14ka October:
MAXAA LAGU XASUUSANDOONAA??
W/D:
Mursal Max'ed Max'uud (Garaad)
stethy1@yahoo.com
Ayaamuha
ILAAHAY kalama duwana, midbase waxbaa lagu xasuustaa. 1da
Luulyo 1960kii, waxaa lagu xasuustaa maalinkii Gobolada
koofureed ay ka hoos baxayn Gummaystihii Talyaaniga, iyo
israacii 2-da Gobol. Baal dahab ah ayey kaga qorantahay
Taariikhda, ahmiyad balaaran ayeeyna u leedahay ummadda
Soomaaliyeed, waloow reer Waqooyigu ay markii danbe u
aqoonsadeen “ 1da luulyo Maalinkii madoobaa” eedo ay
tirsanayeen awgeed. 21kii October 1969-kii, waxaa lagu
xasuustaa in ay ahayd Maalinkii Askartu ay Wadanka xoogga
kula wareegeen. 21-sano oo ay talinayeen iyo 15kii sanee
fowdada ee ka danbaysay, Soomaali badan ayaa aaminsan in
talaabdaii Askartu ay tahay, tan wiiqday dowladnimadii
Soomaaliya, iyagoo mas’uuliyadana dhibka ilaa iminka taagan
dusha uga tuuraya nidaamkii Askarta. Halka Soomaali badan oo
kalena ay u ahayd welina u aaminsanyihiin “ Towraddii
barakaysnayd”
14kii October 2004, waxaa lagu xasuustaa in ay tahay
maalinkii C/laahi Yuusuf Axmed loo caleemo saaray, loona
dhaariyey Xilka Madaxweynaha Soomaaliya muddo 5- sano ah.
Xafladii caleemo saarkiisa waxaa ka soo qayb galay Madaxda
gobolka, kuwo Carbeed, wakiilada Beesha Caalamka iyo qaar
kale oo la casuumay. Xubkinkasta oo hadalka qaata sida
baratakoolku yahayba, wuxuu ku bilaabayey magaca
Madaxweynaha martida loo yahay, markaas kadibna mid mid ayuu
u xusayey Madaxda kale ee goobta joogtay. Madaxweynihii
TNG-da Dr. C/qaasim, markii uu khudbadda qaatay wuxuu si
geesinimo leh u xusay, una aqoonsaday Madaxweynaha la
doortay, wuxa uuna beesha Caalamka horteeda kula wareejiyey
xilkii uu hayey, isagoona Adduunka kaga codsaday in la
garab siiyo, oo aan dhabarka loo jeedin sidii TNG-diisii loo
iloobay oo kale . Nasiib daro markii codbaahiyaha lagu soo
dhaweeyey Madaxweyne C/laahi yuusuf Axmed, ma’aanu xusin
magaca C/qaasim Salaad Xasan, si lamid ah sidii ay u
qadarinayeen Madaxdii kale ee Madasha ka hadashay, iyagoo
lahaa “ Madaxweynaha Xafiiska kasii degaya, Mudane. C/qasim.
Madaxweyihii hore…mudane…IWM ”. Hase yeeshee Madaxweynaha la
doortay wuu ka af-gobaadsaday in uu xuso walaalkiis qab iyo
quuri waa darted!!. Waxaa la sheegaa in taasi ay noqotay
dhaliishii ugu horaysay ee loo jeedin karay Madaxweynaha.
Sikastaba ha ahaatee qaybaha kale ee kudbadda madaxweynaha
waxaa ku jiray meelo aad loogu bogi karay, sida in uu balan
qaaday, Soomaaliya iskadaaye in Gobolka oo dhan uu nabad
noqon doono. Bal si kooban aan u dul marno waxyaabiihii ugu
waawaynaa ee uu ku dhaqaaqay Madaxweyne c/laahi yuusuf
Mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayayey.
SANADKII 2004ta
22kii October 2004, wuxuu safarkii ugu horeeyey ku
tegay Xarunta Ethiopia ee Addis Ababa. 23kii October, wuxuu
Midowga Africa ka codsaday Ciidamo gaaray 20.000 oo Askari,
30kii October warsaysi uu siiyey Jariirad lagu magacaabo
"Dar-Al-hayat"
wuxuu ku
sheegay in Argagixisasadu ay fara ba’an ku hayso Soomaaliya,
sidaas darteedna ay Maraykanka kala kaa shanayaan sidii ay u
baabi’in lahaayeeen. Cidda Madaxweynuhu uu argagixisada u
yaqaan tlow waa tuma?
3dii November 2004, wuxuu Wasiirka 1aad u magacaabay Cali
Max’ed Geedi, 5tii November Madaxweyne Yuusuf wuxuu u
dhaqaaqay Wadanka Uganda, isagoo Ciidamo ka codsaday
Dowladda Uganda, kadibana uga sii gudbay Dalal ay ka mid
ahaayeen Yemen, Saudi Arabia, Egebty, iyo UAE. 16kii
November waraysi uu siiyey Jariirada Asharqul Awsad wuxuu ku
sheegay in uu wiiqi doono awoodda Hoggaamiyayaasha kooxaha.
19kii November Khudbad uu ka jeediyey kulan ay ku
lahaayeen Golaha ammaanka Africa Magaalada Nairobi, wuxuu
codsday Gacan military.
1dii December RW-hii uu soo magacaaya ayaa soo dhisay
Golihiisii cabinet-ka, hase yeeshee 11 December Barlamaanka
ayaa cod aqlabiyad ah ku riday Xukuumddii uu soo dhisay
Geedi, iyadoo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa 1aad ay ku
sigteen in ay qaadacaan natiijada Baarlamaanka. 13kii
December mar kale ayuu soo magacaabay Mr Geedi. 25kii
December M. Yuusuf wuxuu u dhoofay Wadanka Sudan, martiqaad
uu ka helay dhigiisa Al-bashiir, isagoo ka qayb galay
wadahal ay ku soo Biireen Meles Zenawi iyo Cali C. Saalix.
SANADKII
2005ta
17kii January 2005, wuxuu sheegay M. Yuusf in aanu cag
dhigi doonin Muqdisho itna laga xasilinayo, hub ka dhigisna
laga hirgelinayo. 22kii Jan. M. Yuusuf wuxuu faatixo ku
aqriyey Qabuurahii Talyaaniga ee ku geeriyooday Dagaalkii
2-aad ee Adduunka!! 29kii Jan, wuxuu u kicitimay Caasimadda
Abuja ee Nigeria, halkaas uu kaga qayb galay shir Madaxda
Africa ay lahaayeeen, isagoona ka codsaday Madaxda Africa
isla codsigii sii hore ee gacansiitna Military .
7dii February 2005, Madaxweyne Yuusuf wuxuu kulan Golaha
Wasiiraada ay yeesheen ka sheegay in aanay sinaba macquul u
ahayn in la’aado Muqdisho, sidaas darteedna ay tahay in la
ansixiyo Baydhabo iyo Jawhar. 13kii Feb, wuxuu waraysi uu
siiyey Jariirada caankaa ee lagu magacaabo “ Telegraph
”
ku sheegay in aanu cidna ka
baqaynin,
isla markaasna uu Muqdisho ku tegi
doono “8” maalin gudahood. 18kii Feb 2005, Qoraal ay
faafisay shabakada Hafza ayaa shaaca ka qaaday waraaqihii
lagu saxiixday heshiis lagu kiraystay magaalada xaafuun
muddo 99 sanadood ah, iyadoo Madaxwyne C/laahi Yuusuf uu u
saxiisay 17kii October 2004, 7maalmood kadib doorashadiisii.
24kii Feb. Wafdi uu hoggaaminayo C/laahi Yuusuf ayaa kadegay
Magaalda Jowhar, habeenkii oo halkaas loogu sameeyey
Ruwaayad ayey ugu baxday magaca ay ilaa imminka dad bdan u
garanayaan ee “maquuste” habeenkaas Madaxweynuhu wuxuu ku
hadlay hadaladiisii ugu qalaafsanaa intii uu xilka hayayey.
Wafdiga Yuusuf Jowhar waxay uga sii gudbayn B/wayn, iyagoo u
sii dhaqaajiyey deegaanada DGPL, Garoowe oo meel fagaare ah
uu khudbad ka jeediyeyna wuxuu ugu baaqay Dadka reer Punt
land in ay ka qayb qaataan hub ka dhigista.
14 march 2005, M. Yuusuf
wuxuu booqasho ku tegay Dalka Masar, hase yeeshee Madaxda
Masaaridu waxay u sheegeen in taageerada Carbeed uu heli
doono marka uu tago Caasimadda. Isla bsihaan oo uu booqasho
ku tegay Dalka Libya wuxuu Yuusuf sheegay in haddii Kutubka
cagaaran ee uu qoray Col, Qadaafi soomaalidu ku dhaqmi
lahayd in dhibku yaraan lahaa!!.
10kii April 2005, Yuusuf
oo qadasho sharaf u sameeyey labada Gole ee Dowladda wuxuu
sheegay in uu yahay ninka ugu dhibka badan Soomaaliya,
isagoo dhanka kalena tilmaamay in ninka dagaalka yaqaan uu
Nabaddana keeni karo. “ inta aan halkan ku qayilayno waxba
nooma surta galayso ayuu yiri” isagoo isla habeenkaasna u
kicitimay Caasimaddda Ethiopia ee Addis Ababa. 13kii April
waraysi uu siiyey M. Yuusuf Wargeyska khleej times ayuu ku
sheegay in loo yaqaano Colonel magudbe, wuxuuna sheegay in
uu casili doono Xukuumadda Geedi haddii aanay la imaanin wax
qabad dhab ah.
6dii May 2005, wuxuu u
kicitimay Jabuti, isagoo ka soo qayb galay caleemo saarka
Madaxweyne geelle. 18kii May Caafimaadka Madaxweynaha ayaa
aad looga dayriyey, Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee
ku yaala koonfur galbeed London ayaana baaritaan Xagga
beerka ah ku sameeysay. 31kii May dagaalkii baydho ka qarxay
ayaa lagu eedeeyey in Madaxweyne Yuusuf lug wayn ku lahaa.
12kii June 2005, M. yuusuf
wuxuu kala diray Barlamaanka, kadib makii uu soo xirmay
kalfadhigiisii 1aad, waxaa xusid mudan in ilaa imminka ay u
kala maqanyihiin sidii uu u kala diray. 23kii June waraysi
uu siiyey Jriiradda lagu magacaabo 26 September ee ka soo
baxda Dalka Yemen wuxuu ku sheegay in uu awod u isticmaali
doono xasilinta Caasimadda. 25kii June waxaa shaqayn waayey
isku day Dowladda Yemen ay ku dhexd hexaadinaysay
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo M. Yuusuf, kadib markii
C/laahi Yuusuf u ku dhegay Keenista Ciidamada safka hore oo
ah waxa markii horeba khilaafka dhaliyey.
8dii July 2005, booqasho
ayuu C/laahi Yuusu ku tegay Magaalada Gaalkacyo, isagoo ka
soo ambabaxay xarunta DGPL ee Garowe, intii safarka lagu
guda jiray waxaa khalqal galay ammaanka Madaxweynaha, kadib
markii meleeshiyooyin jidka u galay ay rasaaseeyeen. 26kii
July M. Yuusuf wuxuu ka degay Jowhar, halkaas oo uu xarun ka
dhigtay, waxaa xusid mudan in wixii xiligaas ka horeeyey uu
Madaxweynuhu dibad jooge ahaa.
11kii
August 2005, xubnaha labda gole ee Muqdisho ku sugan ayaa ku
eedeeye M. Yuusuf in uu khiyaamo qaran galay, kadib markii
qaab ay jabhadeen oo kale ku sheegeen uu ku tegay deegaanka
Mustaxiil. 21kii Aug. Waraysi uu siiyey
Wakaalada Wararka ee Reuters
ayuu ku sheegay in aanu xoog wax ku xalin doonin. 23kii Aug.
wuxuu u safray Wadanka Saudi Arabia, isagoo kulan ay wada
yeesheena Boqorka Sucuudigu u sheegay in ay taageerada ay u
baahan yihiin ay diyaar u la yihiin, balse loo baahan yahay
in ay marka hore dhexdooda ka soo heshiiyaan, islamarkaasna
ay tagaan Caasimadda Soomaaliya.
9kii September 2005,
waraysigiisii ugu macqulsanaa ee uu siiyey idaacadda BBCda,
wuxuu ku sheegay in aanu DGPL gardaro kula safanaynin,
heshiiska kheyraadka Dalkuna yahay howl u taala Dowladda
dhexe. 17kii September Codisigiisii ugu danbeeyey ee
Caalamiya, kudbadiisii kulankii loo dhammaa ee Q/M wuxu ku
codsaday isla wixii uu ku codsaday kiisii ugu hooreeyey ee
uu u jeediyey Midowga Africa 23kii October 2005. 21kii
September khudbadiisii ugu jilacsanayd oo uu ku beegay
Maalinta nabadda Adduunka wuxuu ku sheegay in cidkasta
albaabka loo garaaci doono nabaddana laga baryi doono.
1da October 2005, wuxuu
soo saaray warqad uu xilka kaga qaadayo Guddoomiyha Bankiga
dhexe Dr. Culusow, warar soo baxayey ayaa sheegaya in xilka
qaadistaasi ay la xiriirto lacago uu doonayo M. Yuusuf in uu
soo daabacdo. 5ta October warbixin ay soo daabacday Q/M
gudigeeda la socodka cunaqabataynta Hubka ee soomaaliya ayaa
Madaxweynaha ku eedaysay in uu keensaday Hub farabadan oo
sharci darro ah.
Dowladda uu garwadeenka ka
yahay M. Yuusuf, sanadkii tegay wax hourukac ah sooma
kordhin, kaba sii darane waxay uga sii dartay xaaladii,
iyadoo khilaafaadkiina uu cirka isku sii shareeray. Tusaale
markii Madaxweynaha la dooranayey ma'aanay jirin kooxo
dagaal muuqda uu ka dhexeeyo, marka laga reebo isbahaysiga
dooxada Jubba iyo Gen. Morgann.. hadda dhammaan waa la’iska
soo wada horjeedaa, intii shalay wada socotay Jowhar iyo
Muqdisho ayey iskugu mindiyo tumanayaa. 189ka cod ee uu
helay M. Yuusuf waa aqlabiyad aad u balaaran, laakiin wuu ku
gulaysan waayey in uu is ku hayo kalsoonida xubnihii doortay
“Tuke nasiib uu caano ku arko
wuu leeyahay, calaf uu ku cabaso malahan”.
Dr. Cali khaliif Galayr
ayaa mar wax laga waydiiyey hanaanka uu Madaxweynuhu ku howl
gelayo wuxuu yiri “ waqti yar siiya, isaga ayaa is duminayee”
ma moodaa in ay soo if baxayso saadaashii Dr. Garlayr? 14ka
October 2004, laysma waydiinayo in ay ahmiya u lahayd
Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaasna ay iskugu hambal
yeynayeen Dowladnimada iyo Madaxweynaha cusub ee la caleemo
saarayey, dad aan kheyraysan haba jiraane. Farxadaas horese
waxay la mid tahay Munaasabado badan oo sidaas oo kale loogu
dabaal degay, balse markii danbe xaalkoodu noqday
“lamood noqonse wayday”
189kii Xildhibaan ee codka siiyey Madaxweyne Yuusuf, shaki
kuma jiro in intooda badan ay ka qoomamaynayaan codkii ay
siiyeen Yuusuf, maxayse taasi u tari kartaa Naftooda iyo
Soomaaliba way dayaceene, imminkana waaba goor ay xeero iyo
fandhaal kala dheceen. Aan u daayo akhristayaasha in ay
dhammaystiraan wixii aan qabyeeyey.
W/D:Mursal Max’ed Max’uud (
Garaad) E-mail
stethy1@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 14, 2005
»Jawaab
Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA
GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska
Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan: Maansadii 41aad ee DoodWanaag
| Cali-Mataan
»Cali
Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka
| Cabdinur
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka
dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga
nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL:
Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»Terry
iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad |
Maestro
»Shacabka
Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan
»Waxaa
la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade
Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase waa Ganacasade
»Qoraalkii
Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada
Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul
Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»Baaqa
Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa|
kaashawiito
»Qoraal uu
London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI.. |