SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  •  KULAN KA DHACAY HOTEL AMBASSADOR OO LOOGA HADLAYEY KOBCINTA WAXBARASHADA IYO XIRIIRKA WAXBARASHO EE DALKA SUUDAAN
  • Xaafada Radeerka ee degmada Dayniile oo ay soo booqdeen xubna sar sare ee Ururka USCda 

KULAN KA DHACAY HOTEL AMASSADOR OO LOOGA HADLAYEY KOBCINTA WAXBARASHADA IYO XIRIIRKA WAXBARASHO EE DALKA SUUDAAN

Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabisay hay’adda waxbarashada ee SAFE.

Kullankan oo uu ugu horeyntii ka warbixiyey guddoomiyihii hore ee dalladda SAFE Cabdixaliim Maxamed Sh. Hadane ah xoghayaha waxbarashada ee isla daladaas Ayaa ka sheegay in sanadadii 1998dii la aasaasay waxaana lagu bilaabay 8 dugsi hadana waxey ka kooban tahay 57,  dugsi 28 kun ardey ayaa wax ka baratey 635 macalin ayaa maanta shaqo ka haya tirada dugsiyada sare waa 17 dugsi sanadkii uhoreeyey waa 35 arday oo hadda dhameeyey jamacada shaqona ka hayo dalka,  2000 /2001 ay ka qalin jabiyeen 917 arday, waad garan kartaa inta u dhaxeyso tiradaas . 


sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sheegay in dallada SAFE ay kobciso arday soomaaliyeed oo badan. Hada unesco ayaa ugu horeysey

wuxuu sheegay shirkada nation line in ay dayactir ku samaysey dugsi ka mid ah dugsiyada safe ee la yiraahdo hantiwadaag waa hay.ada kaliye ee gacan nagasiisey dayactirka dugsigaasi, dowlada suudaan ayaa kaalin weyn ka geysatey sidii loo hor marin lahaa dalada waxbarashada ee safe. 

Kulankan oo ahaa mid ah ka soo qeybgaleen ururo badan oo ku bahoobay dallada waxbarashada oo ay ka mid yihiin Tubta Nabadda, Fpens, IDA, CRD, hay’adda SOCDA, TUBTA NABADA ,UNESCO  Shirkadda Nationlink, rabidada Islaamka, Jaamacada Nileynee dalka suudaan , iyo jaamacadaha Magaalada muqdisho, ayaa dhammaantood ku wada amaanay dallada SAFE in ay tahay mid wax weyn u gasha bulshada soomaaliyeed.


Xooghayahay guud ee dalada waxbarashada ee safe dr xusen calas  ayaa u mahada celiyey dhamaan hay.adaha aan kor ku sooo sheegnay , 

Ugu danbeytiina wuxuu baaq u soo jeediyey warshadaha yaryar ee dalka ka jira sida kookada iyo biyaha la nadiifiyey  in ay isku tiirsadaan si la isula wada shaqeysto . 

Sidoo kale waxaa halkaa hadal ka jeediyey Wakiilka Safiirka dalka Suudaan Xaydar Ibrahim Yaxya oo sheegay in ay ardayda soomaaliyeed ee ka barata dallada SAFE ay u samayn doonaan shahaadooyin caalami ah oo laga soo sameeyay dalka Suudaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay Mr. Yaxya in ay waxbarasho iyo qalabaynba ay la garab istaagayaan Dallada SAFE. 

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay madaxa raabidada Islaamka Ikram Maxamed Ikram oo u dhashay dalkaasi suudaan ayaa sheegay sida ay isaga kaashanayaan dalka suudaan iyo SAFE sidii ardayda dalladani ay waxbarasho heer sare ah u heli lahaayeen, waxaa kale oo uu xusay inuu soo maray gobolo badan oo soomaaliya ka mid ah oo abaaro ba’ani ay ku habsadeen,  isla markaane uu isagu indhihiisa ku soo arkey dhalinyaro jidgooyooyin jidka dhigtey wuxuua yiri kuwaasi danbi ma leh ee waxaa danbiga iska leh waalidiintiin dhalay oo wax bari waayey waxaana isku dayayaan in ay gaarsiiyaan wixii karaankooda ah.wuxuu hadalkiisa ku soo koobey mahadcelin iyo isaga ooyiri suudaan somaliya waxey diyaar ula tahay intaa iyo in ka badan oo wax tar u leh umada somaliyeed , 


Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadal ka jeediyey guddoomiyaha xilligan ee dalladda SAFE C/raxmaan Macallin Axmed  ayaa wuxuu mahad celin balaaran u soo jeediyey marti sharaftii ka soo qeybgashay kulankaan, wuxuu kaloo mahad balaaran u soo jeediyey hay’adaha wadaniga ah CRD, SOCDA, iyo Tubta nabadda oo uu sheegay in ay ku  garab taagan yihiin wixii ay awoodaan.

Soodaan waxey sheegtey in ay isu dhigmaan shahaadada ay bixiso soodaan iyo tan laga bixiyo dalada waxbarashada ee safe wuxuuna carabka ku adkeeyey gudoomiyuhu in ay ka taxadireen in shahaadada la macmalo isaga oo yiri marnaba ma dhaceyso in ay u sinaadaan shahaadada  qof wax soo bartey iyo qof kabarka dushiisa tegay isaga oo sita labaatan kun shilin Somali ah.

waxaa kale oo uu guddoomiyihu canbaareyn dusha kaga tuuray kuwa afduubtay ardayga da’da yar ee shalay laga afduubtay jidka isagoo ku sii socda Dugsiga.

Soodaan waa saaxiibka dhabta ah ee somaaliyeed ayu ku soo gabagabeeyey .

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa ku dhacay jawi aad u wanaagsan oo ay ka muuqato wejiyadii ka soo qeybgalay farxad iyo is afgarad.

Xaafada Radeerka ee degmada Dayniile oo ay soo booqdeen xubna sar sare ee Ururka USCda 

Waxaa Khamiistii gaarey xaafada loo yaqaan Raadeerka ee degmada Deyniile wafdi kormeer ah oo ka socda ururka U.S.C oo uu madaxda ka yahay Maxamed Qanyare Afrax. 

Wafdigu wuxuu u kuur galayey waxyeeladii soo gaarey xaafada Raadeerka kana soo gaarey dagaaladi dhawaan ka dhacay xaafadaas kuwaas oo u dhaxeeyey ururka isku magacaabay "soocelinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada" iyo qaar ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaanka .

 

Wafdigu wuxuu indhihiisa ku soo arkey waxyeelo soo gaartey masjidka Alraxma iyo meelo kale oo u soo gaarey burbur lixaad leh wuxuuna balanqaaday ururku in ay dib u dhisi doonaan isla markaana waxaa kale oo uu balan qaaday ururku in ay dhameystiri doonaan ceel ku yaalo masjidka gudihiisa kaasoo horey qabyo ugu ahaa masjidka oo dhaqaalo loo waayey wax qabadkaan ayey ugu magacdareen ururku barnaamijka arimaha bulshada .

 

Wafdigu waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in uu meelaha kale oo uu burburku ka soo gaaray dagaaladii dhawaan ka dhacay xaafada ay dib u dhis ku sameyndoonaan . 

Dadweynaha xaafaduna aad ayey ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen . 

Ugu danbeytii dadka xaafada ayaa uga mahadceliyey balanqaadkaa iyaga oo xusey in ay yihiin dadkii ugu horeeyey ee nala soo xiriirey wixii ka danbeeyey dagaaladii halkaasi ka dhacey waxaan oo dhan waxey dhacayaan xili ay xiran yihiin wadada hormarta wasaaradii gaashaan dhiga iyo isgoyska kuliyadii jaale siyaad tii yoo dhinaca kalana uu baaad tuuran yahay isgoyska ex koontrol afgooye iyo inta u dhaxeyso warshadii kabka . 

Isbaheysiga ayaa waday maalmahaan dib u dhis iyo soo jiidasho shacabka ah iyadoona ay dhawaan dib u qalabeyeen isbitaalka Dayniile kasoo ah mid hadda si wacan u shaqeeyo. 

MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2006