|
Xafladii Jaaliyadda Kuwait ay Ku taageertay
Dawladda
24kii bisha fabraayo 2005 Wafdi uu
hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil
ayaa Dalka Kuwait ku yimmi booqasho, wafdigaas oo ay ka mid ahaayeen Mudane
Maxamad Nuureeni Bakar Wasiirka Tamarta, Dr. Xussein Cali Axmad iyo
Cabdulqadir Sheikh Maxamed, Saacado ka dib ee islaa malintaa Wasiirka iyo
Wafdigiisa waxa ay La kulmeen Ra,iisul-wasaaraha Dalka Kuwait Sheikh Sabaax,
iyo Wasiirro Kale, wuxuuna u gudbiyey labo Dhambaal oo ka kala socda
Madaxweynaha Jaamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi
Yuusuf Axmad, iyo Ra,iisul wasaaraha Mudane Prof. Cali Moxamed Geeddi,
Dhambaaladaas oo u kala socday Amiirka wadanka Kuwait Sheikh Jaabir Al-Sabaax
iyo Ra,iisul wasaare Sheikh Subaax, Kulamadaasi waxaa goob joog ka Danjire
Cabdulqaadir Amiin Sheikh Abuu Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
ee Kuwait, Wafdiga Qado sharaf waxaa loogu sameyey Burjiga ( Tawarka)
Magaalada Kuwait.

Xafladii loodhigay waftiga: Qaybat
ragga

Xafladii qaybta dumarka

wasiirka arimaha dibadda iyo danjire cabdiqaadir amiin, kuwait

bixitaankii Waftiga wasiirka arimaha dibadda |
Kadib booqashadii iyo shirarakii ay weftigu
la lahaayeen madaxda Kuwait markii ay dhamaysteen waxay kala qayb galeen
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Kuwait Xaflad dabaaldeg ah taas oo baryahan
ay isu diyaarinayeen kuna soo beegan tay nasiib wanaag wakhtigii weftigu
yimaadeen kuwait Xaflad soo dhaweyn ah oo ay ku taageerayeen dawlladda u
dhalatay wadankooda hooyo ayaa dhacday habeenkii 25/2/2005 waxayna u dhacday
sidaan.
xafladaas oo si wanaagsan loo soo
abaabulay waxaa aad uga soo qayb galay jaaliyadda kuwait oo u qaybsanaa
dhawr qaybood oo kala ah
Fanaaniin ku soo bandhigtay heeso wadani
ah oo qiiro badan ilmona ka keenay dad badan oo ka mid ah dadkii
daawanaayey, iyadoo qaarkood ay gashanaayeen dharkii lagu yiqiin ciidankii
Daraawsiihtii Qarankeena Soomaaliyeed, sidoo kale kooxo rag iyo dumar ah oo
sitay dharkii hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ka muujiyey cayaarihii
hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed aadna loogu bogay, intaa kadib waxaa
khudabad waxaa khudbado warbixin ah ka jeediyey gudoomiyaha jaaliyadda
Sheekh Cumar kadibna Danjire C/qaadir Amiin hadal gaaban ka jeediyey isagoo
ku soo dhaweeyey wasiirka Tamarta iyo Wasiirka arimaha Dibadda ee
Soomaaliya.
Wasiiradda ayaa jaaliyadda kuwait ka siiyey
warbixin dheer shirkii Kenya ee muddad dheer socday iyo guula ka soo baxay
iyo waxyaabaha hadda looga baahan yahay inay shacabku qabtaan iyo sida ay
uga go,antahay dawladda federaalka ah iyo baarlamaankaba inay guntiga u
xidhaan sidii ay u sii dhamaystiri lahaayeen dibu heshiisiinta iyo
taabagellinta dawladda iyo socodsiinta hawlaheedaba iyagoo kaashanaaya
shacabkooda
Afhayeenka Xidhiidhka Jaaliyadda iyo
Safaaradda
Axmed Raadsato Kuwait
qodax32@hotmail.com

wasiirka oo salaamaya dhalinyaradii xafladda
soo qaban qaabisay
Faafin: SomaliTalk.com
| March 2, 2005
Warsaxaafadeed:
Ururka SCG
Somali Concern Group (SCG) si aad iyo aad ah
ayuu uga welwelsanyahay in ciidamo shisheeye
Guji.. mar 2
Kismaayo:
Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka
iyo
Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London
Makhaayad kuwa Casriga ah...
ka akhri halkan...
Mar 2
"BARLAMAANKU
MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni
Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo....
Guji.. March 1
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|