SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


 

Waayaabe Ethiopia somali maisu keenaysaa mase waa kala diraysaa!!!
 
  Marka aanu daraasayno taariikhda soo jireenka ah ee labada dal oo deriska ah waa Ethiopia iyo Somalia waxay waligeed ahayd mid qallafsan oo aan wanaagsanayn.Hadaba markii uu isku dayay madaxweynihii hore ee Somalia in uu xorayo degaanka ugaadeeniya ee ay Ethiopia xooga ku haysato waxaa dagaal culus dhexmaray labada dalk ee dariska ah waa Ethiopia iyo Somalia, Waqtigaa lagfa soo bilaabo waxaa sii xumaanayaya oo maalinba maalinta ka danbaysa ka soo darayaya xiriirka labada dal.
 
Waxaanuna wada ogsoonahay inay qayb libaax leh kaqaadatay dawladda Ethiopia dagaaladii sokeeye ee ka dhacay  Somalia marka sidaas daraadeed waxaanaan marnaba aqbali doonin in ciidamo shisheeye oo Ka socda waddamada deriska la ah Somalia lakeeno.Waxaanu ilaa iyo haddana u jeednaa in Itoobia ay doonayso oo ku dadaalayso inay kala googayso Somalia marka halkaas waxaa ka cad inay aysan daacad ka ahyn ka qayb qaadashada  Itoobia ee dib u heshiisiinta iyo hub ka dhigista maleeshiyooyinka laakiin ay wadato qorshe siyaasadeed oo gaar ah.
 
 Waxaan aaminsanahay in muwaadin kasta oo Somaliyeed aanu marnaba aqbali doonin ciidamo Amxaaro ah oo soogala gudaha dalka Somalia,Waxaa ay khatar weyn ku yihiin guud ahaan Umadda Somaliyeed.Cid ay si gaar ah bartilmaameed uga dhiganayaan majirto marka sidaas daraadeed saxaafadda qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay tahay taasi handadaad loogu tala galay reer muqdisho,taasina waa wax khalad ah oo aan caqli gal ahayn.Madaxweyne C/laahi Yusuf waxaa ka go,an sidii uu umadda Somaliyeed isugu keeni lahaa waxaana uu doonayaa inuu  dhiso Qarankii dalka ee maha qorshihiisu sida ay dadka qaarkood ka aamineen.Somalia waa Somalia wax walba oo khatar ku ah reer Muqdisho waxaan sheki ku jirin inay khatar ku yihiin Reer Bosaso ama reer Hargeisa,Marka waxaan dhehi lahaa umadda halaga daayo khiyaaliga iyo jaahg wareerka,Shacabkuna waa taageersanyahay dawladda dhammaan 100%.
 
Ilaa iyo intii ay dhacday dawladdii hore ee Somalia waxaa ladhisaayay dawlado waxaana laqabanaayay shirar,Nasiib xumo maysan noqon kuwa mira dhala oo ay natiijo wax ku ool ahi kasoo baxdo,Sababaha ugu waawayn a waxa weeye awood dhaqaale iyo mid Milletry oo aysan lahayn maamuladaasi marka waxaa lagama maarman ah hadda in ciidan kasocda AU,ama jaamacadda carabta lakeeno waddanka si ay u saacidaan ciidanka Somalia loo tababari doono iyo sidii ay uga qayb qaadanlahaayeen sugidda ammanka gobolada aanay ka jirin nabaddu.

   BY:Abdalle Ibrahin  Osman  (Saajinka)    Abdallei@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD