SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Xildhibaannadii Xabashida Diiday iyo Kuwii Raacay 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Dallaanka Soomaaliyeed ee fidrada lagu dhalay waxay dhihi jireen: Xabashka xiniinta weyn xirxiroo xafiiska geeya. Xil dhallaan gartay weynaa! Laakiin “madaxweynihii” wuxuu leeyahay Xabashidu waa inay xarumaha dowladda iyo xafiisyadey nooga waardiyeysaa cadowga (Soomaali)! Dhallaanka iyo “madaxweynaha” kee saxsan?  

  • “Kala awran labaduye edebtiyo aqoontiyo asluubtey isku dhaafeen; caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eegoo u fiirsadaa”.

Maxamed Cabdulle Xalane Allaha u naxariistee meeqay ahayd darajadiisa ciidan markuu dhintay? “madaxweynuhuse” intee ka gaaray? Waxaa halkaas nooga soo baxay in da’da iyo darajaduba aysan caqli tusin illeyn dhallaankii iyo Xalanaba soo aragnaye. Sidaan horay u sheegay ka warran haddii la yiraahdo xeradii Xalane ee Muqdisho halagu soo xareeyo ciidan Xabashi ah? 

Siddeetameeyadii biloowgeedii markii Xabashidu soo gelaysay Galdogob iyo Balanbale ayaa oday Cabdullihii dambe iyo hoobalada Soomaaliyeed qaarkood waxay sameeyeen majaajilo uu oday Cabdulle iska dhigayey inuu Xabashi dagaal la galay. Oday Cabdulle wuxuu iska dhigayey inuu carruur meel ku ciyaareysa u keenay madaxyo uu ka soo goostay Xabashi  dagaal lagu laayey! Sabab? Maxaa yeelay oday Cabdulle wuxuu arkijiray dhallaanka oo dhaha: 

  • Xabashka xiniinta weyn xirxiroo xafiiska geeya.

Markii Isniino oo ahayd haweentii Cabdulle ay ka wareysaneysay siduu Xabashida u jabshay wuxuu yiri waxaan ka dhignay mid kab ka kudha iyo mid koofi ka kudha iyo mid inya qori la qaatay lagu kudhshay. Nasiib-darro Maxamed-dheere iyo Geeddi waxay rabaan cidda kabta iyo koofida ka kudheysa muggaan inay noqdaan reer Muqdisho. Bal Qur’aanka fiiri markuu Ilaah leeyahay “ WATILKAL AYAAMU NUDAAWILUHAA BEYNANNAASI”. Horta odey Cabdulle maku jiray kuwii Jowhar ka maaweelinayey korneylka iyo Geeddi? 

Dharbaaxo-jaan Allaha u naxariiste wuxuu Kulmis ku sheegay inay yihiin niman u heellan inay Amxaarada u adeegaan. Waxuu meeris gabay ah ku yiri: 

·         Inkastood kufriga Moosko iyo Mililiq soo raacdo 

Horta Kulmis intoodii waxgaradka ahayd iyo gabyaagoodii Khaliif Shiikh Maxamuudba arrintaas waa iska fogeeyeen. Khaliif wuxuu yiri: 

  • Inaanan gaalka madiidin u ahayn meelna u wada joogin
  • Ee aan ka maago siduu bahalku kuu maalo
  • Mashaa’iikhda Eebbiyo Allaa ii markhaatiyahe

Khaliif isagoo hadalka Dharbaaxo u arkey doow ayuu cududaar ka dhigtay meerisyadan: 

  • Milatarigu kama maarmikaro meel dhufeyso lehe
  • Magaalada Wardheer iyo waxaan hawdka ugu meernay
  • Mootaanyaha waxaan rabnaa inaan ka miisnaaye

Wuxuu leeyahay meesha umaanaan tegin Xabashi-jaceyl ee dan baa na geysey. Khaliif waxaa dilay Amxaaro 1982 waxaan la sheegaa inuu gabeygaas eersaday. Laakiin waxaad moodda in  Dharbaaxo saadaaliyey iney jiraan qolyo ay Amxaaro-jacaylku lafta u gashay oo aan maskaxda dadka Soomaaliyeed markaas ku jirin. Si kataba ha ahaatee wixii Dharbaaxo Kulmis ka sheegayey hadday soo baxday. Soow korneylka iyo Cadde Muusaba iskuma raacin keennida Amxaaro? 

Haddaan u soo noqdo cinwaanka maqaalka; waxaan rabnaa in loo kala baxo bur iyo biyo. Waxaan waa taariikh iyadaana is qoraysa. Intaan baarlamaanku u codeyn keenista ciidamo Amxaaro ayaan waxaan rabnaa in xildhibaannadu ukala baxaan: Xabashi-diid iyo Xabashi-raac. Waxaan jeclaanlahaa in maalinta Jimacaha ah la arko xildhibaannada ka soo horjeeda keenista ciidamo Amxaaro oo wata “badge” ay ku qorantahay Xabashi-diid. Shacabka Soomaaliyeed ee Nairobi joogana ay sidaas ugu yeeraan. Marka bal masaajidda hortooba halaga arko. Sidoo kale waxaan weriyayaasha ka codsanayaa inay xildhibaannada weydiiyaan inay Xabashi la jiraan iyo in kale. Kii ka soo horjeeda oo karti leh isagaa la soo boodaya inuu ka soo horjeedo; marka waa inaan helnaa liiska Xabashi-diidka iyo kan Xabashi-raaca. Sidoo kale waxaan ka codsanayaa walaalaha haga boggagga internetka inay diyaariyaan meel lagu qoro magacyada xabashi-diidka. Marka iyadoon codeynta la gaarin bey noo soo baxaysaa in Xabashidu guuldarreysan doonto ama guuleysan doonto. Teeda kale ma jirto sharaf ka weyn xildhibaan u dagaalamaya inaan waddankiisa Xabashi la keenin. Marka su’aashu waa: 

Yaa Xabashi-diid ah? Yaase Xabashi-raac ah? 

Teeda kale waxaan kutala talinayaa shacabka Soomaaliyeed ee sida indha la’aanta ah iskaga dabogalay dagaal-oogayaasha Xabashida daba ordaya inay ka fiirsadaan taageeridda keenista Amxaaro. Qofka Feerfeer, Wardheer, Dooloow, iyo meelaha kale ee Xabashidu heysato jooga Wuxuu waxbarasho, caafimaad iyo shaqo u soo raadsadaa dhulkaas Soomaaliyeed ee 14-ka sano dowlad la’aanta ahaa. Marka hadday Xabashi kheyr noo keenayso mey intay hadda naga heysato wanaajiso? Teeda kale imisa jeer bay islaayaan Soomaaliya dhulkaas degen? Maxay Xabashidu ka qabatay?

cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

Warsaxaafadeed: Ururka SCG
Somali Concern Group (SCG) si aad iyo aad ah ayuu uga welwelsanyahay in ciidamo shisheeye Guji.. mar 2

Kismaayo: Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka  
iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah... ka akhri halkan...  Mar 2

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD