SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


Maxamed Qanyare oo lagu soo warramayo in lagala wareegay gacan ku haynta Dayniile


Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Email: ingiriis@yahoo.com

Feb 20, 2006:

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Qanyare Afrax iyo maliishiyadiisa galabta looga itaal-roonaaday dagaalkii ay la galeen Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka jira magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay toban qofood, ayna ku dhaawacmeen afartameeyo. Tallaabadani waa jugtii ugu cusleyd ee soo gaarta ninkan oo ah qabqable dagaal oo macaash badan ku qabay fowdada iyo burburka illaa iyo markii uu aasaasay garoon diyaaraduhu ku degaan oo uu isagu leeyahay oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Waxaa wararku intaa raacinayaan in Maxamed Qanyare iyo maliishiyadiisu ay isula baxsadeen dhinaca Afgooye, halkaas oo ay ugu tageen gurmad ay u fidiyeen maliishiyooyin ay soo direen qabqableyaasha dagaalka ee kala ah, Cumar Finish iyo Muuse Suudi Yalaxow. Cabdirashiid Shire Ilqeyte oo ah ganacsadaha maamula hotelka Saxafi ee Muqdisho oo isku dayey inuu gurmad u fidiyo ayaa maliishiyadiisu ay gadood ka soo celisay arrintaas, sida ay sheegayaan wararku.

Nin u hadlay isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka, waxa uu shaaca ka qaaday inay hadda gacanta ku hayaan garoonka Dayniile, isla markaana ay gaadiid dagaal oo gaaraya laba ay qabsadeen, laba kalena ay gubeen. Waxa uu afhayeenkaasi sheegay in dagaalku galabta ka socday nawaaxiga Afgooye. Waxaa kaloo wararka qaar sheegayaan in xildhibaannadii Baarlamaanka ku meel gaarka ah iyo dadkii kale ee degganaa hoteel Saxafi ay isaga huleeleen.

Maxamed Qanyare iyo maliishiyadiisu inay Dayniile ka bexeen waxaa kaloo laga soo xigtay nin ka tirsan kooxda Muuse Suudi. Waxaan kala caddeyn halka uu ku dambeeyo Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) oo ahaa ninkii ay Maxkamaduhu sheegeen inuu ku soo weeraray fariisinkoodii. Ninkan, wuxuu muddo dheer wakiil uga ahaa Muqdisho sirdoonka Ethiopia. Waxay dhowaan isbahaysi yeesheen Bashiir Raage Shiiraar oo aan qarsan inuu yahay wakiilka hay'adda sirdoonka Mareykanka ee fadhiya Muqdisho.

Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bootaan Ciise Caalin, Bashiir Raage, Cabdirashiid Ilqeyte iyo Cabdi Shukri ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay sameeyeen isbahaysi ay ugu yeereen Isbahaysiga Nabadda iyo La-dagaallanka argagixisada, kaasoo ay ballan-qaadeen inay kula diriri doonaan Maxaakiimta Islaamiga iyo masaajiddada.

Maxamed Jaamac Furux iyo Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) ayaa mid walba goonidiisa u muujiyey inuusan taageersanayn isbahaysiga raggaasi ay ku dhawaaqeen. Furux, waxa uu tilmaamay in isbahaysiga noocaas ahi uu yahay mid ceebeed, halka Yuusuf Seeraar uu sheegay in isbahaysiga la sameeyey uu yahay mid lagu silic-dilayo dadweynaha.

Maxamed Qanyare ayaa dorraad u hadlay sidii inuu la mid yahay Musaylamatul Kadaab oo ahaa ninkii Nebinimada sheegtay xilligii Nebiga (NNKH).

Maxamed Qanyare ayaa dorraad u hadlay sidii inuu la mid yahay Musaylamatul Kadaab oo ahaa ninkii Nebinimada sheegtay xilligii Nebiga (NNKH). Qanyare oo aad mooddo inuusan lahayn xis, waxa uu wacad ku maray inuu la diriri doono dadka doonaya inay dalka ku dhaqaan diinta Islaamka. Waxa uu yiri, "Ha isu caddeeyeen maxkamaduhu sida Osama Bin Laden iyo Al-Zarqaawi."

Sidaa darteed, waxaa muuqata inuu caawa ka shallaayayo hadalkiisii oo uu ku noqday weerlaq. Dhinaca culumada, waxaa cad inay heleen gargaar iyo nasri Alle u soo dejiyey oo la mid ah kii Rasuulka (CS) iyo asxaabtiisu ay heleen dagaalkii Beder. “Furashada garoonka Dayniile waxay ka dhigan tahay furashadii Maka iyo guushii dagaalkii Beder laga soo hooyey, waayo waxaa meesha ka baxay mujrim lix iyo toban jaqayey dhuuxa dadka masaakiinta ah, kuna luqluqday dhiiggooda,” waxaa sidaas igu yiri Sheekh ka mid ah culumada maxaakiimta oo aan la hadlay.

Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho oo iyagu taageero aan la fileyn isla garab-taagay Maxaakiimta Islaamiga ah, waxay xireen jidadka iyo dariiq kasta oo gurmad ay ka heli lahaayeen kooxaha caddeystay inay la diriri doonaan diinta Islaamka iyo dadka u adeega. Waxaa dadku ay ku baaqeen in ninka qabiil ku raaca qabqablahaas dadka dhibay uu yahay nin aan u naxayn carruurtiisa iyo mustaqbalkiisa oo ehlu-naar ah.

Waxaa wararku sheegayaan in shacabka Xamar oo dhibaato adag ku jiray ay keceen, kana dhiidhiyeen hadalladii ay ku hadleen qabqablayaasha dagaalka oo ay caado u tahay inay hadba wixii dantooda ah u baa bi'iyaan dadka, dalka iyo diinta. Waxaa la rumeysan yahay in dagaalkani uu yahay kii ay meesha kaga bixi lahaayeen qabqablayaasha dagaalka haddii shacabku sida ay u midoobeen ay u sii adkeystaan.

Waxaa labadii beri ee la soo dhaafay ka socday masaajidyada magaalada Muqdisho in la qorayey dadweynaha, gaar ahaan dhallinyarada. Waxaa kaloo jirta inay war murtiyeed soo saareen maanta waxgaradka iyo cuqaasha qabaa'ilka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ay si buuxda u taageereen Maxaakiimta Islaamiga ah, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inay iyagu yihiin kuwii furay oo aasaasay maxkamadaha.

Sidaa awgeed, dadka qaadaa-dhiga siyaasadda Soomaaliya ayaa odorosaya in maxaakiimta Islaamigu ay haystaan fursad fiican oo haddii ay garoonka Dayniile ku wajihi waayaan qaab qotodheer ay u fashilmi doonaan sidii kooxihii hore ee culumadu ugu fashilmeen Garoowe markii ay qabteen Cabdullaahi Yuusuf iyo qabqablayaashii kale ee ururkiisa 1992-kii.


(Ka billow dhinaca bidix) Eng. Maxamed Xuseen Caddow, Maxamed Xaji,  Maxamed Qanyare, Cumar Finish, Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen

Waxa ay dadku wax lala yaabo ku tilmaameen in Cusmaan Xasan Weheliye oo loo yaqaanno Xasan Bariise oo ah nin qabyaaladda ku xarragooda uu warbixin uu u soo diray BBC World Service ku sheegay in Maxkamadaha Islaamigu ay dileen dad culumo Islaami ah oo qunyar socod ah (moderate Islamic scholars), ayna ku eedeysan yihiin 'waa maxkamadahee' inay xiriir la leeyihiin Al Qaeda, taasoo u muuqata in Bariise uu dagaalka dhinaciisa kaga jiro isagoo isticmaalaya qalinkiisa, una adeegaya qabiil iyo qabyaalad.

          Waxaa aad isu waafaqay hadalkii uu dorraad ku hadlay Qanyare ee ahaa, "Maxkamaduhu waa argagixiso, Al Qaeda ayay u shaqeeyaan, waxay dileen aqoonyahanno" iyo hadalka Xasan Bariise. Laakiin, waxay Soomaalidu tiraahdaa, "Beeneey, waa Run" ama "been fakatay, run ma gaarto."

          Wararkii ugu dambeeyeya ayaa sheegaya in shir jaraa’id oo uu qabtay Maxamed Cumar Maxamed (Maxamed Dheere) uu ku caddeeyey inuu ka qayb geli doono dagaalka isagoo taageeraya kooxda la baxday La-dagaallanka argagixisada.

          Maxamed Dheere ayaa hadalkiisan dambe waxa uu ka hor imaanayaa mid uu isla maanta u sheegay warbaahinta Muqdisho oo ahaa in dagaalka mas’uuliyaddiisa uu qaadayo Qanyare oo isu qaatay, siduu u dhigay, “hoggaamiye buuxa.” Waxay ahayd saacado gudahood markii uu Maxamed Dheere ku hadlay laba hadal oo kala geddisan.

Muddo hadda laga joogo laba toddobaad ayay ahayd markii television laga leeyahay dalka Faransiiska uu sii daayey barnaamij reportage ah oo calool xumo leh oo ay kaga warramayaan xaaladda nololeed ee Muqdisho oo ay tageen weriyeyaal ka socday TV-gaas.

Waxaa la is tusay Maxamed Qanyare oo xaruntiisa ay la joogaan qabqableyaal ay ka mid yihiin Cusmaan Caato iyo Muuse Suudi oo dhoolla-caddeynaya iyo carruur ku jirta xerada qaxootiga Tarabuunka oo waxay cunaan la'.

Haweeney cunug ku dhashay xerada markuu weriyuhu tagay ayaa wuxuu weydiiyey goorta ay dhashay, waxayna ugu jawaabtay, “Saddex saac ka hor.” “Maxaad siinaysaa?” buu yiri, markaas ayay ku jawaabtay, “Waxaan u hayaa naas aanay waxba ku jirin oo aniga ayaaba nafaqo darro i haysaa.”

Weriyaha Faransiiska oo Qanyare markaas ku booqday Dayniile, waxa uu weydiiyey, 'Waxaad tahay warlord doonaya inuu ka dul macaasho dadka masaakiinta ah ee aan rajada lahayn?' Maxamed Qanyare oo fadhiya fadhi-carbeed aad loo sharraxay, waxa uu ku jawaabay, 'Ma ahi warlord, waxaan ahay nin dadkaan nabaddooda ka shaqeynaya, hubka aan haystana qof kasta ayaa ku qasban inuu hubkiisa isku ilaaliyo halkaan.'


Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2006


 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD