SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Video ay soo bandhigtay shabakada aftonbladet.. Guji

Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden

Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden
... Guji... Oct 17, 2004

Muqdisho: Banaanbax looga soo horjeedey Xarigga Cabdi Qaybdiid
»Muuse Suudi “Xariga Qaybdiid waa afduub laga maleegay..
»Qanyare “Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey..
»Cabdi Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Canada oo Xabsiga u Taxaabtay nin Reer Rwanda ah oo Lagu eedeeyey Fal-Dembiyeedyo Dagaal (Xasuq) uu Ka Geystey Rwanda Sannadkii 1994...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 20, 2005

Baaritaan socdey shan-sano kaddib, Ciidanka Booliska Canada ee loo yaqaan RCMP (Royal Canadian Mounted Police) iyagoo cuskanaya xeerka Canada ee "War Crime Act" waxay xabsiga u taxaabeen nin reer dalka Rwanda oo Qaxotinimo kujoogey Canada, waxaana lagu soo oogey dacwad ku saabsan fal-dembiyada dagaalka (War Crime).

Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Desire Munyaneza oo 39-jir ah waxaa lagu xiray caasimada gobolka Ontario ee Toronto maalinadii Arbacada (Oct 19, 2005), kaddib markii waraysiyo dheer lala yeeshay dad goob joogayaal ahaa oo ku sugan Rwanda, Yurub iyo Canada.

Munyaneza waxaa lagu soo oogey toddoba dacwadood oo ay kamid yihiin: Labo dacwadood oo ah xasuuq, laba dacwadood oo ah dembi uu kagalaya aadaminamada iyo saddex dacwaddoo oo ah fal-dembiyeedyo dagaal.

Booliisku faahfaahin dheeraad ah kama bixin dacwadaas, aan ka ahayn in ay sheegeen in ninkan lagu xiriiriyey dil dhacay intii uu ku noola Rwanda.


Wasiirka caddaalada Canada, Irwin Cotler, oo ka jawaabayey su'aalo laga weydiiyey xariga ninka reer Rwanda.

Munyaneza waa qofkii ugu horeeyey oo ay Canada kusoo oogto dacwad noocaan ah iyadoo la cuskanayo qaanuun ay Canada dejisatay bishii October ee sannadkii 2000 kaas oo ku saabsan dacwadaha fal dembiyada laga galo bini'aadamka iyo fal dembiyeedyada dagaalka.

Qaramada midoobey laanteeda u qaabilsan xuquuqda aadamigu waxa ay  Canada ku ammaantay xarigaas ay ninkaas xabsiga u taxaabeen. Nin u hadlayey Qaramada Midoobey ayaana yiri waa in dal kasta oo albaabada u fura qaxootiga ama laajiyiinta uu feejignaadaa si aysan ugu soo dhuuman kuwa ay tahay in aan magan gelyo lasiin.

Wasiirka Caddaalada Canada, Irwin Cotler, oo isagoo Arbacadii Joogey Caasimada Canada ee Ottawa, ka jawaabayey su'aalo laga weydiiyey xariga ninkan, ayaa waxa uu warfidiyeenada u sheegay in Munyaneza dacwad lagu saari doono maxamad ku taal Canada. Waxaana wararku tibaxeen in Munyaneza Khamiista (Oct 20) la hor keeni doono maxkamad kutaal Montreal, Canada.

"Sharcigu wuxuu ogolaanayaa in dacwada lagu saaro dalka gudihiisa dembiyada la xiriira fal-dembiyeedyada dagaalka - iyadoo aan loo eegay meeshii uu fal-dembiyeedkaasi ka dhacay." ayuu yiri wasiirka caddaalada Canada.

Waxaa jira fikrado kale oo tibaaxaya in ay haboon tahay in la geeyo maxkamada Caalamiga ah ee la saaro dadka gala fa-dembiyedyada dagaalka ee ku taal Hague (Netherlands).

Tiro ka badan 800,000 oo qof, oo badankoodu ahaa Tutsi laga tirada badan yahay ayaa lagu diley Rwanda,waxaan adilkaasi dhacay 100 maalmood oo ay ku fuliyeen olole xasuuq ah oo ay geysteen Hutus, sannadii 1994.

VIDEO: Halkan ka daawo war kusaabxan Xariga Ninka Reer Rwanda

AKHIRS: Warsaxaafadeedkii Boliska Canada ay kasoo saareen Xariga ninka reer Rwanda

AKHIRS: WARBIXINTII HAY'ADDA XUQUUQUL INSAANKU KAQORTAY XASUUQII RWANDA

Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 20, 2005

Muqdisho: Banaanbax looga soo horjeedey Xarigga Cabdi Qaybdiid
»Muuse Suudi “Xariga Qaybdiid waa afduub laga maleegay..
»Qanyare “Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey..
»Cabdi Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Wararka iyo Maqaallada Laga Qoray Xariga Qaybdiid
»Imaamka C/llaalhi Rooble “xariga Cabdi Qaybdiid..
»Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo..
»imaan Xasan Jiirow “xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu..
»Cabdi Qaybdiid oo gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii
»Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Qaybdiid
»Dowladda Federaalka oo ka hadashey Xariga Qaybdiid..
»Safaarada Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
»
Video ay soo bandhigtay shabakada aftonbladet..
»
Warbixin kusaabsan xarigga Cabdi Qaybdiid...
»Haku waana qaateen ragii ku xadgudbey bulshada
»Qoraal: Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose..
»Qaybdiid oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo..
iyo qoraalo kale ka oo la xiriira ... akhri halkan. GUJI Oct 19

Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay Sweden... Guji... Oct 17


Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD