SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

WARSAXAAFADEED::::


 

Bootaan Barre Samatar
Warsaxaafadeed uu soo saaray Bootaan Barre Samatar oo kusaabsan Arrintii ka Dhacday Deegaanka Buruc....

Afhayeenka Beesha Jambeel (Darood)


Buruc waxay u dhexaysaa Boosaaso iyo Qandala...

April 16, 2006

 
Taariikhdu markay ahayd 12.04.2006 ayaa dagaal si lama filaan ahi uu uga dhacay meel u dhow magaalada Buruc oo layiraahdo Qoriga, halkaas oo ay isku dheceen laba belood oo meeshaa diris ka ah oo wada dega degmada Qandala.

Waxaan cadeynaynaa dagaalkaas inaanay wax luga ah ku kalahayn dawladda uu madaxda kayahay Cade Muuse sida ay sheegtay idaacadaha Xamar, waxaanu beeninaynaa hadaanu nahay beesha Jambeel (Darood) ee degta magaalada Buruc warkii ay siidayeen Idaacadaha Xamar ee laga faafiyey taariikhdu markay ahayd 12.04.2006 oo ahaa in Boosaaso ay dooniyi kabaxday kuna baxday aagga doontaas oo sida ay sheegeen ay saarnaayeen ciidamada madaxtooyada, oo ay yiraahdeen nin ayaa ciidamada kaga dhintay nina waa kaga dhaawacmay, waxaanu cadaynaynaa marlabaad warkaas xamar laga soo weriyey inaanu sal iyo raad toona lahay.

Labadii beelood oo dhibtu kadhacdayna waa ay ka heshiiyeen dhibkii soo kala gaarey.

Xaqiiqadu waxay ahayd in arrinta dhacday ay la xiriirto deegaan, halkaasna uu ku dhintay nin deegaanka ah. Halkaasna aaney tegin ama ku lug yeelan ciidamada Puntland. Arrintasna hadda nabad lagu soo afjaray.

Bootaan Barre Samanter
Afhayeenka Beesha Jambeel (Darood)

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2006