SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TALO
Daabaco Boggan | Print


Yeeynu Noqon Tabtoodii

Cadde Muusoow Ummaddan tabantaabo mooyee lugooyo dambe ma qaban karto. 

Ugu horayntaba waxaan salaan aad u qiima badan u dirayaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan, waxaan leeyahay dhibaataa idinla soo gudboonaataye Illaheena wayn Allah kan aynu kuligeed sida ugu wayn u aaminsanahay badbaado ha idinsiiyo, hana idinku duwo in aad dariiqa uu nolosha aadanaha u jeexay garataan, Akhri qowlka Illaah si aad dib ugu xusuusato arintaa,  tan oo aan noqon doonin mid idinku cusub ee ay tahay oo keliya balantii aan qaadnay bilowgii dunida, waqti aynu sida aan u dhannahay ku jirnay Abbe aadan dhabarkiisa, goortaas oo Ebbe wayne ina waydiiyay “Miyaanan Barbaariyihiina ahayn”, annaguna aan ku jawaabnay eebboow haa. 


Gen. Cadde Muuse

Salaantaa kadib waxaan jeclahay maanta in aan arin aad qalbigayga u dhex xushay hal ama laba weedhood ka idhaahdo! Tan oo igu dhalatay kadib markii aan soo dhex maray doorashadii Cadde Muuse kadib dhaliinyaradda Gobolkan aanu kuwa noolnahay intooda badan, kuwan oo raja wayn ka muujiyay dorashadda ninkaa ee ku aadan Maamul goboleedka goboladda Woqooyi Bari ee Soomaaliya. 

Malahaygu waxa uu goortii hore I tusay in dhaliinyaradda Gobolkaa u dhashay ama guud ahaan dhaliinyaradda Soomaaliyeed ee Qurbaha, aysan dan sidaa u buudhan ka lahayn dhibaatadda maanta ka aloosan geyiga Soomaal, ama xataa hadii qaar iyaga ka mid ahi uu ka jiro maamul gobolka ay asal ahaan kasoo jeedaan, tan waxaa maya yidhi sahankan aan ku ogaaday rajadda dhaliinyaradda Goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya doorashadda cadda muuse ee xilgan. 

Bilowgii baraaruga arooryaad ayaan koox dhaliinyara ah oo wada faraxsan kula kulmay maqaayad aan islahaa armaad ka laxooxaysataa, dhaliinyaradanu waxa ay u taagnaayeen si teelteel ah, waxaan iri maxa isbedelay? Bal adba..cid juuq iyo jaaq ii tiri toona ma aysan jirin,  oo iyagaa isku mashquulsanaa waxaana la falan qaynayay sida ay wax u dheceen? Doorasho…Soomaaliya Alley leedahay! Yaab! Beryahanba waan maqlayay meelo badan oo doorashooyin laga sheegayay,  laakiin marnaba uma haysan in uu jiri karo sansaan rajo ama hiyikaca sidan u baahsan ee dhaliinyaradda maanta arimaha ku jeeda Soomaaliya iyo rajo ay markale  ka muujiyaan. 

Waxaan bilaabay in aan su’aalo waydiinayo, maxaad ka filaysaan Cadde Muuse,  waxaan la soo qaaday mashaariic ciida ka badnaa oo aan xataa qudhaydu qayb ka ahaa oo inta quud jeclaysi laga horgeeyay baabah ku dhamaaday, sow kuwii kaga horeeyay kursiga  manhajkoodii ma huwana, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Hal nimay korsataa wadkeeda Jooga” sow dalkooda iyo dadkooda dartii may ahayn wixii ay heerkaa ku gaareen, maantana sow dalkii iyo dadkii ma aha waxa ay u heshiiyeen ee haanta wilifka iyo walaahowga lagu daadihinayo. 

Dhaliinyaradii fadhigaa taalay ninba meel buu ku dhuftay, ugu dambayntii waxaa ay dhalintu isku raaceen in ugu yaraan Cadde Muuse uu yahay nin waayo soo joogay dunida reer galbeedka,  oo uu wax uun u ogolaan doono ummadda imika horjoogaha in uu unoqdo loo doortay, isbedelka saaka wejigood ka muuqanayana uu taa salka ku hayo.  

Khibradaydii Soomaaliya.

Sanadkii 1995kii markii aan dhamaystay wejiga koowaad ee daraasaddaydii waxbarashadda sare, ayaan judhiiba u qallab qaatay in aan bal dalkaygii iyo dadkaygii musiibadu ku habsatay wax u qabto, isma waydiin xagee tolow ka bilowdaa ee waxaan markiiba sahan ugu dhaqaaqay bal horta Soomaaliya shan sano oo burbur iyo  baaba’a ah maxaa muuqanaya oo raja ah, yaase u maqan! Waxaan markii iigu horaysay tagay burburkii ka dib bishi May 1995kii Magaaladda xarunta ah gobolka Jubadda hoose ee Kismaayo, safarkaygaa aad buu uqiima badnaa, waxaanan ogaaday arimo aad loogu doonayo dabar gooynta Inta ka hartay Ummaddii Soomaaliyed. 

