SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


Tixraac Buugga loogu magac daray cilmiga bulshada,ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!?

 

Zahra Abdi Hersi

Holland
umubakar@hotmail.com


Sannadkii la soo dhaafay 2004 bishii Agoosto ayaa TVga waddanka Holland lagu soo bandhigay wareysi aad u dheeraa oo socday 3 saacadood  laguna wareysanaayay gabadha murtadda ah ee sheegata in ay u dhalatay Soomaali ee la yiraahdo Ayaan Hirsi Ali,waana  markii ay soo badhigaysay filimkii fuxshiga ahaa ee ay islaamka ku canbaaraynaysay ee ay ugu magac dartay SUBMISSION,waxaa kaloo wareysigaas  lagu soo bandhigay barnaamij Soomaaliya laga sameeyay sannadkii 1972kii,waxaana barmaamijkaas lagu furay sidatan: Soomaaliya waa waddan ku yaala Afrikada bari,waxaa ku nool dad lagu qiyaasay ilaa 8 milyan,dadka Soomaalidu asalkoodu in ka badan 80%  waa dad Negro ah ama Afrikaan ah iyo saas iyo saas …….

 

Dunida oo dhan waa na ogtahay asalkeena waxa uu yahay haseyeeshe annaga ayaan ogeyn meesha runta ah ee aanu ka soo jeedno,kibir iyo faan oo jahli ku salaysan baana nagu daboolan una garan weynay asalkeena.

 

Soomaaliya in ka badan 80% waa dad Afrikaan ah,taasi waa caddahay oo marnaba shaki kuma jiri karo waayo waxaa markhaati ka ah araggeena iyo meesha aanu degganahay, waxaase shaki weyn ku jira waxa keenay in aanu markasta isku sheegno wax aanan habayaraate ahayn sida waxaanu ka soo jeedna carab iyo dad aanu shuqul isku lahayn,xaggee bay nooga timid in aanu necbaano oo aan ka xishoono waxa aanu nahay iyo meesha aanu ka soo jeedno,waa yaabe ma jaahilnimada faraha badan ee maskaxdeenu ku jidhaa mise daacad ayay naga tahay in aanu sheegano dad aanan u dhalanin amaba aanu ahayn,sidee ayay wax u jiraan waa yaabka yaabkiisa.

 

Dad urursi iyo mideyn dalal waa caqliga cusub ee dunida ku sii faafaya,mideynta reer Yurub, midda isku soo dhawaanshaha waddamada reer Afrika, qowmiyada waxaa loogu magac daray carabeynta iyo midda iskaashiga ee reer Asiya waa siyaasadaha ay dunidu xooga saartay sannooyinkii ugu dabeeyay.

 

Soomaaliya ma’ahan dad Carab ah,in ay ku biiraan Jaamacadda Carabtana waxaa ka dambeeyay waddanka Mareykanka oo markaas waa Mareykankee  ku xumaynaayay waddankii Ruushka oo xillgaas raad weyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya loogana baqaayay in Soomaaliya uu ku faafo mabda’ shuuciyada,haseyeeshe ku biiritaankii ay Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda Carabta jab iyo bur-bur badan ayuu u keenay shacabkii Soomaaliya, waayo dawladdii Ruushka ayaa si aan caadi ahayn uga maroor dillaacday in aanu ku biirno jaamacadda carabta annaga oo ah dad Afrikaan ah oo muslim ah,nagana joojisay kaalmadii weyneyd ee ay na siin jirtay, dowladihii Carabta oo markaas iyo marksta kabaha u siday waddanka Mareykanka. Mareykanka iyo Carabtu wax ay Soomaaliya u qabteen ma jidho,xataa waxaa jirta siyaasad ah in Soomaalida ay u haajiraan reer galbeedka si wax loo yeelo caqiiddada Soomaaliya oo ah islaamka,waana shirqool ay carab badani qayb ka qaateen ama si dadban ha uga qaateen ama si caddaanbe.

 

Markii aanu waddankeena ka soo cararnay ee aanu soo galnay waddamo aanan waxba wadaagin, diin iyo midab oo ay siiyeen dhalashadooda ama baasaboorkooda waxay uga gol lahaayeen siyaasad qoto dheer leh,waxayna aaminsan yihiin xigmaddii oranaysay “Dad badso si aad aduunyo badan u heshid”

 

 

Soomaaliya oo ay ku nool yihiin dad aan tiradooda sidaasba u badnayn marka loo eego waddamada kale ee Afrikaanka ah,intii aanu isku soo dhowaan lahayn oo iskaashan lahayn ayaa waxaa ibtilo nagu noqday in aanu ka dhammaan weynay in aanu cad cad isku googooyno oo midab kala sooc iyo cunsiriyad aan haba yaraatee loo baahneyn lana garaneynin sababta keentay in aanu is kala saarsaarno waayo hal diin iyo hal midab ayaaba naga dhexeeya.

 

Buuggan cusub ee la sheegay in  la soo saaray, inakstoo aan cinwaankayga uga dhigay ticraah buuggaas ku saabsan hadana waxba kama oran karno waayo dad maankii iyo maskaxdii ka tagtay ayaa qoray,sida  magaca buuugga ku cad waayo sidee ayay isku raaci karaa ereyadan, cilmiga bulshada iyo bulshadii bulshada runta ama dhaladka aheyd  lagu yiraahdo Soomaali matihiin, cilmina waa loogu magac daray dadna waa lagu kala soocay,marka waxaas miyaanu oran karnaa waa cilmi,mise dad ay aqoondaridu ku noqotay cadow ayaa qoray baan oran karnaa, guntii iyo gabaggabadii waxaan qabaa in buugaagta dhammaan inta la soo ururiyo la gubo meel fagaara ah dadkii qorayna loo furo dugsi lagu baro waxa ay tahay Soomaalinimada dhabta ah.

 

Zahra Abdi Hersi

Holland
umubakar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2005

"Gudbaaye" oo Isu Sharaxay Maamulka Gobolka Banaadir
»C/wahaab Cali oo galay kaalinta 1aad ee Quraan Akhriska
»Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka oo geeryooday..
»Xuseen Caydiid oo shalay Saddex Kun oo Miino ah..
»Kismaayo Xiisad ka dhalatay dhakhtar lagu dilay..
»Qanyare: Ma taageerayo heshiiska ay wadaan xubnaha..
ka akhri bogga wararka Maanta... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD