- Kismaayo: Gaari Tekniko ah oo uu
Leeyahay C/Qaasim Salaad Xasan oo weeraray guriga Barre Hiiraale
- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Kenya
oo Siyaasada dalka kenya maalmahan si wayn usoo jiidatay.
- Raaisulwasaaraha Xukuumada FKMG oo
saakey la kulmay Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobalka Banadir.
- Ra''uslw asaarha DFKMG oo u safraya
Kismaayo
- Af-hayeenka Baarlamaanka FKMG ah oo
Tacsi u diray dadkii ku naf waayay Bamkii Stadium mogadisho.
Labo qof ayaa ku dhaawacantay kadib
markii maleeshiyo hubaysani ay weerar ku qaadeen guriga gudoomiyaha
isbahaysiga Dooxada Jubba xildhibaan Barri Hiiraale

Barre Hiiraale |

C/Qaasim |
Kismaayo May 5: Weerarkaan maanta lagu soo
qaaday guriga Barre Hiiraale ayaa waxaa ka dabeeya sida saxaafada loo
xaqiijiyay maleeshiyooyin ku hubaysanaa gaari tikniko ah oo uu leeyahay sida
lasheegay Cabdi Qaasim Salad Xasan madaxwaynahii hore ee dowaldii KMG aheyd
oo dhawaan ka yimid magaalada muqdisho islamarkaana aan la garanayen
sababta uu u yimid magaalada kismaayo.
Weerarkaan ayaa intii uu socday waxaa ku
dhaawacmay labo qof oo ka kala tirsanaa labadii dhinac ee uu guriga
gudoomiyaha dagaalka ku dhexmaray oo qolo ay ahayed staf kii ama ilaaladii
gudoomiyaha halka qoloda kalana ay ahayd maleeshiyadii weerarka ku soo
qaaday guriga gudoomiyaha isbahaysiga Doxada Jubba xildhibaan Barre Hiiraale.
Hadaba meeleeshiyadii maanta weerarka ku
soo qaday guriga gudoomiyaha isbahaysiga ayaa la sheegayaa in uu watay nin
lagu magacaabo Jaamac Dheere oo sida la sheegay ku hayb ah ninka la sheegay
in uu leeyahay baabuurka tiknikada ah ee la yiraahdo Cabdi Qaasim Salad
Xasan ee ahaa madax waynahii dowaldii hore ee KMG ah ayadoo ujeedada uu
weerarkaan u dhacay maanta ay ahayed in maleeshiyadaan ay qas iyo fowdo ka
abuurto magaalada Kismaayo oo ayada baryahaan amaankeeda la adkeeyay si ay
maleeshidan u baajiyaan socdaalka uu raysul wasaare Geedi ku imaanayo
magaalada kismaayo looguna arko waa sida ay is yiraahdeene magaalada
kismaayo mid amaankeedu uuna suganayen islamarkaana dagaal uu ka jiro.
Hadaba baabuurkan maanta weerarka gayestay
ayaa waxa u ahaa baabuur nooca loo yaqaan Cabdi Bille ama daba dhibato oo uu
saarnaa qoriga lidka dayuuradaha ee loo yaqaano Seekaa uu islamarkaana ahaa
baabuurkii ay wateen maleeshiyadii dhawaan xiray buundada Jamaame ee gobolka
jubba hoose taasoo u muuqata in gaarigan gabi ahaantiisba loogu soo diray
gobolada Jubboyinka in uu ka abuuro fowdo iyo qas balse haatan la sheegayo
in maleeshiyadii wadatay baabuurkaas laga saaray magaalada Kismaayo laguna
raad joogo halka ay ku danbeeyeen, waa sida warku u dhigaye.
Dhanaka kale hal qof ayaa dhintay maanta
kadib markii ciidamada amaanka ee isbahaysiga ay rasaas iskala hor imaadeen
nin dableey ah oo sitay qori islamarkaana ay ciidamada amaanka damceen in ay
qoriga ka qaadaan ayadoo halkaa la isku waydaarsatay rasaas uuna halkaa ku
dhintay ninkii dablayda ahaa ee qoriga sitay .
Sikastooy ahaataba waxaa maanta kacsanayed
xaalada amaan ee magaalada kismaayo ayadoo la filayo in maalinimada sabtida
ah uu yimaado magaalada kimsayo raysul wasaaraha dowalda FKM ah ee
soomaaliyeed prof Cali Maxamed Geedi oo in dhawaala ahba laga hadal hayay
imaatinkiisa magaalada kismaayo waloow ay dadka reer kismaayo filayeen in
raysul wasaare geedi uu yimaado magaalada kismaayo maanta oo khamiis ahayed
balse uu baqday. (Wararka hore ka akhri hoos).
cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Marwada
Koowaad ee Madaxweynaha Kenya oo Siyaasada dalka kenya maalmahan si wayn
usoo jiidatay.
Xildhibaanada Baarlamanka Kenya iyo
Qaar ka mid ah Hay'adaha u dooda Xuquuqda Insaanka ayaa ka dalbaday
Madaxweynaha dalka Kenya inuu wax ka qabto mushikilada ka taagan
qoyskiisa,xildhibanadan ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin
siyaasada dalka kenya in ay soo faragashato marwada koowaad ee
madaxweynaha.
Dalabkan xildhibaanada ayaa ka yimid ka
dib markii haweenaydan lucy kibaki ay buuq ka dhex samaysay xaflad
sagootin ah oo loo samaynayay todobaadkan gudihiisa Agaasimihii bangiga
Aduunka u joogay Dalka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mr.Makhar Diop.
Munaasada lagu sii sagootinayay muusigii
ka shidnaa ayaa ayay haweenaydan ku soo baxday waxa ayna ka dalbatay
Maamulka Hoolkii munaasabada in ay dag dag u joojiyaan muusiga faraha
badan ee halkaasi ka dhacaya,iyadoo sabab u dhigaysay in ay jiraan dad
uu dhibayo muusigaas hadii kale ay amri doonto booliis.
Madaxdii ka soo qayb gashay oo damcay in
ay la hadlaan ayaa kala kulmay aflagaado ay u gaystay,waxaana isla
markiiba ku soo baxay saxaafadda iyagoo ka sameeyay warbixino kala duwan
oo indhaha shacabka iyo siyaasiyiintaba si wayn u jiidanayay kuna
aadnaaa halka ay marwada madaxweynaha ka taagan siyaasada dalka iyo
amarada ay bixinayso iyadoo ay dheertahay ku xadgudyada ay ku hayso
siyaasiyiinta.
Wargayska Nation oo warbixin dheer ka
qoray mrs.Lucy ayaa sababay in xoog ku gasho xafiiska wargaysa kadibna
ay kala daadiso qalabkii ay ay ku howlagaleen wariyaasha waxana ay isla
markiiba ka qaadeen filimqaadayaasha sawiro iyagoo ka duubay ficiladii
ay halkaasi ka samaynaysa,waxaan si toos ah looga daawanayay TV-ga
Nation.
Warbaahinta dalka kenya siyaasiyiinta iyo
shacabka ayaa dhamaantood si wayn ula yaabanaa maalimihii la dhaafay
ficilada haweenaydan koowaad ee madaxweynaha dalka kenya,waxa ayna ku
tilmaamayeen mid ku cusub siyaasada dalka in ay arkaan haweeenay u
dhaqmaysa sidan oo Madaxweynaha u dhaxda.
Mrs.Lucy Kibaki waxa ay sanadkii hore isku
dhaceen Madaxweyne ku xigeenka Dalak Kenya Mr.Modi awori,iyagoo ka qayb
galaya xaflad ka dhacaysay Magaalada Mombaasa ee xeebta ku taala,waxa
uuna isku dhacani ka dhashay kadib markii haweenayda yar ee u dhaxda
Madaxweyna oo dagan Mombaasa ay ka soo qaygashay munaabadaas si loo baro
madaxda haweenadan kale ay sababtay in marwada koowaad ay ku xagdudubto
Madaxweyne ku xigeenka.
Wali dalka kenya kuma talaabsanin sida
wadamo ku yaala Aduunka ay madaxweynayaasha ama ragga caadiga ahi ay
haweenkoodu talada la maamulaan,waxa ayna qaarkood kuu sheegayaan waa
shacabkee in ay tahay mid aan la gaarin ee haweenaydani ay sugto xiliga
ay ragga iyo dumarku wada xukumaan talada dalka kenya.
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya
EMail:
canabmumtaz@yahoo.com
Khudbadii
uu Jeediyeye Ra'iisul wasaare Geedi Qaraxii Kaddib
Raaisulwasaaraha Xukuumada FKMG oo saakey la kulmay
Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobalka Banadir.
War:05,May,05,Muqdishu,Somaliya.
Raaisulwasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya
Muddane Cali Mohamed Geedi ayaa saakey la kulmay
Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobalka Banadir.
Kulanka Raisulwasaaraha iyo Haweenka ayaa waxaa looga
hadlay qaabkii ama sidii la isugu soo dhaweyn lahaa
aragtida siyaasada ee Xubnaha labada Gole.
waxaa kaloo lagu soo qaaday doorka haweenka
Soomaaliyeed ka ciyaaraan dib u heshiisiinta iyo
wadahadalada Nabada.
Raisulwqasaaraha ayaa sheegay in Dawladiisu Mudnaan
gaar ah siineyso haweenka iyadoo dhinaca waxbarasha
iyo Caafimaadka horumarineyso.
dhinaca haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka
Banaadir ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Xukuumada
Federaalka KMG ,Soomaliya,iyadoo balanqaaday in gacan
buuxda kula shaqeyn doonaan.
Raisulwasaaraha Xukuumada ayaa sidoo kale la kulmay
qaar ka tiran Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan
Magaalada Muqdishu.
Muddane Cali mohamed Geedi ayaa lagu wada in saacada
Soo socda aadi doonaa Magaalo Madaxda Gobolka Gobolka
Jubbada Hoose Kismaayo. Halkaasi oo kula kulmi doona Masuuliyiinta Gobolka oo
ugu horeeyo Xildhiban Barre Aden Shire Hiraale
Wasiirka Dib u dhiska ee Dawlada Federaalka KMG ee
Somaaliya,ka dib markii uu wada dhexmarey wadahadal
Dhinaca Isgarsiinta.
Raisulwasaaraha ayaa tan iyo maalintii jimcada joogay
magaalada muqdishu isagoo soo Booqday Goobo muhiim u
ah,isla markaana la kulmay Xubnaha labada Gole ee k hu
sugan mgaalada Muqdishu,kuwaasoo safarkooda ka
horeeyey mid ka raisulwasaaraha .
Muddadii raisulwasaaraha joogay Caasimada waxaa ka
dhacay Qarax ay ku naf waayeen in ka badan 13 qof,hase
yeeshee wasiir ku xigeenka caafimaad tirada dhimada
waxa uu ku sheegay in tirada dhimay ayen ka badneyn
8-qof.
qaraxaasi oo ay baristiisu wali socoto ayaa lagu
sheegay warbixin horudhac in qaraxaasi uu sababey shil
ka yimid askari ilaalinayey Mid ka mid ah
Masa`uuliyinta halkaa joogtay.
Raisulwasaaraha ayaa sheegay in qaraxaasi looga
talagalin ee shil uu ahaa.
dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Mogadishu,Somaliya.
akariim@yahoo.com
War
Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka ee Muqdisho
Waraysigii
SomaliTalk ee Ugaas Maxamad Wali
Ugaaska Beesha Mareexaan, isla markaasna ah afhayeenka salaadiinta
beesha Daarood oo ka waraysanay Khilaaf ka Taagan Jagada Taliyaha
Ciidanka Booliiska...
Guji
Af-hayeenka Baarlamaanka FKMG ah oo
Tacsi u diray dadkii ku naf waayay Bamkii Stadium mogadisho.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka KMG
ah ee Somaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa tacsi u diray dhamaan
dadkii Soomaaliyeed ee ku naf waayay Qaraxii ka dhacay garoonka
Ciyaaraha ee Magaalada Mogadisho.
Shariifka
waxa uu tacsidan gaarsiiyay dhamaan intii ay ka tageen isagoo
muujinaya sida uu uga xun yahay gudoomiye ahaan dhibkan dhacay,waxa
uuna ku tilmaamay masiibo culus, waxa uuna u rajeeyay in Alle samir
ka siiyo intii ka tageen Iyagana jannadii Fardowsa Alle ka siiyo.
Waxaa kale oo uu Gudoomiyahah
baarlamanka u rajeeyay Caafimad qab Dadkii kale ee ay dhaawacyadu ka
soo gaareen Bamkaas oo ahaa mid,waxa uuna u rajeeyay Caafimaad in
Alle siiyo.
Gudoomiyaha baarlamaanka oo xiligaas
ka hadlayay Munaasabad sii sagootin ah oo uu samaynayay Kooxda Elman
oo ka soo laabatay dalka Tanzania iyagoo ka soo laabtay ciyaartii
Bariga iyo bartamaha Afrika oo ay kaga qayb galeen iyagoo matalaya
Somaliya,kooxdan ayuu guduumiyaha ugu hambalyaynayay dadaalkooda ay
hayaan ee ku wahajahan ciyaarahah soomaaliya.
Ugu dambayn waxa uu gudoomiyaha intaas
ku daray in ay ka xun yihiin waxii ka dhacay garoonkaas,dhibka
gaarayna uu yahay mid naxdin leh.
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com
ama cmmumtaz@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2005
Baaq ka soo
Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso
War
Saxaafadeed ku saabsan qaraxii Bamka ee Muqdisho
»Geedi
oo Booqday Dadkii Dhaawacu kasoo gaarey Qaraxii..
»Shir
looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay Laascaano
»Hay'ad
cusub oo maanta laga dhisay Garoowe..
»Xildhibaanada
PL oo booqday Garoonka Galkacyo..
Warka oo dhan
ka akhri halkan... Guji...
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE
QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 |
JANAAYO 2005 [.pdf]
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|