SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sahro Xasan Axmed “Walaashey Nuurto Xasan waxay si sharci darro ah saddex sano ugu xiran tahay xabsi ku yaalla dalka Yemen”


Sahro Xasan Axmed oo ah Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool magaallada Muqdisho, kana tirsanaan jirtay Shaqaalihii Hay’adda Save the Children Fund UK (SCF) ayaa mar ay Wargeyska Ayaamaha iyo SomaliTalk la soo xiriirtay waxa ay cabasho xoog leh ka muujisay xaaladda walaasheed ka weyn oo ah Curaddii qoyskooda oo si sharci darro ah muddo saddex sano ah ugu xiran xabsi ku yaalla dalka Yemen, waxaana Sahro Xasan Axmed hadalkeedii ay ku billowday sidatan:-

“Nuurto Xasan Axmed waa walaashey  iga weyn, waxay 1964-kii ku dhalatay magaallada Muqdisho, waxay ka soo baxday oo ay wax ka soo baratay Dugsiga Hoose Dhexe ee 8-da Maarso, waxay soo martay 2-sano oo tababar macallinimo ah oo ay ku soo qaadatay Dugsigii Tababarka Macallimiinta ee Xalane, waxa ay macallin ka noqotay oo lagu qoray Dugsiga H/Dhexe ee Xaawo Taako ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo halkaa macallimad ka ahayd illaa ay ka dhacday xukuumaddii Madaxweynihii hore ee dalka Max’ed Siyaad Barre, waxaana markii ay dalka ka dheceen dagaalladii sokeeye ay Nuurto ka mid noqotay dadkii ka cararay dalka, waxaana ay Qaxooti ahaan u tagtay dalka Yemen sanadkii 1992-kii, in muddo ahna waxaan kaga war qabnay dalkaasi Yemen, Nuurto waxa ay soo martay laba Guur, waxayna dhashay 2-wiil oo midkii curadka ahaa uu ka geeriyooday, halka mid kale oo lagu magacaabo C/waaxid Ibraahim Cabdi (Shiikhunaa) oo dhashay 1983-kii uu haatan ku nool yahay magaallada Nairobi ee dalka Kenya”.

Sahro oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxay tiri “01/08/2003-dii ayaa waxaan ka war helnay in Nuurto Xasan la xiray markii lagu soo eedeeyey in ay wax ka ogeyd dilka wiil yar oo 7-sano jir ah oo isagoo meyd ah, isla markaana la fara xumeeyey ay ciidammada Booliska dalka Yemen ka soo heleen waddo ka mid ah waddooyinka magaallada Sanca, Wiilkan yar ee la dilay ayaa waxaa dhashay gabar ay saaxiibo yihiin Nuurto, iyadoo wiikan yar ee dambigiisa loo heysto ay Nuurto Xasan Axmed xanaaneyn jirtay, siin jirtayna meel uu seexdo iyo cunto uu cuno, markii dambena Nuurto waxay noo sheegtay in habeen habeennada ka mid ah wiilkii yaraa ay weysay iyadoo cashadii ay u diyaarisayna meel isaga dabooshay kaddib markii ay taleefoonno ku weydiisay deriskeeda wiilkii yaraa.

Waagii markii uu baryayay ayaa Askar u dhalatay Yemen ay soo garaaceen Albaabkii gurigii Nuurto Xasan iyagoo halkaana ka kaxeystay, lana beegsaday dhinaca Xabsiga, ciidammada dembi baarista ayaa halkaasi Nuurto ku weydiiyey su’aalo, hase yeeshee waxa ay u sheegtay in wiilkan yar oo ku noolaa gurigeeda uusan xalay soo seexan, Nuurto waxaa la weydiiyey in ay sheegto waxa ay ka ogtahay dilka Wiilkan yar, hase yeeshee markii ay u sheegtay in warkaasi iyaga ka hor mooyee aysan maqlin ayaa Nuurto waxaa lagu sameeyey Jirdil fara badan, iyadoo xabsigana loo diiday in laga saaro halkaasina maalin walba jirdil ay Boolisku ugu geysanayeen.

Dadka qaraabadeeda ah ee Nuurto xabsiga ku soo booqanayay ayaa iyaguna ay Boolisku ku amreen in ay Af-Soomaali kula hadli Karin Nuurto oo ay kula hadlaan Af Carabi oo keliya, ugu dambeyntii Soomaalida dalka Yemen ku nool ayaa dacwad u gudbiyey Hay’adda Qarammada Midoobay ee qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR), waxayna u sheegeen in gabar soomaali ah ku dhibban tahay xabsiga, iyadoo kaddibna hay’addii ay ka bixisay Xabsigii Jirdilka loogu geysanay waxaana ay u gudbiyeen Xabsiga ugu weyn Yemen ee ku yaalla magaallada Sanca, laguna magacaabo Markazy (Al-Markazi Prison) iyadoo halkaasina kaga nabad gashay jirdilkii iyo dhibaatadii joogtada ahayd ee loo geysan jiray.   

Dhinaca kale Meydka wiilkii yaraa ayaa waxa uu Talaajad ku jiray muddo 5-bilood ah oo baaritaan lagu sameynayay Nuurto Xasan Axmed oo xitaa Fareheeda laga baaray in ay ku lug lahayd dilka wiilkii yaraa, hase yeeshee lagu waayay sida ay noo sheegtay walaasheed Sahro Xasan Axmed.

“Walaashey Nuurto waxaa lagu heystaa oo keliya in ay sheegto qofkii dilay wiilkaasi yar” ayay tiri Sahro Xasan oo sidoo kale noo caddeysay in Xaakimka dacwadda Walaasheed Nuurto haya lagu magacaabo Cabdalla Dynabi, Maxkamadda  Dacwadeedu taallana ay ku taallo Koonfur Bari, waxaa kale oo ay sheegtay in dacwaddan lagala xiriiri karo Askari ka tirsan Xabsiga Markazy oo lagu magacaabo Max’ed C/wahaab Cabdi Siciid, Tel: 00967711659787.

Ugu dambeyntiina waxay Sahro Xasan Axmed ka codsanaysaa Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha, Urur Goboleedyada, DKGM ah iyo shaqsi walba oo Soomaali ah oo gacan ka geysan kara dib u soo celinta Xoriyadda Walaasheed in ay gacan ka geystaan, waxaana Sahro lagala xiriiri karaa; Tel: 633682 ama e-mail: qaala2@hotmail.com.

Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD