SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SIWB
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Indheergaradka aan xuduudi U DHEXAYN

ee soomaaliyeed (siwb)

Email Without Border: intellectualsomali@yahoo.com

UMAD XANIBAN IYO SANSAAN RAJO:

Dadka Difaacaya Xaaladda Lagu-jiro iyo Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliyaa 

CODSI KU SOCDA BAARLAMAANKA DOWLADDA FEDERAALKA KU-MEEL-GAARKA AH EE SOOMAALIYA  

Mudane Afhayeen iyo Xubnaha Sharafta leh ee Baarlamaanka, waxay u badan tahay in qeybta Fulinta ee dowladdiina, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, eey si dhaqso ah idiin horkeenaan codsi rasmi ah, oo eey idinku weydiisanayaan inaad ansixisaan isticmaalidda ciidamo nabad hagaajin ah oo ka socda IGAD oo ilaalin doona hey’adaha dowladda dhaladka ah sidoo kalena tababari doona ciidanka Soomaaliyeed ee la soo jeediyey ee ka qeybgali doona hub-ka-dhigista dhamaan maleeshiyooyinka jooga gobolada oo dhan. Annagoo ah, dadka hoos ku saxiixan, indheergarad iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo daneynaya wadanka oo ka soo kala jeeda gobolada Soomaaliya oo dhan waan idiin soo duceyneynaa inta aad ku jirtaan falanqeynta howshan ugu dhibka badan ee taariikhiga ah ee waqtigan xasaasiga ah ee dareenka bulshadeena uu kacsan yahay. Waxaan kaloo idinku adkeyneynaa inaad codkiina u gudataan si waafaqsan damiirkiina, idinkoo maskaxda ku haya in la idinku dhaariyey inaad samafalka muwaadiniinta Soomaalida aad ka hormarin doontaan wixii dano kale ah ee jira. Inta aad falanqeyneysaan, waxaan rajeyneeynaa inaad xisaabta ku dartaan waxyaabaha soo socda: 

Erayga “Soomaaliya” wuxuu u galay qaamuuska casriga ee siyaasadda tusaale wadan fashilmay, taasoo ah mid run ah. Wadankeena hub ayuu la ciirciirayaa dadweynaha Soomaaliyana waxay la-heystayaal u yihiin kuwa awoodda u leh ineey lahaadaan hub ama qaataan hub oo ku haya cabsi, faqri iyo meelaha qaar addoonsi joogta ah. Soomaaliya sidoo kale waxay ka soo galeysaa waddamada ugu hooseeya aduunka Tusaha Horumarinta Baniaadamka ‘Human Development Index (HDI)’, iyadoo ka hooseeysa Siraaliyoon oo ah tan ugu hooseysa jaranjarada HDI. Cadadka dhimashada caruurta da’dooda ka yar tahay shan waa 25%; cimriga dadka celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa 41-43 sannadood; cadadka dadka wax qora ama aqriya waa 14-17%; is-diiwaangelinta dugsiyada hoose waa 13-16%; GNP/qofkii wuxuu u dhaxeeyaa US $176-200. 

Intaa waxaa dheer, warbixinta deegaanka Qaramada Midoobey oo la sii daayey maalmo dhoweyd waxay tilmaameysaa in qashin nuukliyer iyo sun halis ah oo eey ku jiraan yuraaniyam, sunta shucaaca halista ah, biraha culus (lead, kaadiyam iyo meerkuri); qashinaka warshadaha, qashinka cisbitaalada, iyo qashinka kiimikada lagu daadinayay xeebaha Soomaaliya 20-kii sannadood ee ugu dambeeyey. Warbixintan waxay soo baxday markii eey daraasad ku sameeyeen Qaramada Midoobey saameynta deegaameed ee bad-gariirka (tsunami) Aasiya ka dib. Haddii aan si dhaqso ah nadiifin iyo daaweyn loogu sameyn, baaba’an deegaameed wuxuu noqonayaa bambo waqti walba qarxi karta, oo sidaa awgeed saameyn xun ku yeelan doonta caafimaadka iyo wanaaga Soomaalida sannado badan oo soo socda.  

Sharci-darada iyo fowdada faaftay darteed, wadankeena maanta waa meesha ugu fiican oo eey ku hoydaan argagixisada, tuugada, qashin qubayaasha sunta ee caalamiga ah iyo ganacsiyada ka faa’iida dagaalka oo isu-ekeysiinaya ganacsi sax ah; shirkado ganacsi oo aan bixin canshuur, oo isticmaala qaab-dhismeedyadii qaranka sida dekadaha, garoomada diyaaradaha, jidadka iyo cisbitaalada oo haddana oo aanan wax lacag ah cid dowlad ah ka siin  adeegyadan, oo aanan daneyneyn haba yaraatee deegaanka ama xuquuqda aadanaha oo ku kobcaya xoog-sheegasho iyo dhac. 

Waan fahamsan nahay in qaar ka mid ah Dagaal-oogayaasha Xamar iyo maxkamadaha Islaamiga ah ee salkoodu-yahay-Xamar eey ka dhawaajiyeen sida eey uga soo horjeedaan in la geeyo ciidamada hagaajinta nabadda ee IGAD sabab ah in Itoobiya, oo ah xubin ka tirsan IGAD suuragalna eey tahay ineey ku wax ka geysato ciidamada la soo jeediyey, eey leedahay ajende qarsoon oo ah ineey Soomaaliya gumeysato. 

Mudane Afhayeen iyo Xubnaha Sharafta leh ee Baarlamaanka doodan been-abuurka ah waa ineysan caadifad ahaan idin leexin sababtoo ah waa dood aan caqligal ahayn nuxurna lahayn. Waxaan idin xusuusineynaa in Dagaal-oogayaashaas eey ahaan jireen, jabhado macaamiil u ah Itoobiya oo awooddooda xaadirka ah ee dhaqaale iyo siyaasadba ka helay Itoobiya. Kaligoodna maaha sababtoo ah jabhadaha ku saleysan qabiilka badankood waxaa soo maray waqti eey ka faa’iideysteen taageerada iyo xanaanada eey ka heleen Itoobiya. Marka waxaa ah in la is weydiiyo, sababta Itoobiya eey ula fiicneyd raggan markaas oo eey haddana u tahay mid ee ka go’an tahay ineey xun tahay. Taas waa hal su’aal oo eey tahay inaad naftiina ka qancisaan inta aadan dhiiban codkiina. Soomaalida badankood, Dagaal-oogayaashaas iyo kuwa kale-ba waxay u arkaan in Itoobiya eey ka dhiganayaan marmarsiinyo si eey u gaaraan ajendahooda siyaasadeed oo ah in wadanka eey xoog ku sii heystaan. Xeeladdooda dagaaleed ee raqiiska ah uma leexin doonto dadweynaha dhankooda dabeecadahooda waqtigan xaadirka ahna waxay muujinayaan ineey ka xun yihiin in dadka laga xoreeyo dhibkooda. Waxaan hubnaa xitaa haddii Itoobiya laga saaro habka, dadkan mihinadooda tahay dagaalooganimada ineey jidgooyo “Isbaaro” kale hordhigan doonaan waddada nabadda iyo caadi-ku-soo-noqoshada.  

Tan labaad, maxaysan raggan iyo maxkamadaha Islaamiga ah uga hadli waayeen arrinta hub-ka-dhigista iyo xuquuqda aadanaha 14-kii sanno ee la soo dhaafay iyagoo ka  howlgalayey Xamar oo ah meesha damqaneyso ee dhamaan wadahadalada xaadirka ah ee hub-ka-dhigista iyo ilaalinta nabadda. Haa, Xamar waa meesha ugu weyn sababtoo ah February 26, 2005, wafdiga xaqiiqo raadinta IGAD oo hadda ku wareegaya wadanka waxay u bandhigeen Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi warbixin horudhac ah oo macnaheedu yahay in Soomaalida badankeed oo eey kula kulmeen meelo badan ineey u muujiyeen taageero aad u weyn ciidamada nabadda hagaajinaya ee la soo jeediyey, ha la socdaan ama yeysan la socon wadamada safka hore oo aan ka soo qaadeyno ineey ku jirto Itoobiya. 

Xubnaha Sharafta leh, su’aasha labaad ee aay tahay inaad si qoto dheer uga fikirtaan marka aad bixineysaan codkiina waa, sababta 14-kii sanno ee la soo dhaafay, marka laga reebo ineey ka gooyaan gacmaha shaqsiyaad masaakiin ah ee halis ku jira Xamar dhexdeeda, maxkamadaha Islaamiga ah lama eysan safan masaakiinta iyo dadka halista ku jira oo kama eeysan horimaan dagaalwadayaasha jooga meelo ka mid ah Xamar, ama maxay tahay sababta eey ugu fashilmeen ineey qabanqaabiyaan mudaaharaadyo looga hadlayo arrimaha hub-ka-dhigista iyo nabadda Xamar ee waqtiyadii la soo dhaafay? 

Fikraddeena aan si fiican uga baaraan degnay waa in kooxahan iyo kuwa kaleba eey ka dhuumanayaan arrinta dhabta ah oo eey ka-qeybgalka Itoobiya ee ciidamada nabad hagaajinta ee la soo jeediyey eey u isticmaalayaan qayaano si eey jidka uga leexiyaan dhameystirka habka nabadeynta iyo ajendaha horyaala Dowladda Federaalka Ku-meelgaaka ah ee dhaladka ah. Ma ahan inaanan ka warqabin xaqiiqada ah in Itoobiya laga yaabo ineey danaheeda eey ku xisaabtameyso xitaa marka eey ka qeyb qaadaneyso habka nabadeynta Soomaalida. Ardey walba ee xiriirka caalamiga, siyaasadda ama taariikhda macquulka ah waa og yahay ineey tahay in wadamada eey ka hormariyaan danahooda siyaasadeed tan wadamada kale waana inaan ka filanaa ineey Itoobiya saas sameyn doonto. Laakiin, idinka, sharci-dejiyayaashii Soomaaliya ahaan waa inaad ahmiyaddiina ka dhigtaan danaha wadankiina marka aad codkiina dhiibaneysaan. Marka aad su’aasha Itoobiyaanka ka hadleysaan waa inaad dib-uga-fikirtaan su’aalahan qotada dheer: 

Xubnaha sharafta leh, marka la fiiriyo xaqiiqada ah in jabhadaha ku saleysan qabiilka ee Soomaaliya eey hadda ula leeyihiin ama horeba ula lahaayeen xiriir macaamiilnimo (client-master) Itoobiya, marka lagu daro kuwan hadda ku dhawaaqay ineey ka soo horjeedaan ka-qeyb-galkeeda ciidamada IGAD ee la soo jeediyey, soow ma ahaan lahayn fikrad ka fiican haddii aan ula macaamilno dowlad-ilaa-dowlad (government-to-government) ahaan, halka eey ka ahaan lahayd xiriir ah qabiil-iyo-Itoobiya sida eey hadda tahay? Haddii dowladdiina eey cod fasiix ah oo aduunka oo dhan eey arki karaan iyo shuruudo QM iyo AU eey balanqaadeen oo adag, eey ugu casuunto Itoobiya habka-socda, markaas Itoobiya siima wadi karto xumaanta eey hoos ka wado oo astaanta looga dhigay sababtoo ah waxaa la xisaabtami doona caalamka oo ku qaban doona toosh. 

Xubnaha sharafta leh, waxaad heysataan inaad kala doorataan inaad isu-dhiibtaan cadaadiska iyo laaluushka kuwa difaacaya xaaladda lagu jiro ee fowdada ah iyo inaad si taxadar ah u dhageysataan isbedelka wanaagsan ee dhinaca nabadda iyo deganaanta eey dowladiina idiinku yeereyso. Taariikhda waxay idinku xusuusan doontaa raggii iyo dumarkii ka badbaadiyey wadankooda qaska iyo sharci-darrada ahaan ama kuwii ku fashilmay ineey ka faa’iideystaan fursad dahabi ah oo ku tuuray dadkooda mustaqbal aan la hubin iyo nolol rafaad iyo murugo leh. Idinkaa iska leh doorashada. Fadlan sameeya waxa xaqa ah oo gudbiya Codsigan muhiimka idinkoo fiirinaya danta shacabka Soomaaliyeed.

No. Name (Country)
1. Dr. Ali Said Faqi ( USA )
2. Ahmed Jama Hamud (Canada)
3. Dr. Ali Khalif Galaydh, Former Primer Minister of Somalia (USA)
4. Abdurahman Hosh Jibri (Canada)
5. Abdulkadir Abo (Canada)
6. Catherine Michael Mariano (Canada)
7. Ms Anod Mohamed (USA)
8. Ali Bahar (USA)
9. Prof. Mohamud Siyad Togane (Canada)
10. Faisal Roble (USA)
11 Abdirizak Omar Mohamed (Canada)
12. Prof. Abdihamid Haji Mohamed (The Netherlands)
13. Prof. Abdulqadir Ismail Abdi (UK)
14. Abdiaziz Abukar Osman (USA)
15. Mohamud Dhafuuje (Canada)
16. Malaq Mukhtar Mohamed Aden (USA)
17. Col. Abdi Daad Osman (Canada)
18. Dr. Abdirashid Mohmed Shire (USA)
19. Bashir Gardaad (Canada)
20. Omar Sidow Omar (USA)
21. Abdulkadir Ali Abdi (Xurka) ( USA )
22 Avv. Abdullahi Dirie Jama ( USA )
23. Pilot Ahmed Elmi Gure ( Canada )
24. Mohamed Muhidin Omar ( USA )
25. Poet Said Shire Sugaan ( USA )
26. Abdulkadir Nur Abo ( USA )
27.. Aden Omar Abokor ( USA )
28. Prof. Mohamed Siyad Togane ( Canada )
29. Abdisalaam Haji Mohamud Dhere ( UK )
30. Dr. Abdi Greek ( UK )
31. Said Ahmed Salah ( USA )
32. Suldan Said Faqi ( USA )
33 Col. Hassan Salah Naji ( Canada )
34 Col. Abdullahi Hussein Abdi Xayyi ( USA )
35 Ali Abdulkadir Mumin ( USA )
36 Bashi Hosh Jibril (Canada)
37 Ali Alio' Mohamed ( USA )
38 Ms. Sadia Mohamed Dirie ( USA )
39 Shekh Mumin Shabab ( USA )

For media enquires and comments, please email:
Somali Intellectuals Without Borders (SIWB)

intellectualsomali@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005


SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA: Cilmi Baaristii Dr. Bashiir ka akhri www.somalitalk.com/sun/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD