SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

Sawirkan Xamar waxaalaga qaaday 1984, waxaana laga sawiray dhanka Xeebta badweynta Hindiya, waxaana sawirka ka muuqda Hotel Curuba | Isha saiwkan: www.swan.ac.uk
MINISTRY OF LIVESTOCK, AGRICULTURE AND ENVIRONMENT
SOMALI ANIMAL HEALTH SERVICES PROJECT
Puntland State of Somalia PUNTLAND ZONAL OFFICE – GAROWE
Tel: 00252-545-3108, Fax: 00252-5-846458, e-mail: sahsp_plg@yahoo.com
Wacyigelinta la xiriirta sharciga xanaanada xoolaha ee Puntland
Barnaamijka Wacyigelinta Sharciga X. Xoolaha ee Puntland
Qeybta 1aad
Hordhac

 

Barnaamijkan waxaa Hirgelinaya Mashruuca SAHSP (Mahsruuca Adeega Caafimaadka Xoolaha ee Soomaaliyeed, Xafiiskeeda Puntland) Mashruucan waxaa maalgeliya Ururka Yurub. waana Barnaamij Gacan siinaya Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka sidii ay u dhaqan gelin lahayd sharciga Xanaanada Xoolaha ee Puntland.
Sharcigaan waxaa ansixiyey Dowlad goboleedka Puntland iyo Baarlamaanka Puntland. waxaana Barnaamijkaan Wacyi gelinta ah ka qayb qaadanaya ururka dhakhaatiirta xoolaha ee Puntland (PULPA), waxaana soo diyaariyey soona jeedinaya:-
1) Yaasiin Saalax Samatar
2) Siciid Faarax Warsame

 

Ujeedo:-
Ujeedada barnaamijkaani waa in gacan la siiyo wasaaradda x.xoolaha ee Puntland, si ay u baahiso una dhaqan geliso sharciga xanaanada xoolaha ee Puntland, bulshadana wacyi gelin looga soo jeediyo warbaahinta, sida adaacadaha, joornaaladda iyo Internetka.
UJEEDOOYINKA IYO QAAB-HAWLEEDKA GUUD
 
Adeegga daryeelka/daawayta xoolaha ee dawlad goboleedka Puntland waxay xaqiijinaysaa/kifaala qaadaysaa daryeelka caafimaadka xoolaha dalka. iyada oo raacaysa hab waafaqsan siyaasadda iyo istiratijiyadda horumarineed ee dhaqaalaha dalka; awooddeeduna waxay ku fidsan tahay dhammaan dalka Puntland si loo fuliyo hawlaha hoos ku taxan:
a) Sare u qaadidda iyo gacan ku haynta xaaladda caafimaadka xoolaha
b) Ka qayb qaadashada daryeelka caafimaadka dadka
c) Tababar gelinta qaab hawleedyada iyo habraaca shahaada caalamiga ah ee caafimaadka xoolaha iyo kormeerka, ilaalinta iyo dhawrista ku dhaqankooda
d) Kifaala qaadka xannaanada iyo Daryeelka xoolaha.

 

QAAB HAWLEEDKA ADEEGGA DARYEELKA XOOLAHA
(FUNCTIONS OF THE VETERINARY SERVICE)
Xilalka adeegga daawaynta xoolaha waxaa ka mid ah:
a) Ilaalinta iyo la socodka cudurada
b) Baarista, xog warranka, war baahinta iyo sheegista cudurrada
c) Ka hortagga, xakamaynta iyo cirib tirka/dabar goynta cudurrada
d) Xakamaynta cuduradda dadka iyo xooluhu isu gudbiyaan, Naddafadda calafka iyo baaritaanka hilibka (Meat inspection).
e) Qorshaynta iyo tabaabushaha ku wajahan xaaladaha gurmadka deg-dega ah.
f) Edeg takoorka (karantiilka)
g) Baarista iyo Shahaado fayaqab siinta xoolaha dalka laga dhoofiyo iyo kuwa la soo geliyaba looguna sameeyo qaab waafaqsan nidaamka caalamiga ah.
h) La socodka/daba galka cudurrada duur joogta
i) La socodka arrimaha khuseeya daryeelka caafimaadka kalluunka biyaha beriga lagu beero
j) Xog warran u gudbinta hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka kale ee arrimahani khuseeyaan
k) Adeegyada Shaybaarka
l) Baaritaan lagu sameeyo daawada, iyo Talaalada xoolaha iyo waxyaabaha kale ee biyolojikada ah
m) Sugitaanka in xoola loo dhaqo guud ahaan si naxariis leh iyo qaab daryeel wacan leh, suuqgayntooda, daabbulidooda iyo daadgureyntooda
n) Fulinta tababarro, cilmi baaris, xirfad kordhin iyo horumarin.
o) Nidaamin, la socod iyo taageeridda dan-wadaagaha kale (sida ururrada caalamiga ah) oo ku howllan arrimaha daryeelka caafimaadka Xoolaha.

 

MAS’UULIYADDA DOWLADDA IYO TAN GAARKA AH EE HAWLAHA CAAFIMAADKA XOOLAHA
(PUBLIC AND PRIVATE SECTOR ANIMAL HEALTH SERVICES)
Adeegga caafimaadka xooluhu wuxuu ku salaysan yahay: howlaha ay fuliyaan hay’adaha dawladda, sharikadaha iyo dhakhaatiirta xoolaha ee gaarka ah.
MAS’UULIYADDA DOWLADDA IYO KUWA GAARKA AH
(RESPONSIBILITIES OF THE PUBLIC AND PRIVATE SECTORS)
1) Xilalka iyo kaalimaha khuseeya sektorada gaarka ahi waxay ka kooban yihiin.
a) Hawlaha shaybaarrada.
b) Dibad ka keenista (soo dejinta), qaybinta, suuqgaynta, bakhaar ku keydinta iyo ganacsiga tafaariiqda ah ee daawada xoolaha, kiimikada iyo qalabka loo adeegsado hawlaha xannaanada iyo caafimaadka xoolaha.
c) Maaraynta sharikadaha wax soo saarka iyo ganacsiga xoolaha iyo bedeecooyinka la xiriira, sida baayac mushtarka xoolaha nool iyo waxyaalaha xoolaha ka soo baxa sida (caanaha, hilibka iyo hargaha iyo saamaha iwm)
2) Xilalka hawlaha daryeelka caafimaadka xoolaha (Qod. 2.1.2) ee aan ku tilmaaney hawlaha hoos yimaada sektorka "Gaarka ah" (Qod.2.2.2) waxay hoos tegayaan dowladda, laakiinse fulinta hawlahaasi "Guud" waxaa loo wakiilan karaa amase qandaraas lagu siin kara Sektorka gaarka ah. Islamarkaasna "Maamulka guud ee daryeelka caafimaadka Xoolahu" wuxuu gacanta ku haynayaa nidaaminta iyo kormeerka (Control) hawlahaasi.
3) Maamulka daryeelka caafimaadka xooluhu wuxuu abuurayaa Jawi dhiirri gelinaya horumarinta sektorka gaarka ah, iyo markay suurto gal tahayba inuu xilalkiisi ku wareejo sektorka gaar ka ah, taas waxaa loola jeedaa: Maamulka guud wuxuu hawlihiisa qandaraas ku siin karaa dhakhaatiirta xoolaha ee madaxa banaan, sharikad amase urur gaar ah oo khibrad xirfadeed sare leh oo qalabka loo baahan yahay haysta.
Maamulka guud wuxuu awood u yeelan karaa fulinta adeegyo kale oo hawlaha caafimaadka xoolaha la xiriira isaga oo kharash iska bixinteeda (Cost Recovery) ka qaadaya mar allaale markii ay suurto gasho cidda adeegga loo qabtay, khidmaddaasi waxaa loo qaadayaa qaabi!
qaybaha todabaadka danbe

Waxaa soo tebiyey
Muse A. Mirre

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2006