SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

Axmed Muusse Cabdulle (Idaawaqaca)
Nairobi-Kenya
axmeddheere65@hotmail.com

Farxadii Qarniga oo ay ku Jiraan Madaxwaynaha Soomaaliya& Rasysulwasaare Geedi Guul Siyaasadeed ay ka gaareen Booqashadoodi Soomaaliya maxay kordhinkartaa Booqashadooda Soomaaliya? 

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maalmihi la soo dhaafay socod ku marayay gudaha wadanka Soomaaliya si ay umada Soomaaliyeed uga dhaadhiciyaan hanaanka Doowlad Wanaaga, 

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay isaga oo ku sii jeeda Soomaaliya in uu doonayo Midnimada Umada Soomaaliyeed isku keenida Bulshada iyo Sidii ay sahan ugu noqon lahaayeen Guuritaanka Xukuumadiisa, 

Madaxwaynaha iyo Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi waxa ay socdaalkooda ka bilaabeenMagaalada Joowhar waxaana loogu soo dhaweeyay si heer qaran & maamuus doowlad nimo, 

Waxa ay mareen dhulka iyagoo in kabadan 240Km ku soconayay dhulka u dhaxeeya Gobolka Hiiraan waa Baladwaynee ilaa Joowhar oo ay Safarkooda ka Bilaabeen amuurtaas ayaa noqotay Guul Siyasadeed ay gaareen Mas uuliyiinta Sarsare ee Xukuumada Soomaaliyee, 

Amuurtani waxa ay saldhig adag unoqotay sida ay umada Sooomaaliyeed uga go antahay Rabitaankooda Qaranimo iyo in aysan xiligan uu diyaar ahayn colaad iyo Dagaalo mar kale ka soo cusboonaada Gayiga Soomaaliyeed waxa ayna siisiyaadisay Rajadii Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf ka qabay Hogaaminta Bulshada Soomaaliyeed, 

Safarkooda waxa uu hoosta ka xariiqay Caalamkana umiijiyay Sida ay Umada Soomaaliyeed ugu heelanyihiin Taageerida&Nafhurida Xukuumada iyo in umadu ka daashay Colaad iyo Dagaalo Sokeeye labada mas uul waxa ay Sawir cad ka bixiyeen Ajandaha Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed, 

Waxa ayna cadeyeen in Ay Soomaaliya ku soo dabaali doonaan Nidaam Cadaaladeed Wada Noolaansho iyo Nabadgalyo Waarta Xeeldheerayaal Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay Safarka Madaxwaynaha Iyo Raysulwasaare Geedi in laga Helikaro Qodobadan, 

1-       In Xukuumada Federaalka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya la heli karo Goobo&Dagmooyin ay caga dhigi karto,

2-       In umada Soomaaliyeed ay xiligan maankeeda galisay Rabitaan dowlad Nimo iyagoo wafuuda Xukuumada ay ku soo dhawaynayaan Caleemo Qoyan& Calanka Jamhuuriyada Soomaaliyed Niyad sami iyo intii karaankooda ah,

:::COD BIXIN:::

3-       Mas uuliyiinka Xukuumada oo caalamka u muujiyay in ay wadankooda u horseedi karaan abad ayna booqankaraan Dalkooda hooyo

Waxaa wafdigu Booqday Joowhay,Jalalaqsi,Baladwayne,Qardho,Boosaaso,Garoowe,Gaalkacyo,iyadoo qaabka loo soo dhaweeyay ay ahayd mid aad cajiib u ah waxaana laga dhadhansankaraa  

1-       Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu bilaabay Hamigiisa ah in uu soomaaliya Hogaanka u qabto 40 Sanadood ka hor isaga oo Geed Dheer iyo mid gaabanba u fuulay in mar loogu yeero Madaxwaynaha Soomaaliya,

2-       Waxa uu xabsiga ugu jiray sanado badan iyadoo ay Xireen Xukuumadii Bare& Tii Mingiste laguna Xiray Hadafkiisii ahaa in uu Soomaaliya Majaraha u qabto,

3-       Intii Burburka Claahi Yuusuf waxa uu madaxwayne ka Noqday Maamulka Waqooyiga Bari ee Soomaaliya hase yeeshii Indhiisu ma arag Rooga Guduudan Mootooyinka iyo Baratakoolka Qaranimo ee lagu xushmeeyo Marka u wadooyinka Marayo,

4-       Manta waxa uu arakay Dhaboobida Hamigiisii iyada oo ay hor ordayaan Gawaarida Gaashaaman Boolis iyo Shaqsiyaad ay Siyaasada isku hayn Jireen oo hada Ugu yeeraya Mudane Madaxwayn 

Safarka Madaxwaynaha waxa ay tilmaamnayaan raga ukuurgala Arimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya in uu kaamil noqonlahaa hadii ay kula jiri lahaayeen Wasiiradiisa ka arimiya Soomaaliya Sida Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow,Maxamed Qanyare Afrax,Cusmaan Xasan Cali Caato,Eng Xuseen mxa,ed Faarax Caydiid Cumar Maxamuud Filish &Xubno kale, 

Waxa kaloo dadku soo jeedinayaa in uu jiro fakir kukala duwanaansho ah keenista Ciidamo nabada ilaaliya oo ay soo jeedinayaan Mas uuliyiinta CabdulaahiYUUSUF Iyo Gedi hase yeeshee ay diideen qaar ka tirsan Wasiiradooda, 

Hadaba dad Badan ayaa qiraya in ay ku jiraanMadaxwaynaha iyo Raysulwasaaruhuba Farxadoodii ugu Saraysay ee Qarniga iyadoo Socdaalkooda la filayo in ay ku soo gaaraan Baydhabo dadku waxa ay is waydiinayaan waxa loo Booqanwaayay Caasimada Soomaaliya, 

Hadii ay Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaruhu Booqdaan Muqdisho waxa sii kordhaya Taageeradooda Dhinaca Shacabka ah hadaba shacabka Soomaaliyed maxay uga baahanyhiin Madaxwaynaha&XukuumaDA  

1-       shacabku waxa ay Muujiyeen Taagerida iyo niyad wanaaga ay u hayaan Xukuumada Federaalka ah  shacabkuna waxa uu sugayaa Badalkeeda,

2-       shacabku waxa ay madaxda Doowlada uga f adhyaan in Xukuumada ay ku soo Noqoto Gudaha Dalka Soomaaliya lana xaliyo khilafaadka u dhaxeeya Xukuumada

3-       in Soomaaliya laga hirgaliyo Nabad kuwada noolaansho lana soo celiyo haybadii& Karaamadii umada Soomaaliyed

Axmed Muuse Cabdulle axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2005

Warqad Furan: Guddoomiyaha Golaha Midaynta Beesha Sade

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD