SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WARARKII APRIL 2, 2006

  • Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay magaalada kismaayo

  • C/llaahi Yuusuf oo ka codsaday Dowladda Kenya in wakilkeeda arrimaha Soomaaliya u soo wareejiso..

  • Geeddi iyo Max’ed Dheere oo isku mari waayay qodobo dhowr ah.

  • Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu qaadayo dalka Suudaan..

  • Shirkii Golaha Wasiirada oo baaqday kaddib dhallinyaro hubeysan ay....

  • Qarax taayir oo sababay dhimashada dad gaaraya..

  • Iska hor imaad ka dhacay isgooyska Km4 oo sababay dhimasho...

  • Xiisad Ka Dhalatay Dad Shalay Lagu Laayay bu,aale oo haatan  Ka Taagan Degmada Bu'aale

  • Nin Meydkiisa Laga Helay Xeebta Magalada Bosaso Oo An Lagaranayn Cid Dishay 

  • WAR SAXAAFADEED kasoo baxay SCG




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay magaalada kismaayo
 
Waxaa magaalada Kismaayo ka da'ay roobab xoog badan oo ka billowday Habeenimadii Sabtid saqdii dhexe da'ayayna illaa subaxnimadii, roobabkaas oo ay ku diirsadeen dadka reer Kismaayo iyo nawaaxigeeda oo ay haysay abaar xoog badan.

Waxaa la arkayay jidad badan oo gudaha magaalada Kismaayo oo ay gawaaridu ka wareeganayeen biyaha roobkii habeenimadii Sabtida ee jiifa awgeed, Roobkan ayaan illaa iyo iminka la soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay iyada oo ay soo dhoweeyeen dadka reer Kismaayo.

Waxa uu roobkani ku soo beegmay xilli ay degaanka Jubbooyinka ka jirto abaar aad u kulul, isla markaasna ay dad iyo duunyaba la il darnaayeen. Shalayna waxaa roob diirsi ahi uu ka da'ay gudaha magaalada Caabudwaaq, kaasoo isagana lagu qaboobay.

Guud ahaan dadka odorosa xilliyada roobabka la heli jiray sida badan ayaa ku tilmaamaya bishan hadda billaabatay ee Abriil in ay ku soo beegmi jireen, in kasta oo roobku uu xilliga Alle qaddaro da'o.

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com


C/llaahi Yuusuf oo ka codsaday Dowladda Kenya in wakilkeeda arrimaha Soomaaliya u soo wareejiso..

Amiin Yuusuf | E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo doraad dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi waxa uu la kulmay Madaxweynaha wadanka Kenya Kipaki waxaana kulankaasi labada dhinac ay iskula soo qaadeen sidii loo sii xoojin lahaa Dowladda Kenya iyo Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyay Kipaki siada hagar la’aanta ah oo ay mar kata u garab taagan yihiin Dowladda Federaalka, waxa uuna ka codsaday Madaxweynayha Kenya in wakiilkooda Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey uu u soo wareego dhinaca Soomaaliya uuna furo xafiiska xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya, arrintaas waxaa si aad ah u soo dhaweeyay Madaxweyne Kipaki oo sheegay in si dhaqsi leh arrintaas loogu dhaqaaqi doono. Sidoo kale wada uu Dowladda Kenya C/llaahi Yuusuf uga mahadceliyay sida ay u dooneyso in Soomaaliya nabad loogu soo dabaalo, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyay tababar dhawaan loogu qaban doono Magaalada Mombassa labo boqol oo Askari oo ilaalo u noqon doona Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi. Labadan boqol ayaa madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhawaan si deg deg ah loogu qaadi doono Magaalada Mombassa, waxa uuna sheegay in tababarkaan marka uu u soo gebgaboobo tababar kale loogu qaadi Magaalada Roma ee cariga Talyaaniga. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa kalloo uu sheegay in heshiiskii  ay la galeen Midowga Yurub uu ahaa mid ay si weyn uga faa’iideysan doonto Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Midowga Yurub ay gacan ka gaysan doonaan arrimaha amniga iyo dib u soo celinta adeegyadii Qaranka.  

Geeddi iyo Max’ed Dheere oo isku mari waayay qodobo dhowr..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo haatan ku sugan Magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya oo halkaasi dhawaan kulan kula yeeshay Guddomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed  Dheere oo ay ka wada hadleen khilaafyo soo kala dhex galay Dowladda iyo Max’ed Dheere.

Kulankaan ayaa si aad ah la isugu mari waayay, kaddib markii uu Max’ed Dheere uu soo jeediyay in Geeddi uu ku soo biiro dhinacooda, taasoo uu si aad ah u diiday Ra’isul Wasaare Geeddi, sidoo kale waxaa la isku mari waayay  arrin ahayd in Geeddi uu cambaareeyo Maxkamadaha Islaamiga ah uuna ku tilmaamo kooxo argagixiso ah, taasoo la sheegay in ay u cuntami weysay Ra’isul Wasaare Geedi.

Qodob kale oo isna la isku mari waayay ayaa waxa uu ahaa kaddib markii uu Max’ed Dheere soo jeediyay in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow), uuna u magacaabo Max’ed Cusmaan Dhagax Tuur, taasoo oo uu Geeddi ku gacan seyray.

Waxaa labada nin u kala dab qaadaya Wasiirka qorsheynta C/risaaq Jurile waxaana la sheegay in Geedi uu ka codsaday Max’ed Dheere in taageero Dowladda Federaalka, wixii horey loogu gaystayna si dhaqsi ah loogu raaligelin doono, taas oo la sheegay in uu ku qanci waayay Max’ed Dheere.  

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu qaadayo dalka Suudaan..

Saraakiil Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 231 ayaa tababar loogu qaadi doonaa dalka Suudan, iyagoo halkaasi ku maqnaan doona mudo saddex bilood ah.

Saraakiishaas ayaa waxaa halkaas lagu soo barayaa arrimo la xiriira dhinaca maamulka iyo sharciyo la xiriira dhinaca Booliiska, waxayna beeluhu u qaybsadeen sidatan:

Beelaha Digil iyo Mirile 51, Beesha Daarood 51, Beesha Hawiye 51, Beesha Dir 51 iyo  Beelaha Isbahaysiga oo iyana la siiyay 26 xubnood, hase yeeshee aad ayay uga caroodeen arrintaani kuna tilmaameen mid cadaalad daro ah, waxayse su’aale ka taagan qaabka ay beelaha Waaweyn u qaybsan donaan soo xulidda Saraakiishaasi oo Dowladda Suudaan si deg deg ah u dooneyso, waxaana tababarkaan soo dhameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka qaybgalay kulankii Jaamacadda Carabta ee dhawaan lagu soo gebaga-beeyay dalka suudaan.

Shirkii Golaha Wasiirada oo baaqday kaddib dhallinyaro hubeysan ay....

Shir ay shalay isugu imaan lahaayeen Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa baajiyay shirkaasi kooxo maleeshiyo ah oo diiday in shirka halkaasi lagu qabto.

Kooxaha Maleeshiyada ah ayaa la sheegay in ay shirkaasi u baajiyeen sababo la xiriira arrimo dhaqaale, hase yeeshee waxaa markii dambe halakasi yimid ciidamada Nabadgelyada ee Magaalada Baydhabo kuwaasoo ku guuleystay in gacana lagu dhigo kooxihii maleeshiyada ahaa ee hor istaagay kulankaasi, kuwaasoo haatan ku xiran Xabsiga Magaalada Baydhabo.

Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Baydhabo ayaa ah maalmahan mid aan la isku haley karaneyn kaddib markii todobaadkii hore ay kooxo maleeshiyo ah dhaceen gaari uu watay wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa iyana moobeelo laga dhacay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo marayay bartamaha Magaalada Baydhabo. 

Qarax taayir oo sababay dhimashada dad gaaraya..

Maalintii shalay ahayd ayaa Goomeyste ku yaala Xaafadda Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax aad u weynaa oo si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa lagu sheegay in uu ahaa Taayar, oo la sheegay in aaryadii oo ka badatay uu qarax sameeyay, iyadoo lagu jiro xili aad u kuleylo ah, waxaana qaraxaasi ku geeryooday saddex qof oo ka dhawaa goobta uu qaraxaasi ka dhacay.

Dadweynaha deegaanka ayay la yaab ku noqotay in taayar qarxay uu sababo dhimashada saddex qof, hase yeeshee dadka qaar ayaa waxay sheegeen in qaraxaani uu ahaa Bam, waxaase caddeeyay ninkii Goomeystaha ahaa oo sheegay in qaraxu uu ahaa Taayar ay aaryadu ka badatay.

Marka la gaaro xiliga kuleylaha Gawaarida Magaalada Muqdisho waxaa soo wajaha qaraxyo taasoo taasoo ay dhibaato ku qabaan Gaadiidleyda, Mar aan wax ka weydiiyay nin ka mid ah raga Goomiistayaasha ah in qarax taayar uu sababi karo Dhibaato intaan la eg, waxa uu sheegay in mararka qaarkood ay dhici karto in taayarada qaarkood gaar ahaan kuwa waaweyn ay sababi karaan dhimasho fara badan, waxa uuna u soo jeediyay Dadweynaha ay ka ak dheeraa-daan xiliyada noocaan oo kale ah goobta goomiistayaasha ee lagu aaryeeyo taayarada.  

Iska hor imaad ka dhacay isgooyska Km4 oo sababay dhimasho...

Maalintii shalay ahayd ayaa Isgooyska KM4 oo ah isgooys inta badn mashquul ah ayaa waxaa ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay koox wadatay gaari kuwa biyaha qaada ah oo ay la laheyd shirkadda Caafi iyo Koox maleeshiyo ah oo ku sugneynd Isgooyskaasi, waxaana iska hor imaadkaasi ku dhintay labo qof oo uu mid uu ahaa maleeshiyadii ku sugneyd isgooyska halka midka kalana uu ahaa qof rayid ah oo marayay wadadaasi.

Isgooyska oo maalmahan ku soo badanayeen kooxo maleeshiyo ah ayaa maalintii doraad ahayd taliyaha Ciidamada halkaasi ku sugan waxa uu sheegay in isgooyskaasi aysan soo mari karo gawaarida daaalka oo ay leeyihiin kooxaha isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada.

Isgooyskaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo daacad u ah C/rashiid Ilqeyte oo xubin ka ah isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaa waxay horey uga qabsadeen bishii November ciidamo ay lahayd maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan.

Maalmahan waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay kooxo maleeshiyo ah oo xirayay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana maalintii shalay ahayd la xiray dhamaan wadooyinkii soo galayay xaafadda Xamarweyne, waxaana loo diiday in halkaasi ay soo galaan baabuurka dagaalka ee kooxaha isku sheegay la dagalanka argagixisada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo manta ku soo fool leh Magaalada Baydhaybo...

Gddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka qaybgalay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee dhawaan lagu soo gabegabeeyay dalka Suudaan ayaa la filayaa in uu manta dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu ka qaybgalay shir madaxeedkaasi waxa uu u soo jeediyay wadamada Jaamacadda Carabta in ay dowladda Federaalka ka kaalmeeyaan dhinaca amniga iyo dib u soo celintii kaabayaashii Dowladda.

Waxaa Magaalada Baydhabo haatan ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo maalintii doraad ahayd Magaalada Baydhabo uu dib ugu soo laabtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagau Wadanka Belgium heshiis kula soo saxiixday Midowga Yurub kaasoo ku kacaya Malaayiin Doolar oo midowga Yurub ugu talagashay in ay Soomaaliya uga fuliso mashaariic deg deg ah iyo kuwo fogba.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid faa’iido weyn ugu fadhiya Dowladda Federaalka

Mowlaca Shiikh Muxiyadiin oo uu ka soconayo dadaalkii heshiisiineed ee laga dhex waday...

Mowlaca Shiikh Muxiyadiin Cili ayaa waxaa weli ka socda kulankii lagu heshiisiinaya Ganacsade Bashiir Raage oo gacan ka helaya kooxaha la dagaalanka Argagixisada iyo Abuukar Cumar Caddaani  oo isna gacan ka helayay Maxkamadaha Islaamiga ah.

Kulankaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Culuma’udiinka iyo Odoyaasha dhaqanka ee Beesha Mudulood ayaa waxay sheegeen guddigaasi in howlihi nabadeynta ay u socdaan sidii loogu talagalay, dhawaana laga soo saari doono go’aano dhaxal-gal ah.

Guddiga dhex dhexaadinta oo howshiisu mar ay hakad gashay kaddib markii uu shirku isaga baxay mid ka ah guddigaasi oo lagu magacaabo Shiikh C/qaadir Soomow ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka soo baxaan kulankaasi natiijooyin waxtar u noqon doona dadweynaha ku nool Gobalka Banaadir oo ay daashadeen dagaalo sokeeye oo soo noqnoqday oo waliba aan dhamaad lahay.  

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Xiisad Ka Dhalatay Dad Shalay Lagu Laayay bu,aale oo haatan  Ka Taagan Degmada Bu'aale

Seddex qof ayaa lagu dilay mid kalena waa uu ku dhaawacmay degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe shalay kadib markii maleeshiya beeleed ay weerareen nimankan sida uu somalitalk  u xaqiijiyay nin ka mid ah ganacsatada degmada Bu'aale oo aan khadka fooneeyaha kula xiriiray saakay isaga oo ku sugnaa degmadaas.

Dilkan ayaa dhacay shalay galab, iyada oo la sheegay sababta dilkani inay tahay aano qabiil kadib markii dhowr jeer ay degaanka Bu’aalle ku dagaallameen beelaha wada dega degaankaa, qolyaha falkan geystayna horay looga dilay labada qof ee la kala oran jiray Ibraahim Maxamed Goodaal (Ibraahim Leysaan) iyo Shukri Cabdi.

Dilkaan ayaa waxa uu walaac ku dhaliyay dadweynaha ku nool Magaalada Bu’aale, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dhex maro dagaal gacan ka hadal, hase yeeshee Odyaasha deegaanka ayaa dadaal ugu jira sidii loo qaboojin lahaa xasaraddaasi inta aysan ku faafin Magaalada Bu’aale.

Warar aan la xaqiijinninna waxa ay sheegayaan in degmada Diinsoor oo ay ka soo jeedaan nimankii shalay lagu laayay degmada Bu'aale lagu qabsaday 4 qof oo reer Bu'aale ah magacyadoodana lagu sheegay Maxamed Cosoble, Faarax Sheekh Cabdi Aadan, Cismaan gaarane iyo Cabdirashiid Warsame Xasan kuwaas oo loo haysto aanada dilkii shalau, balse waxaa ku hawlan dad wax garad ah sidii loo soo deyn lahaa.

cabdi khadar Nuur | cabdiqadar84@hotmail.com


Nin Meydkiisa Laga Helay Xeebta Magalada Bosaso Oo An Lagaranayn Cid Dishay 

1/04/06: Somalitalk Bosaso Somalia 

Meydka Nin Dhalinyaro Ah Oo Dadiisa Lagu Qisay Ila Labatan Iyo Todoba Jir Ayaa Sabtidii Waabarigi Laga Helay Meel Dhinaca Bari Kaga Tosasan Dekada Magalada Bosaos Halkaasi Oo Ay Kaso Qadeen Cidanka Booliska Ee Magalada Bosaso. 

Lama garanaayo Sababta Dhabta Ah Ee Kadanbaysay Dhimashada Ninkaani, Iyadoo Jirkiisa Aysan Ku Oolin Wax Nabaro Ah Ama Dhibaato Ah Oo Mujinaaya Sida Dilka Loogu Gaystay ,  Maahan Markii Ugu Horeysay Oo Arin Noocan Oo Kala Ah Ay Kadhacdo Xebta Magaalada Bosaso Iyadoo Bilihii Udanbeyey Halkaai Laga Helay Ila Dhowr Qof Oo Cid Dishay Aan Lagaranayn.

Amaanka Magalada Bosaso Iyo Nawaaxigeeda Ayaa maalmahan k asoo darayey Iyadoo ay maalmahan iska hor imaad ka dhaceen Meel Magalada Ujirta Ila 40KM Oo Sida Lashegay Lagaqodayey Macadam.

Iidle Macalin | Bosaso Somalia


Somali Concern Group
www.somaliconcern.org

WAR SAXAAFADEED kasoo baxay SCG

1st April 2006 

ARRIMAHA MUQDISHO 

Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa doorashadii guddoomiyaha iyo duqa magaalada Gobolka Banaadir Mudane Maxamud Xasan Ali Cadde *Gaaboow”, iyadoo aan ognahay inay jiraan khilaaf haddana waxaan u aragnaa in Mudnaanta koowaad la siiyo sidii Muqdisho u heli laheyd maamul u istaaga horumarinta magaalada Muqdisho. Golaha deegaanka ee Muqdisho waxaan ku ammaaneynaa dadaalka ay u galeen sidii doorashadan u suuro gashay. Ha yeeshee, waxaan leenahay golaha deegaanka iyo guddoomiyahaba ama aan xasuusineynaa in loo baahanyahay inay noqdaan kuwo u adeega ummadda soomaaliyeed oo ay danaha guud marwalba u arkaan xalka. Waa muhiim in xubin walba uu is xisaabiyo fahmana xilka, qiimaha iyo fursadda uu u helay inuu matalo shacabka Muqdisho iyo sida loogu baahan yahay inuu xil gaar ah isaga saaro sidii ummadda looga saari lahaa marxaladda ay hadda ku jiraan, shacabka Muqdishana uu ula tartarmi lahaa shacabka caasimadaha waddamada kale. 

Cadde “Gaabow” waxaan leenahay xulo aqoonyahnno kula shaqeeya adigoo ku dooranaya aqoon, xirfad, waayoaragnimo, karti dheeraad ah iyo inay ahaadaan shaqsiyaad matali kara magaca shacabka Muqdisho. Golaha iyo Guddoomiyaha waxaan fareynaa inay si dhab ah ugu soo jeestaan sidii isbedel dhab ah looga hirgelin lahaa caasimadda Muqdisho, iyagoo ku dadaalaya inay kaashadaan qeybaha bulshada kala duwan si loo helo kalsooni waarta. Golahu ha ogaadaan inay u adeegayaan danaha shacabka degan Muqdisho, lana yimaadaan aragti dheer. Guddoomyaha Cadde Gaabow waxaan leenahay la imow dadaal ka duwan kuwii horey loo arki jiray oo sameyso aqoonyahanno cilmi baaris dhab ah ku sameeya habka ugu haboon ee loogu adeegi karo bulshada iyo sidii bulshada loogu tusi lahaa inay kaalin firfircoon ka qaataan howlaha habsami u socodka adeegyada bulshada. Waana in lala yimaadaa qorshe dheer ee lagu xalinayo caqabadaha jira iyo kuwa imaan karaba.  

SCG waxey walaac badan ka qabaan marxaladda uu maanta waddanku ku sugan yahay, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ifafaalo colaadeed ay ka muuqdaan. Waxaan aaminsanahay in Muqdishu aysan helin mudnaantii ay laheyd oo dhan walba ah, sababtana ay ugu weyn tahay in hoggaamiyeyaasha magaalada Muqdisho ay ku guuldareysteen dhan walba. Sidaas daraadeed waxaan u soo jeedinaynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga casilaan dhammaan xilalka dowladda iyo kuwa hogaaminta kooxaha maleshiyada ah ee iyaga ka amar qaata. Hogaamiyeyaashan waxaan xasuusineynaa inay mas’uul ka yihiin nabad la’aanta waddanka ka jirta, gaar ahaan caasimadda Muqdisho muddaddii 16ka sano aheyd ee la soo dhaafay. Waxaa hubaal ah in hoggaamiyeyaashan ay cunaqabteyn aad u ballaaran ay ku hayaan shacabka Muqdishu iyo iyagoon laheyn aragti dheer oo qaranimo. Haddaba hogaamiyeyaashan waxaan leenahay ogaada in hogaamiyaha dhabta ah uu yahay kan u naxa shacabkiisa fahmana sidii nabad loogu soo dabaali lahaa ummadda iyo in loo baahan yahay in la helo hogaamiyeyaal nabadeed, oo leh aragti dheer. 

Hogaamiyeyaasha Maxkamadaha iyagana waxaan fareynaa in loo baahan yahay inay noqdaan kuwo nabadda sii xoojiya oo aan loo baahneyn collaad iyo dhiig shaqsi soomaaliyeed ah oo daata. Waana inay ku dadaalaan sidii ummadda loogu baaqi lahaa nabad waarta iyagoo kaashanaya dhamaan bulshada qeybaheeda kale. Sidoo kale dhamaan qeybaha bulshada waxaan ka codsaneynaa in lala yimaado karti dheeraad ah iyo qorshe loogu soo dabaali lahaa Muqdisho nabad waarta. SCG waxey aaminsantahay in la joogo waqtigii la heli lahaa kacdoon nabadeed iyo qorshe dheer oo lagu xaliyo arrimaha dhibka badan ee jira. Waa hubaal in habka keliya ee looga bixi karo dhibta ay tahay isku duubnaan, wadajir, wada tashi, is aaminid, kala danbeyn iyo aragti dheer. 

Mahadsanidiin, 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Guddoomiyaha Somali Concern Group
Contact Address: PO Box 461, Southall, UB1 9AF, UK
Tel: 07932 722 651, e-mail: Somali@somaliconcern.org

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2006

Geeddi oo ka codsaday Mareykanka in ay xushmeeyaan Dowladiisa..
»Hay’adda CRD oo ka qaybqaadaneysa Nabadeynta G/Dhexe
»Madaxweyne C/llaahi oo dib ugu soo laabtey Baydhabo..
»Geeddi iyo Max’ed Dheere oo kulan ku yeeshay Adis-Ababa..
»Beelaha Digil iyo Mirifle oo si weyn isugu Khilaafsan qaybsiga
»Tartan loogu jiro Guddoomiya ku xigeenada G/Banaadir...
»Saddex qof oo aano qabiil loogu dilay Bu’aale...
»Hay’adda Khaliif Huudow oo warbixin soo saartay...
»Meles oo Eritrea ku eedeeyay qaraxyada dalkiisa ka dhaca
Wararka oo dhan ka akhri halkan... April 1

Shirkadda Xawaalada ee Global Money Transfer oo xustey Sannad Guuradeydii 4 aad