SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: May 1, 2006

  • C/llaahi Yuusuf oo si weyn uga carooday Safaaradda Itoobay ay..
  • Ciidamadii ku xareysnaa deegaanka Daynuunaay oo sameeyay gadood..
  • Geeddi iyo Qanyare oo la filayo in ay ku kulmaan Magaalada Jowhar..
  • Qaramada Midoobey oo la sheegay in ay bixineyso qarashka u baxaya Doorashada..
  • Shariif Xasan “Shacabka Digil iyo Mirifle waa in ay ka faa’iideystaan..
    HAY'ADA MUSLIM AID

    Gargaarka ay Muslim Aid u fidiso  Somalida

C/llaahi Yuusuf oo si weyn uga carooday Safaaradda Itoobay ay..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isagu si weyn uga carooday Safaaradda Itoobiya ay ka furtay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland, waxa uuna ku tilmaamay furida safaaraddaasi mid la doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya. “Dowladda Itoobiya waa in ay caddeysaa in ay aqoonsatay maamulka Soomaaliland iyo inkale” ayuu yiri C.llaahi Yuusuf Mar uu la hadlayay dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu kula kulmay Magaalada London, sidoo kale waxaa iyana arrintaan cambaareeyay Golaha Baarlamaanka oo ku tilmaamay mid ay Dowladda Itoobiya uga danleedahay in ay ku burburiso qaranka Soomaaliyeed, waxaana Baarlamaanku wax ka weydiinayaa Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isagu horey u sheegay in Dowladiisu aysan waxba u arag aqoonsi ay hesho maamulka isku magacaabay Soomaaliland.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa maanta la filayaa in uu safar deg deg ah ugu ambabaxo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaasi u tagaya sidii uu kulan ula yeelan lahaa Diblamaasiyiin shisheeye oo ku suga Magaalada Nairobi iyo waliba wadamada deeqda bixiya, sidoo kale waxaa uu Ra’isul Wasaaruhu shalay Magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay Wasiirada iyo Xildhibanaada Beelaha Hawiye, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii loo nabadeyn lahaa Magaalada Muqdisho si ay Dowladdu ugu soo guurto, maadaama Muqdisho ay tahay caasiamddii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ciidamadii ku xareysnaa deegaanka Daynuunaay oo sameeyay gadood..

Ciidamadii ku xareysnaa deegaanka Daynuunaay ayaa shalay sameeyeen gadood iyagoo ka cabanaya cunto xumo iyo waliba dhinaca jiifka, waxayna jid gooyooyin dhigteen wadada laamiga ah.

Ciidamadaan oo halkaasi dhawaan lagu xareeyay ayaan weli helin wixii looga baahnaa dhinaca ciidamada , waxayna codsadeen in Dowladdu ay wax ka bedesho qaabka ay ciidamadaasi u tababareyso.

“Markii horeba waxaa meesha nalaku geeyay laabla-kac iyo qorshe la’aan” ayuu yiri Mid ka mid ah Ciidamadaasi oo ugu baaqay Dowladda in ay bixiso wixii qarashaad ah ee ay u baahan yihiin ciidamadaasi si ay mustaqbalka u sugaan ammaanka Magaalada Baydhabo iyo waliba dalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada ku xareysan Daynuunaay ay sameeyaan gadood, Bishii Feebaraayo ayay ahayd markii ciidankaasi ka soo baxeen xeradaasi oo ay jid gooyooyin dhegteen daafaha iyo gudaha Magaalada Baydhabo iyagoo qalqal geliyay ammaankii Magaalaadaasi.

Geeddi iyo Qanyare oo la filayo in ay ku kulmaan Magaalada Jowhar..

Warar aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ay wada sameeyeen xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, waxayna ka wada hadleen sidii wasiiirada ku sugan Magaalada Muqdisho ugu soo biri lahaayeen xubnaha Dowladda ee Baydhabo ku sugan.

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Jowhar balse lama faahfaahin waqtiga uu kulanakasi dhacayo, waxaana arrintaasi ka shaqeenaya Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cuamr Xabeeb (Max’ed Dheere).

Wasiirada hubeysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxay sameysteen isbahaysi la magacbaxay la dagaalanka argagixisada iyadoo isbahaysi-gaani uu Ra’isul Wasaare Geeddi u arko mid lagu wiiqayo Dowladda Federaalka, maadaama markii la sameynayay aan wax la tashi ah lagala sameyn mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda, iyadoo Ra’isul Wasaare Geeddi uu Dowladda Mareykanka ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay hanaankii qarannimo ee Soomaaliya kaddib markii ay si gaar ah xiriir ula sameysay hogaamiye kooxeedyo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobey oo la sheegay in ay bixineyso qarashka u baxaya Doorashada..

15-ka May ee fooda nagu soo haysa waxaa Magaalada Baydhabo ka dhici doona doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kaddib markii mudo afar sano ah uu ka dhex jiray khilaaf soo jiitamayay kaasoo sababay in ay dib u dhac ku yimaadaan cayaarihii K/cagta ee lagu qaban lahaa dalka.

Doorashadaas waxaa goob joog ka noqon doona mas’uuliyiin ka socota xiriirka K/cagta ee FIFA waxaana hogaamin doona wafdigaasi Guddoomiyaha k/cagta ee Wadanka Suudaan Magdi Shammusu-Diin.

Waxaa dooranaya mas’uu-liyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta 25 kooxood oo ka dhisan Magaalada Muqdisho, waxaana dhinaca guddoomiyanimada u tartamaya afar xubnood oo kala ah Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe), Muxiyadiin Xasan Cali Darba-Weyne, Yaasiin Abuukar Cariif iyo C/llalahi Axmed Tarabi, Guddoomiye ku xigeenada waxaa ku tartamaya ilaa iyo toban xubnood halka Xubnahana ay ku tartamayaan 22 xubnood.

Qaramada Midoobey ayaa ballanqaaday in ay bixineyso qarashka ku baxa shirkaasi, gaar ahaan dhinaca Saxaafadda iyo dadka goob joog ka noqon doona.

Doorashadaan hadii ay si cadaalad ah u dhacdo waxaa halaasi ku soo gebagaboobaya khilaafkii mudada hareeyay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaan doorashadaan indha ku hayn doona dhamaan xiriirada Qaaradda Afrika, Jaamacadda Carabta, FIFA iyo xubno kale oo iyana lagu martiqaaday.

Shariif Xasan “Shacabka Digil iyo Mirifle waa in ay ka faa’iideystaan..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo ka furmay Siminaar socon doonaa saddex maalmood oo ay ka qaybgalayaan 140 odoyaasha dhaqanka ah ee Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana Siminaarkaani iska kaashaday Hay’adda CRD iyo Wasaaradda dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka.

Odoyaasha dhaqanka ayaa mudada uu Siminaarku u socdo waxaa halkaasi lagu barayaan qaabka ugu haboon ee maamul loogu sameyn karo gobalka Bay, waxaana Siminaa-rkaasi furay Guddoomi-yaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, mar uu la hadlayay Odoyaasha Dhaqanka waxa uu yiri “Shacabka Digil iyo Mirifle waa in ay ka faa’iideystaan dowladda, kana shaqeeyaan nabadgelyada iyo maamul u sameyn deegaana-dooda, waxaa kalloo uu kula dardaarmay in ay dedejiyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo uu sheegay in ay xarun u tahay dowladda Federaalka haatan. Sidii Dowladda Federaalka ay u tagtay Magaalada Baydhabo weli lagama sameynin Magaaladaasi wax maamul ah waxaana ka jira weli is dhex yaac, waxaana dhac loogu gaystay qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Baarla-maanka ee Dowladda.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2006

Dagaal ka Dhacay Deegaanka Waxaracade
»Ugaas Max’ed Weli: C/llaahi Yuusuf wuxuu xabashi ahaa 30..
»Ra’isul Wasaare Geeddi “Si dhaqsi leh ayaan ugu soo gudbin
»10 ka mid ah Maleeshiyadii Mareykanka ku qabteen Xeebaha
»Isqabqabsi ka dhex jira sidii maamul loogu sameyn lahaa..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 30

Indhoolayaal  la Barey Farta Braille-ka oo ka Qalin Jabiyey Dugsiga Al- Nuur
»
Kulamada C/llaahi Yuusuf la yeeshay  Qabaa'il Soomaaliyeed
»JWXO oo u digtay sharikadaha damaacigu ka hayo shidaalka
»Wabarka Beesha Ceyr "Haddii aa laga hortagin kooxda..
»Xildhibaano ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan kulanka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 29

Dowlada Sweden oo diiday codsi uga yimid urrurada Islaamka ee dalkeeda

SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB | Safarkii Ibrahim saalx ee Minnesota

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa Liibya
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya, Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa sheegay in...  Guji.... Apr 28

Dil Ka Dhacay Tuulada Cabdille Biroole Ee magaalada Kismaayo...