SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MPLS
Daabaco Boggan | Print


 
  • Gen.Morgan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay Mogadisho iyagoo uga sii gudbi doona kismaayo.
    ... Agaasimaha SBC iyo Madaxa dhaqaalaha idaacadaas oo xalay lagu xiray Boosaaso ayaa Maanta la sii daayay.
  • Wariyaha iyo Hal-abuuraha Wayn Ee Cabdala Nuuradiin oo xalay lagu dhaaway mogadisho.

Gen.Morgan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay Mogadisho iyagoo uga sii gudbi doona kismaayo.

Caban Mumtaz
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

 
Gen Maxamad Siciid Xirsi Morgan iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Wilson AirPort ee Nairobi iyagoo ku sii jeeda caasimadda Somaliya ee Mogadisho,wafdigan oo iskugu jira afar xildhibaan iyo shaqsiyaad caadi ah waxaa lagu wadaa sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw Morgan ayaa sheegaya in ay mogadisin kaga sii gudbi doonaan Magaalada Kismaayo.
 
Gen Morgan in mudo ahba waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi,kadib markii dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay kismaayo laga soo saaray ciidamo ka amarqaata, Gen Morgan waxaa laftiisa xiligaas laga soo qabtay xadka Kenya iyo Somaliya (dhooblay) ciidamo uu lahaa isaga sida ay sheegeen saraakiil kenyan ah mudo laga joogo dhowr bilood.
 
Waxii mudadaas ka dambeeyay waxaa socday waanwaan ay wadeen siyaasayiiinta u janjeera dhinaca dooxada  Jubba si la iskugu soo dhaweeyo isaga iyo Barre Hiiraale oo ay ka dhaxaysay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo balse dagaalo dhex mareen kadib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay.
 
Moragan waxa uu mogadisho ku kula kulmi doonaa siyaasiyiin uu ka mid yahay Dr.C/qaasim oo Waanwaantan xoogeeda wada waxaa kale oo uuu kulan la yeelan doonaa Wasiiro ka mid ah dowladan Federalka oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi,Cismaan Caato iyo Maxamad Qanyare Afrax oo dhamaantood siyaasadoodu ay ahayd mid hal meel ku salaysan marka laga hadlayo isku soo dhawaynta siyaasiyiinta isku haya kismaayo ama wadaaga aragtida ururka Samata Bixinta.
 
Waa markii ugu horeysay ee Morgan uu ka dago mogadisho  muddo ku dhaw 15 sano oo ah dagaaladii sokeeye kadib,waxaana la filayaa in wax badan oo isbadal ah uu indhahiisa ku soo arki doono oo ah horumar iyo dib  u dhac,waxaana ay sheegayaan dadka sida wayn u yaqaana in uu ka mid ahaa saraakiishi ciidan ee dowladii Milatariga ahayd ee Somaliya.
 
Waxaa kismaayo u raaci doona Morgan qaar ka mid siyaasiyiinta ka dhex wada waanwaanta Nabadeed,waxa ayna si wada jir ah iskaga horkeeni doonaan labada siyaasi oo in mudo ah uu dagaal ka dhex jiray,wadahadaladan ayaa yimid kadib markii badankood ay ku dhaceen qaab isgaarsiin waxaana ay u dhawdahay in lagu guulaysan doono sidii loo dhamayn lahaa gabi ahaanba khilaafaadyadaas siyaasadeed.
 

Agaasimaha SBC iyo Madaxa dhaqaalaha idaacadaas oo xalay lagu xiray Boosaaso ayaa Maanta la sii daayay.

 
Ing.Mowliid xaaji Abdi oo ah Agaasimaha SBC iyo Maxamuud C/raxmaan Rood oo aha Madaxa Dhaqaalaha idaacadda iyo Webkaba ayaa xalay iyagoo shaqo ku jira laga kaxeeyay Qaybta wararka ee Idaacadaas,kadib markii ay u soo galeen dhalinyaro hubaysan oo sheegay in ay ka socdaan urur lagu magacaabo PIS oo la dagaallanta waxa loogu yeero argagixisada.
 
Ing.Mowliid oo aan ka waraystay ka dib markii la soo daayay maanta sababta loo xiray  ayaa sheegay in ay ku qabsadeen war ka baxay idaacadda oo ku saabsanaa gobolka Karkaar ee Qardho,warkaas oo sida uu tififtiraha ii sheegay ka yimid dad goobtaas maamulka ka jira gacabta ku hayay.waxa uuna intaas ku daray Mowliid in Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Amarkiisa lagu sii daayay Saakay Isaga iyo C/raxmaan Rood.

Dhinaca Kale Milkiilaha idaacadaas ahna wasiirka Horumarinta Reer miyiga Maamulka La baxay Puntland Ali Abd Awaare oo ku sugan magaalada Nairobi oo aan saakay kula xiriiray qadka telefonka ayaa ii sheegay in uu ka xun yahay falkaas dhacay isla markaana uu amray in la sii daayo waxa uuna intaas ku daray awaare in la sii daayay kuwii ka dambeeyay xiridoodana xabsiga la dhigi doono dhawaan iyagoo wax laga waydiin waydiin sababta ay falkan ugu kaceen.

Wariyaha iyo Hal-abuuraha Wayn Ee Cabdala Nuuradiin oo xalay lagu dhaaway mogadisho.
 
Sadex Xabadood ayaa lagu dhuftay Xalay Mid ka mid ah Wariyaasha Hal-abuuraha ah ee ka shaqeeya TV-ga iyo Idaacada Hornafrik Cabdalla Nuuradiin Axmad,ee Mogadisho Xafiiskeedu Yahay Xili uu ku cawaynayay Maqaaxi ku taala xaafadda Cali Kamiin ee Mogadisho.
 
Wiil ku hubaysan Bastoolad ayaa la beegsaday Wariyaha Xabadahan lamana ogga ilaa iyo Hadda Sababta Rasmiga ah ee ka dhalatay Dilkan muuqda,sida ay sheegayaan qaar ka mid ah howlwadeenada Idaacadaha iyo TV-ga Hornafrik ee Mogadisho mar aan ka waraystay Sababta loo dhaaway Abdalla Nuuradiin.
 
Dad badan ayaa ku macneynaya in ay Qayb ka Tahay Amaan darada ka jirta caasimadda Taas oo lagu tilmaamay in dilalkan ay noqdeen caadiyan kadib markii uu hubku gacanta u galay dhalinyarada iyo dadweynaha caadiga ah,waana midda mar walba ay u dhacaan falalkan ujeedo iyo ujeedo la'aanba.
 
Isbitaalka uu ku jiro Cabdalla Nuuradiiin Mas'uuliyiinti booqday ayaa sheegaya in xaalada caafimaad ay hadda soo hagaagayso,waxaana ku howlan caafimaadkiisa dhaqaatiirta mid ka mid ah isbitaalka uu ku jiro.
 
Cabdalla Nuuradiin Waxaa ka mid ahaa shaqaalihii TV-gi Somaliya,waxaana daba socday shaqadaas inuu ahaa hal-abuure sameeyay qaar ka mid ah Suugaanta ay ku luuqeeyaan qaar ka mid ah fanaanti dalka Somaliya,sidoo kale waxa uu sameeyay buugaag sheekooyin.
 
Intii ka dambeysay dagaalada Waxa uu ku sugnaa mogadisho,waxa uuna si wayn uga soo qayb qaatay soo shaac bixidii Idaacada iyo Tv-ga Hornafrik,waxa uu ka deeqay dhinaca Barnaamiyada gaar ahaan Xayaysiimaha ka baxa Ha'adda warbaahinta Horn afrik.

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2005

Xafiis Qaabilsan Dhowrida Anshaxa Suuban oo Laga Furay Bosaso
»Laascaanod: dadweynaha SSC iyo baaqii isimada..
»Hargeysa: Siilaanyo & Riyaale iyo garabsiinta saleebaan G..
»Maamulka Hargeysa iyo Wasaaradaha Riyaale...
»Dhibaatada Roobabkii iyo Biyo La'aanta hargeysa..
»Badhan: Warbixin Dugsiga Yube/Sanaag...
»Kismaayo: Siminaar lagu baranayay maamulka...
»Jilib: Robab lixaadleh oo ka da’ay G/jubbada dhexe...
Wararka oo dhan halkan ka akhri.... Guji... May 24

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD