SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Aragtiyada kala duwan ee laga qabo keenista Ciidama Shihsee ye oo loo kuurgalay

Samatalis Hussein Haille
Minneapolis, Minnisota,
haille60@yahoo.com

Afkaaro kala duwan ayay dadku ka qabaan keenista ciidamada shisheeye, gaar ahaana keenista ciidamada Itoobiya, afkaartaan waxaa dabayaal sababo macquul ah iyo kuwo yoolkoodu yahay sadbursi iyo dhiigmiirasho; qormadan yoolkeedu waa in ay soo faagto sababaha qarsoon ama maldahan, bacdina ay go'aan sababaysan ka gaarto wixii la soo faagay.

Fikradda Yusuf iyo Saaxiibadiisa ku jira DFKMG 1) Waa in la keenaa ciidamo sheeshiye( macno ma leh cidda ay yihiin) si maleeshiyooyinka hubk looga dhigo, islamarkaana loo dhiso ciidan qaran oo hanan kara amaanka Dalka.

2) Maliishishooyinka hubka laga dhigay waa la habaynaayaa

3) Xamar nabad kama jirto, sidaa darteed ilaa nabad la dhigo, oo maleeshshooyinka laga xareeyo, oo maamul loo sameeyo, dowlada Xamar ma tagayso.

4) Dowladdu ayaa diiwaan galinaysa, tababaraysa, qalabaynaysa ciidamo cusub, ayadoo kaalmaysanaysa ciidamada shisheeye. Kuwa diidan howshaan waxay leeyihiin dano gaar ah mana loo xayirnaanaayo. Kooxaha Xamar

Seddex maadaba ma ogolin mana yeelayno:

1) Ma ogolin in Ciidamo Xabashi ah dalka la keeno, haddii la keenana waa la shahiidaynaa. Maxaa yeelay dheh, Xabashi iyo kuwa lo socda waxay rabaan in ay badda nagu shubaan, ee nabad ma rabaan.

2), Caasimaddu waa Xamar, sidaa darteed, dowladdu waa in ay Xamar imaataa, haddii kale ma yeelayno dowladda naftigeeda, maxaa dhacay dheh, kiinista Xabashida, iyo wareejinta caasimadda waxay ka mid yihiin qorshe balaaran oo hadafkiisu yahay sidii badda naloogu shubu lahaa, Sidaa darteedna, ma yeelayno in Caasimadda laga wareejiyo Xamar.

3) Mileeshishooyinka ma ogolin in hubka la dhigo, maxaa dhacay dheh, haddii aan hubka dhigno badda ayaa nalagu shubaayaa, sidaa darteedna ma ogolin in aan hubka dhigno, laakiin waxaan ogolnahay in aan anaga nafteena noqono ciidamada dalka, oo aan dalkii amaan ka dhigno?.

Ninka raba in uu Xabashi keeno, hubka naga dhigo, caasimaddana uu wareejiyo waa nin raba in uu badda nagu shubo, sidaa darteena kama yeelayno. Bahalnimada Cabdulaahi Yusuf iyo Saaxiibadiis Cabdulahi hadii wanaag kaliya uu soo dhowaynaayo Xabashida waa arin fiican, laakiin haddii uu shar wato, oo ah midda aan u tooghayno, shaxdan soo socota ayaa ah mid aad iyo aad u macquul ah: Itoobiya way soo dhakhsanaysaa, ayadoo ka faa’iidaysanaysa ku dhowaanta ay u ku dhowdahay koonfurta Soomaaliya, bacdina ayada iyo kuwa ay saaxiibada yihiin waxay isku dayayaan in ay ka takhalusaan kooxaha haysta Shebeelada Hoose iyo Jubada Hoose, arintan haddii ay suurto gasho kahor inta aan la keenin ciidamada kale, Cabdulaahi iyo kooxdiisa waxaa u suurta galaysa in ay xukumaan dhulka ku wanaagsan Beeraha ee u dhexeeya Jowhar ilaa xadka Kenya, haddii taageerada Jowhar iyo Hiiraan ay u hayaan Dowladda ay ka dhabeeyaana, Xamar way go’doomaysaa, oo waxay ka go’doomaysaa goboloda dhexe iyo koonfurta Soomaaliya, bacdina dadku waa ka guuraayaan, maxaa dhacay dheh, labada wado ee ka baxa Xamar ee aada golodada dhexe waxaa gacanta ku haaya Maxamed Dheere( Cadale iyo Jowhar) wadada Xamar iyo Koonfurta isku xirtana waxaaba qabaanaaya Cabdulahi iyo Xabashida, sidaa darteed Xamar waxay galaysaa O’, muddo ka dibna way isdhiibaysaa ama way sii kala qaybsamaysaa, bacdina inta hartay si tartiib ah ayaa loo jabinaayaa. Xataa haddii ciidamada shisheeye yimaadaan oo ay qorshahaan kala dhextalaan, wali Cabdulaahi iyo saaxibadiisa waxaa u suurta galaysa in ay dhiigmartaan Khilaafaadka beelaha Xamar, bacdamaa ay dhul wanaagsan iyo taageero caalami ah gacanta ku hayaan.Itoobiya maxay ka faa’iidaysaa in ay ka dagaalanto koonfurta Soomaaliya; waxay kaa faaiidaysaa arintan: Itoobiya waxaa ku kacsan kooxo farabadan oo hub ka soo iibsada koonfurta Soomaaliya, bacdina ula soo tilaaba xadka, kooxahan bacdi waxay hubkan u adeegsadaan in ay ku xuroobaan, arintan waxay dhaawac wayn soo gaarsiisaa ciidamada Tigreegu u badanyihiin. Beesha Tigreega waxaa lagu qiyaasaa in ay lix boqokiiba ka yihiin umadaha Itoobiya, sidaa darteed ciidamadooda waxay rabaan in ay iska dhiciyaan dhadhaqaaqyada ay wadaan dadka tira badan ee Itoobiya ku dhaqan sida Oromoda iyo Amxaarada, sidaa darteed, uma taag hayaan la tacaalka dhaqaaqyada Soomaalida, iyo ilaalinta hubka faraha badan ee ka soo qulqulaaya Koonfurta Soomaaliya. Waxay rabi laahaayeen koox ayaga saaxiibo la ah oo koonfurta Soomaaliya oo dhan ka tiliya, bacdina gacan bir leh ku qabta ama curyaamiya kooxaha dhuunta u galay Tigreega iyo saaxibadood, Itoobiyana waxay kooxahan ku abaal marinaysaaa in ay boqoro ka noqdaan koonfurta Soomaaliya, waa sababtan sababta kalifaysa in dad badan ay diidaan Itoobiya.

Bahalnimada Xamar

Kooxha Xamar, hadii taladooda la raaco: Ciidamo shisheeye maya, Caasimaddu waa Xamar, maleeshiyadeena ha la qareemeeyo, waxaa ka dhalan kara arimahan; 1) in dowladdu noqoto dowlad ay ku xoog roon yihiin kooxaha Xamar, ninkii ka soo horjeestana oo Xamar joogana qoorta loo dheereeyo, sidii Cilmi iyo Talaan; Sidaa darteed Ciidamo shisheeye maya, Caasimaddu waa Xamar waxay la mid tahay waxba yaysan hagaagin, anagana ha naloo hoosyimaado, maxaa dhacay dheh, haddi mid ka mid ah kooxaha Xamar uu iska Sanifo geedi socodka nabadda, waxaa laga yabaa in uu dhaho kow iyo gesh ma leh, waa banad ciyaartu, haddii dowladdu damacdo in ay weerartana waxay sheekadu isku badalaysaa reer hebel, haye, reer hebel yaa ka adkaan kara. Sidaa darteed, diiditaanka ciidamada shisheeye, waxay u egtahay diiditaanka soo afjaridda colaadda sokeeye. Laakiin diiditaanka Xabadashida waa gar. Midda kale, su’aal wayn ayaa ka tagaan dadka iska leh dhulka Shebeelada Hoose iyo Jubada Hoose: ma waxaa iska leh, dadka biyamaalka, Shiikhaasha, Gaaljecelka, Ogeedeenka, mase waxaa iska leh, H/Gidirta, Mareexaanka, Hartiga, mase waxaa iska leh, Hawiyaha, Daroodka, Dirta, Digil & Miriflaha, mase waxaa iska leh kuligood. Murun ayaa ka taagan, murankan waayahan dambe waxaa lagu xalinaayay goobaha dagaalka, ma arintan ayaa sii soconaysa, mase arintan waxay u baahantahay xal balaaran?; Uma muuqato in Soomaalida kala dhimatay, in ay xalin karaan khilaafaadka noocan ah, sidaa darteed, Ciidamo shisheeye iyo dowladahooda ayaan u baahahay, si ay nooga caawiyaan furdaaminta arimaha murgan. Gabagabo

Kooxaha Xamar xoogooda keenista Xabashida waa ka soo horjeedaan, waxayna u arkaan xabashida in loogu yeeraayo in ayaga badda lagu shubo, in ay ka soo horjeestaan oo la dagaalaamaan xaq ayay u leeyihiin. Dhanka kale, in ay diidaan ciidamada shisheeye, kuna wardiyaan Caaismadu waa Xamar, aysana awoodin in xasiliyaan, waxay noola muuqataa in ay tahay arin khaldan oo aan la aqbali karin; Sidaa darteed, caasimadda nabad ka dhigga ama taageera wareejinta Caasimadda si ku meel gaar ah, ilaa inta aad nabad ka dhigaysaan. Ugu damabayn, keena Ciidamo shisheeye, ka reeb Xabashida, qaramee ciidamamda beelaha, si cabsida in la iska takhaluso ay meesha uga baxdo,caasimaddana haddii la nabadayn waayo oo meel amaan ah lga dhigiwaayo, si ku meel gaar ah u wareeji.

Samatalis Hussein Haille
Minneapolis, Minnisota,
haille60@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD