SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print

Qormadanw axaa soo tebiyey: Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) axmeddheere65@hotmail.com  Kenya, Nairobi

NABDGALYADDA IYO DIB U HABAYNTA CAASIMADDA DALKA,

 TAARIIKH: 11 MARSO 2005 

Sugidda Nabadgalyada, Maamul u sameynta, Xal u helidda iyo soocelinta awaamiirta iyo kala danbeynta ee caasimadda dalka ee Muqdisho, waa arrin aad u culus oo marar badan aad la isugu dayey, laguna guul dareystay, sababaha hoos ku qoran awgood: 

  •    Wada tashii la’aan: Horay uma dhicin guud ahaan inta ay arintaan quseyso in ay go’aan mideysan ka gaaraan, markastaba dhinac ama shaqsi ayaa ka maqnaa.

  •   Aragti iyo fikrad siyaasadeed oo lagu mideysnaa oo la xiriirtay maamul u sameynta caasimadda dalka oo aan horay u jirin.

  •    Ayadoo dhinacyadii xamar isku heystay ay aamin sanaayeen dhinici xamar ku guuleysta inuu isla markaa noqonaayo hogaamiyaha qaranka. Sidaa daraadeed caasimadii u noqotay rahan.

  •    Jiritaan la’aan maamul qaran: maadaama 14-kii sano ee la soo dhaafay uu maqnaa maamul qaran oo lagu mideysan yahay, ma jirin  cid awood u laheyd magacaabista maamulka gobolka Banaadir.

  •    Danta gaarka ah oo mar walba laga horeysiin jiray danta guud ahaaneed.

  •    Waxaa jiray faragalin dowlada shisheeye oo ka soo horjeeday daganaanshaha iyo maamul u sameynta caasimadda.

  •    Isku tanaasulid la’aan xal u helidda caasimadda.

Hadaba arrimaha kor ku xusan waxa ay horseedeen in jiritaanka umadda soomaaliyeed uu maanta Qatar ku sugan yahay loona baahan yahay in si deg deg ah loo nabadeeyo caasimadda maamulna loo sameeyo hubkana laga xareeyo isla markaana dib loogu soo celiyo u hogaansanaanta sharciga iyo kala danbeynta. Sidaa awgeed, iyadoo la tixgalinaayo natiijadii shir weynihii nabadeynta Soomaaliyeed oo ay dowladdu ka dhalatay lagana amba qaadaayo heshiiskii lagu gaaray hotelka Jakaranda 26 Janaayo 2005, ayaa waxaa si deg deg ah loogu dhaqaaqayaa wax ka qabashadda arimaha caasimadda, ugu horeyntana waxaa wada tashi lala sameenayaa inta ay quseyso arrinta  haku sugnaadaan Nairobi ama meel kaleba.

TILAABOOYINKA HOWLGALKA: 

1.     waxaa si ku meel gaar ah loo dhisayaa guddiga hogaaminta arrimaha caasimadda ee ka kooban labada gole ee dowladda, isaga oo isku qeybinaya seddex guddi. Waxa uuna jirayaa inta laga dhisaayo maamulka lagana sugaayo amaanka Gobola Banaadir. Mudadisuna waa sagaashan casho, (90 maamuud) oo ka bilaabaneysa maalinta shaqadda la bilaabo waana la kordhin karaa hadii loo baahdo wuxuuna u qeybsamayaa seddex guddi oo kala ah:

a)    Guddiga nabad gelyadda iyo uruurinta maleeshiyooyinka iyo hubka.

b)    Guddiga dhaqaalaha iyo taakuleynta

c)    Guddiga abaabulka iyo wacyigalinta arimaha Bulshadda.

Guddi kasta waxa uu yeelanayaa guddi hoosaadyo la shaqeenaya seddexda guddi, oo gacan ka siinaya howsha ay u xil saran yihiin .

wasaarad kasta oo dowladda katirsan Waxaa gacan lagu siinayaa shaqadeeda ku aadan gobolka Banaadir.

 2.     Waxaa la dhisaayaa maamulka gobolka Banaadir iyadoo la magacaabaayo guddoomiyaha gobolka, duqa magaaladda iyo inta maamul ee kale ee la xariirta, inta laga dhisaayo maamulkaas waxaa si kumeelgaar ah howsha u sii wadaya maamulka hadda wada, waxaana lagu saleenayaa axdiga iyo shuruucda Dalka.

 3.     waxaa loo baahan yahay magacaabidda:

  • A.   Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed

  • B.    Dhismaha hogaamada Booliiska Soomaaliyeed

  • C.   Taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir

  • D.   Taliyeyaasha qeybaha gobolka Banaadir

  • E.    Talisyada lixda dugsi ee tababarka maleeshiyada.

Magacaabista sare ku xusan waxaa lala kashandoonaa cidda awooda u leh waxaana lagu saleenayaa axdiga iyo shuruucda Dalka. 

4.     waxaa la sameenayaa lix dugsi tababar maleeshiyo oo kala ah

  • a)    dugsiga tababarka maleeshiyada ee geedtimir (gubadley)

  • b)    Dugsiga tababarka maleeshiyada ee hiilweyne

  • c)    Dugsiga tababarka maleeshiyada ee dugsi shanaad (Dayniile)

  • d)    Dugsiga tababarka maleeshiyada ee dhanaane

  • e)    Dugsiga tababarka maleeshiyada ee lafoole

  • f)     Dugsiga tababarka maleeshiyada ee carbiska

Haddii loo baahdo xeryo dheeri ah waa lagu kordhinayaa

5.       Dugsi kasta oo tababar inta aan lagu xareyn maleeshiyada waxaa lageynayaa 100 askari oo booliskii hore ah oo iskugu jira: talis, tababarayaal iyo kuwa  u xil saran keydinta iyo qabashadda hubka maleeshiyada iyo amaanka dugsiga

6.     Tirada guud ee maleeshiyada la xareenaayo waa 15kun waxaana laga xareeynayaa magaala madaxda dalka ee muqdisho (Xamar)

7.     Tirada guud ee ciidamada boolisska ee saldhigyada gobolka Banaadir waa 700boqol oo askari (14x50=700)  

Ø    Dugsiga tababarka maleeshiyada 600 oo askari

Ø    Talisyada ilaalinta xarumaha dowladda iyo goobaha ilaha dhaqaalaha 400 oo askari

Ø    Ciidanka ilaalada xabsiyada 300 oo askari

 

Wadarta Guud ee booliskii hore iyo asluubta waa 2000 (laba kun) oo askari.

8.     Maleeshiyada tababarada loo furaayo waxa ay ka soo xeroonayaan:

  • ·        Hogaamiyeyaasha,

  • ·        Maxkamadaha

  • ·        Ganacsatada

  • ·        Siyaasiyiin iyo ciddii kale ee hubeysan. 

9.     waxaa la diyaarinayaa foom ay soo buuxinayaan kooxaha sare ku xusan ee soo xareynaya maleeshiyada, waxaana ku cad foomkaas:  

  •  Tiradda guud ee maleeshiyada uu hayo

  •   Tirada maleeshiyo ee uu soo xaeynaayo

  •   Tirada nuucyada hubka kala duwan ee uu hayo

  •   Iyo tirada iyo nuucyada hubka e uu la soo xareeyey maleeshiyada

10.                        Marka maleeshiyada iyo hubkeeda la soo xareeyo, waxaa keydinta iyo amaanka hubka gudoomaya ciidamada booliiska ee horay loo geeyey dugsiga tababarka.

11.                        Waxaa la magacaabayaa guddi khubura ah ee isugu jira soomaali iyo ajanabi oo waajibkiisuna yahay qiimeynta hubka nuucyadiisa kala duwan si dowladdu u iibsato ulana wareegto. Gudigaas waxa ay la shaqeynayaan wasaaradda ku shaqada leh.

12.                        Waxaa la abaabulayaa lana howl galinyaa si kumeel gaar ah maamuladda 16-ka degmo e gobolka Banaadir si ay nabad gelyadda  iyo wacyi galinta guud ahaaneed uga qeyb qaataan.

13.                        Waxaa laga soo xulayaa 16-ka dugsi tababar, ciidan ka kooban 684 askari oo ku hubeysan 42-gaari oo tiknika ah oo 12 ka mid ah ay tahay gawaarida nuucyada waaweyn, 30 ka mid ahna ay tahay nuucyada yar yar. Ciidankaan waxaa loo tababarayaa si gaar ah waana ciidanka gurmadka. Waxayna u xilsaran yihiin amniga iyo sugidda nabad gelyadda caasimadda, waxaa ayna si toos ah u wada shaqeynayaan ciidamadda booliiska ee saldhigyada. haddii loo baahdo ciidan kale iyo hub kale oo dhaaraad ah waa lagu kordhin karaa.

14.                        Waxaa la dhisayaa maxkamadaha degmooyinka iyo midda  gobolka waxaana la howlgalinayaa xabsiga dhexe.

15.                        Dayactirka 6-da dugsi ee tababar,  qarashka maamul iyo miisaaniyadda ciidanka waxaa loo raacayaa sidii golaha wasiirada ay horay ay ugu gudbiyeen hay’adaha caalamiga ah.

16.                        Waxaan diyaar u nahay haddaan nahay labada gole ee dowladda in aan si deg deg ah ugu noqono  caasimadda una xareyno maleeshiyada, waxana ka codsaneynaa beesha caalamka in ay gacan naga siiso dhaqaalihii horay looga codasaday, la’aantiisna ay suurta galeynin fulinta howlahaas.

17.                        Waxaa la dhisyaa maamulada dekedda iyo garoonka diyaaradaha si markii amaanka la sugu deg deg ay ugu howlagalaan.

18.                        waxaa la sugayaa lana hubinayaa amaanka caasimadda iyadoo la soo celinaayo sharciga iyo kala dambeynta.

19.                        waxaa markaa lafurayaa dekedda muqdisho iyo gegidda diyaaradaha caalamiga ah.

20.                        waxaa loo howlgalayaa daraasadda iyo wax ka qabashadda adeegyadda bulshadda  sida nadaafadda guud, Biyaha, Korontada, Isbitaaladda, Dugsiyada Waxbarashada IWM.

21.                        Waxaan ku talineynaa in howlaha kor ku xusan dhammaan gobolada dalka si isku mar ah looga wada fuliyo si aysan ugu muuqan hub-ka-dhigistu arrin ku wajahan dad gaar ah iyo degaamo gaar ah.

22.                         waxaan oggol nahay  in hubkii la uruuriyey lana xareeyey lagu wareejiyo keydintiisa, haddii loo baahdo, ciidamadda shisheeye, marka ay yimaadaan dalka, oo aysan ka mid aheyn wadamada xuduuda la leh soomaaliya bad iyo bariba. Waxaana xusid mudan, hubkii lagu wareejiyey ciidamada shisheeye in aysan burburin karin, iibin karin, isticmaali karin, cid gaar ahna ayan siin karin, waxayse ku wareejinayaan gacanta dowladda soomaaliyeed.

23.                        Waxaanaan marnaba aqbali doonin in ay dalkeena yimaadaan ciidamada wadama Soomaaliya xuduuda la leh bad iyo bariba.

24.                        waxaanan ogolaaneynin in Baarlamaanka la keeno dood ku saabsan ciidamadda dowladaha xuduudka leh soomaaliya bad iyo bariba in ay dalka yimaadaan, iyadoo arrintaas horay looga heshiiyey shirweynihii dib u heshiisiinta ee socday mudada labada sono aheyd ee lagu dhisay dowladda federaalka kmg soomaaliyeed.

25.                         Waxaan caddeyneynaa in aysan dhib ku ahayn dowladda, dib ugu noqoshada magaalo madaxda dalka kana howlgali  karto, Iyadoo la adkeenayo amaanka iyo nabad galyada

26.                        Waxaa xushmad iyo qadarin mudan dhamaan Siyasiyiinta, Bulshada Rayadka, Ganacsatada, Maxkamadaha, Culumaa’udiinka, Dhaqanka, Haweenka, iyo Dhalinyaradda, oo isku diyaariyey sidii ay u fulin lahaayeen howlaha nabad galyada iyo maamul u sameynta gobolka banaadir iyo xareynta maleeshiyooyinka.

27.                        Waxaan si gaar ah  codsi ugu jeedineynaa dhammaan Warbaahinta Madaxa Banana, Wargeysyadda, Web-Site-Yada, Fanaaniinta, Abwaaniinta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan soocelinta nabadeynta ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan magaalo madaxda Dalka. 

28.                        Waxaan u mahad celineynaa dhammaan cid kasta oo ka geysatay gacan dib u hehiisiinta iyo xal u helidda dhibaatooyinkii daba dheeraaday ee umadda soomaaliyeed sida:, Dowladda Kenya iyo shacabkeeda, Dowladaha IGAD, EU, AU, Jaamacada Carabta, UN, USA.

29.                       Ugu danbeyn annaga oo ku kalsoon gacan ka helidda dowladda iyo shacabka Soomaliyeed iyo Beesha caalamka, ayaan halkaan waxaan ku balan qaadeynaa fulinta iyo meel marinta howlaha kor ku xusan 

SAXIIXAYAASHA::: 

1. Hon. Hussein Mohamed Farah Aidid ___________
2. Hon. Mohamed Qanyare Afrah ___________
3. Hon. Muse Sudi Yalahow ___________
4. Hon. Osman Hassan Ali (Ato) ___________
5. Hon. Omar Moh’ud Moh’ed (finish) ___________
6. Hon. Mohamed Hussein Addo ___________
7. Hon. Botan Isse Alin ___________
8. Hon. AbdiKarim Ahmed Ali ___________
9. Hon. Omar Hashi Adan ___________
10. Hon. Mohamud Salad Noor ___________
11. Hon. Ali Abdullahi Osoble ___________
12. Hon. Mohamed Moh’ud Guled ___________
13. Hon. Salah Ali farah ___________
14. Hon. Yususf Mire Moh’ud (Serar) ___________
15. Hon. Mohamed Jama Furuh ___________
16. Hon. Abdi Ahmed Dhuhulow ___________
17. Hon. Osman Mohamud Mohamed ___________
18. Hon. Ali-Bashi omar Rooraaye ___________
19. Hon. Ahmed Diriye Mohamed ___________
20. Hon. Hassan Dhimbil Warsame ___________
21. Hon. Ing. Nur Wabar Abdi ___________
22. Hon. Ibrahim Sheikh Ali Mohed ___________
23. Hon. Abdi Bulle Hussein ___________
24. Hon. Abdiazis Ibrahim Osman ___________
25. Hon. Abdifatah Ahmed Mumin ___________
26. Hon. Abdulkadir Nur Arale ___________
27. Hon. Abdullahi Moalim (Fah) ___________
28. Hon. Ahmed duale Gelle (Haaf) ___________
29. Hon. Ahmed Omar Gagale ___________
30. Hon. Ali Alas Qareey ___________
31. Hon. Ali Jeyte Osman ___________
32. Hon. Ali Shire Osman ___________
33. Hon. Asha Haji Ilmi ___________
34. Hon. Bashir Mohamed Aden ___________
35. Hon. Farahan Ali Mohamud ___________
36. Hon. Hirsi Adan Rooble ___________
37. Hon. Hussein Abdi (Wade) ___________
38. Hon. Hussien Arale Adan ___________
39. Hon. Ibrahim Habeeb Noor ___________
40. Hon. Isse Weheliye Malin ___________
41. Hon. Mariam Arif Qassim ___________
42. Hon. Mohamed Hassan (qoono) ___________
43. Hon. Mohamed Hussein Rage ___________
44. Hon. Moh’ed Abdirahman (Nadiif) ___________
45. Hon. Mohamed Sh. Jama Nageye ___________
46. Hon. Omar Adan (Omar dhere) ___________
47. Hon. Mohamed Sheikh (Gabiyow) ____________
48. Hon. Moh’ed Sh isaq (Abadir) ___________
49. Hon. Muse Nur Amin ___________
50. Hon. Abdullahi Gedi Shador ___________
51. Hon. Muse Ali Omar ___________
52. Hon. Mustafe Sh. Ali Duhulow ___________
53. Hon. Nur Ahmed Dirshe ___________
54. Hon. Hilowle Iman Omar ___________
55. Hon. Omar Islow Mohamed ___________
56. Hon. Omar Ugas Mumin ___________
57. Hon. Salad Ali Jelle ___________
58. Hon. Yusuf Gelle Ugaas ___________
59. Hon. Abdirahman Abdi Warre ___________
60. Hon. Abdullahi Ahmed Afrah ___________
 

Xaflada lagu so Afjarayay Arimaha Amniga Muqdisho oo maanta lagu soo gabagabeeyay Nairobi  


Qormadanw axaa soo tebiyey: Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) axmeddheere65@hotmail.com  Kenya, Nairobi

 Qoralka oo PDF ah halkan ka daabaco::: [PDF]

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 12, 2005
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD