SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MINNEAPOLIS

Xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida  Ethiopia(gobolka Ogaden) oo cabasho u gudbiyey Senator Coleman.

Hogaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida Ethiopia ee Minnesota ayaa waxay si rasmi ah ugu gudbiyeem senatoorkooda cabasho dhan ka ah xukuumadda Zenawi.  Madaxdaasi waxay sheegeen in Dawladda Ethiopia ay gobolkooda iyo shacabkooda ula dhaqanto si aan loola dhaqmin muwaadiniinta Ethiopia.  Madaxdaasi waxaa ay sheegeen in doorashadii ka dhacday Ethiopia aanay weli kaba dhicin gobolkooda weliba weriyeyaashii caalamiga ahaa iyo kormeerayaashii caalamiga ahaaba ay ka soo dhoofeen Ethiopia oo aanay tegi doonin gobolka marka doorashada ka dhici doonto.  


Senator Coleman

Madaxdaasi waxaa kale oo ay sheegeen madaxweynihii hore ee maraykanka Carter uusan fahamsanayn xaqiiqada ka jirta Ethiopia gaar ahaan Ogaden waayo bay yiraahdeen haddii uu ogaan lahaa ma yiraahdeen doorashada cadaalad bay ahayd.  Madaxdaasi waxaa kale oo ay xafiiska u sheegeen taariikhda gobolka iyo tacadiga waqtiga dheer lagu hayey sida in gobolka oo dhan uu leeyahay hal dugsi sare wadooyinka iyo isbitaalada ay aad u liitaan.  Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia ee Minnesota waxaa ay yiraahdeen waa been in ammaan daro loo qaban waayo doorashada gobolka taasina ay tahay marmarsiiyo loogu diidato dadka degan gobolkaas waxa ay xaqa u leeyihiin.   

Ugu danbayntii madaxda jaaliyadda waxaa ay codsadeen in uu senator Coleman xaqiijiyo lacagta uu maraykanku siiyo dawladda Ethiopia in ay gaarto dadkii loogu talo galay ee aysan xukuumadda Ethiopia ku takri falin una isticmaalin arrimaha militariga.  Xafiiska Sen. Coleman waxaa uu jaaliyadda ka balan qaaday inuu il gaar ah ku eegi doono waxa ka socda gobolkaas. 

Beryahanba waxaa aad usoo badanayey wax tarka iyo adeega uu Senator Coleman u hayo gobolka Minnesota gaar ahaan jaaliyadaha ka soo jeeda geeska Africa. Adeega xafiiskiisa ayaa u muuqda inay haatan kor u dhaaftay 50% dadka loo adeego inay yihiin Soomaali sababo badan awgeed. Arrintaaso oo yaab keentay waayo Soomaalida gobolka kama badna 3% xafiiskiina ayagaa u badan wax isticmaala. 

 Senator Coleman  beryahanba waxaa uu aad u maqlayey tacadiga iyo ku tumashada xuquuqal insaanka ay qowmiyadaha Ethiopia  ka sheeganayaan xukuumadda Ethiopia sida Oromada, Gambela, Soomaalida, Eritrea iwm.   

Senator Coleman waxaa kale oo dhowaan xafiiskiisa yimid xubno ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota kuwaas oo ka codsaday in uu ku dadaalo intii karaankiisa ah sidii Soomaaliya dawlad u heli lahayd iyo in dawlada maraykanka wax tarto shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo dhisay Nairobi.  Senator Coleman sidoo kale dhowaan waxaa uu xafiiskiisa DC ugu yeeray madaxa state department qaybta  Africa waa haweenayda la yiraahdo Constance Newman.   

Senator waxaa uu weydiiyey su’aalo kulul sababta state department ay uga gaabisay taageerida shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay ku dhacday in 15 sano Soomaalia lagu eego fawdo iyo dawlad la’aan.  Senatorka waxaa uu ka codsaday  inay Ms Newman kala shaqayso arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta. 

Waxqabadka kale ee uu qabtay senatoorka oo quseeya Soomaalida waxaa ka mid ah. 

1)      Ka hortagga in la isku qasbo baasaboor markii loo kala gudbayo maraykanka iyo canada.  Hadda looma baahna inaad haysato baasaboor.  Soomaali badan oo ku kala nool Canada iyo Maraykanka oo isaga gudba ayay caqabad ku noqonkartaa baasaboor qaadashada.

2)      Inaan la dhimin dhaqaalaha ku baxa caafimaadka dan yarta Medicaid iyo section 8 waa guryaha dan yarta.

3)      In uu ka shaqeeyo sidii reer Minnesota daawo raqiis ah u heli lahaayeem ama uga soo gadan laahyeen Canada iyo Europe.

4)      In ardada ajnabiga aan lagu dhibin visa waayo america ayaa u baahan lacagtooda iyo maskaxdooda

5)      Inuu taageeray qorshe dawladda naraykanka ugu celiso waalidiinta canshuur celin dhan halkii canug $ 1000.00 iyo in in guurka la dhiiriyo oo laga cafiyo ragga iyo dumarka isguursnaya canshuurta.

6)      Sanadkan 2005 bulshooyinka danyarta ah waxaa uu u soo hoyiyey dhaqaale loo isticmaalo shaqo abuuris iyo guryo gaaraya $100 million waxaan uu ka mid yahay sanatoorada sanad walba saxiixa in aan daryeelka laga jarin dadka saboolka ah

7)      Dhinaca waxbarashada waxaa uu ka mid yahay senatoorada u dagaalama in waxbarasha asaasiga ah (head start) aan la joojin iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarsho ee ardayda dan yarta ah (Pell Grant)  asagoo dawladda federaalka uga soo qaaday dhowaan $6million oo dheeraad ah oo loo qaybiyey 19 colleges. 

Ugu danbayntii Senator coleman waxaa uu ku mashquulsan yahay mashruuc culus oo uu u bixiyey horumarinta reer miyiga iyo dib u soo noolaynta degaanada ka fog magaalooytinka si shaqooyin badan loo abuuro oo ay dad badan oo reer Minnesota shaqo u helaan.  Mashruucaan oo la rabo in laga dhaqan geliyo dhamaan dalka maraykanka haddii uu ogolaado congresska iyo madaxweynaha  waxaa ku bixi doona maalgelin dhan $50 billion.  Waxqabadka Senator Coleman waa badan yihiin oo lama soo koobi karo laakiin maanta intaan ayaan ku soo koobaynaa. 

Maxamuud Nuur Wardheere

mnwardere@yahoo.com

Minneapolis, MN, USA
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2005


. Senator Coleman oo la shiray hogaamiyeyaasha Soomaalida Minnesota.

. Kulankii Soomaalida Minnesota iyo Labada Murashax ee Aqalka Odayaasha Maraykanka (USA Senate)  


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD