SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Dowladda Mareykanka oo Qoraal ka soo Saartay Ciidamada Soomaaliya la Gaynayo ee IGAD.

Canab Mumtaz  | SomaliTalk.com | Nairobi | Mar 2, 2005

Casuumaad uu xalay u sameeyay safiirka mareykanka ee Arrimaha soomaaliya wasiiro ka socday dowladda FKMG ah ee soomaaliya & Baarlamaanka ayaa waxa uu ugu soo gudbiyay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka mareykanka oo ka hadlaya Xaaladda soomaaliya iyo kaalinta kaga aadan dowadda mareykanka.

Danjiraha waxa uu xunbnaha labada gole u sheegay in qoraalkan uu yahay mid si cad uga tarjumaya dowladiiisa uuna quseeyo arimaha hadda ka taagan dalka soomaaliya ee buuqana ka dhex dhaliyay dowladda soomaaliya iyo baarlamaanka gudahiisa ee ku saabsan ciidamadda ay ogolaadeen midawga Afrika oo la gaynayo soomaaliya.

"Dowladda Mareynka waxa ay si toos ah u dhex gali doontaa arrimaha ka taagan soomaaliya dhinacyada amaan iyo dhaqaale ee ay u baahan tahay soomaaliya,in muddo ah waxaan ku guda jirnay in aan u fiirsano sida ay u shaqayso dowladan cusub laakiin waxaa muuqata in lagu kala fogaanayo arrimaha keenista ciidamo ka socda Safka hore" hadaladaas ayaa ka mid ahaa qoraalka ay soo saartay dowladda maraykanka.

Waxaa kale oo ay go'aamiyeen in aan wadanka soomaaliya la gaynin ciidamo ka socda wadamada IGAD ee ay AU dhawaan u fasaxday ciidamada safka hore iyo kuwa kale oo IGAD ka socda in ay soomaaliya geeyaan ciidamadaas si ay uga qayb qaataan hub ka dhigista lagu samaynayo maliishiyaadka iska soo horjeeda ee ku sugan dalka gudahiisa.

Dowladda mareykanka waxa ay intaas ku daraysaa qoraalkeeda in aysan cag dhigin ciidamo ka socda wadamada IGAD soomaaliya meel ka mid ah iyagoo diidmadaasna sabab uga dhigaya in ay sii xumaynayaan xaaladda ka taagan dalka wadamada dariska la ahna soomaaliya u gaysan doona waxyeelo ka timaada dagaaladda dhex mara inta diidan ciidamadan dariska iyo kuwa itoobiya oo ay muuqato in si wayn looga soo horeedo.

Go'aanka ciidamo loogu dirayo soomaaliya maahan mid ay gooni u leeyihiin ururka midnimada afrika kaliya ee waa mid u taallla soomaalida laga soo bilaabo ilaa dowladaha aduunka kale ee soomaaliya ka taageera dhinacyada dhaqaale si wayna u danaynaya in dadka soomaaliyeed ay helaan Nabad ku filan oo ay kaga baxaan dhibaataddii dagaaladda sokeeye'hadaladan waxa ay ka mid ahaayeen qudbadii uu xalay u jeeday safiirkaas ka socday dowlada maraykanka.

Ugu dambayntii waxa ay dowladani kula talisay Dowaladda FKMG ah ee soomaaliya in ay si dag dag ah u tagaan caasimadda soomaaliya ee Mogadisho, waxa ayna intaas ku dareen in ay qoraalkan ay u gudbiyeen ururadda midawaga afrika, jaamacada Carabta, EU, iyo Hay'adaha kale ee ku shaqada leh arrimaha soomaaliya.

xubnihii lagu casuumay xalay shirkan waxaa ka maqnaa wasiirka arrimaha dibada dowladda FKMG ah ee soomaaliya C/llaahi SH.Ismaaciil Iyo Wasiirka qorshaynta qaranka C/risaaq jorile waxa ayna ku sheegeen in aan loo sheegin kulankan ujeedadiisa iyo waxa ku saabsanaa intaba.

Baarlamaanka FKMG ah oo maanta ay ahayd in uu ka doodo keenista ciidamo shisheeye oo ka socda wadamada safka hore ayaa baaqday ka dib markii dowaldani xalay sheegtay in ciidamo ka socda aysan cag dhigi doonin soomaaliya,dowladuna ay si dhaqsa ah u tagto magaalada mogadisho ee ah caasimadda soomaaliya.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha dalkaasi uu maanta mar kale ku celiyey in ay diyaar u yihiin ay ciidamo nabad ilaalin ah u diraan Soomaaliya, asagoo la hadlaya saxaafada, Melez Zenawi waxa uu yiri "Arinta gundhigeedu waxaa weeye in ballan qaadkayagii uu weli miiska saaran yahay, waxaan ku deeqnay in aan ciidamo dirno islamar ahaantaasna bixino kharashka ciidamadanadaas ku baxaya, ilaa ay AU ama UN la wareegayaan" ayuu yiri asagoo shir saxaafadeedkaas uu ku weheliyey Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayagoo joogey Addis ababa.

Dhinaca xarunta Qaramada midoobey wararka ka soo baxaya ayaa sheegay in xoghaya guud ee QM, Kofi Annan warqad uu u diray golaha ammaanka oo shaaca laga qaday talaadadii in uu ku sheegay in ay muhiim tahay in 'la adkeeyo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya".

Canab Mumtaz kala xiriir halkan  | SomaliTalk.com | Nairobi | Mar 2, 2005

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2005

Warsaxaafadeed: Ururka SCG
Somali Concern Group (SCG) si aad iyo aad ah ayuu uga welwelsanyahay in ciidamo shisheeye Guji.. mar 2

Kismaayo: Bannanbax Loogu Gogol Xaarayo Maalinta Haweenka  
iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ka furay London Makhaayad kuwa Casriga ah... ka akhri halkan...  Mar 2

"BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA ITOOBIYA EE SOMAALIYA?"
Sidaas waxaa yiri Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan BFKMG oo.... Guji.. March 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD