SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Maah maah  Somaliyeed oo sadex  u dhac ah 

Dadka somalida ah  ayaa lagu yaqan inaysan Mah mahaha Somaliyeed aysan iska alifin iyaga oo waafajinaya marinkeeda mahee , Dadka qaar ayaa yirahada (Somalidu Been way sheegaan lakiin been ma mahmaahaan ) Xigmadaas yar markaan xasuusto waxaa ii rumoowda In mahamahada somaliyeed ay Micne ku dhisan tahay .

Hadaba Suuganta, Xigmada, Mahmahada, ayaa Noocyo farabadan leh Sida : Mahamahyada Sedex U dhac, Labo U dhac, Iyo tan cadiga ah ee Hal u dhac lagu yeero , xigmada somaliyeed waa mid qani ah oo aan la soo koobi Karin amase laga dhergi Karin waloow aan loo isticmalin sidii waayadii hore ama dadkii hore ee somaliyeed ay u isticmali jireen.

Maqalkan oo  qayb ka ah kii aan kaga hadlayey sidii ay u dhacaday Dorashadii 8th January 2005 ka dhacaday Xarunta Puntland Garowe, ayana ahayd Xaqiiqadii iyo run ka sheegii Doorashadaas aniguna aan idiin balan qaday inay Qormadani noqon doonto mid isku xiran ayaan mantay ku soo qadanayaa Xigamadan ama Mahmahadan Soamliyeed ee Sadex U dhacda ah :-  

ABOOR BAA DUN-DUMO DHISAY WAA LA’YAAB !!!!!!

HABEENKII BUU DHISAA WAA SHAAMA REER !!!!!!!

CANDHUUFTIISU KU DHISANA WAA AMAN KAAG!!!!!!

Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan ku horeyo micnaha ay xanbarsanatay xigmadatani , oo ah mid xoogaa yara qalafsan in la fahamona u bahan sidaas owgeed waxaan ku horaynayaa inaan kala qado micnaheeda .

ABOOR BAA DUN DUMO DHISAY WAA LA YA’YAAB !!!! Waa  runoo waa layaab oo waa wax maskaxada ka wayn qofkii arka aboor oo ah Noole aad u yar tabartiisuna tahay mid dicif ah , isma oranayo noolahan intan le’eg ayaa dhisay dun dumadan , madama aad argtiba awoodiisa , dundumaduna ay tahay wax wayn oo u bahan tacab iyo hoowl fara badan  , arintaas ayaa ka yabisa qofka isu eega inta  ay kala le’eg yihiin Dundumo iyo Aboor .

            HABEENKII BUU DHISAA WAA SHAAMA REER !!!! Ka daroo dibi dhal waxaa intasba ka sii daran marka la yirhado (habeenkii buu dhisaa) oo markii hore waxyaba ahayd la’yabe hada waa shama reer ,  oo su’ashu  waxay tahay  muxuu aboorku malinkii u dhisi wayey dundumada ? Malinkii baa iftiim ah oo uu howlo badan qabsan karaaye, maxaa baday dhibka iyo qaharka isaga oo ah noole kan ugu tamar yar , iyaduna runtii waa shamareer iyo waxan maskaxda binu adamku aysan qadan Karin .

            CANDHUUFTIISU KU DHISANA WAA AMA KAAG !!!! Hadaba talo fara ka baxaday marka la yiri aboorkaynu naqaanay ayaa candhuuftiisa  wax ku dhisa , oo akhirstoow muxuu  aboorku biyo ugu dhisi wayey ? shaqadii intii kaleba qabaye , dhibi iyo howli uma harine muxuu candhoofada isaga dhamaynayaa muxuu biyaha ilahay meel kasta dhigay ugu dhisan wayey DunDumadiisa !!!

Runtii waa wax maskaxda ka wayn oo amankaag iyo yaab badan , qofkii arka aboor iyo dundumo inta ay kala le’eg yihiin waxaan filayaa inuu mahmahadan sadex u dhacda ah uu rumaysan lahaa la yabakeeda !!!

Horayba sidaan u soo xusay somalidu waa dad ku sifiyey mahamahada ama xigmada marinkeeda ama dariiqada ay xaqa u leedahay  , hadaba aan u guda galo ujeeda maqalkan iyo sifada aboorka iyo Mahmah somaliyeedka sadex u dhacda ah .

Sidaan qoralkii horeba ku xusay ama dadku la wada socadaan 8th bishan aynu ku jiro ayaa waxaa  dhidibada loo taagay Xukun cusub iyo Hogaan cusub oo la soo doortay siduu doono ha ku yimadee ( Xaq ama Xaqdaro, Xalaal ama Xaaraan )  ka hor hogankaas ayaa waxaa jiray maamul iyo kala danbeeyn uu madax ka ahaa Mudanihii hore Maxamed Cadi Xaashi .

Dabayaqdii sandkii aynu soo dhafnay ayaa koox is bahaystay si karti fal ah oo ay ku marin doonayeen arimahooda u gaarka ah mar keliya ku sil sileen mamulkii kala danbeyntii hanaankii ka jiray Goblada Puntland Somaliyeed  iyaga oo markaasi ka dhawajiyey waxan meesha oolayn oo ahayd ( LAKALA TAG AMA TOOSANAY ) oo ahayd in tooda mahee aan mid kale  jirin iyada oo aan markaas loo aababe yeelayn ayaha umada , arimaha siyasada, daryeelka dhaqalaha , afooyinkii abaraha IWM .

Waxaan la doorbidin in la eego sidooda oo kale dantooda oo keliya balase la eego in ay meeshaas ku burburyaan Bulshada rayadka ah iyo habsami jiritanka umda ku nool geyigaas oo qarka u sarmaya Cadawad  iyo Col , cayr Iyo maal waa , markii ay ka fiirsadeen ragii hayey hooganka uma fekerin ama ma wajihin dhanka qaloocee danta dadka ayeey eegeen iyaga oo markaas ka kaftoomay Taladii wadanka si cadna ugu dhawqeen inay diyaar u yihiin doorsho cusub.

Ka hor ku dhawaaqidii hirgelinta doorasho cusub oo ka hergasha puntland ayaa waxaa la kala diray Golohii Wakiilada Puntland , iyada oo markasi cida kala dirtay ay ahayeen Ismada Qarkood ee  Gobolada ku bahoobay Puntland , iyaga oo markaas u xaglinayey hankii iyo hadalkii ka soo yeeray xulifadii isbahaysiga ahaa ee (Musharixiin) iskana indha tirayey dadntii dadka iyo dalkba jiritaankii Puntland madax u geliyey God Modoow .

Hadaba mahmahda aan kor ku soo xusay xagee ayeey u dhacaysaa ? runtii waa su’aal iswaydiin mudan , sedex u dhaca mahmahadan waxay u dhacaysaa cidii puntland ku furtay halaloowda  godka madoowna madaxa u gelisay,   Oo yeey yihiin waa Iswaydiine ? cidi kama marna. 

1.       Qaybta Hore ee Mahmahdu waxay u dhacaysaa ( Isimada Qarkood ) oo ah ABOOR BAA DUN DUBO DHISAY WAA LAYAAB!!! Sabtoo ah Isimo, Nabadoono , Cuuqaal , Malaaqyo, IWM ah waxaan u aqoon jiray kowo ka taliya ayaha umada , Nabada oo ah furaha Nolosha iyo Xasiloonida  , lakiin kuma aanaan ogeeyn isimo ku fura dadka ama dalka mariin qaldan tasoo ah inay madasha keeneen ama ansixiyeen XILDHIBAANO ka fog cadalada intooda badan tasi waxay keentay Aboor baa dun dubo dhisa  waa la yaab.  

2.       Qaybta labaad ee mah mahadu waxy u dhacasyaa Golaha Wakiilada (Parliaments) oo ah HABEENKII BUU DHISAA WAA SHAMAREER , marka aan eegno micanaha eragaya Parliament ama (PM) oo ah XILDHIBAAN runtii wuxuu xanbarsan yahay micne iyo qiimo wayn marka loo eego dhinca Bulshada , kaba sii daranoo wuxuu sitaa sharkii  umada ama shacabka oo waa tan loogu yeeraa (GOLAHA SHACABKA / GOLAHA WAKIILADA) sidaas owgeed qofka sita xilka ama magaca intaas le’eg  akharistoow ma ku haboon yahay qof habeenkii loo dhuuheeyo (loo dhuunto) isaga oo markaas loo balan qaadayo,  balamo qaadyo lana sasabanayo qarkood woorkoodaba daa subxada cad ama Barqadii ayeey calafkoodii qateen  hadaba ma waysan murtidatani ku habooneeyn in xildhibandu yihiin Laybakii mucjisada ahaa ee Dundumadii abooraku dhisay .

3.       Qaybta sadexaad waxay soo gunaanadeeysaa halkii reerka lagu faray oo waa xagee ? ha fogaanin ee dhinacaga ka Eeg !!! taas micneheedu wuxuu yahay Waa anigii horay u soo xusay markaan ka hadaleyey Aboorka oo  lahaa  Toloow aboorku maxaa biyaha u diiday oo uu ugu dhisi wayey  dundumadiisa ? meel kasta ilaahay biyuu dhigaye!!! Dhinaca kale u gedi dulucdu waxay tahay Xilidhibanada maxaa dhibay oo ay Habeen barka ug kufayaan oo u kacayaan , ilahay ma badine may iftiinka cad oo xisabta la arki karo  waxooda qataan ( Balanqadayda , Jagooyinka IWM ) tani waxay u dhacaysaa qaybta ugu danbeysa ee mahmada oo ah   CANDHUUFTIISU KU DHISAA WAA AMA KAAG !!!

Hadaba su’sha waxay tahay mamul soo maray sedexdas weji oo kala daran hadana kala duwan  (Three Different Stage) waa maxay wax laga faa’idi karaa , waxaa sii dabataal su’aashaan. Ma xaqbaa Ma cadaladbaa, Ma dimuqradiyadii  baa lagu bedeshay balaqad iyo guno waa layaabe goormaan arkaynaa Daad (Biyo) Kor u socada !!! hadaan aragnay Xildhibaan GorGortamaya , waa hagaage aynu sugno waqtigeeda……….

Laso Qormada Xigta.

W/Q Mohamoud Hayir Ibrahim (Caaqil)
Caaqil_hayir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2005

BOGGA MAQAALADA: http://www.somalitalk.com/maqaallo/

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD