SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


2nd March 2005
MA RA'ISULWASAARE MISE RA'ISULWASAARE-SHARAFEED                         

                         W/mursalD:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad) Email: stethy1@yahoo.com

    Inta badan Ururada aan Dowliga ahayn, kuwa Sport-ga iyo dhamaan kuwa qaybaha Bulshada waxaa ku jira Xubno Sharafeedyo aad u fara badan, iyagoo lagu tixgelinayo howl ay horay ugu soo qabteen Ururka ama Magac ay Bulshada ku dhexleeyihiin. Xubin sharafeed kastaahi wuxuu si buuxda uga qaybgeli karaa fadhiyada,shirarka, Safarada iyo Doodaha uu yeesho Ururka uu Xubin-sharafeedka ka yahay, hase yeeshee waxba kuma lahan go'aanka kama danbaysta ah, marka laga reebo talo bixin.

    Dad badan ayaa ilaa iyo iminka ku jaho wareersan Jagooyinka Xubnaha D.F.K.G iyo sida ay iskula shaqeeyaan ama ay awooda u kala leeyihiin, qaar ayaad moodaa in howshoodii iyo mid ay ku darsadeenba ay wataan halka kuwo kalena la harqiyey oo ay ku dhexmilmayn Xubnihii kale.

    Jagooyinka Wasaaradaha ood moodo in looguba talo galay in lagu jaha wareero, kadib markii Hal-Wasarad loo kala qaybshay ilaa 4waaxood, iyaga ka hadli mayno,waxaanse eegi doonaa jagoyinka Xubnaha sarsare.     Xubnahaas aanay Howshoodu muuqan waxaa ka mid ah Wasiirka 1ad oo ah Ninka 3dexaad ee ugu sareeya Qaranka.                                               

    Waxaad moodaa in go'aamada uu qaato Mr, Geeddi aanay inta badan noqon kuwo shaqeeya, amase uu hadal kale ka daba yimaado. Wax yaabaha la soo qaadan karo waa ay badanyihiin, balse aan ka soo qabano illaa iyo sedex qodob oo muhim ah. Waxaana ka mid ah:                     

    1. In Prof. Geeddi, uu shir la yeeshey Hogaamiyayaasha Hubka ku haysta Muqdisho 24kii nov, sanadkii 2004ta. Heshiis kaas waxaa ka mid ahaa in Dowladdu ka degto Caasimadda islamarkaasna aan shaki lagelin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Hogaamiyayaasha Dagaalkuna ay Hubkooda si shuruud la'aan ah ugu wareejiyaan Dowladda si niyad ahna ay kula shaqeeyaan. Illaa iyo iminka lama hayo Qab-bale ka baxay wixii maalinkaas lagu heshiiyey, hase yeeshee waxaa la arkay Geeddi oo markale hadana u xusulduubaya in Caasimada loogu wareejiyo meelkale si KMG.                                        

    2. Mr. Geeddi, wuxuu horay u sheegay in aan loo baahnayn Ciidan shisheeye,wuxuuna xusay in la howlgelin doono Ciidamadii Qalabka siday ee Soomaaliyeed, Meleeshiyaadkana tababaro loo furidoono, xiligaas RW wuxuu wel-wel ka muujinayey Ciidamo Ajnabiya gaar ahaan kuwa Safka hore in ay faragelin  ku sameeyaan Arimaha Soomaaliya, waa yaabka yaabkiise ma dhicin taasi, oo waxaa la arkay mar kale RW oo u olo-olaynaya in la keeno Askar ka socota Wadamadda loo baxshay safka hore, ee Deriska la ah Somalia.

    3. Sidoo kale Mr. Geeddi wuxuu sheegay in marka uu Soomaaliya imaanayo uu ka soo degi doono Garoonka Diyaaradaha Xamar, inkastoo la ogyahay in aanu mudo dheer shaqayn Airboorku una baahanyahay Dayactir aad u balaaran, hadana Dadku hadalka Geeddi waxay u arkayn in ay niyad wanaag ka tahay,oo markuu ugu yaraadana uu ka soo degi doono Garoomada ku yaalad duleedka Muqdisho ee Cisalay, Dayniile ama Balidoogle Midkood. Maxaase dhacay?....halkee ka degay Mr. Geeddi?..maxay tahay waxa isbed bedelka ku keenaya Go'aamada uu qaato RW Geeddi?                                  

    Madaxweyne, C/laahi Yuusuf isagu weli go'aamadii uu qaatay ayuu ku taagayn yahay. Wasiirka 1aad oo uusan soo magacaabin Dowladina aanay dhisnayn ayuu khudbadiisii 1aad ku codsaday in la siiyo 20kun oo Askari, weli wuu ku taagan yahay. Ciidamadda Amxaarada in lakeenayo buu sheegay, welina wuu ku taagan yahay. Si toosa weli uma sheegin in uu Xamar Xarun ka dhigan doono iyo inkale, welina go,aankiisaas waxbka iskama bedelin, Mr. Yuusuf tixgelin ma siinayo Laamaha sharciga wuxuuna u muuqdaa Nin isku kalsoon oo waxwalba Awod ku marin doona...Marka aad si guud u eegto dhamaan Yoolkii Mr. Yuusuf hiigsanayey wey ka go'antahay in uu ka biyo keeno meel ay la gaartaba. Hadaba miyaan la oran karin 2dii Jagaba Waxaa ku shaqaynaya Madaxweynaha, wixii go'aan qaadashaa Madaxweynaha ayaa iska leh, RW waa talo keene ku qanacsan haddii lagu raaco iyo haddii lagu diidaba?

      Dr. Cali Khaliif,oo RW ka ahaa Dowladdii Carte lagu soo dhisay,kana soojeeday Deegaanka puntland, si wayn oo muuqata ayuu howshiisa u gudanayey,isagoo ka howlgelayey Caasimadda Muqdisho, welibana wuxuu u muuqday Ninka 1aad, inkastoo khilaafaad soo kala dhexgalay Madaxdii sare ee Dowladda Cod uu Barlamaankii ku riday Dr. Cali Khaliif, Galayr....Hadaba Xaaladdii Nabadgelyo ee xiligaas ka jirtay Muqdisho iyo Wacyigii Dadku waa uu ka bedelnaa heerka iminka uu taagan yahay....hadda ayaad moodaa inay Nabadgelyadu wanaagsan tahay, hadda ayaad moodaa in uu Mucaaradku yaryahay, marka loo eego dhammaan Hogaamiyayaashii dagaalka oo kuwada kacsanaa Dowladdii Carte, maadaama aanay ka qayb ahayn. Miyaan lagu tilaami karin nasiib daro in Prf, Geedi oo sheegay in uu ku dhashay Muqdisho uu ku guulaysan waayo in uu ka dego Caasimadda isagoo ilaalinaya rabitaanka iyo raali ahaanshaha Madaxweynaha ee aanay Caqbad kale jirin.

    Isku soo wada duuboo nuxurka dooda Dadku ayaa noqonaysa in Prof. Geeddi, aanu ahayn Ra'isul Wasaaraha dhabta ah, balse uu yahay Ra'isul Wasaare aan go'aan qaadan karin, oo xubin sharafeed uun ku siman. 

W/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad) Email: stethy1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

Warsaxaafadeed: Ururka SCG
Somali Concern Group (SCG) si aad iyo aad ah ayuu uga welwelsanyahay in ciidamo shisheeye Guji.. mar 2

Kismaayo: Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka  
iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah... ka akhri halkan...  Mar 2

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD