SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk


March 2006

Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta 

Aniga oo ku hadlaya magaca heyada la yiraa African Relief Fund, oo ah heyad kheyriya oo xarunteedu tahay London UK, haatana ku hawlan uruurinta gargaar lala gaaro dadkeena Somaaliyeed ee aay abaraaraha halakeeyeen,  waxaan baaqaan usoo jeedinayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed iyo Dowlada Federaalka ah, waxaana  baaqeyga ku wajahan yahay : 

1-     Soomaalida Joogta Qurbaha –Gaar ahaan Wadamada Reer Galbeedka iyo Carabaha; 

Walaalayaal sida aad og tihiin waxaa wadankeena ka dhacday abaar aad u daran taasoo baabi,isay dad iyo duunyaba, iyadoo xitaa abaartaan aay saameysay Gobollada Soomaalida ee Kenya iyo Ethiopia, kuwaasoo iyana aay ku la,anayaan dadkeeni soomaaliyeed, mana ahan wax la qiyaasi karo mxajmiga aay dhibaatadaan gaarsiisan tahay, waana abaartii ugu xumeyd oo soo marta wadankeena , laga soo bilaabo Abaartii Dabadheer,  

Walaalayaal waxaa muuqata in gurmadka iyo ger gaarka uu aad u liito, gaar ahaan heyadaha caalamiga ah, taasoo sabab looga dhigay ammaan xumo, waxaana  wararka ka imaanaya aay sheegayaan gobolada aay abaaraha ka dhaceen, in aay si aad ah u la,anayaan dadkii iyo duunyadiiba, waxaana dhacday in dad waayeel ah meel cidla ah looga guuray, oo aay bahalo cuneen, ka dib markii wixii socon karayey aay ka huleeleen, waxyaabaha ugu darana waa biyo la,aan, iyo cunto la,aan , iyo dhulkii oo qalalay. 

Walaalayaal maanta waxaa dibada joogta soomaali badan, waxaana qaban karnaa wax aysan UN-ka qaban Karin hadii aan is kaalmeysano, una damqano dadkeena baa ba,aya, waxaana aaminsanahay in hadii inteena joogta Wadamada reer galbeedka aan bixino qofkiiba $50-$100 kaliya , waxaana ka saari karnaa abaarta dadkeena, ee aan dareen is gelino walaalayaal,. 

Waxaan xasuustaa markii aay sanadki hore dhacday Tsunamigi ku dhufatay Asia, iyo xitaa wadkeeniba , iyo dhul gariirkii ka dhacay Pakistan, waxaa dhacday in dadka Asianka ah ee wadankaan nala degan ineey gurmad xoog leh u direen wadamadoodii, oo aay baxeen , gaar ahaan kuwoodii ahaa dhakhaatiirta, kalkaaliyaasha , Engineerada, iyo kuwo kale oo badan si ay uga qeyb qaataab gargaarka dadkooda, waxaana xasuustaa xitaa waxaa baxay Xubno ka tirsan Baarlamaanka UK, oo asalkoodu yahay Pakistan,   marka walaalayaaloow waxaan idinka codsanayaa inaan gurmadka kawada qeyb qaadano, qof kastaana ama uu baxo ama dhaqaale bixiyo, oo aysan dhicin in qofna aanu kaalin yeelanin,  . 

Mida kale aan ogaano in dhibaatadaan aan xitaa aduunka laga ogeyn, oo ma jiro Media Coverage, marka waa inaan anaga gaarsiinaa addunka, wadan kastaana oo aan joogno waa inaan ku baraarujinaa , dhinbaatadaan dhacday, iyo xajmigeeda,. 

Ugu danbeyn heyadaan aan ka shaqeeyo, waxaan idiin balan qaadeynaa inaan gaarsiino si deg deg ah dadka dhibaateeysan hadii aad wax u direeysaan , waxaana ku leenahay xafiis gudaha Somalia, sidoo kale waxaa jira Heyado kale oo aan wada shaqeyno sida SamSam Foundation oo ah heyadii soomaaliyeed ee ugu horeysay oo gar gaar gaarsiisa dadka dhibaateysan ee gobolada dhibku ka dhacay. 

Sidoo kale waxaa diyaar u nahay inaan nimaano hadba wadankii is abaabulaya, gaar ahaan wadamada yurub ee noo dhaw, waxaana lacagaha u dirnaa si deg deg ah oo ma daahino maadaam dadkii la anayaan, ee fadlan ka qeyb qaata bad baadinta walaalaheena. 

Lacaga waad noo soo xawili kartaan, waxaana idiin soo direeynaa mahadcelin hadii aad lacag soo dirtaan , meel kastoo aad joogtaan. 

2-Soomaalida Gudaha Dalka joogta 

Soomaaliad agudaha joogta waxaan aad ugu mahad celinayaa dadka iyo heyadaha degan Muqdisho sida aay ugu gurmadeen dadka dhibaateysan, waxaana leeyahay allah ha idinka ajirsiiyo, ee sii laba laaba dadaalkiina. 

Soomaalida kale ee gobolada dalka intiisa kale waxaan leeyahay , walaalayaaloow ka qeyb qaata gurmadka, oo dadka baahan wax ka gargaara, gaar ahaan waxaan Appeal u dirayaa maamulada Puntland iyo Somailand , walaalayaaloow kaalintiina waa bannaan tahay eek u soo biira gurmadka kana qeyb qaata, waad og tihiin in Rasuulkeeni yiri, qofkii asiga oo dheregsan oo deriskiisa baahanyahay ima rumeeynin, sidoo kale waad og tihiin in quudinta qofka baahan uu alle u ballan qaadey ajir weyn, iyo in naarta leesaga xoreeynayo, fadlan kusoo biira gurmadka. 

3-Dowlada Federaalka  

Dhammaan xubnaha dowlada waxaa muuqata in kaalintiina aay gaabin ku jirto, welina ma maqal booqasho ama gar gaar aad u fidiseen, marka laga reebo codsigii Madaxweynaha , walaalayaaloow suurta gal ma ahan inaad dowladii dalka tihiin dadkii oo ku la,anayana meel aan idinka fogeyna aad shir iyo sheeko ku jirtiin, waxaana idinku boorinayaa inaad gudii gurmad oo deg deg ah magacoowdaan, isla markaana booqasho caam ah aad ku tagtaan meelaha abaaraka ka dhaceen, gaar ahaan waa ineey booqashadaas hogaamiyaan hoggaanka sare ee dowlada sida Madaxweynaha, Raisulwasaaraha, Guddomiyaha Baarlamaanka, . 

Sidoo kale waxaan ka codsan lahaa xubnaha baarlamaanka in mushaarka aay qaadateen, dhawaan aad min $100 ugu deeqdaan dadka abaaraha halakeeyeen, oo aad gaarsiisaan,. 

Fadlan si muuqata uga hadla oo addunka u gaarsiiya dhibaatada abaarta, oo u saara guddi gurmadka oo deg deg ah, una dira wafuud addunka kuwaasoo gaarsiiya adduunka dhibaatada ku habsatay dadkeena iyo dalkeena  

Our bank details are as below: 

Bank Details:
Barclays Bank
Account Name: African Relief Fund

Sort Code: 20-46-57
Account Number: 30410330

London UK 

Thanking for your generous donations 

Walaalkiin

Mr Abdullahi Osman  ( for  contact: 00447961 326 923 )

African Relief Fund

Emergency Relief Co-ordinator

Email: info@arf.org.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2006



Jaamacadda Carabta oo $26-Milyan oo Doolar siisay Dowladda FKMG
»UK: Nin hooyadiis asal ku leedahay Somali oo la diley
»Dab galaaftay hanti fara badan - deegaanka salagle
»C/llaahi Yuusuf: Xildhibaanada gacan ka hadal dambe uusan
»Xildhibaan bixiyay 200 oo Loor oo Galley ah..
»Shariif Xasan: Xildhibaanadu ha iloobaan Jowhar & Muqdisho
»Hay’adda Muslim Ifriiqiyaa oo ka warbixisay abaaraha Gedo
»Kulankii Baarlamaanka oo maanta ka furmaya Baydhabo ..
»Max’ed Dheere “Xildhibaanada waxaa la siiyay midkiiba $200
»Madaxda Kulmiye & Ucid oo Eedeeye Cabdulaahi Yuusuf
»Qahira: Shirkii Carabta oo looga Hadlay Arimaha Soomaaliya
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 6


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD