SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 4, 2006

  • Xubnihii dhawaan ku dhawaaqay "isbahaysiga" oo ku sii Jeeda Addis-Ababa.

  • Banaanbax looga soo horjeeday kooxihii sameeyey Isbahaysiga oo ka dhacay Muqdisho ..

  • C/llaahi Yuusuf oo caafimaad ahaan ugu socda cariga Ingiriiska..

  • Xildhibaan Diirshe “Nabadgelyo xumida ka jirta muqdisho waxaa sabab u ah feregelin…

  • Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobalka Gedo oo sheegey in Baydhabo u yimaadeen…

  • Dowladda Talyaaniga oo shalay deeq soo gaarsiisey Dowladda Federaalka ..

  • Geedi “ Xayiraad ka qaadista hubka ee Soomaaliya waxay u taalaa Xukuumadda…

  • Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Gudoomiye Shariif oo kulan albaabada u xeran yihiin ku yeeshay Hooyga Ra'iisul Wasaaraha.

  • Dowladda Federaalka oo ku guulaysatay in sarkaalkii UN-ka ee lagu afduubtay Afmadow la sii daayo, iyada oo Bob McCarthy uu  soo gaaray magaalada Baydhabo. 


Banaanbax looga soo horjeeday kooxihii sameeyey Isbahaysiga oo ka dhacay Muqdisho ..


Maalintii shalay ahayd ayaa Fagaaraha Tiribuunka ee Magaalada Muqdisho waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna isku soo baxoodii ay uga soo horjeedeen kooxaha u adeegaya caddowga Islaamka oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin Diintooda iyo dalkooda sida ay sheegeen.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka Mudane Shiikh Axmed C/llaahi waxa uuna sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in wax loo dhimo Diinta Islaamka isagoo sheegay in ay dagaal la geli doonaan kooxaha u adeegaya Gaalada.

Waxaa kalloo ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagu u mahadceliyay intii soo qaban-qaabisay banaanbaxaasi waxaa kalloo uu sheegay in banaanbaxaani uu ka tarjumayo sida aysan shacabka Soomaaliyeed u ogoleyn in waxyeelo loo gaysto culumadooda iyo diintooda.

Wuxuu kalloo sheegay in ay dagaalka ay kula jiraan kooxaha caddowga ku ah Diinta Islaamka ay wadi doonaan, balse farta kuma uusan fiiqin kooxahaasi, waxaase uu ula jeeday kooxihii dhawaan ku dhawaaqay isbahaysigii la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada waxa uuna qiray in Soomaaliya aysan ku sugneyn wax argagixisaa, balse argagixiso ay yihiin kuwii ummadda ku hayay dilalka, dhaca iyo dhibaatooyinka xag walba leh mudadii 15-ka sano ahayd.


Sawirada waxaa qaaday Jiisow
 

Xubnihii dhawaan ku dhawaaqay "isbahaysiga" oo ku sii Jeeda Addis-Ababa.

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Sagaalkii xubnood ee dhawan ku dhawaaqay isbahaysigii ay u bixiyeen "la dagaalanka argagixisada" la filayo in todobaadkaan ay u ambabaxayaan Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya kaddib markii ay martiqaad ka heleen Dowlada Itoobiya.

Waxaa la sheegay in xubnahaasi ay halkaasi u tagayaan sidii ay wada-tashi ula soo sameyn lahaayeen xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay Dowladda Itoobiya ugu yeertay xubnahaasi oo iyagu dhawaan sheegtay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin "dad ajnabi" ah oo ka tirsan "Ururka Al-Qaacidda", kuwaas oo ay sheegeen in ay hayaan Dad Soomaali ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa xubnahaani sida la sheegay waxay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar kulan kula yeesheen saraakiil ka socotay Sirdoonka Mareykanka waxayna halkaasi isku dhaafsadeen warbixino la xiriira waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada.



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

C/llaahi Yuusuf oo caafimaad ahaan ugu socda cariga Ingiriiska..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed dhowrkii biloodba mar gaara dalka Ingiriiska ama wadamo kale si uu u soo baaro xaaladdiisa caafimaad ayaa la filayaa in uu dhawaan u ambabaxo dalka Ingiriiska si uu mar kale uu baaritaan guud isugu sameeyo oo la xiriira dhinaca Beerka. C/llaahi Yuusuf ayaa mar uu sanadkii hore tagay cariga Ingiriiska waxaa ku banaanbaxay dadweyne fara badan oo qaarkood dacwo ku soo oogay kaddib markii ay sheegeen in uu dilay dad ay ehelo ahaayeen ama uu shirqooley waxaana ugu cadcaddaa Xaaskii Suldaan Hurre, oo iyadu sheegtay in aysan marnaba ka hari doonin Kiiskaas waqtigii la doonaba ha qaatee. C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sanadkii hore ka galay Isbitaalka Magaalada London waxaana laga qariyay dhamaan Saxaafadda, isagoo Isbitaalka ku jiray labo todobaad. Inkastoo aan la caddeyn waqtiga uu baxayo C/llaahi Yuusuf haddana waxaa weli hor yaala howlo culculus oo la xiriira Dowladda Federaalka, maadaama dhawaan Magaalada Baydhabo uu ka furmay shirkii Golaha Baarlamaanka, waxayna sheegeen saraakiil ku dhow dhow C/llaahi Yuusuf in uu shirka joogi doono ilaa laga dhameeyo qodobada hor yaala Golaha Baarlamaanka oo ay ugu horeyso sidii ciidamo shisheeye loo keeni lahaa dalka iyo waliba in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay arrintaasi ku diidan yihiin, iyagoo sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn Ciidamo shisheeye.

Xildhibaan Diirshe “Nabadgelyo xumida ka jirta muqdisho waxaa sabab u ah feregelin…

Xildhibaan Nuur Axmed Diirshe oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee markii khilaafku soo kala dhex galay Dowladdana ka mid ahaa Xildhibaanadii ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in nabadgelyada ka jirta Baydhabo ay ka shaqeeyeen dadka deegaanka waxa uuna sheegay in arrintaasi ay mudan tahay in lagaga daydo.

“Waxaan ka mahadceli-neynaa sidii diiraneed ee nalagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Xildhibaan Diirshe oo intaa raaciyay “Nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Muqdisho waxaa sabab u aha faragelin shisheeye waxaana lagaga badbaadi karaa iyadoo isku duubni ay sameeyaan bulshada Gobalka Banaadir”.

Ugu dambeyntii Xildhibaanku waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka ay hor yaalaan ajandayaal muhiim ah, maadaama mudo sanad ah uusan isugu imaanin wax shir ah, waxa uuna u soo jeediyay, wuxuuna u soo jeediyay xildhibaanada in ay si saraaxad leh uga doodaan qodobada la soo hordhigi doono.

Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobalka Gedo oo sheegey in Baydhabo u yimaadeen…

Waxaa noo suuragalay in aan wareysi la yeelanayo taliyaha Ciidanka Booliiska Gobalka Gedo Col. Yuusuf Cismaan (Yuusuf Dhuumaal) haatanna ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in sababaha uu u yimid Magaalada Baydhabo ay tahay sidii uga qayb-qaadan lahaa nabadgelyada Magaalada Baydhabo maadaama ay haatan ku sugan yihiin dhamaan xubnihii Dowladda.

Col. Yuusuf waxa uu sheegay in haatan Bayadhabo ay ku joogaan ilaa iyo 60 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliiska kuwaas oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Gobalada dalka isagoo xusay in ay qayb ka qaateen sugidda ammaanka, furitaankii shirkii Golaha Baarlamaanka, isagoo sheegay in haatanna u taagan yihiin sugidda nabadgelyada dhamaan shirara soo socda

Mar uu ka hadlayay dhinaca abaaraha waxa u sheegay in Gobalka Gedo ay haatan ka jiraan abaar daran iyo biyo la’aan waxa uuna u mahadceliyay intii gobalka soo gaarsiisay gargaarka, wuxuuna si gaar ah u xusay shacabka ku nool Gobalka Banaadir oo uu sheegay in ay muujiyeen wadanimo iyo geesinimo.

Geedi “ Xayiraad ka qaadista hubka ee Soomaaliya waxay u taalaa Xukuumadda…

Ra’isul Wasaare Geeddi oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo oo shalay u waramayay ragga wararka dira ayaa wax laga weydiiyay mowqifkiisa ku aadan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay sanadkii 1992-dii, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u taalo Xukumadda, isagoo sheegay in arrintaasi ay ka doodi doonto Dowladda Federaalka kaddibna ay u gudbin doonto Golaha Baarlamaanka.

“Marka Golaha Baarla-maanka loo gudbiyo isaga ayay u taalaa in uu sharciyeeyo iyo in uusan sharciyeen” ayuu yiri Geedi oo intaa raaciyay “hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha ee ahaa xayaarad ka qaadista hubka Soomaaliya waxay ahayd talo ee ma ahayn sharci”.

Ugu dambeyntii waxa uu Cali Max’ed Geedi uu sheegay in ay iyagu raaci doonaan wixii sharci ah ee uu golaha Baarlamaanku ansixyo, taasoo uu sheegay in ay tahay wadada saxda ah.

Dhinaca kale waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo soo gaaray sarkaalkii u shaqeynayay Hay’adda UNICEF ee dhawaan lagu afduubtay deegaanka Afmadow waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, iyadoo ninkaas sii deyntiisa ay gacan ka gaysatay Dowladda Federaalka oo iyadu bixisay lacagtii lagu sheeganayay, waxaana arrintaan xaqiijiyay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Dowladda Talyaaniga oo shalay deeq soo gaarsiisey Dowladda Federaalka ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ay ka soo degeen labo diyaaradood oo la sheegay in ay sideen deeq ay dowladda Talyaaniga ugu talagashay Dowladda Federalka, waxayna deeqdaasi ka koobneyd Matooro, Qalab Xafiis iyo Teendhooyin.

Juurile oo saxiixaya deeqda

Deeqdaan ayaa waxaa guddoomay Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurile iyo Wasiirka Qalabeynta Maxamuud Sayid Aadan, waxayna markii ay gudoomeen u mahadceliyeen Dowaldda Talyaaniga oo ay sheegeen in ay tahay dowlad dooneysa in ay gacan ka gaysato in Soomaaliya mar kale ay cagaheeda isku taagto.

Deeqdaan oo uu la socday Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in deeqdan aysan aheyn tii ugu horeysay oo Dowlada Talyaanig ay guddoonsiiso Dowladda Federaalka isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha ay Dowladda Talyaaniga ku taageereyso Dowladda Federaalka, waxaana deeqdaas markii dambe lagu wareeejiyay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.

Sanadkii hore bartamihiisa ayay ahayd markii Dowaldda Talyaaniga ay deeq soo gaarsiisay Dowladdda Federaalka oo markaa fadhigeedu ahaa Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe. [War dheeraad ah oo kusaabsan deeqda talyaaniga hoos ka akhri]..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Gudoomiye Shariif oo kulan albaabada u xeran yihiin ku yeeshay Hooyga Ra'iisul Wasaaraha.  

 

Baydhabo. 03.03.06: Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ee Somalia Md. Shariif Xasan Shiikh Aden iyo Ra'iisul Wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kulan albaabada u xeran yahay ku yeeshay hooyga uu degan yahay Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

 

Guddoomiyaha iyo Ra'isul Wasaaraha ayaa isla soo qaaday sida loo horumarin karo howlaha haatan socda ee is dhex galka xubnaha barlamaanka, iyo sidii looga dhaadhicin lahaa arrintaasi.

 

Waxana ay sidoo kale iska wareysteen xaaladda guud ee dalka iyo sida ay wada shaqeyn dhab ah u yeelan lahaayeen xukuumadda iyo Barlamaanka.

 

Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa ka waramay shirka uu la qaatay Ra'isul wasaaraha, isaga oo xusay in ay tahay in ay iska wareystaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyn ee xukuumadda iyo Barlamaanka, iyo sidoo kale sidii loo wacyi galin lahaa umadda soomaaliyeed, loogana qayb qaadan lahaa si wada jir ah dib udhiska, dib u hishiisiinta iyo nabad ku soo dabaalista dalka.

 

Gudoomiyaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa shirar kala gooni gooni ah maalmahanba lakala yeelanayey xubnaha baarlamaanka oo kala fakarka ah,

 

Iyada oo shirka uu joogay sidoo kale wasiirka Tacliinta Sare Xuseen Maxamed Shiikh Xuseen.

 

Abdirahman Dinari/Mohamed Yusuf Ahmed

Office Of the Somali Prime Minister/Media Departmen

 

---------------------------------------------------------------------------- 

 

Deeq ay dowlada talyaaniga soo gaarsiisay dowlada Federaalka soomaaliyeed.

 

Baydhabo. 03/03/06: Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Prof. C/risaaq Cismaan Xasan "Juriille" ayaa deeq ka gudoomay xiriiriyaha dowlada Talyaaniga ee xaga deeqaha Mr. Mario Ravelli.

 
Mr. Mario Ravelli oo saxiixaya deeqda

 

Prof. Jurille oo deeqdan ka gudoomay dowlada Talyaaniga Wakiilkeeda ayaa ka hadlay xaflad yar oo halkaasi lagu sameeyey waxa uu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeeysay ee ay deeq soo gaarsiiso dalka Talyaaniga.

 

Prof. Juriile ayaa ugu mahadceliyey dowlada Talyaaniga deeqdan ay soo gaarsiisay, Mr. Mario Ravelli iyo Wasiirka Qorsheynta ayaa halkasi kala saxiixday warqadihii kala wareejinta Macaawinooyinka iyadoo sidoo kale uu wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ku wareejiyey Wasiirka hantida Qaranka iyo Qalabaynta Mr. Maxamuud Sayid Aden oo isagana kusii wareejiyey ninka gacanta ku haaya magaalada Baydhabo Mr. Maxamed Ibraahin Xaabsade.

 

Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta Mr.Maxamuud Sayid Aaden oo kala wareejintaasi ka hadlay ayaa ku booriyey in qalabkaani loo isticmaalo sidii loogu talo galay oo ay ka faa'ideystaan shacabka soomaaliyeed oo aysan noqon mid dano shaqsiyadeed lagu fuliyo.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade ayaa isna halkaasi hadal kooban kasoo jeediyey oo sheegay in qalabka ay la wareegeen uusan noqon doonin   mid shaqsiyadeed oo ay ku fulin doonaan sidii loogu talo galay.

 

Qalabkani ayaa waxa kala siday laba diyaaradood oo waawayn iyadoo maalinimada beri ahna ay imaan doonto diyaarad kale waxaana qalabkaasi ka mid ahaa:

 

  1. 4 ware houses 24 X 10 miter
  2. Tents 32 M2
  3. 2 living rooms for 2 person
  4. 2 Offices for two person
  5. 2 Generator 15KVA.

Waa markii sadexaad oo ay dowlada talyaaniga deeqahaan oo kale soo gaarsiiso dowlada Federaalka iyadoo markii ugu horeeysay ay kasoo kala degeen qalabkaan oo kale magaalada Muqdisho dekada Ceel Macaan iyo garoonka Diyaaradaha ee Cisiley iyadoo loo sii gudbiyey magaalada Jowhar.

 

Abdirahman Dinari/Mohamed Yusuf Ahmed

Office Of the Somali Prime Minister/Media Departme

---------------------------------------------------------------------------

 

 

Dowladda Federaalka oo ku guulaysatay in sarkaalkii UN-ka ee lagu afduubtay Afmadow la sii daayo, iyada oo Bob McCarthy uu maanta soo gaaray magaalada Baydhabo. 

 

Sarkaalka Qaramada Midoobay ee lagu afduubtay magaalada Afmadow ee dib loo sii daayey shalay galab magaciisana la yiraahdo Bob McCarthy, oo ka mid ahaa the emergency officer for the United Nations Children's Found (UNICEF) Somalia office, ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo oo ay kusugan yihiin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Somalia.

 

Mr. Bob McCarthy oo wajigiisa ay farxad ka muuqatay ayaa kasoo degay garoonka magaalada Baydhabo iyadoo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan dowlada Federaalka oo sii daysmadiisa ka qeyb qaatay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka warshadaha Cabdi Maxamed Tarax, W/k/xigeenka Amniga Qaranka soomaaliyeed Md. C/rashiid Maxamed Xidig iyo Wasiiru dowlaha dib u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga Mr. Axmed Mashruuc.

 

Wasiirka Warshadaha iyo wasiirada la socday ayaa waxa ay ku wareejiyeen Mr. Bob McCarthy madaxda sare ee dowlada Federaalka waxa uuna mid mid u gacan qaaday Madaxweynaha Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra'iisul wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi waxayna dhamaantood mid mid ugu tacsiyeeyeen dhibkii soo gaaray sarkaalka oo ay u sheegeen in uu madax u yahay dadka dhibka u geeystay uuna muujiyo samir iyo dulqaad.

 

Mr. Bob McCarthy oo mid mid ula kulmay sadaxda masuul ayaa waxa uu sheegay in uu markii hore usoo bareeray in dalka Somalia oo dhib badan ka taagan yahay in uu wax u qabto, isla markaana uu sheegay in uu sii wadan doono shaqadiisa oo aysan dhib u keeni doonin dhibka soo gaaray, waxakaloo uu sheegay in uu aad ugu farxsan yahay sida wayn ay isugu mashquuliyeen dowlada Federalka sii daysmadiisa.

 

Mr. Bob McCarthy waxa kale uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay oo wax dhib ah uusan soo gaarin oo aan ka ahayn in xornimadiisa laga qaaday.

 

Sarkaalkani ayaa nin ganacsade ah ku afduubtay magaalada Afmadow isagoo cadeeyey inuu u afduubtay lacago ay horey ugu deensadeen hay'ada Qaramada Midoobay ee UNHCR sanadii 1996-dii, oo aanan loo soo celin.

 

Abdirahman Dinari/Mohamed Yusuf Ahmed

Office Of the Somali Prime Minister/Media Departmen
 
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
 
War saxaafadeed ay soo saartay Q.M ayay ku amaantay dowladda Federaalka soomaaliya dadaalka ay u gashay sii daynta sarkaal u shaqeynayay oo lagy afduubtay somalia dhawaan.

UN Press Release
ABDUCTED UN STAFF MEMBER FREED 

Nairobi (2 March 2006) – The United Nations has confirmed the release of UNICEF staff member Mr Robert McCarthy.
Mr McCarthy (47) was abducted on 1 March 2006 by armed men on the outskirts of Afmadow, 110 kilometres northwest of Kismayo in the Lower Juba region of Somalia. He was released into the custody of UN security staff and members of the Somali Transitional Federal Government late this afternoon.

UNICEF Executive Director Ms Ann M. Veneman was in Nairobi and greeted Bob’s wife, Rosemary McCarthy and two of their children. Veneman said:
“We are very relieved that Mr. McCarthy has been released unharmed and thank the Transitional Federal Government for demonstrating leadership in this critical time.”
 ----------------

For more information, please contact
:
Sandra Macharia, Information Officer, UNDP/RC Somalia
Tel: (254 20) 4183640/2; Fax: (254 20) 4183641; Email: sandra.macharia@undp.org

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2006

KENYA: WARIYAYAASHII  STANDARD IYO KTN OO LA SII DAAYAY
»Ninkii lagu Afduubay Afmadow oo la sii daayey...
»Dad badan oo Dhagaxbuur lagu xidhxidhay...
»Shirweyne Beesha Cumar Cali oo lagu qabtay Minneapolis
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 3

Qaad (Jaad) Laga Dhoofiyey Dalka Holland oo Lagu Qabtay Maraykanka
»C/raxmaan Faroole: Ma helin Qoraal Xil la igaga Qaaday
»Nin Mareykan ah oo lagu afduubtay degmada Afmadow 
»Max’ed Dheere: C/llahi Yuusuf hubkii Yemen beeshiisuu siiyay
»Taliye ku xigeen iyo xaaskiisii oo lagu dilay Muqdisho ..
»C/llaahi Yuusuf oo kulamo gooni gooni ah ku leh Baydhabo
»Geeddi oo wada qorshe uu kuln ka dhaca Jowhar...
»Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay kulanka Baydhabo
»Minneapolis:- Mark Kennedy oo booqday Suuqa Soomaalida
iyo Sawirka hadda ee Dhismihii Baarlamaankii Soomaaliya... Guji Mar 2