SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
WARAYSIYO AAN LA YEELANAY XUBNO KAMIDA  ERGEDA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA SACAD IYO SALEEBAAN. 

Galkacyo: (somalitalk).

Talaado, 29,03,05:

Waxaa in mudo ahaydba shirar kala duwan ay ka soconayeen Hotel Taar city ee magaalada Galkacyo, shirarkan oo taxane soo ahaa tan iyo horaantii bishan Maarso, ayadoo ay fureen kulanka waftigii ka socday dowladda federaalka' oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DFKS & Raysulwasaaraha DFKGS iyo waftigii ka socday PL oo isna uu hogaaminayay Madaxwaynaha PL. (Waftiga DFKMG oo gobolada PL soo booqday dhammaadkii bishii hore ee Febraayo ilaa bilowgii bishan Maarso).

Kulanka shirka oo ku soo beegmay xili ay DFKGS ay marayeen meelo kamida gobolada soomaaliya ayadoo dowladdu ka soo bilowday socdaalkeeda magaalada Jowhar, Baladwayn,  Garoowe, Qardho magaalada Boosaaso, iyo magaalada Galkacyo. 

Midig Raysal Dhexda Madaxweynah iyo Bidix madaxweynaha DGPL
Midig: Prof. Geeddi, Col C'lahi, Gen. Cadde
Sawirka: C/fataax | Boosaaso

Hadaba waxaa Madaxwaynaha iyo Ray,sulwasaaraha u suurto gashay in ay isugu yeeraan beelaha ku dagaalamayay deegaanada hoos yimaada Mudug iyo Galgaduud, kulanka  madaxwaynaha uu isugu yeeray beelaha Saleebaan iyo Sacad' ayuu ka hor uga warbixiyay sababta dhalisay in gaalkacyo ay sidan isu badesho waxa uuna ku tilmaamay in ay ka danbaysay heshiiskii dhexmaray isaga iyo alla ha u naxariistee Gen. Maxamed Caydiid.

Madaxwaynaha DFKGS Mud, Cabdulaahi Yusuf ayaa beelaha ugu baaqay in lahelo nabad taabagal ah oo dhexmarta labada garab ee iska soo horjeeda waxa uuna sheegay in ay aad uga xumaadeen dagaalka ka dhacay gobolda Mudug iyo Galgaduud asagoo sheegay in ay murugo way ku haysay mudadii ay dowladdu ku sugnayd magaalada Nayrobi ee xarunta Kenya, waxa uuna yiri waa ilaahay mahadii hadaan haatan idin horfadhino oo labadiiniiba aan isu keennay.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu ahaa nin dagaal lagu yaqaanay balse haatan doonaya in uu noqdo oday beeleed, waxa uuna u sheegay uguna baaqay marlabaad iyo mar sadexaadba in dagaalka la joojiyo' asagoo tusaale u soo qaatay Gen. Cadde Muuse iyo isaga wixii dhexmaray iyo haatan sida ay isku yihiin waxa uuna mar labaad sheegay in beesha sacad ay jabisay heshiiskii u dhexeeyay isaga iyo Gen, M/ed Caydiid uuna sheegay in la soo nooleeyo heshiiskii taaba galka ahaa ee lagu dagay gobolka Mudug.

Waxaa isna ka hadlay madasha nabadaynta beelaha Prof Cali Maxamed Geedi waxa uuna sheegay in ay horu,dhac u tahay guud ahaan beelaha soomaaliya gaar ahaanna beelaha Saleebaan iyo Sacad, Dowalduna ay tahay mid ku dhisan dib u heshiisiin iyo soo celinta qarankii umada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha iyo Raysul,wasaaraha DFKGS ayaa waxa ay kulankan bilaabeen 1 iyo 2 bishan maarso ee sandka 20005, waxa ayna magacaabeen labo xubnood oo ka socda DFKGS oo ay sheegeen madaxwaynha iyo Raysul,wasaaruhuba in ay yihiin labadan xubnood kuwo la shaqayndoona maamulka PL, gudi ay iyaguna dhankooda ka magacaabi doonaan.

Dowaladda federaalka ayaa iska soo xushay cidii dhankooda u matalaysay waxayna kala yihiin Ciise Axmed Dalabay (Ciise dheere) iyo Gen. C/qaadir Diiriye (Subxaanyo). Ciise dheere oo DFKGS ay u magacaabatay in uu yahay gudoomiyaha gudiga qaranka ee dib u heshiisiinta beelaha saleebaan iyo Sacad.

Waxaa suurto gal u noqotay DFKGS in ay isu keento gacantana isu galiso labada Suldaan ee labada beelood ayagoo balan qaaday heshiiska labada dhinac in ay ka shaqayn doonaan.

Hadaba waxaa DFKGS ay uga tagtay dhankeeda in ay matalayaan siina wadaan howsha nabadaynta'  labada xubnood ee ka socda dhankooda, ayadoo dowlad GPL, uu madaxwaynaheeda isna magacaabi doono ayuu yiri madaxwaynaha federaalka gudi uu ka soo xulo gobalada PL.

hadaba waxaa noo suurto gashay maadaama uu shirku socday muddo bila natiijadii ka soo baxday iyo halka ay wax marayaan in ay nooga waramaan qaar kamida DFKGS iyo Ergada DGPL.


Ciise Axmed Dalabay "Ciise dheere"

Waxaan ugu horayn waraysi kala yeeshay arintaa Gudoomiyaha Gudiga Qaran ee dib u heshiisiinta beelaha Sacad iyo Saleebaan" Ciise Axmed Dalabay "Ciise dheer"

Su,aal: Gudoomiye waxaad nooga war bixisaa halka ay wax idiin marayaan ?

Jawaab: waxaa noo suurto galay in aan isu keenno ergo ka socota beelaha la heshiisiinayo oo ay sahashay keenisteeda Maamulka PL iyo ergooyin kale oo ay dalbadeen beelaha in ay heshiiska goob joog ka noqdaan.

Marka waxaan u mahad celinaynaa DGPL sida wanaagsan oo ay howsha u fududeynayaan aydoo sidoo kalana aan u mahad celinayno Maamulaha Hotel Taar Sity Siciid Cabdi Oray, sida wanaagsan ee uu noogu kala wado socodsiinta howsha nabadaynta waxaanse oran karnaa in uu maamuluho kaalin wayn ka qaatay arimaha geedi socodka heshiisiinta.

Su,aal.Gudoomiye maxaad filaysaa in ay arintu ku danbayso?

Jawaab: horta ilaahay ayaa cilmi qayka garanaaya lakin uma malaynayno in aan ku guul daraysanayno, waxaan kaloo shalay magacownay guddi u ambabixi doona illaa bari deegaanada dagaalka uu ka dhacayo gudigaas oo ka kala socda beelaha Mareexaan, Cayr, iyo labada beelood ee Sacad iyo Saleebaan.

Gen. Subxaanyo ayaa isna sidoo kale u madah celiyaya beelaha sida wanaagsan oo ay gacan nooga siisay in ay aqbasho heshiiska ayadoo labada dhinacba ay maanta galinka danbe ku kala tageen farxad qosul iyo kaftan dhexmaray dhamaan gudiga iyo labada dhinac, waxaa taa lagu tilmaami karaa mid aad qiimo u leh oo u soo hoyatay walaalaha dagaalku ka dhexeeyo. waxaan sidoo kale mahad balaaran u soo jeedinayaa Maamulaha Hotel Taar Sity oo siwacan oo soo dhoweeyay ayadoo ay wax kalana u laabantahay maadaama ay soo laabanayaan gudiga shalay lamagacaabay ayadoo ay 10, casho ku maqnaan doonaan goobaha lagu dagaalamayo.


Cismaan Xaaji Nuur Yusuf

Waxaa noo suurto gashay labo xubnood oo kamida ergadii laga soo magacaabay beelaha PL, waxa ay maanta kawada hadleen in ay nooga warbixiyaan waxaan marka hore waraysi la yeeshay Cismaan Xaaji Nuur Yusuf, oo kamida ergadii madaxwaynaha PL uu ka soo magacaabay magaalada Boosaaso ee xatunta G/bari.

Su,aal Cismaan waxaad nooga warantaa ujeedadii la,idiin soo magacaabay in ay idiin suurto gashay?

Jawaab, Marka hore aniga iyo Daahir M/ed Garaase waxaan nimid 7,bishan Maarso wxaana u nimid nabadaynta labada beel oo uu noo soo magacaabay Madaxwaynaha Pl, aniga oo jooga magaalada Boosaaso ayuu iyi waxaad ka qayb qaadanaysaa heshiisiinta lagu qabanayo magaalada Galkacyo, waxa uuna ii sheegay madaxwaynuhu in Garoowana uu ka magacaabay Daahir maxamed Garaase waxaa ka loo uu yiri madaxwaynuhu waxaad galkacyo kula kulmaysaan duqayti sideeda  oo iygana aan ka magacaabay magaalada galkacyo sidaas ayaa nakeentay, ka dib waxaa naloo soo dhoweeyay sifiican oo sharafleh waxaana ka mid ahaa cidda na soo dhowaysay Goborna tooraha magaalada Galkacyo.

waxaa noo suurto gashay in aan u yeero ergo kale oo ka socota beesha cayr iyo Mareexaan waxaan u fariisanay falanqayn waxay soo jiitanto waxaan ku heshiinay in aan 45, xubnood oo isugu jira beesha Cayr, beesha Mareexaan labada beelood oo is haya iyo Galkacyo dad kamida;

waxaan shalay iska magacownay guddi aan u kala dirayno labo dhinac oo isugu jira dhinacyo kala duwan waxa ayna  gudiga 23, iyo 3, gaari isugu u ambabaxayaan, Dagmada hobyo illaa ceel huur Xageed, dhanka cadaado iyo galinsoorna waxaan u diraynaa 23,xubnood iyo 3, gaari waxayna isku yihiin 46,xubnood iyo 6, gaari, waxa ayna kala yihiin qar aan uga maarmi waynay ciidan amniga suga qaarka kalana waxay yihiin qaybaha kala duwan ee gobolda kakal socda ayna ku jiraan qaar ka socda dhinaca waqooyiga galkacyo.

Hadaba waxa shalay naloo dhiibay xabad joojinta dhamaantayo anaguna waxaan isu waafaqnay in ladiro dadkaa la sameeyo xabadjoojin dagadaga ciidanka oo lakala qaado

Su,aal: hadii ay suurto galiwaydo arimahan aad sheegatay maxaa idiin gudbood oo samaynkartaan?

Jawaab, taa ilaahay kama baryin laakin rag talo kama dhamaatee talaa noo gudboon.

Su,aal: waxaa dhacay dagaal adinkoo wada heshiiskii maka hadasheen arintaa waxay ku dhacday maadaama la heshiiyay DFKS iyo PL, horteedana ay ku dhaarteen labada Suldaan, ee labada beel.

Jawaab:wax walba waa dhacaan oo anagu masuul kama nihin ilaahay ayaan ka baryaynaa in ay san markale dhicin salaadiintuna kama masuul ahayn waxa dhacay waayo halkan ayay wax ka wadeen oo ay doonayeen ISLAAX BAYNA NAAS marka taa waa laga heshiiyay illaahayna naguma soo cesho.

Su,aal: waxaa jiray odayaal idinka horeeyay oo waday heshiisiin oo lagu dilay deegaanada aad ergada u dirteen sidee ku aaminteen marka in aad dirtaan ergo horle oo isugu jirta qabaaillo kala duwan mase jirtaa go, aamo aad ka soo saarteen hadii la gaysto fal kii horde lamida.?

Jawaab:arwaaxda dhimatay waasabab oo lama joojinkaro tan ah go,aanadana waxaa gar lagalaa iyo go, aan xiligeeda ee haatan ma ahayn in aan gaaro go,aan eewaxaan ka yeeli doonno xiligeeda halagaaro howshuna waa sangow guddo iyo dhbaabaco isla sug.


Daahir Maxamed Garaase

Waxaa sidoo kale aan waraysanay Daahir M/ed Garaase oo laga soo magacaabay garoowe.

Su,aal:yaa idiin furay shirka?

Jawaab: waxaa noo furay Islaan bashiir

Su,aal maxaa shalay maxaabiista loogu wareejiyay beesha cayr oo kaliya ayadoo idinka mid ahayd maadaama ay gogosha nabaddana beesha cayr u fidisay PL.

Jawaab: waxa arintaa ay ahayd meel ku dhac ayadoo aan nala ogaysiin hadaan nahay DGP, DFKG isimo iyo beelo kala duwan waanna u qabsanay beesha cayr wayna naga raali galisay oo waxay samaysay tanaasulaad.

Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com
SomaliTalk Gaalkacyo Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 29, 2005

8 Maxaabiis ah oo Lagu Wareejiyey Beesha Saleebaan
»Magacyada siddeeda qof ee maxaabiista ahaa...
»
Dagaal ka Dhacay Gelinsoor
»Shir ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Beelaha Cayr iyo Saleebaan
»Waraysiyo: Gudoomiyaha dagmada cadaado
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 27

Dawladda Hoose ee Galkacyo oo Nin Ku Dhaawacday Suuqa Weyn ee Magaalada
waraysiyo ay SomaliTalk arrintaas kala yeelatay ninka la dhaawacay iyo
Xoghayaha D/hoose ee Galkacyo.. Guji.. Mar 29

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD