SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta..


Axmed Nuur Xasan Cabdule.









Guddoomiye ku xigeenka kooxda Elman FC Axmed –Nuur Xasan C/lle oo ah Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa shaley kulan qado ah la qaatay kooxaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxuhu u aqbaleen codsigiisa ku aadan Jagada Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

“Musharaxnimadeyda Guddoomiye ku xigeen waxaa igu dhaliyay taageerayaal badan, haddii aad i doorataan wax qalad ah ma dhici doono” ayuu yiri Axmed-Nuur oo ay rajo wanaagsan u muujiyeen codbixiyeyaasha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Waxa uu sheegay Axmed-Nuur in saaxiibo Soomaaliyeed ay ku dhiiri- geliyeen sidii uu uga mid naoqon lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagt, isagoo sheegay inuu niyad fiican oo taageero ah ka heysto saaxiibadaas.

“Waxaan ka soo qeyb-galay ciyaaro badan oo CECAFA ka tirsan oo xulkeena iyo kooxda Elman ay ka qeyb qaadanayeen, anigoo taageero ahaan uga soo qeybgalay, iyadoo aysan jirin cid dhaqaale ugu siineysa, waxaana u huray waqtigeyga, haddana waan u hurayaa, waayo safar dheer oo ilaa Yurub iyo Africa ah cid micno la’aan ku imaanysaa ma jirto, hase ahaatee aniga waan sameeyay waana sameyn doonaa” ayuu sii daba dhigay Axmed nuur hadalkiisii.

Axmed Nuur waxa uu sheegay December 2005 markii uu London ka soo waday Ciyaaryahanada Soomaalida ah oo ka qeyb ka qaatay ciyaarihii Xulka Qaranka uu ka qeyb-qaatay in fikirkaas ah ka mid noqoshada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu ku dhashay, “Haddii aad I doorataan waad igu faa’iideysaan ee iguma qasaareysaan” ayuu sii daba dhigay Mr. Axmed Nuur.

Axmed oo ahaa nin si aad ah uga warhaya arrimaha Sportiga ee dalka gaar ahaan K/cagta waxa uu ka mid ahaa garsoorayaashii caanka ah ee Soomaaliyeed waxana uu dhawaan ka yimid wadanka Ingiriiska oo uu ku noolaa muddo badan, isagoo sheegay in wax weyn uu ka bedeli doono Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta haddii uu ka midnoqdo.

Waxaa kale oo xafladdii maanta ka hadlay Xasan Axmed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Xooxda Elman, waxaana uu sheegay in kooxaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta looga baahan yahay in ay doortaan maamul wanaagsan maadaama, FIFA iyo CAF ay u aqoonsadeen 25-keenaan Naadi, waxaana na lookaga baahan yahay in aan ogaano in aan nahay dad badbaadin kara Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, sidoo kale Xasan waxa uu ka hadlay arrimaha musharaxa, isagoo caddeeyay in uu la qaybsanayo musharaxiinta kale, isla markaana looga baahan yahay in haddii uu ku guuleysto iyo haddii ku guuleysan waayaba uu xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ugu shaaqeeyo sidii uu horeyba ugu shaqeynayay.

Waxaa kalloo xafladdaasi ka hadlay Mudane Caddaay oo ah guddoomiye ku xigeenka Ururka Kooxaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxa uuna sheegay in nasiibka aanu liidan doonin, maadaama aanu araagnay aqoontiisa, waxa uuna sheegay in ay soo dhaweyanyaan musharnimadiisa ku aadan Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, ayna kooxuhu u baahan yihiin shaqsi isagoo kale ah.

Name: Axmed Nuur Xasan Cabdule.

DOB: 06/6/1964.

POB: Mogadishu.

Marital Status: Married.

Nationality: Naturalized Somali-British.

EDUCATIONAL BACKGROUND:

1969-1972 Primary School.

1972-1976 Middle School.

1976-1980 Secondary School.

1989-1991 Uxbridge And action College in London.

1981-1982 Engineering Univ. (Not Completed).

1986-1988 BA. Lafoole Faculty of Education.

2001-2002 MA. Business And Administration.

BACKGROUND EXPERIENCE:

1983-1988 Civil servant, Ministry of higher education.

1991-9195 Supervisor, an Engineering factory-UK.

1995-2004 Business Man, London UK.

1997-1999 Somali Community adviser Youth program.

1999-2004 SUSCA (Somali united sports and Culture Ass.) London UK.

2000-2001 Advise to Local Police on Tackling Youth Crime. UK.

2004-2006 vice-chair of Elman Football Club.

SPECIAL TRAINING:

1980-1981 Second division football player (Wagad).

1985-1988 Soccer Referee.

1996........ Two weeks Seminar Community Program. UK.

1997........ Two days workshop Youth drug abuse. UK.

LANGUAGES

English. Somali. Italy. And Arabic

Waxaa isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2006


Musharaxa Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray Kooxaha K/cagta
Hotel Ramadaan waxaa ka dhacday Xaflad qado ah oo loo sameeyay 24-ka Kooxood ee iyagu ka qayb-qaadanaya doorashada.. Guji... Apr 4

Amiin Yuusuf Khasaaro oo isu sharaxay in uu ka mid noqdo Guddiga Fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta.
Waxaa bisha May la qaban doonaan doorashadii xubnihii hogaamin lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kaddib markii uu dhowr sano uu ka taagnaa khilaaf iyo is qabqabsi waxaana markii dambe la go’aamiyay in doorasho la qabto, waxaana go’aamiyay xiriirka K/caga ee Adduunka FIFA... Akhri...


Minneapolis: Masjidka Dar-Alhijra oo $400,000 kulasoo Wareegey Dhismihii
Waxaa farxad u ah maamulka Masjidka Dar-Alhijra ee magaalada Minneapolis, USA in ay idinla socodsiiyaan in dhismihii beeca ahaa uu si rasmi ah ugu soo... Warka iyo Sawirada Xaflada ... Guji...