SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Maxamed "Abgaalow" oo Tacsi u diray eheladii Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac


Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow":

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota, waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo Qaraabadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey marxuum
Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac. Waxaan marxuumka Allah uga baryayaa in uu janadii ka waraabiyo, ehelkiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin. EMail: E-mailka: abgaalow56@hotmail.com | Feb 19, 2006


 Soomaalida magaalada Stockholm oo Tacsi u diray Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun 

Isu imaatan balaadhan oo loogu duceeyaye Eebena dembi dhaaf loogu weeydiiyey Rabi haw naxariistee Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac ayaa ka dhacay koonfurta magaalada Stockholm, taariikhdu markay ahyd 18 feb 06. Kulankan oo aaney soomaalida ku dhaqan magaalada Stockholm  ukala hadhin waxaa eryo qiimo leh ka jeediyey Shiikh Cabdi. Isagoo si gabaan uga hadlay taariikhdii marxuumka kuna tilmaamay ruux QIIMA LEH OO QARANKA SOOMAALIYEED KA BAXAY. 



Intaa dabadeed ayaa shiikh Cabdi iyo dad weeynihii soomaaliyeed ee tacsida isugu yimi  si wada jir ah dembi dhaaf ugu weeydiiyeen marxuumka. Tacsina ugu direen dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaana ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac. 

Dadweeynihii ka soo qeyb galay oo aa la soo koobi karin haddana waxaa ka mid ahaa, odayaal soomaliyeed oo magac ku leh bulsho weynta soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa: 

  • 1: Boqor Cabdillaahi Boqor Muuse(King Kong)
  • 2: Garaad Abshir  Saalax
  • 3: Jaamac Maxamed Aadan(Jaamac Ruush)
  • 4: Ing Maxamed Cali Mirre
  • 5: Liiban M Shariif(dhegacade)
  • 6: Adan Xaashi
  • 7: Dr Cali Hiirad
  • 8: Cabdillahi Faarax
  • 9: Mudane Cawaale
  • 10: Axmed Saleeban

Ugu danbeyntii waxaan eebe uga baryaynaa in uu marxuumka janada ka waraabiyo dembigiisana dhaafo. Amiin. 

Waxaa qoraalkan soo diyaariyey isagaoo ku hadlaya dhamaan magaca soomaalida ku dhaqan magaalada Stockholm  Liiban Maxamed Shariif (dhegacade) EMail: somalia60@hotmail.com | Feb 19, 2006


 

Garaad C/qani Oo Jimcihii (Feb 10, 2006) Lagu Aasay Laascaanood, Taarikh Nololeedki Garadka...


Sidee loo aasay Marxuun Garaad C/qani Garaad jaamac  yaase ka soo qayb galay tacsidiisii
 
Laascaanood/jimce
Alle haw naxariistee Waxaa subaxnimadi Jimcada 9/2/06 abaaro 11 barqonimo soo caga dhigatey garoonka diyaaradaha ee magaalada laascaanood diyaaradii siday meyka marxuun Garaad C/qani garaad jaamac oo isagu ku geeriyooday wadanka jabuuti mudana halkaa u joogay hawlo caafimaad.Waxaana saaka ku waa bariistay garoonka ilaa boqolaal qof oo iyagu kakala yimi deegaamo fogfog marka laga reebo magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacayo . 

 
Markii ay diyaaradu soo caga dhigatay ayaa waxaa sidii caadadu ahayd diyaarada hoosteeda yimi isimo isugu jira garaado deegaamada SSC ah iyo Boqoro iyo suldaano ka socda somaliland waxaana hogaaminayey Garaad Saleebaan Garaad Max’ed Garaad C/laahi Soofe Duraan,Suldaan Saciid Cismaan Cali,Garaad C/salaam Xasan Max’ed ,Garaad Max’uud Mashqare ,Garaad Saleebaan Buraale,Dhanka somaliland waxaa hogaaminayey Boqor Cismaan Ismaaciil (Buurmadow) Sulaad Max’uud Xaaji Nuur,Suldaan C/raxmaan Qodax oo iyaguna ka soo kicitimay magaalada hargeysa.
 
Hadaba geerida garaadka ayaa waxa kale oo iyaguna yimi wasiiro iyo xubno baarlamaanka iyo guurtida somaliland  oo ay ka mid ahaayeen,Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe,Wasiirka horumarinta Reer miyiga Fu’aad Aadan Cade,Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliland Baashe Max'ed Cadde,Xildhibaan Saleebaan Cali Koore,Xildhibaan Max’ed Jaamac Cabdi,Xildhibaan Max’ed Axmed Cismaan Dhakool,Xamse Gaade Weyne, C/qaadir Jaamac xassan,Gudoomiyaha Maamulka Soomaaliland ugu magacaaban Gobolka Sool Cali Sandule iyo Cismaan Garaad Max'uud.
 
Sidoo kale waxaa saaka fejec ku noqotay dadweynihii isugu yimi aaska marxuunka markii indhahoodu qabteen wasiirka arimaha gudaha Axmed Cabdi Xaabsade oo ah caylada garaadka uu isagu keligii halkaa ilmaynayey hase ahaatee ayna jirin wax isimo iyo wasiiro ah oo iyagu ka soo jeeda deegaamada lagu magacaabi jiray Waqooyi Bari oo iyagu ka soo qayb galay aaska Garaad C/qani Garaad Jaamac.
 
Isla markaa dadka ka soo qayb galay aaska garaadku waxa ay isla dhex maryeen in ka soo qaby gala,aantan aysan ka soo qayb gelin isimada iyo siyaasiinta Waqooyi Bari inay tahay wax laga yaxyaxo Bashiir Cartan baa yidhi 500 kiilo mitirna waa layga soo tacsiyadeeyay 140 kiilo mitirna cidi iigama iman allaa qadaray.

 
Ugu danbayntii waxaa si sharaf iyo maamuus leh saaka loogu aasay qabuuraha magaalada garaad C/qani garaad jaamaca oo isagu ahaa nin ay tebi doonaan bulshada ku dhaqan SSC.
 
Maxamed Maxamud Gaaxnuug
gudoomiyaha ururka suxufiyiinta SSC
 
 
 Cali sandule iyo xaabsade

Casoowe,Tamaad iyo Xaabsade

Fu'aad Aadan Cadde 
 
Xaabsade iyo Fu'aad

TACSI:

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta SSC Maxamed Maxamud Gaaxnuug ku hadlaya magaca ururka suxufiyiinta SSC wuxuu halkan tacsi uga dirayaa dhamaan dadweynaha u dhashay deegaamada SSC ee iyagu ku dhaqan dibeda iyo gudahaba gaar ahaa waxaan tacsi gaara u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuunku .
 
Waxuuna leeyahay alle hawnaxariiso Garaad C/qani Garaad Jaamac oo isagu ahaa halyey ka dhintay dhamaan umada soomaaliyeed meel kastooy joogto

gahnugw@yahoo.com


Taariikh Nololeedkii Alla Haw Naxariistee Garaad C/qani Garaad Jaamac
Feb 10, 2006 
 
Laascaanood:- Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Taariikh nololeedkii Alla haw naxariistee Garaad C/qani Garaad Jaamac oo uu inoo soo diyaariyey wariye Cismaan C/nuur Xaashi
Halkan Ka dhagayso (Radiossc.net)
 
Allahaw Naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac waxaa uu  ku dhashay Magaalada Laascaanood sannadkii 1935, halkaasi oo uu ku bartey  Qur’aanka kariimka ah, waxaanu sidoo kale Dugsiga Hoose ka galay magaalada Laascaanood 1945kii, Dugsiga Dhexe waxa uu  ka galay Magaalada Shiikh sannadkii 1949.
 
Sannadkii 1953 ayuu ku biiray Macahadka Farsamada Gacanta ee Magaalada Boorame, waxaanu allahaw naxariistee Garaad C/qani waxbarashadiisa Jaamacadeed ku soo qaatey Dalka Ingiriiska dabayaaqadii sannadkii 1959, wuxuuna ka soo qalin jabiyey kuliyadda Siyaasadda.
 
Allahaw naxariistee shaqadii ugu horraysey waxaa uu Garaadku ka qabtey Bangiga waxaanu guddoomiye ku xigeen ka noqday laantii Berbera xiligii gumaystuhu haystey dalka, isla waayahaas waxuu Garaadka loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo, mar kale ayaa  Garaadka loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Berbera.
 
Allahaw naxariistee Garaad C/qani waxuu gobonnimada ka dib muddo dheer madax ka ahaa Xafiiska Danaha Soomaalida, kaasi oo uu Garaadku wax weyn ka jibo keenay.
 
Allahaw Naxariistee Garaadku wuxuu shaqada ka fadhiistey sannadkii 1981, Inta badanna waxa uu Garaadku nolashiisa ku qaatay Magaalo madaxdii Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana Garaadnimada loo caleema saaray Garaadka sannadkii 15-11-1985, iyadoo lagu caleema saaray Dooxada Geeda Qarsay ee magaalada Laascaanood, ka dib markii uu geeriyooday Garaadkii hore Garaad Cali Garaad Jaamac.
 
Garaad C/qani waxa uu ahaa Garaadkii 18aad ee dhaxla Boqortooyada Beelaha dega Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn, Garaadku waxaa uu ka mid ahaa dadka faro ku tiriska ahaa ee dhaliilay hanaankii Dawladii Kacankii Max’ed Siyaad Barre,waxaanu ka mid ahaa 114kii nin ee saxiixay Bayaankii caanka ahaa ee Maanofaysto ee 15 May sanadkii 1990 ka soo baxay magaalada Muqdisho.
 
Dawladdii Raysul-Wasaare Cumar Carte Qaalib ee aan hirgalin ee dhammaadkii sagaashanaadkii waxaa Garaadka loo magacaabay 17kii Janaayo Sannadkii 1990kii Wasiirka Arrimaha Dibadda.
 
Allahaw Naxariistee Garaadku waxii ka danbeeyey burburkii Dawladdii Soomaaliya ka dib waxaa uu ka qayb galay Shirar badan oo Soomaalida lagu nabaday nayey, waxaanu ahaa Shirkii ugu horreeyey kii ka dhacay Tuulada Oog 5tii Febaraayo ee sannadkii 1991, kaasi oo ahaa shir xabbad joojineed ee ay wada gaadheen Beelaha Waqooyiga Soomaaliya.
 
Sidoo kale waxaa uu ka qayb galay Allahaw Naxariistee Garaad C/qani Shirkii isna ka dhacay degmada Berbera, sidoo kale waxaa uu Garaadku  ka qayb galay shirkii ka dhacay Magaalada Burco sannadkii 1dii May 1991-kii, waxaa kale uu Garaad C/qani ka qayb galay labadii Shir ee gogol xaadhka iyo Dhisidii Puntland sannadkii 1998, sidoo kale waxaa uu Garaadku ka qayb galay Shirkii lagu soo dhisay Dawladdii Carta ee uu Madaxweynaha ka noqday C/qaasim Salaad Xasan sannadkii 2000.
 
Waxuu Garaadku maalinimadii Shalay Ahayd ku geeriyooday Magaalada Jabuuti, waxaanu Allahaw Naxariistee Garaadku Ifka kaga tagay Saddex wiil iyo Sagaal Caruur ah oo ay sii dhaleen, waxaana Maanta Garaadka Lagu Aaasay Xabaalaha Magaalada Laascaanood.
 
 
Ilaahay haw naxariisto Garaad C/qani Garaad Jaamac.
 
Asad Cadaani IBraahim
Radiossc.net
Laascaanood.
assadlaska@yahoo.com

sidee looga dareemay geerida garadka magaalada Qaahira

Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid garaad c/qani garaad jaamac garaad cali ayaa  si wayn looga dareemayey magaalada qaahira, iyo meelo kale iyadoo hadal haynta ugu saamaynta balaadhani ay ahayd magaalada qaahira.......................tacsidan waxaa diraya abdirizak A.ali kaneec iyo dhamaan jaaliyada SSC.ee magaalada qaahira sida

  • 1-cumar sh.cabdisataar
  • 2-c/risaaq maxmed siraad
  • 3-abdifataax aw-daahir
  • 4-adan hasan madoobe
  • 4-mahamed ahmed this
  • 5-aniisa xusen digeed
  • 6-maryan ali bare

iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee kudhaqan dalka masar waxayna garadka alaah uga baryayaan inuu janadiisa siiyo garadka alaah yaraxma

gudoomiyaha xafiiska widhwidh online ee qaahira

abdirizak A. ali kaneec qaahira masar
kaneec1@hotmail.com


Alaah ha  unaxriisto garaad c/qani garaad jaamac

Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid garaad c/qani garaad jaamac garaad cali ayaa maanta si wayn looga dareemayey magaalada muqdisho, iyo meelo kale iyadoo hadal haynta ugu saamaynta balaadhani ay ahayd magaalada muqdisho xarumaha laysugu yimaado oolaga dareemayey tiiraanyo xoogan weliba how ugu daraadeene dadka aqoonta ulahaa allaha how naxariistee garaad c/qani iyo miisaanka uu soomaalida ku lahaa.

Garaad c/qani garaad jaamac ayaa ahaa muwaadin soomaaliada taariikh ku lahaa ,allaha how naxariisto garaadka aniga oo doonaya bal inaan wax ka ogaado taarikhda uu ku lahaa koonfurta soomaaliya siiba magaaladan muqdisho ,ayaan waxaa ii suurto gashay inaan wax ka waydiiyo cali shido oo ah halgamayaashii soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan magaaladan muqdisho iyo gobolda dhexeba ,waxaana waydiiyey bal inuu wax nooga sheego allaha how naxriistee garaad c/qani garaad jaamac.

Cali shido ayaa waxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan; geeriyeey ba, waxuu ahaa garaad c/qani nin ku caan baxay run sheegis,hal adayg ,go,aan kiisa oo adkaa iyo nabdoonimo , waxuu ahaa garaad c/qani nin xeel dheere isku darsaday aqoon ,iyo waliba dhaqanka oo uu aad u yaqaanay ,cali shido ayaa waxaan kaloo waydiiyey aqoon intee le,eg ayaad u lahayd ,si weyn ayaan u aqaanay

waxaan ahayn sxbo ilaa yaraan waan aqaanay allaha how naxriisto nin qabiil ma ahayn ee waxuu ahaa nin soomaali ka tegey geeridu waa xaqe ,ayuu hadlkiisii kusoo gababeeyey isagoo ay ka muuqato murugo..............

Sidoo kale waxaan kulan la sameeyey qaar kamida masuuliyiinta idaacadaha siiba idaacada horn afrik oo soo bandhigtay waraysiyo ay ka qaaden iyo baroor diiq, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan eheldii iyo qaraabadii uu ka tegey waxayna leeyihiin allaha how raxmado garaad c/qani garaad jaamac

Sidoo kale waxaa halkan ka tacsidan tiiraanyada badan u diraya uagaaska beesha duduble ,ugaas muxayadiin oo ka tiiraanyaysan ayaa waxuu leeyahay allaha how nuuriyo godka samir iyo iimaana haka siiyo ehaldii iyo qaraabadii uu ka tegey.

DHanka kale waxaa tacsi tan lamida ay ka dhacday magaalooyinka kismaanyo ,waxaana halkaasi soo bandhigay sida ay uga xun yihiin allaha how naxriistee garaad c/qani garaad jaamac ,ugaaska beelaha harti waamoodka ugaas baqoow ,oo yiri waxaan u samaynaynaa tacsi aan ugu ducaynayno garaad c/qani ilaah tuug ah ,waxaa kaloo tiiraan yadan mid lamida kismaanyo goobjoog ka ahaa odayaal dhaqameedyo siyaasiyiin iyo culimo udiin.

Sidoo kale waxaa tacsi halkaan ka diraya ugaas maxmed weli oo ah salaadiinta beesha mareexaan,iyo masuuliyiin badan...........

DHanka kale waxaa magaalada jowhar naga soo gaadhaya wararka sheegaya in aad looga dareemay geerida allaha how naxriistee garaad c/qani garaad jaamac

Tacsida loogu ducaynaayo allaha how naxriistee garaad c/qani garaad jaamac ayaan ahyn mid halkan lagu soo koobi karo ,silamra ahaantaana la odhan karo waa mid saamayn weyn ku yeelatay guud ahaanba soomaaliya oo dhan.................

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com 


 

 

TACSI::

hadaannu nahay dadka kala ah

 
X. Cismaan Idiris Ibraahim    Las-anod
Faysal Cismaan Idiris         Toronto Canada
Saamiya Cismaan Idiris      Amsterdam Holland
Ifraax Cismaan Idiris          Jeddah Saudi Arabia
Firdows Cismaan Idiris       Sanca Yemen
Khadar Cismaan Idiris        Las-anod Somalia
Subeyr Cismaan Idris         "
Idiris Cismaan Idriris          "
Axmed Mire Xirsi               Endhoven Holland
Xuseen Mire Xiris               Landon UK
C/sataart Balbalaadhse      Minesota USA
C/casiis      "                     LAsanod Somalia

Waxaannu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan shacbiweynaha soomaaliyed gaar ahaan qoyskii uu ka tagay Garaad C/qani Garaad C/jaamac  oo ku geeriyooday Jabuuti waxanuna Eebbe uga baryaynaa inu naxariistii janno ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo dadkii iyo eheladii uu ka tegey marxuumku.


Subeyr Cusman | subeyr2000@yahoo.com

Garaad C/qani Oo Maanta (Jimce Feb 10, 2006) 1:30 Duhurnnimo lagu Aasay Xabaalaha Laascaanood.
Feb 10, 2006 By:C/casiis Saleebaan Axmed
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Laascaanood(Radiossc.net):-Waxaa saaka abaaro 11kii barqonimo soo caga dhigatey Garoonka  Jaamac Iidle oo 14 km bari ka xiga magaalada Laascaanood Diyaaraddii siday Marxuum Garaad C/qani Garaad Jaamac iyo dhawr ruux oo Eheladdiisa ah, taasi oo Marxuumka ka soo qaaday dalka Djibouti, iyadoo ay halkaasi ugu diyaar ahaayeen Isimo,Wasiirro, Xildhibaano iyo dad-weyne aad u tiro badan.
 
 
Markii ay diyaaraddu si rasmiya u soo caga dhigatey Garoonka ayaa waxaa diyaaradda hoosteeda ku sugayey Isimo uu hor-kacayey Garaad Saleebaan Garaad Max’ed, Garaad C/laahi Soofe Durraan, Suldaan Saciid Cismaan Cali, Garaad C/salaam Xasan Max’ed, Garaad Max’uud Mashqare ,Garaad Saleebaan Buraale, iyo Sulaad Max’uud Xaaji Nuur, Suldaan C/raxmaan Qodax oo iyagu xalay ka yimi dhinaca Burco.
 
 
 
Sidoo kale waxaa iyaguna aaska Garaadka ka qayb
qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Xaabsade,Wasiir ku xigeenka Dawlada hoose Axmed Aadan Carab, Wasiirku Xigeenka Xannaanada Xoolaha Yaasiin Tamaad, Xildhibaanno Jaamac Xasan Kaarshe, Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen iyo Madaxda Maamulka Gobolka Sool.
 
 
 
Dhinaca Wasiirrada ayaa waxaa si weyn halkaasi uga muuqday Wasiirrada, iyo Xildhibaannada ka yimi dhinaca Maamulka Soomaaliland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen,Wasiirka Caddaalada Axmed Xasan Cali Casoowe,Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka ee Maamulka la magac baxay Soomaaliland Baashe Max'ed Cadde, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, Xildhibaan Max’ed Jaamac Cabdi, Xildhibaan Max’ed Axmed Cismaan Dhakool, Xamse Gaadda Weyne, C/qaadir Jaamac Xassan, Guddoomiyaha Maamulka la magac baxay Soomaaliland ugu magacaaban Gobolka Sool Cali Sandulle iyo Cismaan Garaad Max'uud.
 
Waxaa intaas ka dib Kolonyo gawaadhiya oo Boqoollaal gaadhayaa u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Laascaanood sidii loogu aasi lahaa Marxuumka Qabuuraha magaalada Laascaanood, iyadoo halkaasi fiidnimadii xalayba laga sii diyaariyey Xabaasha.
 
 
Intii aan la Aasin Garaadka ayaa waxaa ka qayb qaatey Saladdii Jinaasada Boqollaal dad ah, kuwaasi oo iskugu jiray Culimo-awdiin Isimo, Cuqaal, Wasiirro, Xildhibaano iyo dadweyne caadiya waxaana  ugu danbayntii halkaasi loogu duceeyey Marxuumka.
 
TACSI:::

Anigoo Ku Hadlaaya Magaca Ururka PUNTLAND YOUTH SALVATION ASSOCIATION(PYSA)ee PAKISTAN , iyo Jaaliyadda ee Deggan Wadanka Pakistan Waxaan Halkan Tacsi uga Dirayaa Dhamaanba Ummadda Soomaaliyeed Gaar Ahaan Eheladii uu Ka Geeriyooday Marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo Ku Geeriyooday Wadanka D.Jabuuti.
Waxaan Mar Labaad ilaahay uga Baryaynaa Marxuumka in Ilaahay u ka warabiyo Naxariisto geeyona natul fardoosa , ehelkiisii iyo qarabadiisana  ilahay samir iyo imaan ka siyoo  waxaana leenahay . AMIIN.....AMIIN.......AMIIN

Anga oo kala ah dadkan soo socda:-
1.gomoomiyaha Ururka Mohamed Mohamoud Osman  (lambo)
2. G/xigeenka Said Cisman mohamed
3. Cor, Bashiir Mohamed Jamac
 
Iyo  Xubnaha ururka PYSa     waxay leyihiin  ilahay  nadii ha geeyo   marxuum garaad C.qani Garaad Jamac    in uu ilahay geeyo natul fardoosa naxariista  eebe na ka warabiyo    waxan leenahay 
 
AMIIN.. AMIIN..AMIIN  
 
DIYRAYE: MOHAMED MOHAMOUD OSMAN
EMAIL: mlambo77@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2006

TACSI

Anigoo Ku Hadlaaya Magaca Ururka PUNTLAND YOUTH SALVATION ASSOCIATION(PYSA)ee PAKISTAN , iyo Jaaliyadda ee Deggan Wadanka Pakistan Waxaan Halkan Tacsi uga Dirayaa Dhamaanba Ummadda Soomaaliyeed Gaar Ahaan Eheladii uu Ka Geeriyooday Marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo Ku Geeriyooday Wadanka D.Jabuuti.
Waxaan Mar Labaad ilaahay uga Baryaynaa Marxuumka in Ilaahay u ka warabiyo Naxariisto geeyona natul fardoosa , ehelkiisii iyo qarabadiisana  ilahay samir iyo imaan ka siyoo  waxaana leenahay . AMIIN.....AMIIN.......AMIIN
Anga oo kala ah dadkan soo socda:-
1.gomoomiyaha Ururka Mohamed Mohamoud Osman  (lambo)
2. G/xigeenka Said Cisman mohamed
3. Cor, Bashiir Mohamed Jamac
 
Iyo  Xubnaha ururka PYSa     waxay leyihiin  ilahay  nadii ha geeyo   marxuum garaad C.qani Garaad Jamac    in uu ilahay geeyo natul fardoosa naxariista  eebe na ka warabiyo    waxan leenahay 
 
AMIIN.. AMIIN..AMIIN
 
 
DIYRAYE: MOHAMED MOHAMOUD OSMAN
EMail:
mlambo77@yahoo.com

Xashashaqa Siyaasadeed Ee Magaalada Laascaanood Aaskii Garaadka kadib!!! iyo dareenka dadweynaha

Kadib geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Allaha unaxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo mudooyinkii danbeba xanuunka sokorowga ah ujiifay cisbitaal kuyaala magaalada Djibouti.ayaa waxaa maalintii shalay ahad lagu aasay magaalada laascaanood oo ahayd halki uu awalba uu ku dhashay.

Allaha unaxariistee garaad cabdiqani garaad Jaamac ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada laascaanood waxay ugu talo galeen sadax maalmood inay uduceeyaan oo aanay ka nasan waxaa kale oo jirtay in shabakada warbaahinta ee widhwidh online uu amray maamula heeda Inj C/qadir Cali Jaamac xoosh in aan laga nasan doonin wararkii ugu danbeeyay ee kasoo kordha aaska garaadka iyadoo ay ugu talo gashay bog tacsida garaadka ah, halka idaacada FM ka ah ee kajirta magaalada laascaanood-na ay iyana ugu talo gashay seddex maalmood oo ay idaacadu aykabaxayaan Qur'aan ka kariimka ah iyo ducooyin loogu ducaynayo allaha unaxariistee garaad Cabdiqani garaad jaamac.

Bulshada reer laascaanood ayaa waxaa geeridi gaardka kadib wajiyadooda ka muuqday qushuucid iyo qofkasta oo hoosta faataxada uga marayay , Goobaha laysugu yimaado ay dadka kuwada sheekays taan ayaa taariikhdii garaadka lagu hayaa iyo qofkasta waxyaabaha ugu waa weyn uu ku xusuusto allaha unaxariistee garaad cabdiqani garaad jaamac garaad cali.

Marka aanu kanimaadno sawirka ay ka qabaan bulshada reer laascaanood marxuumkaas qaaliga ah ee katagay, inkastoo aanay wanaag sanayn in iyadoo lagu jiro tacsida garaadka in arimaha hoose ee siyaasadeed laga hadlo ayaa ay hadana mudan tahay in daaha laga qaado waxkastaa oo jira xaqiiqdana lataabto.

Bal aan ugudubno dareenka hoose ee ay qabaan bulshada reer laascaanood, Marka aad lasheekay satid dadka indha indheeya siyaasada ama xog ugaalka u ah dhaqdhaqaaq yada siyaasadeed ee ku soo kordha deegaan kooda, Ayaa waxay kuu sheegayaan in siweyn laysugu arkay aaska garaadka.

sida aynu lawada socono magaalada laascaanood waxay kamid tahay deegaanada hoosyimaada maamul goboleed-ka puntland walow ay maamulka hargeisa-na dhinac ka sheeganayaan maadaama ay laascaanood iminka Puntland hoostimaado waxay ahayd inay kasoo qayb galaan madax da sare sare isimada iyo dhamaan wax garadka Puntland aaska garaadka, Maadaama uu inaga tagay Nin Naguweyn oo aad xagayaga qaali uga ah.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa layaableh oo dadka intiisa badan ay hadal hayaan oo qofba qofka kale uu waydiinayaa sababta keenatay in maamulka Puntland uu kayimaado hal wasiir oo ah axmed cabdi xaabsade wasiirka arimaha gudaha Puntland oo kaliya!!!, laakiin madaxda kale ee ka soo qayb gashay marka laga reebo Issimada ayaa waxa ay ahaayeen kuwo hore u joogay magaalada sida Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen, Xildhibaan Jaamac Xasan Kaarshe (Jaamac Yare) Wasiir ku-xigeenka Dawladaha Hoose Axmed Aadan Carab iyo Wasiir ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Yaasiin Tamaad.

Halka maamulka hargeisa ee labaxay somaliland-na ay kayimaadeen Wasiirka ugu hadalada kulalulaa wakhtiyadii dagaladu ka socdeen jiida hore Fu’aad Aadan Cadde Waxa kale oo ka mid ahaa Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Cali Xasan(Casoowe) Guddoomiyaha Gobolka Sool ee uu dhinaca maamulka Hargeysa u magacaabay Cali Sandulle, xildhibaano iyo waliba ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka maamulka Hargeysa Baashe Maxamed Cadde. iyo waliba Suldaan Maxmuud Xaaji Xasan Nuur, iyo Suldaan C/raxmaan Qodax marti sharaf iyo wax garad farabadan runtii ahaana wafti heer sare ah

Dabcan waa la odhan karaa timiri lafbaa ku jirta oo waftigu koleyba xanjaaa meel ugu dhagan oo Aaska marxuumka kaso koow lagayaabe inay arimo kaleba uyimaadeen laascaanood balse hadii dhanka wanaag san laga eego ay tahay tacsiyadeen marxuumka dartiis ah.

waxaa jirta in inta badan bulshada reer laascaanood ay carabka ku hayaan sababta madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka puntland oo isagu asal ahaan udhashay deegaanka SSC uu uman waayay aaska garaadka waliba isgoo balan qaaday in uu iman doono waxayse dadku leeyihiin Mudane Xassan daahir imaanshaha aaska garaadka wuxuu ka doortay soo dhaweynta Shiriif Xasan Sheekh Aadan waa Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlada fadaraalke'e iyo Cismaan xasan Cali Caato ee magaalada gaalkacyo xaataa wali madaxweyne ku xigaanka lagama hayo tacsida garaadka. waase laga sugayaa.

Halka qaarkalena ay sabab uga dhigeen mashquul badan iyo hawlo qaran darteed in uu umin waayay laakiin xassan daahir afqudhac ayaan isagu wali kahadal bal in uu faahfaahin ka bixiyo sababta kaliftay in uu iman waayo aaska allaha unaxariistee garaad cabdiqani garaad jaamac.

Isku wada soo duuduuboo Hadeer aaskii marxuumku wuu dhacay waxaase wali loo fadhiyaa tacsidiisii martidii dhinaca hargeis-katimina sinabada ayay ku joogaan gacmo furana waa lagu soo dhaweeyay waxayna uga tacsiyadeeyeen Qoyskii ehaladii qaraabadii iyo umaddii uu katagay allaha unaxariistee garaad cabdiqani garaad jaamac

Haddaanu nahay Bahda saxaafada na waxaanu leenahay samir iyo iimaan

Waxaa diyaariyay

Liibaan Maxamed Nuur Jordan

jordan_radiolascanod@hotmail.com


Garaad c/qani garaad jamac oo ku geriyodey jabuuti        09/2/06


ILAAH ha u naxariistii waxaa maanta ku geeriyoodey magaalada Jabuuti ee caasimada wadanka Jabuuti Garaad C/qani Garaad Jaamac,
oo ahaa garadada sida weyn logayaqaano somalia gaar ahana gobolada puntland garaad c/qani  garaad jamac waxaa u kusugnaa malmihii lasodhafay wadanka jabuuti casimadiisa jabuuti halkaasi oo u howlo caafimaad u jiogey.


alaha unaxariiste garad c/qani garad jamac qaar kamid ah eheladiisa oo anu laxiriinay ayaa noshegey Inuusan garaaku xanuun hore qabin marka laga reebo xanuun uu ulaso dhacay baryihii udenbeysay Kaas oo uu u adey Wadanka Jabuuti oo u ku Geeriyodey Habeynkii Xalay ahaa.


Garaadka ayaa Waxaa u ku dhashay Gobolka Sool Halkaasi oo Siweyn Geeridiisa looga Dareemay Maanta Qaar kamid ah saxafada gudaha Somalia ayaa mantay Laga Maqlayey Tacsi Loga Diraayo garaad .

Sidookale waxaa Tacsi udirey Garaad eheladii iyo Qarabadii uu Katagay Dhamaanba Madaxta Dawlada Goboleedka puntland oo uu ugu horeeyo siihaya xilka madaxtinimada puntland mudane xassan daahir Afqurax wasiirka Dawladaha Hoose iyo hor Marinta reer Miyiga Cali c/ Waare Iyo Dhamaan Isimada iyo Duubabka Dhaqanka ee Gobolada Puntland meel kasta oo ay Joogan  Masuuliyintasi Waxay eebe Uga Baryayaan inuu ilahay janadii ka waarabiyo samir iyo iimana kasiiyo eheladii iyo qarabadii u katagey Anaguna Waxaanu lenahay aamin aamin aamin


iidle macalin cumar
somalitalk Bosaso somalia
iidle_007@hotmail.com


Tacsi : Garaad Cabdulqani Garaad Jaanmac.

Innaa Lilaahi wa Inaa Ilayhi Rajicuun.

Dhammaan Mj. Sxb-da Safka hore JSL waxa ay tacsi u dirayaan xaaskii, caruurtii, eheladii, qaraabadii iyo dhammaan bulsho weynta Qaranka JSL geerida naxdinta leh ee ku timid Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac oo ka mid ahaa Garaadada ugu miisaanka weyn Garaadada iyo Salaadiinta JSL.

Waxa aanu Illaahay uga baryaynaa in uu ka waraabiyo naxariistiisa janno inagana dhammaan inaga wada siiyo sabir iyo iimaan.

Waxa aanu u rajaynaynaa Garaadka dhaxalkiisa leh in uu noqdo kii dalkiisa iyo dawladiisa garab istaaga in uu wax ku kordhiyo wadadii uu jeexay Garaadka inaga sii hormaray ee aynu gaadhi doono midnimada JSL. Inshaa Allaah...

Wa Allaahu Al-Muwafaq
ducaalewanaje2@hotmail.com
Ducaale Hadal-wanaaje

 



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com