse
Wasaarada Dhulka iyo Deegaamaynta Xuseen Cabdi Salaad
Wasaarada Hidaha iyo Dhaqanka Khdiijo Maxamed Diiriye
Wasaarada Cilmiga iyo Tijnoolajiyada Xussen Maxamed Xuseen
Wasaarada Deegaanka iyo MarayntaAafooyinka Maxamed Cali Daahiye

###

Waxaa isku soo dubaridey
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com


Khudbadii Madaxweynaha DFKMG ka Jeediyeye Goobtii Magcaabida Golaah Wasiirada
 
Madaxwaynaha Soomaaliya: Waxa ila tahay xalka aynu ku jirno waa la yaqaan, waa culusyahay umadii soomaaliyeedna waxa ay inaka sugaysaa wax qabad iyo in aynu Inta Dalkii dhaqse ugu noqono sidii loo xasilin lahaa oo loo midayn lahaa oo dib loogu dhisi lahaa waxna looga qaban lahaa in aynu ku tilaabsanaa ayaa la inka sugayaa ---- Hadalki Madaxwaynaha ee Maanta

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle (Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

 
Kulankii lagu magacaabayay Golaha wasiirada Soomaaliya waxaa lagu furay aayado quraana waxaana magacyadii Xubnaha Golaha wasiirada Aqriyay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Gedi ka dibna waxa uu ku soo dhaweeyay  Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo manta ka ogolaaday Magacyada Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi. 

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa kalkaa ka aqriyay Qudbad isaga oo hadalkiisa ku bilaabay Sidan: 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Mudane Sh. Xasan Sh Adan Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed, Mudane Cali Maxamed Geedi Raysul Wasaaraha Doowlada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed, Gudoomiye ku Xigeenada Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, marki hore waa kala maqnaayeen Hadase waa dhanyihiin, Mudane Jon Kuwich Wasiirka Iskaashi Goboledka Kenya, & Wasiir ku xigeenkiisa, Safiirada iyo Marti Sharafta kale iyo Xidhibaanada Ama Wasiirada ay nasiibkooda ku noqotay in ay wasiiro noqdaan. 

Dhamaan mudana yaasha Baarlamaanka Soomaaliyee iyo Marti sharafta &Saxaafada shaqadooda gudanaya waxaa mar kale maanta sharaf inoo ah dhamaanteen in markii raysul wasaaruhu mudo dheer ka shaqaynayay oo ay nala tahay in u dhibaato badan maray maanta halkan aynu mar labaad ku anbo qaadno soo jeedintii raysul wasaaraha ee golaha wasaarada lagu dhisay waxay ila tahay ragii wasiirada ahaa waa loo yeeray u raysulwasaaruhu soo magacaabay haday wasiro ahaayeen haday wasiiro ku xigeeno ahaayeen haday ahaayeen rasul wasaare ku xigeeno ama wasiiro Dowlayaal ama ku xigeeno. 

Waxa ila tahay xalka aynu ku jirno waa la yaqaan waa culusyahay umadii soomaaliyeedna waxa ay inaka sugaysaa wax qabad iyo in aynu Inta Dalkii dhaqse ugu noqono sidii loo xasilin lahaa oo loo midayn lahaa oo dib loogu dhisi lahaa waxna looga qaban lahaa in aynu ku tilaabsanaa ayaa la inka sugayaa. 

Waxaan halkan ka soo jeedinayaa marka sidaa daraadeed& Baahida loo qabo in xukuumad la dhiso soomaaliyana si shidada badanoo 14 sanadood lagu jiray looga gudbo.

Waxaan cadaynayaa in aan aqbalay soo jeedintii Golaha Wasiirada ee Raysulwasaaruhu hortayda ka soo jeediyay.

Waan iska malayn karaa qaar faraxsanina way idinku jiraan qaar wax qawadsani way idinku jiraan qaar liiska laga waayayoo laga yaabo in hada xaalkoodu si kale yahay waa idinku jiraa. 

Hade inta faraxsan& inta wax qawadsanba war adinkaaba la idin xusaye raali ahaada waxa ay ila tahay faa iido baad gaarteen dalkiini baad ugu shaqaynaysaan xilka aad qaadeen adinku ku danaysan maysaan xilalka la idiin magacaabay waxa loo baahanyahay waajibaad bay wataan waajibaadkii in aad ka soo baxdaan. 

Xubnaha baarlamaanka intii aan loo yeerin doorka danbaa loo yeeri doonaa dowladu waligeed joogi mayso waa la is badbadalayaa raali ha ahaadeen hana sugeen nasiibkooda isagaa imaan doona alle idankiise. 

Waxa ay ila tahay intaa hadaan iri ninka Dowlada soo dhisay oo Tasturku awooda u siinayo waa raysulwasaaraha waad ogtihiin waa laga yaaba aniga naftaydu dad aan wax la jeclaa in ay qadeen laakiin mushkilo maleh raysulwasaaruhu dowlad uu soo dhiso waxaan ku qasbanahay in aan aqbalaa waayo hada ka hor maalinki Baarlamaanka iigu danbasay ayaan waxaan ka soo jeediyay in raysulwasaaruhu xaq wax ugu soo qaybiyo umada Soomaaliyeed hada waxaad moodaa in la isku dhawdhawyahay 4.5 in la isku dhawdhawyahay baad moodaa waana talaabo aynu horay uqaadnay sidaas daraadeed waxaan rajeyanaa howsha inoo taali wax weeye Xukuumada in la dhaariyo manta waxaana ka codsanayaa Raysulwasaaraha &raga golaha wasaarada galay dhamaantood ilaa& caawa in ay fadhiistaan shir albaabadu u xiranyihiina in ay yeeshaan in ay falanqeeyaan baarlamaanka Barnaamishka ay horgayn doonaan golihii wasaaradaa halkaan lagu dhaarin doonaa hadi ale yiraahdo baarlamaankana si dagdaga in ay markaas u horgeeyaan baarlamaankuna u ansixiyo ayuu yiri madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed, 

Waxa kaloo goobta ka hadlay wasiirka Iskaashiga Gobolka wadanka Kenya oo isaguna sheegay sida loogu baahanyahay in dadka Soomaaliyeed in ay uga shaqeeyaan nabada iyo xasiloolaanta Dalkooda, 

Dhinaca kale waxaa goobta joogay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudana Sh Xasan Sh Adan,Gudoomiye ku xigenka Koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa,iyo CimaanCilmi Boqore ku xigeenka Labaad ,

Waxa kaloo joogay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaalida iyo Xubno ka socda IPF IGAD jaamacada Carabta Midowga Yurub iyo Marti sharaf kale.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD