SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

Waalidka Qurbaha Jooga iyo Waxbarashada Caruurta. 

Abdul Diriye, London.
abduldiriye@yahoo.com

Waxaa iska dabiici ah in waalidku ay barbaarinta caruurtooda uga fekeraan ugana qayb qaataan sida ay korriimada jirkooda uga fekeraan. La yaabna ma laha inaan niraahno dadka iyo xayawankuba waa wadaagaan inay ubadkooda baraan sidii ay noloshooda u maamulan lahaayeen oo ay mushkiladaha degaankooda ku hareeraysan uga gudbi lahaayeen ama wixii ay cuni lahaayeen ula soo bixi lahaayeen una samaysan lahayeen hoy ay gabbaad ka dhigtaan.  

Ilmuhu inay wax bartaan waxay bilaabaan waqti aad u horreeya oo ay dhici karto in aan weli garaadkoodu wax kala soocin mana joojiyo qofku inuu wax baranayo oo uu isa saxayo ilaa uu ka geeriyoodo ama caqligu ka tago. Inta haddaba ilmuhu ay hoos joogaan waalidkood ayaa waalidka ama qofka ka masuulka ahi awood u leeyahay inuu ku dadaalo in uu u hagaajiyo aasaaska uu ilmuhu hadhow wax ku dhisi lahaa ama uu xumaanta iyo samaanta ku kala miisaami lahaa. Qodobbada soo socda waxaa laga yaabaa inay waalidka qurbaha jooga wax badan taraan: 

1.      Aqoonta iyo edebtu waa laba wax oo la oran karo waa kala duwan yihiin. Oo waxaa laga yaabaa in la arko qof aad u aqoon badan laakiin u baahan in edebtiisa wax laga saxo sida loo arki karo qof edeb badan laakiin arrimaha qaar jaahil ka ah. Tusaale ahaan haddii labo qof  ay shaqo soo wada dalbadaan waxaa laga yaabaa in midkood uu haysto shahaadooyinkii loo baahnaa weliba uu leeyahay khibrad badan oo uu shaqadaan oo kale horay u soo qabtay laakiin aanu shaqaaalaha kale la heshiin karin oo uu ama iskala weyn yahay ama uu si dhaqso leh u caroodo. Qofka kale waxaa laga yaabaa inaanu weligii shaqadan oo kale soo qaban, waxbarasho gaar ah oo shaqadaan khusaysana aanu weligii gelin laakiin uu yahay qof dabeecad wanaagsan oo shaqaalaha meeshaba isu haya kana warqaba, shaqadiisana aan ka maqnaan oo cudurdaarasho been ah aan aqoon sida loo sameeyo. Maamuluhu labadaas qof markuu kala dooranayo wuxuu isu miisaamayaa mid walba faa’iidada iyo khasaaraha uu leeyahay iyo baahida shirkaddiisa.   

2.      Waxbarshadii Soomaaliya iyo tan waddamada loo soo qaxay gaar ahaan kuwa reer galbeedku way kala duwan yihiin. Waxaa caadi ahayd Soomaaliya in ilmaha la geeyo dugsi quraan oo waalidku ku yiraahdo macallinka “macallin, ilmahayga lafihiisana anaa leh, jirkiisana adigaa leh” oo micnaheed yahay sidaad doonto u dil oo jirkiisa nabro ugu yeel laakiin lafihiisa ha iga jebin. Kama hadlayo hadda ilmaha in la garaaco inay sax tahay iyo inay qalad tahay, laakiin waxaa hadalkaas ka muuqda sida buuxda ee waalidku ugu kalsoonaa macallinka oo wax walba oo ku saabsan ilmahaas waxbarashadiisa uu macallinka keligiis uga masuul ahaa. Waxaaba adkayd in xataa iskooladii Soomaaliya ka jirey ay waalidiintu tagaan oo ay ka war doonaan sida ilmahoodu wax u baranayaan. Dareenka noocaas ah kama jiro waddamada reer galbeedka. Waalidku qayb weyn ayuu ku leeyahay waxbarashada oo macallimiinta iyo maamulka iskuuladu waxay waalidiinta uga warbixiyaan waxbarashda ilmahooda, dhaqankooda iyo weliba sida ay u soo xaadiraan. Waxaa la ogaaday in haddii macallimintu dareemaan in waalidku aanu muhimmad weyn siinayn warbixinaha loo soo diro, ama aanu su’aalo weydiin macallimiinta oo aanu iskuulka soo booqan marar badan, in macallimiintu iyaguna aanay ilmihiisa muhimmad weyn siinayn oo waqti badan ku luminayn.  

Professor David Gillborn oo wax ka dhiga University of London (Institute of Education) ayaa wuxuu yiri “Waxaan ka dhashay reer faqiir ah, macallinkaygii xisaabta ayaa wuxuu igu qoray inaan barto xisaab hoose, laakiin maalintii imtixaanku soo dhawaa ayaan codsaday inaan galo imtixaanka sare (Higher Tier). Maamulkii iskuulku waxay yiraahdeen imtixaanka lacag ayaa lagu galaa iskuulkuna ma doonayo inuu xoolaha dawladda ku ciyaaro oo imtixaan aadan geli karin kugu qoro, waxaan keliya oo kaa bixin karnaa inaad gasho imtixaanka xisaabta hoose oo aad baratay. Waalidkay ayaan ku qanciyey inay jeebkooda ka bixiyaan imtixaankii Higher-ka ahaa. Labadii imtixaan ayaan u fariistay, kii la i soo baray ee hoose waa ku dhacay, kii sare (higher) ayaan kuu baasay. Haddii aan maalintaas yeeli lahaa talada macallinka xisaabta maanta professor kama noqdeen jaamacad.” (Waxaan joogay Prof. Gillborn isagoo arrintaas ka sheekaynaya, January 2004)

3.      Weligaa ma ku fekertay waalidka qiimaha lahow, in iskuulada waddamado badan sida Ingiriiska ardaydu iyagoo isku fasal dhigta haddana loo kala dhigo duruus kala duwan oo kala sarraysa? Ardaydu haddii ay isku da’ yihiin isku fasal ayaa laysugu geeyaa, laakiin dugsiga sare markay gaaraan macallinka xisaabtu, tusaale ahaan,  wuxuu ardayda u kala goobeeya saddex qaybood; qayb sarraysa oo xisaab sare loo dhigo (Higher Tier) qayb dhexe oo la baro xisaab dhexdhexaad ah (Intermediate Tier) iyo qayb hoose oo loo dhigo xisaab aad u jilicsan (Foundation Tier). Ilmahaasu ogow isku mar ayey dhammaynayaan iskuulka weligoodna isku fasal ayey ahaanayaan laakiin markii ay soo galaan fasalka ayaa saddexdii qaybood loo kala qaybiyaa. Markii ay dhamaystaan iskuulka, ilmihii la soo baray Higher Tier wuxuu heli karaa (A*, A, B, iyo C) waxaana u furan inuu barto wixii uu doono oo cilmi ah sida Medicine, Engineering, Pharmacy, etc. kii soo bartay Intermediate wax walba ma baran karo oo jaamacadaha qaarkood ma aqbalayaan heerka uu soo bartay, kii soo bartay foundation isagana fursadihiisu way sii yaraanayaan oo xataa haddii uu su’aalaha imtixaanka sidii la rabey uga wada jawaabo wuxuu keenayaa (D) waayo looma oggola inuu keeno (A*, A, B, ama C). 

4.      Soomaaliya ilmuhu hadduu ku dhaco imtixaanada wuxuu mar kale ku noqon jirey isla fasalkii uu ku dhacay. Ingiriiska caruurta wax ku barata marna facood lagama reebo, laakiin maalintay iskuulka dhamystaan ayaa dantu kala reebtaa oo midna jaamacad fiican aadaa midna suuqa galaa. Haddaadan waqti hore sii ogaan meesha ilmahaagu u socdo goor aadan wax ka qaban karin ayaad soo baraarugi doontaa. Waxaana laga yaabaa inaad markaas mashquul ku noqoto sidaad iyaga iyo booliiska u kala asturi lahayd ama aad cusbitaalka ugu soo booqan lahayd adigoo waxa ay cuneen ee ay ku waasheen aan garan karin. Waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan ilmahooda waxa loo dhigo oo ay weliba talo ku yeeshaan oo haddii laga diido ay ilamahooda iskuul kale geystaan ama ay iyagu guriga ugu qabtaan macallin ka caawiya ilmaha xisaabta. Haddii ay dhibaato  kaa haysato ka warqabka iskuulka ku dadaal inaad Soomaalida haysata xarumaha (community centres) ku adkayso inay wax kula qabtaan. Haddii ay kula tahay inaanay daacad ahayn oo meesha ay u joogaan inay lacag ku qaataan oo keliya, isku day inaad hadalkaaga u caddayso, waayo iyagu sidaas isuma haystaan, waxaana laga yaabaa in hadalkaagu, haba ka caraysiiyee, uu dareensiiyo culayska jira. 

Waddanka Ingiriiska waa khasab in ilmaha da’doodu u dhaxayso 5 jir ilaa 16 jir la geeyo iskuul. Ilmuhu markuu 7 sano jiro waxaa laga qaadaa imtixaan ah akhriska, qoraalka, higgaadda (ama hikaadda) iyo xisaabta, markuu yahay 11 jir iyo markuu 14 jiro waxa laga qaadaa imtixaano kale oo ah Xisaab, Saynis iyo Ingiriis. Imtixaanadaas ayaa macallimiintu ku go’aansanayaan waxa ilmahaaga loo dhigi doono dugsiga sare oo ay dhigtaan 14 jir ilaa 16 jir. Haddii ilmuhu rabo inuu sii wato iskuulka inta u dhexeysa 16 ilaa 18 jir wuxuu gelayaa ‘Sixth Form’. Halkaa wuxuu ku baranayaa maaddooyin uu ugu diyaar-garoobayo jaamacadda oo la yiraahdo ‘A Levels’. Maadooyinka iskuuulka lagu dhigto qaarkood sida ‘Barasahda Diinta’ waxaa waalidku xaq u leeyahay inuu ka saaro ilmihiisa waayo barashadeedu maaha khasab.

Xasan isagoo afar jir ah ayaa Holland la keenay halkaas ayuuuna ka bilaabay iskuulka. Laakiin markii uu sideed jir ahaa ayaa reerku u guuray Sweden oo ay qaraabo ku lahayeen. Saddex sano iskuulka markuu dhiganayey ayaa Aabbe reerkii u raray Suuriya si ilmaha loo siiyo aqoon Islaami ah. Labo sano ka dib hooyo waxay go’aansatey inay caruurta Ingiriiska keento waxaana la soo dejiyey London. Guri la’aan markii reerku ahaa hal sano oo hadba meel loo rarayey ayey ugu dambayn u guureen magaalada Birmingham oo oo ay deggen yihiin gabdho ay hooyo reer Holland wada ahaan jireen. Xasan hadda waa lix iyo toban jir laakiin wuxuu ku hadlaa dhawr luqadood oo uu midba xoogaa ka yaqaan. (Waa sheeko run ku ah qoysas badan oo Soomaaliyeed)

5.      Waxaa kaloo iyaduna muhiim ah in waalidku haddii ay awoodayaan isku dayaan inay bal wax ka ogaadaan sida nidaamka iskoolku u shaqeeyo iyo waxa ilmaha loo dhigo. Taasi waxay ka caawinaysaa waalidka inay ka warqabaan sida wax u socdaan oo ay ogaadaan markii ay muhiim tahay inay talaabo qaadaan. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in warqadaha iskuulku soo diraan aanay waalidku akhrisan karin, oo ay ilmaha weydiiyaan waxa ku qoran. Ilmuhuna ay hadba wixii waalidka dhegihiisa u roon ugu fasiraan.

6.      Arrinta kale ee iyaduna u baahan in la joojiyo waa guuritaanka faraha badan haddii laga maarmi karo. Mar walba oo reerku ka guuraan xaafad ilamuhuna ay bedelaan iskoolkooda waxaa ku imanaya ilmaha kala-go’ aqooneed waxaan dhici karta intuu iskuulka cusub la qabsanayo inay waqti dheer qaadato.  

Reeraha guur-guura oo aan meel ku xasilin ilmahoodu waa kuwa ugu badan oo ku dhaca waxbarashada. Diraasad lagu sameeyey 14 iskuul oo ku yaal dalka Ingiriiska waxaa la is garab dhigay waxbarashada ilmaha ay reerahoodu guurguuraan oo markaas hadba iskool cusub la geeyo iyo kuwa ay reerahoodu deggan yihiin. Waxaa caddaatay in ardayda waalidkood guurguuraan ay aad iyo aad uga hooseeyaan kuwa kale sida muuqaalka hoose ku cad. (Muuqaalku wuxuu muujinayaa ardaydii aan xataa hal imtixaan ku gudbin. Midabka buluugga ah waa ilmaha reerahoodu deggan yihiin, midabka cagaaran waa ilmaha reerahoodu guurguuraan

7.      Waxaa iyaduna lama huraan ah in waalidku ku talo galaan kharash gaar ah oo ay ku daboolaan baahiyaha waxbarasho ee ilmaha. Ilmuhu markuu sii weynaadoba wuxuu u baahanayaa inuu wax yeesho oo weliba uu helo meel uu ku habaysto qalabkiisa waxbarasho. Wuxuu u baahanayaa buugaag, computer, IWM.   

In kastoo Soomaalida Qurbaha joogtaa aanay hantidoodu u saamaxayn inay guryo waaweyn oo ku filan degaan, haddana waxaa wanaagsan inay guriga u habeeyaan sida ugu wanaagsan ilmaha waxbarashadooda. Tusaale ahaan haddii qolka fadhiga waalidku ku sheekeystaan, oo ilmaha yaryari ku ciyaaraan, kuwa iskuulka tagaana rabaan inay homework kaga shaqeeyaan, Tvguna mar walba ka shidan yahay, telefoono soo dhacayaan, oo ay weliba kulligood fiidkii qolkaas isugu yimaadaan waxaa adkaanaysa in midkoodna danihiisa fushado. Marka haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan in waalidiintu isku dayaan inay guriga hab maamul lagu wada joogo u sameeyaan. Ogow qofka maskaxdiisu waxay u baahan tahay inay nasato waqti oo sawaxanku ka yaraado waayo sawaxanka badani wuxuu keenaa in dadka dareenkoodu adkaysan waayo oo ay degdeg u caroodaan. 

8.      Guri kala dhiman ilmaha joogaana waa kala dhima yihiin. Guriga hal waalid keliya uu joogo waxaa adkaanaysa sida ilmaha koriimada garaadkooda (cognition) iyo laxawgoodu (emotion) u dhamaystirmi lahayeen. Taasi weliba waxay sii adkaanaysaa marka reerku qurbe ku nool yahay. 

Ugu dambayn waalidku ha ogaado ilmaha in iskool la geeyo keliya in aanay mustaqbalkiisa hagaajin karin waayo waxaa jira wax badan oo ilmuhu aanu iskuulka kaga bogan karin waxaan ka mid ah waxyaabahaas edebta. Guriga ayaa ugu horreeya meesha ay tahay in waalidku wax ka qabto si uu uga dhigo meel ilmuhu edeb iyo aqoon ka kororsan karo khaas ahaan inta ilmuhu yar yahay ee uu guriga u badan yahay. Hadalada ay waalidiintu ku hadlayaan raad ayey ku yeeshaan caruurta koriimadooda oo haddii, tusaale ahaan, guriga laysku caayo oo lagu dagaalamo ogow in ilmuhu meeshaas duruus ka qaadanayo hadhowna ay dhici karto inuu wixii uu maqlayey uu waalidkii ama walaalihiisa ka weyn kula hadlo. Dadka ka shaqeeya waxbarashadu waxay caddeeyeen si qofku wax u barto waa inuu yaqaan waxa uu yahay, kadibna waa inuu yeeshaa qof ama dad uu tiigsado oo uu ku daydo oo uu jeclaado inuu iyaga oo kale noqdo mustaqbalka (who is he and who is he capable of becoming). Taasi waxay keentaa in bulshooyinka is dhex deggan ay ku kala wanaagsanaadaan waxbrashada ama qaarkoodba ay wax gaar ah ku fiicnaadaan. Waayo bulsho walba wixii ay xiisayso ayaa ilmahoodu xiiseeyaan. Tusaale ahaan waalidka qaar waxay u soo gadaan caruurtooda sawirada ciyaaryahanada iyo dadka heesa, ilmaha sariirtiisa dusheeda ayuu ku dhegsadaa oo subax walba markuu soo kaco ee maskaxdiisu cusub tahay wuxuu ku hammiiyaa siduu qofka sawirkaas leh oo kale u noqon lahaa. Adiga ayey haddaba kugu xiran tahy sidaad ilmahaaga u bari lahayd waxa uu yahay uguna samayn lahayd meel uu tiigsado iyo dad uu jeclaado. 

Gebagebadii, qoraalkaan laguma soo koobi karo waxyaabaha kala duwan ee waalidku qaban karaan, waxaa qasadku ahaa in la baraarujiyo waalidiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee kartida u leh inay aqoontooda iyo kartidooda ku caawiyaan caruurta Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qaxa. Caruurtaasi waxay ku koreen cidla, intooda badan ma yaqaanaan waxa ay yihiin, mana jiraan dad Soomaaliyeed oo ay ku daydaan. Wax badan ayaa la qaban karaa, waalidka xil ayaa saaran dadka Soomaaliyeed ee haysta xarumaha (community centres) iyagana xil ayaa saaran. Rajaduna ma xuma haddii dareenka waalidku mar walba u soo jeedo siduu ilmaha u hagaajin lahaa edebtooda iyo aqoontooda.  

Abdul Diriye, London.
abduldiriye@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2006