SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Senator Coleman oo La Kulmay Fartuun Sheikh iyo Qoyskeeda... GUJI..

 
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
ISHA.QORMADAN

Taariikh Kooban oo Soomaaliya


Kulan ay yeesheen masuuliyiinta maxaakimta Islaamiga iyo culimada oo la isku afgartay howlgallada maxaakimta inaysan ku ekaan bisha Ramadaan.

MUQDISHO - Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan Maxaakimta Islaamiga iyo Imaamyada Masaajiddada Qaarkood ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay la dagaalanka Munkarka, waxayna sheegeen in howlgalkaasi uusan ku ekeen bisha ramaadan oo kaliya.

Sidoo kale Maxaakiimta ayaa dadweynaha ugu baaqay dadka shineemooyinka ku shaqeysta inay raadsadaan meherado kale oo hor leh ayna ka waantoobaan ku shaqeysiga shineemooyinka, iyadoo waalidiinta dhalay ilmaha iyo ardeyda ku booriyeen inay ilmahooda ka ceshtaan shineemooyinka isla markaana wax bartaan.

Dhanka kale Degmooyinka Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ayey si caadi ah uga furan yihiin shineemooyinka kuwaasoo hoos taga ama ay ka taliyaan hogaamiye kooxeedyada aan taagersaneyn maxakamadaha Islaamiga.

C/laahi axmed Boore
boore3@hotmail.com

Oct 27, 2005


WARARKII 26/10/2005

  • Xildhibaan Axmed  Ducaale Geelle Xaaf oo aqbalay in uu bixiyo Canshuur uu ku soo rogey Cabdulaahi Yuusuf ..
  • Khilaafka u dhexeeyay Ra’isul Wasaare Geedi iyo  Danjire Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil  oo sii xoogeystey
  • Xuseen Caydiid oo ugu baaqay Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho in la shaqeeyaan..
  • Prof, Xuseen Tooxoow “Buugga Cilmiga wixii khaladaad ah ee ku jira waa la saxayaa..
  • Dowladda Federaalka ah oo ka qaybgalaysa kulan Caalami ah oo ka dhacaya Kemaruun.
  • Xuseen Caydiid oo Maanta kulan la yeeshay daladda culimada Soomaaliyeed 
  • World Bank oo ka wada hadley qorshaha dib u kicinta dhaqaalaha Puntland,
  • Dhoobleey oo laga furay xero kale oo dowlada KMG ah ciidamo loogu aruuriyo.
  • Af Hayeenka Baarlamaanka Garabka Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Si weyn U weeraray Gudoomiyaha Gobala Banadir.
  • Kenya oo digniin u dirtey Shirkadaheeda iska leh Maraakiibta u socdaalaysa Soomaaliya
  • Aaskii Marxuuma Yamyam....

Xildhibaan Axmed  Ducaale Geelle Xaaf oo aqbalay in uu bixiyo Canshuur uu ku soo rogey Cabdulaahi Yuusuf ..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

            Kaddib markii dhawaan uu iskaashi dhex maray Dowladda Kenya iyo Dowladda Federaalka gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Nabadgelyada ayaa waxaa maalmahan la dareemayay fulinta heshiiskaasi, gaar ahaan Dowladda Kenya, iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaan helnay warar xaqiijinaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf uu warqad qoraal ah u diray Dowladda Kenya oo uu kaga dalbanayo in ay kala shaqeeyaan dhinaca duulimaadyada Diyaaradaha ee imaanaya Soomaaliya, ha noqoto kuwo ganacsiga  iyo kuwo samafalka. Waxaa la sheegay in arrinta uu soo jeediyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay Dowladda Kenya ay si weyn u soo dhaweysay iyadoo lagu amray Diyaradaha tagaya Soomaaliya in ay warqad ogolaansho ah kala yimaadaan dhinaca Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Jowhar, isla markaana in ay ogolaadaan bixinta canshuurta Diyaaradaha imaanaya garoomada, gaar ahaan kuwa ku dhow dhow Magaalada Muqdisho.

Waxaa la go’aamiyay in Diyaaradaha Ganacsiga ee ka degaya garoonka Lambar 50, Deyniile, Bali-Doogle, in ay soo maraan Magaalada Jowhar si halkaasi loogu canshuuro, hase yeeshee Xildhibaan Xaaf ayaa warqad qoraal ah u diray Dowladda Federaalka uu kaga codsanayo in uu diyaar u yahay in uu bixiyo wixii canshuur ah, isla markaana waxa uu ka dalbaday Dowladda Federaalka in Diyaaradihiisu aysan ka degin garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, waxaana la sheegay in Dowladdu ay ka aqbashay arrintaasi, wuxuuna maalmahan Xildhibaan Xaaf waday olole uu ku taageerayo Dowladda Federaalka garabkeeda Jowhar, iyadoo Xildhibaan Xaaf uu ka mid ahaa dadkii sida aadka ah uga soo horjeeday garabka Jowhar, iyadoo sidoo kale waxaa Xildhibaanka beryahaan laga dhendhensanayay ereyo uu kaga dhaadhicinayay Xildhibaanada kale in ay taageeraan Dowladda Federaalka.

Iskaashiga dhex maray Dowlada Kenya iyo Dowladda Federaalka waxa uu saameyn ku yeelan doonaa garoonka diyaaradaha ee Deyniile oo ka uu taliyo Wasiirka arrimaha aminga Max’ed Qanyare Afrax, maadaama Diyaaradaha qaadka keena garoonkaasi iyana ku qasbanaan doonto in Jowhar tagaan, haddii aysan bixin canshuurta la dul dhigay warar kale ayaa sheegaya in Maamulka Garoonka Diyaaradah Ciselay u ogolaadey bixinta canshuurtaas Dhawaan ayaa Dowladda Kenya waxay amartay in Xildhibaan iyo wasiir kasta oo imaanaya wadanka Kenya uu warqad qoraal ah ka soo qaato Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi 

Khilaafka u dhexeeyay Ra’isul Wasaare Geedi iyo  Danjire Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil  oo sii xoogeystey

            Wararka naga gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in uu sii xoogeysanayo khilaafkii u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil iyo Ra’isul Wasaare Geedi.

            Khilaafkaan ayaa waxa uu bilowday markii Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah uu ka qaybgalay shirar uu xaq u lahaa in uu ka qaybgalo wasiikra arrimaha Dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil, balse markuu arrintaan hor dhigay Ra’isul wasaare Cali Mx’ed Geedi uunsa waxba ka qaban, taasina waxay keentay in danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil uu ka qaybgalo shirar uusan soo ogeysiin Ra’isul wasaaraha, waxaana taasi ka careysiiysay Ra’isul wasaare Geedi, waxaana lagu amaray in uu soo gaaro Magaalada Jowhar, waa uuna diiday si arrinta uu u dhexgalo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, ilaa hadda lama garanayo in uu mari doono wadadii uu maray Guddoomiyihii Bangiga Dhexe Max’ed Maxamuud Culosow kaddib markii la sheegay in uu amar diido ku sameeyay Ra’isul Wasaare Geedi.     

Xuseen Caydiid oo ugu baaqay Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho in la shaqeeyaan..

            Ku xigeenka Ra’isul Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Faarax Caydiid ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Filla Soomaaliya.

            Shirkaan jaraa’id oo ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqisho Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow) iyo xubno ka socday Dalladda Culama’udiinka iyo xubno ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo furi lahaa dhamaan wadooyinka soo gala Masjidka weyn ii Isbahaysiga iyo baaq uu u soo jeediyay xubnaha labada gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

            Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in Masaajidka Isbahaysiga uu si dadban u xirnaa isla markaana maanta wixii ka dambeeya uu furan yahay, taasoo horey ay gacanta ku hayeen isbahaysiga SNA, waxaana nasiib u yeelanay in aan gacan ku siino wasiirka Arrimaha Diinta iyo Ow-qaafta Cumar Maxamuud Max’ed (Finish) iyo Culuma’udiinka Magaalada Muqdisho si loo hormariyo Masaajidka oo muddo 14 sano ka xirnaa jidadka soo gala, mar haddii lagu heshiiyay siyaasaddii, si loogu tukado ciidul fidriga.

            Waxa uu ugu baaqay xubnaha labada Gole ee Dowladda iyo Baarlamaanka ku sugan Magaalada Muqdisho in ay gacan ku siiyaan guddoomiyaha horumarinta Gobalka Banaadir wixii ku saabsan maamulkiisa iyo dhisitaankiisa, “anigoo ah Wasiirka Arimaha gudaha masuuliyaddaas gaarka ah labada Gole iyo Qarankaba ay iigu magacaabeen waxaan jeclahay in aan guto waajibakaas isla markaana in ay gacan igu siiyaan si aan u guto,  wax Alla wixii shuruucdiisa iyo fikirkiisa ah” ayuu yiri Xuseen Caydiid

            “Baarlamaanku waa sharci dejin xukumadduna waa fuliyaashii maamulka, dadaalka badan ee xubnaha labada gole ay u galeena waan uga mahadcelinayaa” ayuu yiri Ra’isul wasaare ku xigeenku

Prof, Xuseen Tooxoow “Buugga Cilmiga wixii khaladaad ah eek u jira waa la saxayaa..

            Prof, Xuseen Tooxoow oo ah lataliyha dhinaca sharciga waxbarashada hay’adda UNESCO ayaa waxaan wax ka weydiinay warar maalamahan la isla dhex marayay oo ku saabsanaa Buug  ay soo daabacday hay’addaasi oo la yiraahdo cilmiga bulshda looguna talagalay ardayda soomaaliyeed, kaasoo wax loogu dhimay sida la sheegay beel ka mid beelaha Soomaaliyeed isagoo arrintaa ka hadlanaya Prof, Tooxoow waxa uu yiri.

            “Buugga Cilmiga Bulshada ma ahan mid la iska qoray, balse waxa uu u dhow yahay in waxa ku qoran laga soo miinguuriyay Buuggaag kale ama laga soo qaatay qoraalo kale oo ku jira dhinaca Internate-ka, wuxuu intaa sii raaciyay “Buuggaani bulshada ayaa loo qoray, mar haddii bulshadu ay ka hortimidna ma ahan mid sii jiri doona”.

            Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Buuggaan loogu talagalay in uu jiro muddo sanad ah, wixii qaladaad ah ee ka yimaada dib ayaa loo sixi doonaa.

Dowladda Federaalka ah oo ka qaybgalaysa kulan Caalami ah oo ka dhacaya Kemaruun.

            Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay xarunta Filla Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

            Shirkaan Jaraa’id oo ay Wasiirka kala qaybgaleen mas’uuliyin dhowr ah oo ka kala socday Maxaakiimta islaamiga ah iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo uu Ra’isul wasaaruhu sheegay in uu safar ugu kicitimayo dalka Kaamiruun halkaas oo uu kaga qaybgali doono kulan ay ay isugu imaanayaan madax ka tirsan Dowladaha Afrika kaasoo looga hadlayo wadatashiga dastuurka cusub iyo horumarintiisa, waxa uuna Xuseen caydiid sheegay in ay martiqaad ka heleen wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kaamiruun, isla markaana ay safarkiisa ku wehliya guddoomiye ku xigeenka arimaha nabadgelyada Gobalka Banaadir Max’ed Cismaan (Dhagax Tuur). 

             Xuseen Caydiid ayaa intaa ku daray in ay safarkooda Dalka Kaamiruun ku suganaa doonaan muddo labo cisho ah dib ay ugu soo laaban doonaan Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigi doonaan wixii natiijo  ah ummadda  Soomaaliyeed

 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Xuseen Caydiid oo Maanta kulan la yeeshay daladda culimada Soomaaliyeed 

C/laahi Axmed Boore
boore3@hotmail.com

Xarunta  Villa Soomaaliya ayaa maanta Xuseen Caydiid kulan kula yeeshay daladda culimada Soomaaliyeed iyadoo ay ka wada hadleen xaalka uu haatan dalka ku sugan yahay gaar ahaan magalada  Muqdisho.

Waxay si gaar ah labada dhinac diirradda u saareen sidii loo fur furi lahaa wadooyinka xir xiran ee magaalada Muqdisho, sida wadada Maka Al Mukarrama oo xirneyd mudadii afar iyo tobanka sano waloow uu horay uu wadadaasi u furay wasiirka amaanka qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

Waxaa uu Xuseen Caydiid ammaan u soo jeediyay Maxamed Qanyare oo uu sheegay in kol hore wadadaasi uu furay haatanna laga dhursugayo oo kaliya in ay baabuurtu
isticmaasho.
 
Xuseen Caydiid ayaa dallada culimada weydiisay inuu kala shaqeeyo sidii markale loo furi lahaa wadadaasi oo uu ku yaallo masjidka Isbaheysiga, waxaana uu sheegay Xuseen Caydiid in masjidkaasi uu furnaa mudadii bur burka oo idil hase ahaatee ay wadadaasi kaliya ay siyaasad ahaan u xirneyd.

Ugu danmbeyntiina waxaa uu baaq u soo jeediyay culimada ,maxaakiimta iyo dhamaan aqoonyahanka inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa amaan darrida ku soo korartay Magaalada muqdisho, isagoo tilmaamay in ay tahay bulshadu inay ku dhaqanto diinta Islaamka. Ka dib markii kulankaasi uu soo dhameeyay ayaa Xuseen Caydiid waxaa uu u kicitimay dalka Cameron oo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo maalgelinta iyo maamulka degmooyinka oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Afrika,isagoo ka dhoofay garoonka No 50 ee  gobalka Sh/Hoose.

World Bank oo ka wada hadley qorshaha dib u kicinta dhaqaalaha Puntland,

Kulan maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe ee caasimada maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa looga wada hadley hanaanka ugu haboon ee Puntland looga hirgalin karo qorshaha dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaaha ee ay dagaaladii sokeeye aafeyeen.

Qorshan oo loogu magac darey dib u kicinta dhaqaalaha ayaa waxaa lagu wadaa in laga hirgaliyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana iska kaashanaya Bangiga Aduunka iyo hay’ada UNDP.

Kulanka maanta ka dhacey magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qayb galey Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne kuxigeenka Xasan Daahir Max’uud, isu duwaha hawlaha gargaarka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Maxwell Gylard, Devid Pasia oo ka socdey Bangiga Aduunka, Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee maamulka Puntland C/raxmaan Max’uud Faroole iyo Wasiirka Haweenka iyo arimaha qoyska ee Puntland Caasha Diiriye Geelle.

Agaasimaha Waaxda hab maamuuska ee Madaxtooyada Garoowe C/salaam Xasan oo kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa war baahinta u sheegay in kulankaasi la isku afgartey iyadoo lala kaashanayo maamulka, deegaanada Puntland looga hirgalin lahaa qorshaha dib u kicinta dhaqaalaha ee 2006-da laga fulin doono guud ahaan dalka Soomaaliya.

Kulankii maanta ayaa ahaa is la fahmida fulinta qorshahan iyo arimaha lagama maarmaanka u ah, waxaana uu ahaa daraaseynta baahida guud oo si wada jir ah la iskaga kaashanayo.

Wafdigan ka socda Qaramada Midoobey iyo Bangiga Aduunka ayaa yimid magaalada Garoowe maalinimadii Isniinta waxayna magaalada Garoowe kaga qayb galeen xuska aasaaskii Qaramada Midoobey oo ay halkaasi ku qabsadeen hay’adaha hoos yimaada Qaramada Midoobey ee ka hawlgala deegaanada Puntland.

Warka ayaa intaasi ku daraya in wafdigan uu isla maanta galinka dambe uu ka ambabixi doono magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi.

Dhoobleey oo laga furay xero kale oo dowlada KMG ah ciidamo loogu aruuriyo.

 Magaalada Dhoobleey oo ka tirsan gobalka J/Hoose ayaa waxaa ka bilowday ciidamo lagu uurinayo iyadoo la sheegay ciidamada la aruurinayana ay taageersan yihiin dowladda federaalka somaliya  inteeda joogta magalaada jowhar,

Ciidamadan ayaa la sheegay in mudooyinkanba lagu aruurinayay deegaankaas  ayaa la sheegay si rasmi ah maalintii shalay  aheyd tababar looga furay xeradaas.

Ciidamadan oo la isugu keenay sadax xero milleteri ayaa waxaa tababar u furay saraakiil ka socota dowlada Kumeel gaarka ah  ah ee Soomaaliya oo fadhigoodu yahay magaalada Jowhar iyadoo dhowanna loo magacaabay taliyihiin ciidamada deegaankaasi afar abaanduuliye.

Arintan ayaa la sheegay inay tahay qorshe logu doonayo in ciimadii xooga dalka somaliya la is kugu kenayo. ma aha markii ugu horeeysay oo ciidamo la isugu keeno xerooyin kuyaalo  gobalka shabeele Dhexe oo uu ka arimaiyo maxamed Cumar xabeeb, iyadoo lasheegayo ciidamada la aruuriyayna in ay si weyn u taageersan yihiin Xubanaha kusu gan magalada jowhar

Af Hayeenka Baarlamaanka Garabka Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo Si weyn U weeraray Gudoomiyaha Gobala Banadir.

Cumar Xaashi Aadan ayaa shaaca ka qaaday  In uusan aqoon saneen gudoomiye  uu leeyahay gobalka  banaadir, af hayeenka ayaa Siween ugu carooday haday ka soo yeeray Gudoomiyaha Goabalka Banaadir Mr. cade Gaaboow.

Cumar Xaashi Aadan oo xalay u waramayey Warbaahinta ayaa sheegay in uusan aqoon saaneyn gudoomiya Gobal ee uu leeyahay gobalkaan Banaadir, Af hayeenka ayaa intaas ku daray in uu san lashaqeen doonin cidkasta oo loo soo magacaabo Gobalka banadir, oo aan Lasoo marsiin Baarlamaanka.

Xildhibaan Mumar Xaashi Aadan ayaan intaas kudaray in uusan asagu aheen nin ka soo horjeeda nabada balse uu yahay nin shirka kutaagan, af hayeenka ayaa hadal kiisan ku soobeegay xili uu gudoomiyaha Gabalka banaadir uu ka dhawaa jiyey in Cumar xaashi uu yahay nin aan rabin in uu gobalka banaadir  aysan wax maamul ah yeelay uu na yahay caqabada hortaagan in uu shaqeeyo maamulka Banadir.

Mr, Cade ayaa sheegay maalinimadii shalay aheed in uu  iska dhicin doono cidkasta oo ka hortimaada maamulkiisa uuna yahay ninka shirkii logu soo dooratay. Mr, cade ayaa sidoo kale Xubnaha Baraalamaanka  ee ku sugan magalada muqdisho ugu baaqay  in ay ka waan toobaan Mijixaabinta ay wadaa Xubnahaas.

Kenya oo digniin u dirtey Shirkadaheeda iska leh Maraakiibta u socdaalaysa Soomaaliya

 Xukuumadda waddanka Kenya ayaa waxay digniin u jeedisey shirkadeheeda maraakiibta ee laga yaabo in ay u soo safraan Soomaaliya.

Digniintan ayaa waxaa shirkadaha maraakiibta Kenya si wada jir ah ugu jeediyey Wasiirka Arimaha dibada ee Kenya Cherio Ali Mwakwere iyo danjiraha Kenya ee arimaha Soomaaliya.

Cherio Ali Mwakwere wuxuu uga digey Maraakiibta shirkadaha Kenya inaanay Soomaaliya u socdaalin iyadoon la helin damaanad-qaad xaga amaanka ah.

Mr. Mwakwere wuxuu warkiisa digniinta ah ugu jeediyey milkiilayaasha Maraakiibta ee Reer Kenya inay iyagu qaadi doonaan wixii masuuliyad ah ee ku dhaca badmaaxiinta, hadii ay iska indho tiraan digniinta xaga amaanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale danjiraha arrimaha Soomaaliya ugu qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa sidaasi si la mid ah wuxuu u soo saarey digniin ku jeeda shirkadaha Kenya ee maraakiibtoodu u socdaalayso Soomaaliya.

Ergeyga Kenya ee arrimaha Soomaaliya ayaa warkan soo saaray xilli uu magaalada Mombassa kula kulansanaa koox reer Kenya ah oo dhowaan laga soo daayey afduub loogu haystey xeebaha Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Afey waxaa uu sidoo kale, ku baaqay in beesha caalamku ay Soomaaliya ka caawiso sidii loola dagaallami lahaa burcad badeedda.

Danjire Afey waxaa uu intaasi ku daray in afartii bilood ee la soo dhaafay uu afduubka ka dhacaya badaha Soomaaliya uu gaarey meeshii ugus arreysey, arrintaasina ay ganacsiga gobolka Saamayn ku yeelaneyso.

C/laahi Axmed Boore

boore3@hotmail.com

Aaskii Marxuum Yamyam

Sawirka hoose waxaa laga qaaday aaskii MARXUUM  C\QADIR XIRSI YAM YAM  oo dad badan oo soomaali ah kasoo qayb galeen, waxaana la aasay Sabtidii 22 oct, Allah janadii fardoosa ha kawaraabiyo.





Marxuumku waxa uu ka tagay 6 caruur ah  oo kan ugu wayn uu   jiro 21 kan ugu yarina 7 jir ( Magacyaduudu yihiin: Raage, qamaan , absame , ibraahim,  Ayaan iyo samawada iyo hooyadood ambiya c jamaac.) waxayna dhamaantood joogaan Columbus Ohio. ILAAHAY SAMIR IYO IIMAAN  HANAGA SIIYO, waxa uu ahaa nin daacad ah oo ummadda oo dhani jaclayd,  waxuu dhintay Jimce asaga oo sooman oo afur gurigiisa u socda.

 
 waxuu ahaaa qof lagu dayan karo oo somalinada aad u jacel . Allah h au naxariisto.

La xiriir: Luulaskir@aol.com  
Ama BY Abdirahman Y Warsame
Columbus, Ohio
Email: abdirahmanywarsame@hotmail.com


Tacsi:- Yusuf Ahmed Mohamed (Harraare). 

Anagoo kala ah:-

Sacdiyo Careys Ciise and family.
Hawo Hersi Warsame iyo Odeygeeda Yusuf A. Osman Kenadid.
Martyan Cali Weyrax iyo odeygeeda LiibAn Cali and family
Hawo Hasan iyo odeygeeda Mohamed Abukar.
Maryan Kulmiye iyo Walaalaheed oo dhan.

Waxaan Tacsi u direynaa Xaaskii, Carruurtii, Qaraabaddii, iyo dhammaan eheladdii uu ka geeriyoodey Allaha u naxareestee Wasiirkii Batroolka ee Dowladda Soomaaliyeed Yusuf Ahmed Xarraare oo ku geeriyoodey dalka Ustralia, waxaana allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Ehelkii waxaan u rajeyneynaa Samair iyo Iimaan (AAMIIN).

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Qore: Yusuf Osman
yusufkenadid@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2005

Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya oo Jawhar kula kulmay Madaxweyne C/llaahi
»
Wafti uu Hoggaaminayo Shariif Xasan oo Booqday Finland
»Geedi: Waa In burCad badeedka Lala dagaalamo..
»Xildhibaan Caraale: Labada Gole ha yimaadeen Jawhar
Wararka maanta ka akhri halkan... GUJI

Dagaallo dhex maray gumaysiga iyo ciidammada xoreynta Ogaadeenya
Iyo Dad uu gumaysigu ku xidhxidhay meelo kala duwan Guji

WIIL YAR OO DHIBBAN UNA BAAHAN GARGAAR BINI'AADAMINIMO OO DEGDEG AH
Rabbiile Cali Muuse Cismaan oo ku dhashay agagaarka magaalada Caabudwaaq waxa uu... Guji... Oct 25

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD