SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Hay’adda Fatxa oo faahfaahin ka bixisay howlaha ay u qabato Bulshada Soomaaliyeed...

Mar aan booqday xafiiska Hay’adda FATXA Women Relief Development Organization ayaa waxay indhaheygu qabteen hal ku dhigyo ka hadlaya caadada xun ee gudniinka fircooniga iyo halista cudurka Aids-ka oo ah oo labo barnaamij oo hay’adaani aad bulshada uga wacgeliso maadaama ay labadaani yihiin kuwo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda FATXA oo la aasaasay sanadkii 1991-dii ayaa waxa ay markii ugu horeysay ka howlgashay xeryaha dadka soo barakacay isagoo halkaas ka fuliyay barnaamijyo la xiriira dhinaca caafimaadka, Tacliinta iyo Quudinta, maadaama xiligaasi ay dalka ka jirtay abaar aad u baahsan.

1992-dii ayaa Hay’adda FATXA waxay u wareegtay gobalka Sh/hoose, waxa ayna halkaasi ka bilowday barnaamijyo la mid ah middii ay ka fulin jirtay Magaalada Muqdisho.

1995-tii ayay Hay’adani ahayd middii ugu horeysay oo daqligelin ku sameysay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed si ay ugu maareeyaan noloshooda, maadaama Haweenka Soomaaliyeed intooda badani ay ahaayeen kuwo raggoodii iyo caroortoodiiba ku waxyeeloobeen dagaaladii sokeeye, waxayna hay’addu sheegtay in barnaaminkaani ay ka faa’iideysteen Haween aad u fara badan.

Hay’adda FATXA waxay xiriir iskaashi la lahayd Hay’adda UNICEF EE Qaramada midoobey u qaabilsan dhinaca Carruurta, Hay’ada MSF-France, ICRC, DFP iyo Hay’ado kale oo ka jiray dalka, waxayna Hay’addu hay’adahaasi kala kaashatay dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka iyo Quudinta.

Xiligii UNISOM ay timid dalka ayaa Hay’addaani waxa ay sii balaarisay howlaheedii dhinaca wax u qabashada bulshada, waxayna dayactir ku sameysay dugsiyo iyo ceelal, sidoo kale waxay Haweenka Soomaalieed siisay waxbarasho aan toos aheyn iyo daqligelin, sidoo kale waxa ay bulshada ka baraarujin jirtay Cudurka Aids-ka iyo caadada xun ee FGM-ka (Gudniinka Fircooniga).

Hay’adda FATXA oo guddoomiye ay ka tahay Faadumo Xasan Diirshe ayaa waxay sheegtay in Hay’addooda ay waxbarasho ka bilowday xeryaha dadka soo barakacay, waxayna sheegtay in 15 carruur ah ay Hay’addu ka bixiso wixii tasiilaad ah oo ay uga baahnaayeen dhinaca waxbarashada waxayna Faadumo sheegtay in arrintaani ay gacan ku siiyeen dugsiga Al-Bilaad oo isagu ballanqaaday in carruurtaasi uusan ka qaadi doonin wax lacag ah, waxayna Faadumo ugu baaqday dugsiyada kale in ay ku daydaan dugsiga Al-Bilaad maadaama ay iyagu u bixinayaan tasiilaadka kale ee dhinaca Dharka, Buugaagta iyo Qalimaanta.

Faadumo mar ay ka hadleysay dhinaca Caadada xun ee Gudniinka fircooniga ah ee FGM-ka ayaa waxya sheegtay in Hay’addoodu ay wacyigelin fara badan ka gaysatay sidii bulshada looga reebi lahaa caadadaasi oo ay sheegtay in ay tahay mid dhibaato ku ah gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan caafimaadkooda iyo marka ay gaaraan guurka, iyadoo sheegtay in wacyigelintaasi ay ka fuliyeen Degmooyinka Gobalka Banaadir.

“Hay’ad ahaan waxaan aaminsan nahay in aan gabadhaba la taaban, waana midda aan ka duuleyno markasta” ayay tiri Faadumo Xasan Diirshe oo ugu baaqday Haweenka Soomaaliyeed in ay ka tagaan caadadaasi xun, sidoo kale mar ay ka hadleysay dhinaca cudurka Aids-ka waxay sheegtay in wacyigelin fara badan ay Hay’addoodu ka sameysay degmooyinka Gobalka Banaadir iyo deegaanada ku dhow dhow, maadaama cudurkaani uu yahay mid halis ku ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, Faadumo oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay Haween fara badan u fureen siminaaro la xiriira dhinaca FGM-ka iyo Cudurka Aids-ka, waxayna sheegtay in ay ka faa’iideysteen Haween fara badan, sidoo kale waxay sheegtay in Haweenka ku shaqeysta Caadada FGM-ka iyana ay u fureen Siminaaro, taasoo inta badan ay qaateen wacyigelintaasi. waxay kaloo sheegtey in ay siminaaro wacyigelin ah u fureen ardeyda Dugsiyada Gobollka Banaadir iyo Dugsiyada ku dhow Magaalada Muqdisho Ugu dambeyntii Faadumo waxay u soo jeedisay Haweenka Soomaaliyeed in ay gebi ahaanba joojiyaan caadada FGM-ka oo ah mid aan u wanaagsaneyn gabdhaha Soomaaliyeed.

Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir

Fatxa_77@hotmial.com  ama 
Tel: 2521-851233 / 2521-591488

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaaro@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2006