SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


2nd March 2005

HAWIYE: DOWLAD AYUU U BAAHAN YAHAY, DOWLDNA CID WALBA WAA U DAN.

Wax lala yaabo, ayeey noqotay in Xildhibaanada iyo Wasiirada Hawiye; shir isugu yimaadeen 26-ki Feb. 2005, ayagoo ku andacoonaaya, in ay “aragti mideysan ka qaadanaayaan meel marinta hawlaha Qaranka” iyo in ay dibeda uga saarayaan ciidamadooda iyo hubkooda, Caasimada Dalka. Haddaba, waxay ila tahay ballan qaadkooda in uu ka duwaneyn kuwi hore, oo 14-sanno ayeey been sheegayeen. Mida kale, ciidan dibed u saaridooda, waxay tahay in maleeshiyadooda gacantooda ka bixin (Private Army), dowladdana u ma saruufto; waa wixi fashiliyay dowladdi TNG-da. Hadfka, ugu weyn ay leeyihiin, waa in la fashilo dowladda, oo ay afka ka dhowrayaan. Waxaase, ka xunnahay in Dowladda Dalka u dhalatay, carqalado iyo qodax ku noqdeen, oo ayna yihiin, sababta Dowladda Dalka u tegi la’dahay. Waxaa, looga baahan yahay in ay hubka iy maleeshiyada Dowladda ku wareejiyaan; haddii ay taa dhici lahaydna, manta looma baahdeen Ciidamo shisheeye.

Koxdan, labada Gole ka tirsa, Hawiye uma dooran xilka ay sheeganayaan, ma matalaan. Hawiye, wuxuu u baahan yahay in laga xoreey, lagana bad-baadiyo. Maxaa yeelay, raggan waxaa ka mid ah: 1) raggii Hawiye, fashiliyay dowladihi Cali Mahdi Maxamed, Gen. Maxamed Faarax Caydiid (Allaha-u-Naxariiste) iyo Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, oo Hawiye ah; 2) raggii Hawiye, oo leh boqol-afartan iyo siddeed (148 delegates) Ergo, Hawiye ku soo celiyay konton iyo seddex (53 delegates) Ergo; oo ka yar marka leysku geeyo, inti ay haysteen Mudulood iyo Haber-Gedir, oo ahayd lixdan iyo siddeed (68 delegates) Ergo; 3) raggii beelahooda dhacay, markii Xildhibaanada la soo xulaya, beelaha Hawiye qaar, tiradi Xildhibaan, oo ay xaq u lahaayeen u diiday, qaar kale waxba siin, Haweenka Hawiye quursaday, ee tiradi loo qoondeeyay, waxba ka siin iyo in ay yihiin raggii, xogga ugu ololeeyay, in wax kasta Baarlamaanka la qaato; 4) raggii, u sabab aha, in labaan iyo siddeed Musharax Madaxweyne; in ay labaatan Musharax Madaxweyne (20 Presidential Candidates), in ay noqdaan Hawiye; iyo 5) raggii marin habaabiyay, dhallinyarada Hawiye, oo dagaallada dhaqan dooriyeen; kuwo ku dhintaan, iyo qaar kale, oo maandooriyaasha ku nool ka dhigay. Marka, ma filayo ragga noocaas ah, in ay Hawiye ehel u noqon karaan, ayagoo weliba sabab u ah, colaada iyo dagaallada Hawiye dhexdiisa ah.

Sidiisaba, shirkii Hawiye ee labada Gole, waxaa soo abaabulay; dad dan gaar ah wato, dowladnimada iyo kala dambeynta dhibeyso; oo ay dantoodu ku jirto fawdada dalka ka jirta. Macnaha iyo ujeedadooda, wuxuu ku saleysan yahay damac aan qiyaasneyn iyo dano shaqsi; waana tii Cali Mahdi Maxamed, wax ma noqon karo, mid la mid ah; oo aan ka dagaallamay. Haddaba, shaqsiyaadkan fara ku tiriska ah, waxay diidan yihiin, in Mudulood Ra’iisul Wasaare yahay iyo Mudane Cabadullaahi Yusuf, Madaxweynaha, Mudulood Caasimada ku soo dhoweeyaan; waxayna iska dhaadhiciyeen, cid ayna ayaga wadan in ay tegi Karin Caasimada. Marka, waxaa ka maqan in Ra’iisul Wasaaaha, ku taal SUMAD MUDULOOD, oo aan wada ilaashaneyno, oo ayna jirin cid nagu diri karta ama noo adeegsan karto; wax kastana aan u hureyno, sidi Dowladda Caasimada loo geyn lahaa iyo sidi Caasimada ammaankeeda loo soo celin lahaa. Haddaba, Mudulood ma ahin baar hadba dhinac loo ged-gediyo, oo aan garasho la hayn; mana leygu beer laxaawsan karo; wax yaabaha raqiiska ah sida: Caasimada ayaa la rarayaa, Hawiye ayaa la diidan yahay; Cabdullaahi Hawiye ayuu rabaa inuu Itoobiya u adeegsado, si loo gumaado iyo Hawiye ayaa loo dan leeyaya. Ma qabo, in Dowladda qabiil, koox iyo diin duulaan ku tahay; Muduloodna waa diiday in Madaxweynaha iyo Soomaalida kale, dulaal looga noqdo.

Ugu dambeynti, Dowladda si deg-deg ah waa in ay dib ugu yeerto Ciidamadi Qalabka Siday ee Soomaaliyeed; wixi aan howl-gab ahayn iyo in ay si deg-deg ah, u xareso si loo daryeelo, loo jaheeyo iyo in tababar Ciidan la siiyo Maleeshiyada, wixi buuxin kara “sharuudaha askaranimada’; inta ka hartayna la siiyo ‘farsamo xirfadeed’, oo ay ku shaqeystaan.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’
drabdi2000@yahoo.com
Phone: 07219156334

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

Warsaxaafadeed: Ururka SCG
Somali Concern Group (SCG) si aad iyo aad ah ayuu uga welwelsanyahay in ciidamo shisheeye Guji.. mar 2

Kismaayo: Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka  
iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah... ka akhri halkan...  Mar 2

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD