SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Guushii Golaha SRRC Waa Gumeeysi Doon ???

W/Q:Eng:Cabdi Maxamed
Email: gumeysidiid1@yahoo.com

 

Laga soo bilaabo biloowgii iyo diyaarintii shirkii Kenya loogu qabtay soomaalida waxaa soconayey shirqoolo la guda galay fulintooda kuwaasoo eey ugu muhiimsanaayeen soo xulistii xubnaha Barlamaanka oo intooda badan ah dad gacan saar la leh itoobiya oo eey soo xuleen kooxdii SRRC ee itoobiya lagu sameeyey doorashadii gudoomiya Barlamaanka ayaa itoobiya iyo kooxdeeda looga adkaaday kadibse ciyaar xirfadeeysan oo xariiftan ku jiro ayey dheeleen oo Madaxweeynihii iyo Raisul wasaarihii ayey  saxdeen golihii wasiiradana inta ugu badan ayey soo gashadeen    si eey mustaqbalka goob kasta ugu sahlanaato cadowga in eey aqlabiyad ku ahaadaaan sida golaha barlamaanka iyo golaha wasiiradaba ,

 

sidii qorshuhuba ahaa waxaa ciidanka uu dalbaday C/laahi ka shiray oo go' aamiyey in la keeno golaha wasiiirada iyadoo Cismaan caato,Muuse Qanyare  iyo kuwa kale oo  badan diidan yihiin hadana waa lagu jiiday oo cod dheeri ayaa looga qaaday ileen horaa loo diyaariyey mashruucaase ,

kadib waxaa biloowday shirqoolo toos loo fulinayo oo u adeegaya danaha ciidan keenistaas iyo Riwaayad waqtigeeda ka soo hormartay, shirqooladaas oo  tixan Adis-ababa ilaa Roma  siina  mara Nairobi waxana  la soo habeeyey dilal qorsheeysan iyo in magaalada Muqdisho laga dhigo meel bahala galeen ah iyadoo la adeegsanayo koox  kamida kuwa kabaha u qaada gumeeysiga waxaa yaab lahaa in Mooto ku qaraxday magaalada muqdisho  oo la soo agaasimay qarxinteeda maalintii eey qaraxday galabteedii loo diray warbixin ka hadleeysa oo Video ah taas oo habeenkii   9:00 pm ee sacada Paris, TV5 iyo France 3 ee ah Televisionadda Fransiiska laga soo daayey dhacdadaas  waxaana halkas ka cadaatay in qofka Video  ga soo qaaday uu qeeyb ka ahaa fuliyeyaasha barnaamijkaas waayo cid duubi kartay oo meesha horay usii joogtay oo kale ma jirin.

 

Waxaa kale oo jiray dilkii gabadhii u shaqeeyneeysay BBC da oo British ka aheeyd  si looga qariyo xaqiiqada dhabta ah indhaha caalamka o eeysan ugud bin waxaa jiray dacaayado iyo daagaal balaaran oo intaas madaxda dowladu eey wadeen intooda ugu sareeysa oo isku mashruuca ah.

 

Waxaa aqristooy la yaableh in la yiraahdo ciidan ayaa la keenayaa oo hubka wuxuu ka aruurinayaa xamar iyo kismaayo ciidanka puntland na weey raacayaan oo hubka ayey ka aruurinayaan kuwa gobolada kale, Federaalkuna wuxuu dhaqan gelayaa oo puntland  eey ka mid noqonaysaa dhulka hubka laga qaadayo 2 sano kadib, Cismaan caato oo BBC da laanta Somaligu wareeysatay ayaa yiri ciidanka la keenayo waa in lagu heshiiyaa goorta uu imaanayo meesha iyo waxa uu qabanayo taaso ku tusineeysa in dano gaara iyo dad gaara eey wataan qorshahaan ciidanka oo uu san aheeyn wax wadanka loogu tala galay gebi ahaantiisba ee meela gaara lala damacsan yahay oo ah ilaha ugu muhiimsan ee gumeeysigu ka bilaabi karo isagoo adeegsanaya xeeladda ah "qeeybi oo xukun", maanta Puntland kuma jirto iyo Somaliland inta hubka laga dhigayo berito laakiin weey soo gelayaan marka damaca gumeysigu hirgalo.

 

Waxaa riwaayada ka mid ah gudi lagu sheegay Xaqiiqo raadin laakiin ah xaqiiqo qarin oo wadanka yimid kuwaas oo eey soo dirsatay itoobiya ayaa tegey meela calaameeysan oo gaara oo eey horay jeebka ugu wateen waxaa yaab leh in eey tageen magaaloyinka Jowhar,Beledweeyne,Baydhabo iyo meelaha laga taageersanyahay SRRC iyo itoobiya kaliya eeyna yihiin gudi xaqiiqo raadin oo wadanka idil loo soodiray, aqristoow is weeydii yaabka socda in magaalada Jowhar eey ka miisaan badan tahay kana muhiimsan tahay hada magaala madaxdii sedexaad ee soomaaliya Kismaayo sidoo kale waxaa meel muhiima mar ahaan jijrtay oo heyadaha UN ka iyo gaalada oodhami buun buunin jireen magaalada Marka oo aan maanta cidina soo hadal qaadinba ileen SRRC ma joogtee,

 

sidoo kale riwaayadaan qabyaalada iyo gumeeysigu uu sida xad dhaafka ah uga muuqdo waxaad arkeeysaa in labada nin ee soomaalida kala socota jiheeynayana gudiga safarkooda eey yihiin laba nin oo eey qaraabo hoose yihiin kuna soo darsadeen wafdiga c/laahi iyo geedi waa Generaal Bad Maceeye  iyo Ciid Badal Maxmed .

 

C/laahi oo fulinaya dano qabiil iyo mid gumeeysi ayaa jeebka ku ritay geedi oo ka go ay beeshii uu ka dhashay iyo hogaamiye kooxeedyadii hawiye oo uu ku yimid magacooda iyo awood qeeybsigii dowlada in lagu saleeyo eey aheeyd taasoo hada baa ba'day isuna bedeshay koox danleey oo u adeegta tigreega    waayo geedi wuxuu noqday nin iska hadlaa ah  si loo yareeyo muhiimadiisa uuna u lumiyo kalsoonida loo hayo taasoo uusan hada ka hadlin arimaha dowlada oo uu  marti ka yahay oo  c/laahi u meeriyo sida uu wax u rabo,

 

Geedi wuxuu isu bedelay hada nin  marnaba  aan  wax tix gelin ah siinin dadka iyo dhulka uu ka dhashay marka laga reebo Maxamed dheere taasoo ka cad sida eey uga hareen hogaamiye kooxeedyadii muqdisho sida muuse caato, qanyare, cumar finish, geedi waxaa laga hayaa Xamar waa caasimadii soomaaliya,inaan ciidan loo baahneeyn,inuu tegayo xamar, inuu tegayo bari dhibaatadii bad gariirka aawgeed,inuu  dhowr jeer dowladu ineey guureeyso waqti u qabtay hadana ineeysan suurtagalayn uu afkiisa ku qirtay intaas oodhan waxeey ku tusinayaan inaan taladu gacantiisa ku jirin waqtiyada uu jadwalkaas gooynayeyna usan odayga taladu ka go do la tashan oo uu kaligiis iska sheegay eeysana soconeeyn,

geedi waxaa maanta uga awood badan dowlada Shariifka barlamaanka  oo iyadoon C/laahi raali ka aheeyn Xamar booqasho ku tegey go aankaasna si geesinimo leh u fuliyey oon loo yeerin, c/laahi waxa la taliya oo si toosa ugu  hadla mowqifka dowlada geedina ka awood badan Bari Bari iyo Azhari oo dowladaba xukuma una dhaaranaya wasiirada ka soo jeeda magalada  Muqdisho iyagoon kujirin dowlada aqristaha aya ka jawaabaya meesha eey awoodaas ka keeneen taas bedelkeeda waxaa laga jaray oo eey kala tageen geedi kuwii dad u xigay kuna hanweeynaa ineey la talin doonaan geedi sida Faarax Weheliye Cadaw Zendika iyo bashiir raage oo isaga laabtay xamar    

 

Dhinaca kale, dhamaan wasiirada ka soo jeeda magaalada Muqdisho ayaa soo laabashadii gudoomiyaha barlamaanka ee Nairobi uu ku soo laabtay  waxa ay tageen garoonka diyaaradaha Johm kenyata si ay halkaas ugu soo dhaweeyeen iyaga iyo xubna kale oo ka tirsan golaha wasiirada iyo Baarlamaanka wafdigii Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan taaso ku tusineeysa in eey dowladu u kala jabtay in itoobiya ku shaqeeysato oo loo yaqaan Kooxda itoobiya iyo isbaheeysi kale oo ka soo horjeeda oo uu horkacayo gudoomiyaha barlamaanka iyo hogaamiye kooxeedyada xamar iyo in  badan oo ka mida barlamaanka hase yeeshee kooxdaan waa koox aan cidi hadalkooda dhegeeysan oowaxaa doonta naaquude ka ah kaba qaadayaasha cadowga oo uu hor boodayo c/laahi taasoo dowladii ka soo baxday Nairobi ka dhigtay mid ku laabatay una kala shaqeeyneeysa hada sidi isbaheeysiyadii jiray dhismaheeda ka  hor  oo koox walbaa eey aaday meeshi markii hore eey ka timid.

 

 guruubka maxamed dheere ,geedi iyo c/laahi  oo ah  SRRC eey Jowhar wada aadeen ilaa iyo garoowe oo uu madaxweeynuhu ka yimid iyadoo eeysan la socon mid ka mid ah hogaamiyeyaasha xamar dhanka kale waxaa isna sheegay Caato iyo Faarax zendiko in isbaheeysigoodii Samatabixintu uu diidan yahay sida wax usocdaan taasoo ku tusineeysa in Qanyarana uu boorka ka jafanayo G8 kiisii hadaba sidee ayey ku noqonee dowlad oo eeykusoconee ugana badbaadaa dagaal sokeeye oo wajiya badan ciidan cadowna loo raadsanayo cidii ka hortimaada ? aqristaha ayey    jawaab ka rabtaa  su' aashaas iyadoo maleeshiyaadka  taageersan dowlad kusheega iyo tigreega eey joogaan jowhar waxaa meel u muuqata jooga kuwa Muuse suudi oo diidan kuwa baydhabo jooga waxaa meel u muuqata jooga kuwa Dooxada juba iyo Indha cade oo diidan  xamar warkeedaba daa oo waa meel argagixiso iyo tuugo degan tahay aragtida kooxda tigreegu sideey qabto marka si dagaal looga badbaado ayaa yar sidaan u arko anigu waxaase la yiraahdaa " Xaqa xoog laguma muqiiniyo " markastana waxaa soo haraya xaqa  sidoo kale   "sideey u il daran tahay uma alla la'a " iyo " nin ilaah leh looma dardaar weriyo "  .

 

Sidoo  kale wxaa jira qorshe balaaran oo magaalada Xamar iyo kuwa diidan ciidanka tigreega  in lagu go doomiyo loo dejiyey taasoo eey ugu horeeyso booqashada Joowhar iyo degida Baydhabo oo kulaala labaduba magaalada Muqdisho dabadeedna in laga xiro garoomada yar yar iyo dekeda Ceel macaan oo la furo deked cusub oo ku taala degmada  Cadale taasoo sida loo qorsheeyey ka dhigeeysa xamar ilaa baraawe ilaa balcad meel aan dowladu tegin lagana rabin oo go doonsan sida loo wado.

Riwaayadaas qeeyb kamid ah oo eey Geedi, C/laahi iyo Maxemed dheere kushowreen  oo ku saleeysan naceeyb qabiil huwan iyo cadow u adeegid ayaa waxaa ka dhawaajiyey oo aan qarsan maxmed dheere oo eey wareeysatay idaacada shabeele.

 

 M.dheere  oo horay waqooyiga magaalada muqdisho looga aqoon jiray facaa tuug ayaa hadana   ku sifoobay tilmaantaas.  

 

Waxaa nasiib daro noqotay mudanayaasha barlamaanka o lagu xanto in  marka wax laga ansixinayo uu C/laahi siiyo qado ama casho maalintaas in iyadoo wasiirka warfaafinta itoobiya uu leeyahay hadii hal xildhibaan noo saxiixo waan soo galaynaa soomaaliya oo sugi meeyno xitaa IGAD  ineeysan  waxba ka dhihin dareena eeysan ku heeyn oo meesheey shir deg deg ah ka qaban lahaayeen dhaartaas loo soo dhaaranayo wadankoodii eey xaflado casuumaad oo lagu shirqoolay loogana jeediyey qatarta hortaal ( ileen talyaaniga iyo itoobiya weey isla shaqeeynayaane )  u aadeen dalka talyaaniga welina eeysan waxba ka dhihin halka wasiirkii warfaafinta somaaliya uu ka aamusay dhigiisa itoobiya oo dalkiisa u soo durbaan tumanaya ,abwaan Abshir bacadle wuxuu yiri " Waxba igama gelin waa ra’yiga guufanaysyada’e" taariikhda ayaana qori doonta oo cid walbaaba baal madow iyo mid cad ka geli doontaa. 

 

In ciidanka safka hore  la keeno soomaaliya waxaa diiday oo soo gaarsiiyey madaxda dowlada wadamada  caalamka intooda badan sida mareeykanka jarmalka ingiriiska jabuuti iyo wadamada carabta, dhanka gudahana shacabka soomaaliyeed 90% weey diideen,hogaamiye kooxeedyadii oo wasiiro ahna weey diideen,golaha guurtida hawiye oo go aan wada jira ka qaatay ayaa iyagana sheegay in cidii Kusoo xadgudubta Sharafta Dadka iyo Dalka si wada jira looga hortago  waxayna Cadeeyeen caasimada Soomaaliya inay Muqdisho tahay Cidii tiraahda  meel kalaan Geeynayaa Ku meelgaar ahaan Waanu ka hortagaynaa waxaa laga diiday hargeeysa xisbiyada mucaaradkaa oodhan ,

sababtoo ah soo hogaaminta cadowga adoo dano qabiil iyo mid gumeeysi u adeeg ah leh iyo gobol caasimad ka yeelku  marnaba ma ahan wax damiirka suuban uu aqbali karo waayo waa dhurwaa hilbo ku waro in tigree uu nabad kuu keeno hubkana kaa dhigo waase amar ka soo baxay Tigreega oo raga usareeya dowlada watana mashruucaan ma diidi karaan mana dhegeeysanayaan talooyinka dibada iyo gudaha uga imaanaya midna waxeeyse la aadi doonaan dowlada xaafadihii markii horaba eey ka yimaadeen taasoo aan aheeyn astaan madax qaran eey sameeyaan sida hada caasimadi soomaaliyaba eey u noqotay Jowhar sida ka muuqata dhaqankooda

halkaas ayeeyna kudhamaaneysaa magaca dowladu waana sidi eey rabtay xabashidu waayo c/qaasin ayaa hada ka hor dhihi jiray  itoobiya waxeey rabtaa ooaan ka hor taaganahay in calankaas aduunka laga suray dhulka la dhigo oo meeel soomaali warkeed lagu sheegayo la waayo maanta iyadii ayaa soo socota oo tani sidaaneey ku galbatay.

 

 Guntii iyo Geba gebadii aqristoow nimcada waxaa la dareemaa marka aad weeyso waxaa maanta in badan u ooyayaan oo eey ku calaacalaan kuna cataabaan hadaan C/qaasin taageri laheeyn waase nabsi la galay waxaana inaad is weeydiiso u baahan hadii dowladii C/qaasin oo eeysan jirin cadow laga urinayey oo kaalmeeynayey wadankana rabay inuu qabsado, hadii eeysan jirin cuqdadaan iyo naceeybkaan qabiilka oo sida aadkaa u baahay wajiyada badana leh eey socon weeysay sideey ku soconeeysaa mid ku saleeysan dad kooban talo kooban, tigaada iyo talada  Tigreega oo kaliya waxaa soconaya riwaayad dheer oo maalinba meel lagu dhigayo waxaana muuqata in arintu eey ka fogtahay sida dad badan moodayaan waxeeyna salka ku heeysaa arin soojireen ah iyo quursi iyo qabdhaaf qabiil oo loogu soo ganbanayo laguna oowr kacsanayo cudud gumeeysi    horaa waxaa loo yiri "Ragii Turuqyada adkaa Tunkoodu libaaxa ahaa Talaaba xumaa bedelay " dhowaana waxaan soo bandhigi doonaa arimahaan soconaya iyo dhibaatada soomaaliya xudunteeda oo cadeeymo badan wadata waxa maanta taagana wxeey ad ugu egyihiin wixii gu yaal iyo waayo soo jiray oo leeysku laayey laguna heshiin waayey  dib u heshiisiintii umadu u oomaneeyd himiladii iyo rajadiina waxa dilaya damac iyo diidmo qabiil

 

 waxaanan hadalkeeyga kusoo geba gebeynayaa gabaygii allaha u naxariistee Cabdulle Raage oo ahaa:

 

Hilib aa ku rarateen Dhurwaa, waana huruddeene
Isaguna hammuun uu qabee, waa ka heensadaye
Haddiise looga haro waa gunnimo, hadal la'aaneed

Waayo C/laahi  oo ah 80 jir aan ilaahiis u sujuudin ,Geedi iyo maxmed dheere ayaad taladii u dhiibateeen waa inaad ka samirtaan wanaag iyo wadan waase inaan looga harin oo la badbaadiyo wadanka C/laahina waa lahubaa inuu ku danbeeyn doono jidka eey qaadaan  dhamaan qaa' imiinta dhulkooda qiyaama iyagoo xukun raadinaya sidii ku dhacday Axmed Jalabigii Ciraaq oo masuul ka ahaa in ciraaq lagu soo duulo isagoo xujo ka dhigtay in hubka wax baa bi  iya uu yaal ciraaq waa sida hada C/laahi uu ugu soo duulayo argagixiso iyo muslimiin ayaa joogta Xamar !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Wabilaahi towfiiq

W/Q:Eng:Cabdi Maxamed
Email: gumeysidiid1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD