SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Labo bilood gudahood haddii uusan helin qalliin deg deg ah wuuxu weynayaa adimihiisa.
Codsi gaara oo ku aadan jaaliyada Beesha Sacad...

 
Maxamed Axmed Siciid (Shaahiyoow) Waa wiil u dhashay kana soo jeeda Beesha Sacad, habeen habeenada ka mid ah isagoo lugeenaya Agagaarka Al-Baraka ee Degmada Hodan, ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa haleelay rasaas loo waday nin kale oo dhiniciisa marayay, waxayna rasaastii ka haleeshay Feeraha iyo Caloosha, waxanaa markiiba loola cararay Isbitaalka Madiina, qalliin mudo qaatay dabeed Isbitaalkii laga soo saaray kaddib markii lagu guuldareystay wax ka qabashada iyo caal u helista bukaankaasi, waxaan ninkaas la soo gudboonaatay murugo iyo walwal iyo xanuun joogto ah kaddib markii Dhakhaatiirtu ay caddeeyeen in aan waxba looga qaban karin dalka gudihiisa, waxay kalloo sheegeen Dhakhaatiirta in ninkaasi bukaanka ah uu halis u yahay cuuryaamid, kaddib marki rasaastii qaarkeed ay ka haleeshay Neerfaha, waxayna sheegeen Dhakaatiirtii Isbitaalka Madiina in haddii aan labo bilood gudahooda wax laga qaban ay howlgab noqonayaan labadiisa lugood iyo labadiisa gacmood.

Ninkaan oo ka soo jeeda qoys sabool ah waxa uu leeyahay xaas iyo saddex carruur ah, wuxuu u ahaa Xamaali, mar haddii uusan haysan cid ka saacidda mashaqada caafimaad ee hor taala ayaa waxa uu go’aansaday in uu tabantaabo gacal weydiisto walaalihiisa Beesha Sacad ee kala jooga dunida daafaheeda, taasoo uu sheegay in ay xal u noqon karto walaaca iyo xannuun- daradda caafimaad ee haysata, haddii uu waayana waxa uu aaminsan yahay in uu magan u noqon doono cuuryaamid aan xal lahayn.

“Walaalayaal xoogaa lacag ah oo aad isugu key dartaan oo caafimaadkeyga wax looga qabanayo anna waxbay ii tareysaa idinkana waxaad ka heleysaan Ajar iyo xasanaad, waayo waxaad nooleyseen qof sii dhimanaya” ayuu yiri bukaanka oo saaran sariirta guudkeeda dhinacana uu ka yaalo Gaariga Cuuryaamiinta, “In aan isku dhiibo Beesheyda oo aan ka doorbido Soomaali inteeda kale waxaa i baday Sabanka ama Xilliga, Codsigeygana kama marna Soomaali oo dhan iyo Ha’adaha Samafalka iyo cid kasta oo damiir bini’aadanimo ku jirto oo igu kaalmeyn karta wax ka qabashadda caafimaadkeyga, waxaana ku han weynahay in walaalaheyga aysan ka seexan doonin wax ka qabashada xaaladdeyda caafimaad ee liidata”.

Haddaba waxa jira guddi iyagu is abaabulay oo ciddii dooneysa in ay gacan ka gaysato saacidaada ninkaas lagala xiriiri karo kuwas oo kala ah:

1) Aabbihii Axmed Siciid Sahal
2) C/llaahi Yuusuf Cabdule (Asad)
3) C/raxmaan Max’ed Diirshe
4) Aweys Daahir Shiikh Siciid
 
Contact:
Tel: 002521-506888/2521-522601\ 002521-223710
waxaana si gaar ah loogala xiriiri karaa Aabihiis Axmed Siciid Sahal
 

Waxaa Diyaariyey  AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2006


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com