Keenista Ciidan Shisheeye: sii kordhin colaadda
raagtay ee Soomaaliya mise bilow xal nabadeed?
Hordhac
Wadanka Soomaaliya waxaa
hayey daganaasho la 'aan xagga siyaasadda ah ugu yaraan rubuc qarinigii ugu
dambeeyey. Degenaasho la'aantaas waxa ay aad uga sii dartay iskuna badashay
dagaal qabiil iyo kala jajab ku yimaada wadanka, markii ay dhacday dowladdii
milatarigu majaraha u hayey. Dowlad la'aanta Soomaaliya ka dhacday waxaa ka
faa'idaystay waddammo badan oo aad usoo dhexgalay arimaha Soomaliya iyada oo mid
walba doonayso in ay siyaasadda Soomaaliya u qaabayso si ay danteeda ku jirto.
Dowladahaas waxa ay kala adeegsanayeen dad Soomaaliyeed oo iyaguna dan mooday in
ay fuliyaan danaha dowladahaas, kuna hamminayey in ay sidaas dantooda ku gaaraan.
Xarigjiidkaas siyaasadda oo
aan dhamaadka lahayn waxaa ugu dambeeyey dhismihii dowladda Kumeelgaarka
Federaalka ee Soomaaliya, oo lagu aasaasay Kenya. Madaxweynaha dowladdaas -oo
kamid ahaa ragga isku hertinayey masraxa siyaasadda Soomaliya waqtiga dheer-
ayaa waxa uu isla markii la doortay codsaday ciidammo shisheeye oo la keeno,
haba ugu horeeyeen kuwa Itoobiya. Dalabkaas ayaa dadka siyaabo kala duwan uga
jawaabay, inkasta oo diidmada ciidanka ka socda dowladaha dariska ah wax garadka
inta badan isku mowqif ka noqdeen.
Qoraalkan gaaban waxaan
rabaa in aan ku falanqeeyo waxa ay ku soo kordhin karto keenis ciidan shisheeye
arimaha Soomaaliyeed oo dhabaqsan. Waxaan kale oo aan il gaar ah ku fiirin
doonaa in ay tahay arrin wanaagsan in wadanka lakeeno ciidan ka socda dowladaha
safka hore gaar ahaan Itoobiya, iyo cawaaqibka ay keeni karto haddii lakeeno.
Waxaan ugu dambaysiin doonaa gabo gabo iyo talo bixin ku wajahan arintaas.
1. Ciidan shisheeye maxay
ka qaban karaan dhibaatada Soomaaliya?
Guud ahaan laba hab ayaa
ciidan shisheeye kusoo gali karaa waddan madax bannaan.Tan koowaad waa hab
heshiis ah. Tan labaadna waa in uu ku yimaado si xoog ah iyada oo ayna jirin wax
heshiis ah oo sal u ah. Qaabka hore oo aan sheegay in ciidan kusoo gali karo
wadan waa qaab heshiis ah oo dowladda wadanka ama qaybaha dagaalaya oo dhami ay
ugu casuumaan ciidankaas hab waafaqsan sharciga wadanka ciidanka lakeeni rabo.
Tan dambe oo ah duulaanka
ciidan dibadda kayimaada, waxa ay sababtaa dagaal ay iskaga horyimaadaan wadanka
soo duulay iyo dadka lagusoo duulay. Tusaale waxaan usoo qaadan karnaa dagaalkii
Maraykanku ku qaaday Ciraaq. Dagaalka nuucaan ah waa mid aan sharci ahayn haddii
aan golaha amaanka laga haysan ogolaasho. Maqaalkaygan ugama hadlayo dagaalka
uu ciidanku habka sharci darada ah kusoo galo wadanka oo waxaan ku koobayaa kan
ku dhaca habka heshiiska ah.
Shaqooyinka uu qabto
ciidankan heshiiska ku yimid waxaa kamid ah in uu kala dhexgalo laba kooxood oo
dagaal u dhexeeyo oo uu ka shaqeeyo xabad joojin. Ciidankan waxaa loogu yeeraa
ciidan “nabad ilaalin”. Ciidankan nabadda ka dhex ilaalinaya labada kooxood
xabadda isla horfadhiya waa in uu noqdaa mid dhex dhexaad ka ah kooxaha is
haysta. Shaqada ciidamadaasi waxa kali ah oo ay tahay in la joojiyo dagaalka ama
rabshada soconaysa; in ay kormeeraan hirgalidda xabad joojinta. Marka ay
joogsato xabaddu ayaa laysku dayaa in la wada hadashiiyo kooxihii is dagaalsanaa
oo arinta loo raadiyo xal nabadeed. Tallaabadaasna waxaa loogu yeeraa “nabad
samayn”. Marka ay taasi hirgasho oo lakala saxiixdo heshiis nabadeed ayaa waxaa
la qaadaa tallaabooyin lagu xoojinayo nabadda sida: isku soo dhaweynta dadka;
yaraynta cabsida ay kala qabaan dadku. Talaabadaanna waxaa loogu yeeraa ‘babad
dhisid”.
Maadaama aan ogaanay shaqada
kala duwan oo ay qabtaan ciidamada shisheeye, bal aan fiirinno shaqada ciidanka
shisheeye oo Soomaliya loo dalbay ay qaban karaan iyo booska u bannaan. Sida
aan ognahay hadda ma jirto dagaallo waaweyn oo Soomaaliya ka socda oo u dhexeeya
kooxo xabad isla hor fadhiya, marka ciidankani ma noqon karo mid nabad ilaalin
oo xabad joojin xoojiya.
Tan kale, aan kasoo qaadno
in nabad-samayntii ay ka dhacday dalka Kenya oo heshiiskii loo fadhiyey inta ka
badan labada sanadood layskugu soo dhaweynayey qaybaha kala duwan oo Soomaalida—
in kasta oo aan xaqiiqada ognahay in ayna meeshaas ka dhicin dib u heshiisiin
buuxda oo ay ahayd qorshe ay hal koox (SRRC) awoodda gacanta loogu galiyey.
Maaddaama ay inta badan kooxaha hubka haystaa ku wada jiraan dowladda , taasi
waxa ay keenaysaa in aan loo baahnayn ciidan nabad samayn ah oo ka dhaadhiciya
in kooxaha dagaalayaa ay saxiixaan heshiis xabad joojin ah. Shaqaddii laga rabay
ciidankan iyo diblomaasiyiinta lasocda waxaa lagu qabtay Kenya. Haddii kale waa
in laqirtaa in shirkii muddada dheer loo fadhiyey Kenya uu ahaa riwaayad
shacabka loo jilayey.
Marka waxaa noosoo baxaya in
shaqada ciidamada shisheeye oo Soomaaliya laga dalbay ay noqon karto hal mid oo
ah “nabad dhisid” oo ah in ay ka qayb qaataan in ay xoojiyaan is-aaminka kooxaha
dhexdooda; isku soo dhaweynta qaybaha kala duwan; abuurid iyo soo celin
kalsoonida shacabka. Shu'aashu waxa ay noqonaysaa Soomaaliya ma looga baahan
yahay ciidan shisheeye oo shaqo nabad dhisid ah qabta?
1.1 Ciidan shisheeye oo nabad-dhisid
Waxaa xaqiiqo ah in ay kooxaha Soomaalida ka
dhexjirto is-aamin darro iyo cabsi ay koox walba ka qabto tan kale. Habka kali
ah oo lagu soo celin karo kalsoonida iyo is-aaminka waa in la hirgaliyo dib u
heshiisiin ballaaran oo daacad ah. Haddii ay taasi dhacdo waxaa la tababari
karaa ciidan uu leeyahay qaranka Soomaaliyeed. Ciidankaas qaran ayaa si buuxda u
hanan kara nabadaynta wadanka, kaas oo ku guulaysan kara kalsoonida Shacabka
Soomaaliyeed oo dowladda u hamiin qaba. Inta laga dhisayo ciidan qaran, aniga
waxaan aamin sanahay in loo baahan karo ciidan shisheeye oo qabta ilaalinta
goobaha muhiimka ah ee dowladda, ilaalinta ilaha dhaqaalaha sida gegooyinka
diyaaradaha iyo dakadaha. Ciidankaas keenistoodu waa in ay soo buuxiyaan
shuruudaha soo socda:
- Waa in la helo ogolaashaha labada
gole ee dowladda (golaha wasiirada iyo barlamaanka).
- Waa in ay ahaadaan ciidan ka socda
waddammo dhexdhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya oo aan ku soo lug-yeelan
dagaalladdii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.
- Waa in ciidankaas uu ku soo galaa
waddanka ogolaashaha Golaha Ammaanka ee Qaranmada Midoobay, iyada oo si
wanaagsan loo qeexayo shaqadooda.Taliska guud oo ciidankan waa in in uu hoos
yimaadaa Qaramada Midoobey.Taasi waxa ay fududaynaysaa in dhibaatada ay gaystaan
si sahlan looga xisaab tami karo. Waxaa kale oo ay fududaynaysaa in marka laga
maarmo la dalban karo in ay waddanka kabaxaan.
1.2 Ciidanka shisheeye ma ka samayn karaan
Soomaaliya hub-ka-dhigis?
Qayb kamid ah maamulka Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka
Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku doodayaan in ay ciidanka u isticmaalayaan in ay
hubka ka qaadaan kooxaha hubaysan ee Soomaaliya. Sida la ogsoon yahay inta badan
kooxaha kala duwan oo hubka waaweyn ku haysta waddanka waxaa ka dhexjira is
aaminaad la'aan baahday. Sidaas darteed hubka dhigiddiisa waa in lagu gaaraa
dib-u-heshiisiin dhamaystiran oo dowladdu hirgaliso. Waxaa iyadana loo baahan
yahay in laga fakaro qaab kooxaha oo dhan qancin kara oo hubka layskaga dhigo.
Waa xaqiiqo iyada oo aan arinta hubka xal loo helin in ay adkaanayso in la helo
dowlad shaqaysa.
Waa arin aan macquul ahayn aanna laga fiirsan
in maamulka sare ee dowladdu yiraahdaan waxaan keenaynaa ciidan kooxaha aan iska
soo horjeedno hubka ka dhiga. Waxaan u arkaa in ciidan shisheeye iyo mid
gudeedba ayna fulin karin in kooxo hub isku sita, koox kamid ahi mid kale ku
qasabto in ay hubkeeda u dhiibto. Haddii taas laysku dayo waxaa imaan karta in
xaaladda dalku sii murugto oo ay billowdaan dagaallo qabiil mar kale- taas oo ah
midda kaliya oo ay raadinayaan cadowga Soomaaliyeed. Waa in ayna koox kamid ah
kooxaha Soomaliya ku riyoon in ay kuwa kale muquuniso iyada oo isticmaalaysa
ciidan shisheeye. Ciidanka shisheeye oo qaabkaas ku yimaada waxa uu ka mid
noqonayaa qaybaha dirirtu ka dhaxayso mid ka mid ah, waxayna sii murjinayaan
xaaladda awalba qasneed ee dalka. Ciidamaddii lakeenay wadanka bilowgii
shagaashameeyaddii waxaa ugu weynaa sababihii ay u guuldaraysteen iyaga oo aan
dhex dhexaad ka noqon khilaafkii wadanka ka taagnaa, taas oo keentay in kooxaha
qaar la dagaallamaan. Dagaalkaas waxa uu sababay burbur hor leh, xaaladda
siyaasadana wuu sii adkeeyey, iyada oo aan lgu gaarin wax xal ah.
Waxaa dalka iyo dadkaba dani ugu jirtaa in la
raadiyo nidaam caddaalad ah oo hubka looga bixiyo gacanta shacabka oo ay
dowladdu kula wareegto. Waa in la helaa qaab waddanka oo dhan hal mar hubka loo
wareejinayo iyada oo lagu wareejinayo dad lagu kalsoonyahay si ayna u imaan in
gobol ama koox ay u gasho cabsi ah in iyaga kali ah hubka laga qaadayo. Waxaa
habkaas lagu gaari karaa iyada oo gobol walba loo ogolaado in uu qorto ciidamo
kasoo jeeda gobolkaas oo hubka gobolkaas yaalanna gacantooda la galiyaa.
Ciidankaas waxa ay hoos immaanayaan amarka dowladda. Taasi waa qaab looga maarmi
karo ciidan shisheeye oo dalka yimaada. Ciidanka qaabkaas lagu dhisay waxaa
sahlan in laysku dhafo waqti ka bacdi oo laga dhigo hal ciidan marka ay
kalsoonida iyo nabaddu soo noqoto.
2. Guud ahaan ma haboon
tahay in ciidan deriska ah lageeyo wadan dagaal kajiro?
Guud ahaan waxaa la ogaaday in
ayna haboonayn in ciidamo ka socda wadamada deriska la ah wadan dhib kajiro ay
ka qaybqaadan ciidanka shisheeye oo la rabo in waddankaas lagu caawiyo. Waxaa
taariikhda ku cad in ciidamada derisku markii ay galaan wadan ay kordhiyaan
dhibaatada siina murjiyaan xaaladda siyaasadda. Waxaa laga digaa in ay
ciidankaas loo adeegsdo waddamada deriska ah sababaha soo socda dartood:
- Waxa ay ka leeyihiin
waddanka dhibtu kajirto dano badan. Sida marar badan dhacda waxaa laga
yaabaa in wadanka dhibku ka jiro ay waddamada dariska kala dhaxayso muran
xagga xuduudda ah iwm.
- Waxaa laga yaabaa in
waddamada kala duwan ee deriska ahi ay dano kala duwan ka leeyihiin
wadankaas oo ay iyaguba is qabqabsi ka bixi waayaan in ay wax caawiyaan
iskaba daaye. Taasina ay keento in uu wadankii la rabay in la caawiyo noqdo
goob ay ku sii wataan khilaafkii iyaga ka dhexeeyey. Tusaale ahaan maxaa
laga fili karaa ciidammo ka socda Itoobiya iyo Eriteriya oo meel ka
wada-shaqaynaya?
- Ciidanka waddammada
dariska ahi waxa ay inta badan qayb ka yihiin dhibaatada wadanka ka jirta oo
inta badan ma noqon karaan xalka. Waddamadaasi waa kuwo horay u soo
taageeray amaba abuuray kooxaha hubaysan ee hardamaya. Waxaana dhici karta
in ay si toos ah u sii taageeraan marka ay waddanka soo galaan. Taasina
waxay keenaysaa in waddamada deriska ahi ay ku dhex-milmaan kooxihii ay
colaaddu ka dhaxaysay.
Waxaan tusaale ahaan halkaan
kusoo qaadanayaa dhowr jeer oo ay wadammo isku dayeen in ay dhexgalaan wadamada
dariskooda ah oo, kuwaas oo dhaamntood ku dhamaaday guul darro iyo dhiig badan
oo daatay. Dhamaadkii 1987 ayaa ciidan kasocday Hindiya waxa ay galeen wadanka
Sri Lanka taas oo ka dambaysay heshiis nabadeed oo dhexmaray dowladda iyo Tamil
Tigerska oo ahaa jabhad la dagaalayey dowladda. Lixdan kun (60,000 ) oo kamid ah
ciidamada Hindiya ayaa la geeyey Srilanka. Ciidankii Hindiya waxa ay markii
dambe qayb ka noqdeen kooxihii dagaallamyey kadib markii ay la dagaaleen
Tamilka. Hindiya waxaa soo dhexgaliyey arinta iyada oo gobol Hindiya kamid ah
(Tamil Nadu) ay deggan yihiin dad Tamil ah. Ciidanka Hindiya waxaa lagu eedeeyey
in ay sameeyeen kufsi iyo dil ay u gaysteen dadka shacabka ah. Ciidankaas
1990kii ayey ka bexeen Srilanka kadib markii ay ka dhinteen 1500 oo askari kana
dhaawacmeen in ka badan 4500 oo askari. Arinkaasna waxa ay ku dhamaatay guul
darro, dagaalkii Sri Lakana meeshiisii ayuu kasii socday. Hindiya dhibkii
kaasoo gaaray dagaalkaas intaas kuma ekaan oo 1991dii Ra'iisul warsaarihii hore
Rajiv Ghandi waxaa dilay nin Tamil ah, arrintaas oo raad ku leheed ciidankii
Hindiya oo wadankaas la geeyey.
Sidoo kale, ciidamada galbeedka
Afrika oo ay horkacayso Naigeria ayaa galay wadanka Liberia si ay nabad uga
dhaliyaan. Ciidamada Nigeria waxa ay nogdeen qayb kamid ah kooxaha dagaallamayey
illaa ay ka bexeen iyaga oo aan wax la taaban karo ka samayn xaaladdii
murugsanayd ee Liberia. Ciidamada Nigeria waxaa lagu eedeeyaa in ay halkaas ka
gaysteen dhac, bililiqo, dil iyo kufsi badan. Waxa kale oo ay aad uga
faa'idaysteen gadidda dheemanta suuqa madow lagu gado oo wadankaas kasoo baxda.
Ciidanka ay urur goboleedka Galbeedka Africa u direen Liberia oo ay u badnaayeen
ciidan Nigerian ah waxa magacoodu ahaa ECOMOG . Dadka reer Liberia oo la
yaabay sida ay u dhaqmeen ciidankaas la keenay dalkooda ayaa waxa magacii
ciidankaas oo ahaa ECOMOG u badaleen “Every Car and Movable Object Gone”,
taas oo ka turjumaysay sida ballaaran oo ay ciidamadaasi u biliqaysteen
dalkaas. Qorshihii loo geeyey ciidanka wadankaas waxa uu isna ku dhammaaday guul
darro. Soomaalidu maxay u bixin doonaan ciidanka IGADD haddii lageeyo
Soomaaliya?
Hadda bal aan fiirinno waxa ka
dhalan kara, haddii Soomaaliya lakeeno ciidan ka socda wadamada deriska ah gaar
ahaan Itoobiya.
2.1 Ciidamada ka socda
waddamada deriska la’ah Soomaaliya oo ay Ethiopia ku jirto xal ma noqon karaan?
Dowladda ugu awoodda
badan wadamada safka hore oo xuduudka la leh Soomaaliya , haddana la sheegay in
ay diyaar u tahay in ay ciidan usoo dirto Soomaaliya waa dalka Itoobiya.
Wax garad badan oo Soomaaliyeed ayaa diidmo ka muujiyey in
Ciidan waddamada safka hore ah lakeeno dalka. Itoobiya waxa ay kamid ahayd
waddamaddii gumaysiga oo kala qaybsaday Soomaaliya qarnigii sagaal iyo tobnaad
. Intaa kadibna waxaa labada waddan dhexmaray colaad dheer oo keentay in ay
dowr jeer dhex marto dagaal ku saabsanaa dhulka Soomaali Galbeed oo ay Itoobiya
haysto. Dagaalkii ugu dambeeyey waxa uu ahaa kii lagu hoobtay ee 1977dii. Waxaan
halkaan ku eegaynaa doorka ay Itoobiya ka ciyaartay dhibaatada Soomaaliya hadda
ka taagan.
Xilliggii ay Soomaaliya ka jirtay dowladda
dhexe waxaa labada waddanba ka howl gali jiray mucaaradka wadanka kale. Nasiib
darro markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ma suurto galin in la
dhiso dowlad dhexe oo awood leh oo booskeedii gasha. Ethiopia oo iyada ay u
badbaaday dowladeedii dhexe ayaa waxa ay meesheedii ka sii waday cadowtinimaddii
ay u haysay Soomaaliya, iyada oo hubka iskugu dhiibaysa Soomaalida. Itoobiya
waxa ay aad ugu qasneed arrimaha gudaha oo Soomaaliya iyada oo ciidamadeeduna si
isbada joog ah u soo galaan gobo kala duwan oo katirsan gudaha dalka
Soomaaliya.
Itoobiya waxa ay marwalba abuurtaa koox
Soomaaliyeed oo lagu burburinayo wixii wanaag ah oo Soomaaliya ka hirgala. Hubka
ugu badan oo Soomaaliya soo galay inta ay jirtay dowlad la'aanta waxa uu ka
immaanayey Itoobiya sida ay xaqiijiyeen khuburada Qaramada Midoobay. Itoobiya
waxa kale oo ay ku dadaalaysay in Soomaaliya ayna ka dhalan dowlad dhexe oo
xoog leh.
Haddaba su’aasha imaanaysa waxa ay tahay ,
macquul ma tahay in ciidamo ka socda Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya si ay
nabadda wax uga raadiyaan, Soomaaliyana dowlad u dhisaan? Taasi waa wax aan
suurto gal ahayn. Itoobiya sida ay ku caddeeyeen bogga Internetka
Wasaaraddaoodda Arimaha Dibadda waxa ay go'aansadeen in ay dagaalkii Soomaaliya
kala dhaxayn jiray ay “Soomaaliya u qadaan” taas oo macneheedu yahay meesha
lagu dagaalayo in ay noqoto Soomaaliya gudaheeda. Haddii ciidan Itoobiyaan ah la
keeno waxa ay qayb ka tahay qorshaha dagaalka Soomaaliya loogu qaadayo. Waxa
kale oo ay ku faanaan in ay ku guulaysteen in ay burburiyaan waxa ay ugu yeereen
“Riyaddii Soomaaliweyn”. Taasi waa mid ay isku dayayso in ay ku xalaalaysato
dhulka Soomaali Galbeed oo ay haysato. Arintaas waqtigeeda ayaa laga hadli
doonaa, mana ahan arin weli xal loo helay. Haddii ciidan Ethiopian ah wadanka
lakeeno waxaa imaanaysa in ay bilowdaan dagaallo ayna muuqan dhamaadkoodu. Inta
badan Soomaalidu ma yeeli doonaan ciidanka Itoobiyaanka oo waxaa dhex mari doona
dagaallo. Ujeedada ay Itoobiya Soomaaliya usoo galayso waa in ay ku aasto
miinooyinkii waqtiyada soo sosca qarxi lahaa. Waxaa kale oo muuqata in wadan
siyaasaddiisu tahay in dagaalka ay keento wadankayaga ayna qayb kanoqon Karin
xalka.
Waxaa kale oo cad in ay adkaan doonto in laga
saaro wadanka haddii ay mar saldhig ka samaystaan. Haddii dowlad aan weli isku
haysanno dhul ay fursad u hesho in ay wadanka xoog kusoo gasho waxa ay si xoog
leh u fara galinaysaa waaxaha kala duwan oo dowladda sida, sir doonka dalka iyo
ciidamadaba oo u suurto galin doona in ay weligeed joogto dalka. Tusaale waxaa
noo noqon kara, Suuriya oo lubnaan soo gashay xilligii dagaalka sokeeye ka
socday in ayna jirin cid ka bixin karta maanta wadankaas.
Imaashaha ciidamadda safka hore waxa kale oo
ay ay keenaysaa in Soomaaliya noqoto meel ay kusii wadaan dagaalkii iyaga ka
dhexeeyey. Tusaale haddii Itoobiya soo gasho, waxaa iyadana imaanaysa Eritrea oo
rabta in ayna Soomaaliya Itoobiya u gacan galin oo u noqon xulufo loo adeegsado.
Taasna waxa ay keenaysaa in uu waddankayagu noqdo meel ay waddamada darisku ku
dagaalaan. Arintan lamid ah waxa ay ka dhacday wadanka Congo oo ay si ba’an ugu
hertameen oo ay cawaaqib keedii noqday in xalka dhibaatada Congo laga raadiyo
wadamada dariska ah.
Dhinac kasta oo laga fiiriyo imaatinka
ciidanka Itoobiya waxa uu sii fogaynayaa xalka Soomaaliya- taas oo ah ujeeddada
ay Itoobiya ka leedahay Ciidamada ay Soomaaliya kula soo cararayso. Dadka qaar
ayaa waxa ay ku doodayaan, waxaa wanaagsan in colaaddii u dhaxayn jirtay
Soomaaliya iyo Itoobiya la illoobo oo hadda lays kaashado.
Waxaa xaqiiqo ah in aan laga maarmin in waddamada
dariska ahi nabad ku wada noolaadaan oo iskaashadaan. Laakiin taasi waxa ay
imaan kartaa marka ay labada waddan wada hadlaan iyaga oo siman. Arintu hadda ma
ahan mid sinnaan ah oo waddan kastaa fiirsan karo dantiisa ee waa mid lagu
fiirinayo danta Itoobiya oo kali ah. Taasina ma ahan mid ay qaadan karaan dadka
Soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in
qabqablayaasha ka soo horjeeda keenista ciidanka Itoobiya iyo kuwa ogolba ayna
ka ahayn u danayn ay u danaynayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, laakiin ay ka
fiirsanayaan danahoodda gaarka ah. Taas waxaa u daliil ah inta badan ragga hadda
Itoobiya diiddan waa raggii ay Itoobiya adeegsanaysay markii ay rabtay in ay
burburiso dowladdii KMG ee Carta lagusoo dhisay. Labada kooxood oo iskasoo hor
jeedaa oo kuwada jira dowladda waxa ay isticmaaayaan dareen qabiil, shacabka
Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in aan mar kale lagu dhicin dabinkooda, aadna
looga feejignaado xaasaasiyadda qabyaaladeed ee ay abuurayaan qabqableyaasha
danahooda gaarka ah isaga soo horjeeda.
3. Gabagabo iyo talo
soo jeedin
Waxaa muuqata in dadka
Soomaaliyeed u baahan yihiin in laga baxo goobadan qaabka daran oo lagu
dul-wareegayo, oo laysku dayo in laga fakaro danaha qaranka Soomaaliyeed. Waxaa
habboon in aan isku tashanno oo ay dowladdu ka shaqayso dib u heshiisiin buuxda.
Waxaa muuqata in ciidan shisheeye uuna waxba ka qaban karin haddii uu dalka ku
imaan hab heshiis ah. Dalabka iyo imaatinka ciidan ka socda wadamada dariska
siiba Itoobiya waxa uu waddanka ku reebayaa dhibaato ay adkaan doonto in laga
soo kabsado waqtiga soo socda. Waxaa laga yaabaa in aan laga maarmin ciidan
shisheeye oo ka socda wadammo dhexdhexaad ka ah arimaha Soomaaliya, kuwaas oo
ilaaliya xarumaha dhaqaalaha iyo dhismooyinka dowladda, markii la helo
ogolashaahaha golayaasha dowladda. Waxaa kale oo cad in qaabka ugu sahlan oo
hubka layskaga dhigi karaa in uu yahay mid ku yimaada is afgarad Soomaalida
dhexdeeda ah.
Si ay noogu hirgasho
dowlad shaqaysa waxaan soo jeedin lahaa talooyinka soo socda:
·
In aan lagu dag dagin dalabka iyo
keenista ciidanka shisheeye. Waa in marka hore ay isku racaan go’laha wasiiradda
iyo golaha baarlamaanka lana qeexaa shaqada ay qabanayaan ciidankaas iyo waqtiga
ay joogayaanba.
·
Waa in laysku dayo in hubka lagu
aruuriyo iyada oo gobol walba loo ogolaanayo in ay hubka u dhiibaan ciidan ka
socda deegaankooda. Dowladda waa in ay awood ku yeelataa xullidda ciidankaas ka
imaanaya gobol walba gudihiisa.
·
Waa in la ogaadaa in ciidanka
shisheeye uu xaalka caawin karo oo keli ah haddii ay heshiiyaan Soomaalidu,
sidaas darteed waa in culaysa la saaraa sidii loo hirgalin lahaa dib u
heshiishiin dhamaystiran.
·
Haddii lagu heshiiyo in ciidan
lakeeno dalka waa in ciidankaasi ka yimaadaa wadamo dhexdhexaad ka ah arimaha
Soomaaliya.
·
Waa in dhammaan laga saaraa
qorshaha, oo aan marna la ogolaan keenista ciidan ka socda wadamada aan deriska
nahay oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa khilaafka Soomaaliya.
·
Waa in loo arkaa in ayna suurto gal
ahayn in ciidamada shisheeye kooxi u adeegsato in ay ku muquuniso kuwo kale,
taas oo laga dhaxli karo cawaaqib xumo.
·
Waa in shacabka Soomaaliyeed ka
foojignaadaan in ay ku dhacaan dabinka hoos yaalla ee loogu soo qariyay
caadifadda qabyaaladda, kaas oo ay isticmaalayaan kooxaha iskula jira dowladda
oo iska soo horjeeda. Waa in la ogaadaa raggaan intooda badan waxaa hubaysay
Itoobiya, ee waa in aan loo ogolaan in ay Soomaalida iska horkeenaan.
·
Waa in indheergaradka ummadda sida
Culumaa'uddiinka, hoggaamiye-dhaqameedyada, aqoonyahannada qaybaha kala duwan
iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed ay ka gilgishaan xaaladda murugada leh ee
ay maanta Soomaaliyi ku sugantahay gudaha iyo dibaddaba. Waana in ay ka fakeraan
qorsheyaal wax ku ool ah oo ummadda iyo wadankaba looga badbaadinayo halisya
haysta / ku soo fool leh.
W.Q: Ahmed A.M.Khayre ,
Rotterdam, The Netherlands
aakhayre@yahoo.com
Tixraac
- Klaas van
Walraven, The Pretence of Peacekeeping, ECOMOG, West Africa and Liberia
1990-1998, Clingendael Institute, The Hague, November 1999
- David Morris,
“Keeping but not Making Peace”: The Peacekeeping force in Cyprus, St.Leonards,
Australia, Allen& Unwin, 1994
- Amoo Sam
G., Frustrations of Regional Peacekeeping: The OAU in Chad 1977-1982, fiiri,
http://www.ciaonet.org/wps/ams01
- Royal Military
College of Canada, Regional Peace Keeping is not the way, in: “Peacekeeping and
International Relations, vol.27, no.2, July-October Issue, Pearson Peacekeeping
Centre, Nova Scotia (Canada), 1998
-
Ethiopia’s policy towards
Somalia, Ministry of Foreign Affairs of Ethiopia, fiiri:
http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
3, 2005