Niyad jabkii aan kala soo kulmay meeshii ugu horaysay ee aan booqday dhul Soomaaliyeed,  waxay igu dhalisay in aan dib ugu laabto Xarunta dalka Ivory Coast ee Abidjan iyo Shirkadii aan u shaqaynayay APC. Quustu waa xaaraane Sanadkii 1996kii bishii Janaayo ayaan mar kale Soomaaliya   dib ugu laabtay, oo waxaan halkii kasii waday sahankaygii,  markan waxaan tagay Goboladda Woqooyi Bari ee Soomaaliya, dad iyo dal ahaan aad baan ola dhacay, laakiin nasiib daro hankii aan qabay iyo ugargaarka Ummadda Soomaaliyeed meeshay dooniba ha joogtee wuu sii dhintay! Waxaan qoladii aan u shaqaynayay lasoo galay heshiis ah in ay ku sameeyaan Gobolada W. Bari ee Soomaaliya wejiga koowaad maalgelin dhan 24milyan oo lacagta Maraykanka ah. 

Barnaamijku waxa uu lahaa sadex weji oo waawayn  

  1. Popular Science Center oo ujeedkeedu ahaa in ardaydii ay waxbarashadu ka halowday dib loogu kaabo barnaamijyadoodii waxbarasho, oo ay noqdaan kuwa la saan qaada xiliga oo ay asaagood dhinac ka riixayaan.
  2. Cheese Production in Somalia. Afar warshadood iyo xeryihii xoolaha lagu barbaarinayay,  haday noqon lahayd calafka, naaxinta, daryeelkooda caafimaad iwm, kuwani waxa ay soo saari lahaayeen todobaad walba Hal Milyan Oo Kg, islamarkana waxaa loo hayay suuq xagan iyo Maraykanka ah oo 1kg ku iibsan lahaa $40 oo lacagta Maraykanka ah, maxsuulka todobaadwalba ayaa lagu waday in uu noqdo 40Milyan oo Dollar, sababta tayadda xoolaha Soomaalida, waxaa goortaa inta ugu badan laga samayn lahaa Cheese-kaa caanaha geela oo sida cilmi baaris la sameeyay lagu ogaaday dhigaal geli kara intii la doono.
  3. Building a Seafood Processing and Cold Storage. Waxa ay tanina ka saacidayn lahady ummadda Soomaaliyeed sidii ay u heli lahayeen dhisida kayd ama qaboojiyayaasha baabuurta lagu dhiso ee loo isticmaalo daabulida Malayga, Aargoosatadda iyo dhamaan khayraadka Badda, waxaa markaa gobolka laga samayn lahaa warshado yaryar oo lagu xidhxidho qalabka noocaas ah, qalabkan ayaa loogaga iibin lahaa gudaha dalka lacag kun jeerna ka jaban tan uu hada dibada oga yimaado.

Barnaamijyadan waxaa dhinac socday barnaamijyo kale oo aad u farabadan oo Soomaalida, Gobolka, iyo dalkuba si weyn ogaga faa’iidi lahaa. 

Waxay shakhsiyan igu qaadatay in aan shan bilood oo xidhiidh ah sahan ku maro inta u dhexeysa Mqudisho, Welawayn, Buqda Agabla’a, Beledwayn, Gaalkacyo, Boosaaso, Howdka Nugaal, Nugaasha dhow, Adhi-cadeeye oo 30 Km u jira Laascaanood, ilaa aan gaaray howdka Sool, intaas oo dhan ujeedkaygu waxa uu ahaa bal in aan arko meel naftu kaga soo laaban karto ummaddan jinniga wareersani daasadaha u tumay. 

Markii aan sahankaygaa soo dhameeyay oo weli aan raadinayo xagee dalkan iyo dadkan nafta lagaga soo celiyaa oo wax un nolol wanaagsan iyo shaqo abuuris lagaga bilaabi karaa! Waxay umuurtu isugu soo biyo shubatay in aan sagaanshan boqolkiiba ka dhigto fadhiisin Goboladda Wuqooyi Bari ee Soomaaliya oo aan amni iyo xoogaa kala dambayn ah biday. 

Maxaa is hortaagay.

Waxaan bilaabay in aan iswaydiiyo xagee laga geli karaa? Yaa loo maraa qolyaha maamulka? Sidee ugu fudud oo aad howshan muhimadda balaaran leh u gelisaa maankooda? Jadbad aad u badan baa dhinac walba nafsadayda u dhaafsan, waxaan kulanay nin dhaliinyaro ah, oo arday ka ahaa School Maamulka iyo xisaabaadka lagu baran jiray, oo ay lahayd mid ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ka howl gala Boosaaso, waxaan wax aan sidaa u buudhnayn ogaga taabtay ujeedada aan halkan u joogo! Markaa ma aysan jirin Dowlad Goboleedku, waxa uu ii sheegay in uu jiro nin ay qaraabo yihiin oo qolyaha maamulka ku jira galabtana aan u tegi doono, arintaa baynu u balanay iyo hadii ay qoraxdu qabowdo, Boosaaso oo meel aad u kulul ah. 

Hadaan ninkii odayga ahaa la kulanay, waxa uu inoo sheegay in uu isagu kusime yahay, laakiin uu wax walba dhamayn karo, hadii ay jiraan wax balan qaad ah oo isaga loo samaynayo! Waxaan waydiiyay balan qaad noocee ah? Intuu Is giriirixiyay oo naf isgeliyay ayuu si geesinimo leh ola dhawaaqay “waxaan doonayaa in aan hantidaa wax ku yeesho”, waxaan waydiiyay ma waxbaad ku darsanaysaa oo dhaqaalaad haysataa, intuu si xanaaq ka buuxo ii eegay ayuu yidhi mayee lacatooda ayaan kula shirkoobayaa! Waxaan waqtigaa soo qaaday ninkaa odayga ah Sawirkiisa iyo codkiisa si markaa ay unoqoto marag ma doonto falkaa naxdinta leh. 

Markale iyo Niyad jabkaa kadib, dhow jeer baan dib ugu laabtay Goboladda Woqooyi Bari Soomaaliya aniga oo ka rajo ka qaba bal in ay wax isbedelaan, laakiin taasi waa ay shaqayn wayday, aniguna xataa rajadda aan ka qabay howshan oo aad u hagaagsanayd Saaxiibaday uma sheegin in mashruucii uu shaqayn waayay oo caqabado noocaas ahi soo bexeen. 

Akhtistaha mudanoow waxaa dhici karta in aad iswaydiiso,  gabankan nimanka uu wadanka kusoo hagay maxay dan ah oo u hayaan dalka, heshiiska waxaa qayb ka ahaa in wax soo saarka sadex marka loo qaybiyo qayb dalka la siiyo, markaa hadii ay maamulku xammaam ugu dhisi lahaayeen iyo hadii ay cusbitaalo ugu habayn lahaayeenba. 

Keliday ma ahayn

Waxaa jiray dhaliinyaro kale oo dadka Gobolkaa u dhashay ah, oo iyagu isaga yimid dhamaan dalalka Dunida oo dhan, kuwan oo wax tar kaygaa oo kale ah doonayay in ay kusoo siyaadiyaan dalka iyo dadka, adigoo xusuusan wixii Gobol dalka ka mid ah taga ay ka dhigan tahay isagii oo dalkii oo dhan wada tagay! Gaar ahaan Goboladda Woqooyi Baro oo aan oran karo waa kan keliya ee ilaa iyo imika aad ku arkayso dad Soomaaliyeed oo kala reera ah oo ay dan un isu keentay, dhaliinyaradanna sidaydoo kale ayay dhur daraysteen, oo qorshohoodii waxa uu ku intahooday halkii uu kaygu maray! 

Maxaa U diiday.

In ay ka faa’iidaystaan dadkana oga faa’iideeyaan qolyaha maamulka gobolka isaga dabamaray, oo xataa hadii ay doonaan ay kula xisaabtamaan in ay helaan dhaqaalaha ugu badan ee wax soo saarkaa shirkadahaa, iyaga oo matalaya dalka iyo dadka marka meeshaba laga saaro danaha shakhsiga ah,  Akhriyaha mudanoow su’aashaa jawaab waa loo waayay! Waxaan u celinayaa oo aan doonayaa in aan wax ka waydiiyo Madaxwayne Cadde Muuse, aniga oo ujeedada qoraalkayganba ay ahayd in aan ogaga digo halkii ay mareen qolyihii isaga ha ko horeeryay, markaan sidan leeyahay uma jeedo ruux gooni ah, ama reer gooni ah ee waxa hadalkaygu u dhacayaa waxaa weeye walaalayaaloow sidee dalkeenii iyo dadkeenii burburay usoo celinaa innaga oo ka bilaabayna halka ugu hoosaysa ee Gobol iyo Degmo. 

Yeeynu Noqon Tabtoodii.

Weli waxaan jeclahay in aan halkan bidhaamiyo in aanan cidna u jeedin, shakhsi, reer, gobol iwm, waxaan oga gol-leeyahay in aan si guud u tilmaammo in aadan dib u qaadin dariiqii cid walba oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u dhimay ay horay u qaadeen! Oo dibin daabyeeyey qaranka Soomaaliyeed, Reer ama gobolkay doonaan ha kasoo jeedaane. 

Furfur oo dhug gooni ah u yeelo cid walba oo wax taraysa dhaqaalaha, Waxbarashadda, dib udhiska, Maalgelinta gobolka, iyo wax walba oo horumar u keeni kara geyigaa xilkiisa laguu doortay, oo aan filayo in ayan ahayn arin sahlan. 

Saadaashu waa ay wacantahay.

Dhamaan dhaliinyaradu aad bay kuu rajaynayaan in aad wax badan ka bedeli doonto xaalku sidii uu ahaa, muhimadda waa in aad siisaa. 

  1. La dagaalanka musuqa.
  2. In aan la dhunsan hantida gobolka.
  3. Illalinta cadaaladda.
  4. Qofwalba in uu helo waxa uu xaq u leeyahay.
  5. La taliyaashaadu in ay noqdaan wax tar og waxa ay kugu la talinayaan, islamarkaana leh aqoon ku filan, gaar ahaan waxyiga samaawiga ah.
  6. Dadka diinta oo aad ka dhigato midigtaada koowaad, adigoo ka duulayaa mabda’a badbaado Illahay baa lehe in dariqiisa lagu badbaadayo.
  7. In aad xooga saarto la dagaalanka iyo sidaad ogaga hortegi lahayd khayraadka dalka ee sunta Cagaaran lagu soo bedelanayo, Soomaalidu sidaa uma caqli xumaan jirine, habbisadu ma aqaan meel ay nooga timid.
  8. Fiiro gaar ah u yeelo, qorshaha Abasiinaya ay doonayso in ay dalkeena ‘Somalia” nooga qaado, oo dadyoow kale ay ku beerto.

Saalax iyo Geele Maxaa waalay.

Oo hargal iyo hoyaad u diiday , mar waa Sudan, mar waa Kenya, markalne waa meelo kale oo qarsoodi ah, oo ruux ogi uusan jirin halka ay tagaan, Saalax iyo Geele waxa ay imika un ku baraarugeen Siyasadda Abasinya ee oranaysa, waa in aan geeska Afrika, xeebta Faransiisku gumaysan jiray “Jabuti” iyo gacankaba aan gacanta kusoo dhignaa, Bal xusuuso Abraha iyo maroodiyaashiisa ujeedkoodu muxuu ahaa, “kacbadaan duminaynaa”, Illahay go’aankii uu qaatay muxuu ahaa…Akhri qowlka Illah ee Suuradda “Al-Fiil”, Saalax iyo Geele imisay akhrin jireen baad u malaynaysaan Suuradaa… tobaneeyo jeer show! Imikay fahmeen 2005-ta, fahamkaa ka dib maxay ku heshiiyeen. 

  1. in la raadiyo Soomaali, oo Soomaaliya lasoo celiyo, si jiritaanka Jabuti, Yemen, Masar iyo dowladaha gacanku uu usuura-galo, arintan oo ay arkeen in ay tahay xijaabka keliya ee howshan wax ka qaban kara.
  2. Dagaaladii lagu qabsaday Jaziiradaha Xunaysh, iyo Ereteria oo mabda’a Abaseeniya u aaminsan si ka waalan sida ay u aaminsanyihiin Xabashidu, oo aan qudheeda aaminaad geli karin.
  3. “Kenya” isu muujiyaha in uu dhexdhexaad ka yahay dhibaatooyinkii kala gadhay, Soomaalida, Xabashida iyo Gumaystayaashii faransiiska iyo Ingiriiska, oo weli u haysata in ay sii jiqi doono naaska gaaxsan “Soomaaliya” arintan oo ay gumaystayaashu u yabooheen.

Waxan oo dhibaatooyin ahi Cadde Muusoow Il gaar ah in aad ku eegto ayay kaa doonayaan. 

Gabagabada hadalkaygu waxaa weeye Illahay garabkaaga ha galo, hadaad tahay nin dalka iyo dadka waxtaraya, hadii ay wax kale kuu qarsoonyihiina Ogow Illaahay baa kaa wayn oo ku daalacanaya, ummaddan intay dhibaato ka dhargi kartay way heshay, maanta wixii ka dambeeya tabantaabo mooyee lugooyo ma qaban karto. 

SheriffOsman
Investigative Reporters and Editors, Inc.
Missouri School of Journalism
Columbia, MO 65211

E-mail: omahmed@stthomas.edu

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2005

Gen. Cadde Muuse oo ku Guulaystey MDGPL
Doorashadii madaxweynaha DGPL oo maanta lagu qabtay Garoowe ayaa martay saddex wareeg.. Qaabkii codadka loo helay ka Akhri halkan....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD