SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: May 2, 2006

  • C/llaahi Yuusuf oo warqad qoraal ah u diray Dowladda Mareykanka..

  • C/llaahi Yuusuf oo xalay gaaray wadanka Sweden..

  • Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf “Wali Geeddi farbaa u laaban ..

  • Ururka Daawo yaqaanada Soomaaliyeed oo dib u habeyn lagu sameeyay..

  • Odoyaal dhaqameed Soomaaliyeed oo ka qaybgalay kulan ka dhacay Maali..

  • Xaflad qalin jabin (master's degree) oo kadhacday magaalada qaahira

    HAY'ADA MUSLIM AID

    Gargaarka ay Muslim Aid u fidiso  Somalida

C/llaahi Yuusuf oo warqad qoraal ah u diray Dowladda Mareykanka..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Magaalada London waxa uu kulan kula yeeshay sarkaal sare oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Mareykanka, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii Dowladda Mareykanka ay gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka, maadaama ay ka mid ahayd Dowladihii horey u sheegay intii uu socday shirkii dib u heshiisinta in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan Dowladda Federaalka inta ay lugaheeda isaga taagi doonto.

Madaxweynaha ayaa sarkaalkaasi u dhiibay warqad qoraal ah oo ku socotay Dowladda Mareykanka, balse wixii ku qornaa warqaddaasi inkastoo aan la faahfaahin haddana rag ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa waxay noo sheegeen in Dowladda Mareykanka mar kasta ay kala soo xiriirto waxa loogu yeeray howlgalada kooxaha Argagixisada si labada dowlood ay isaga kaashadaan arrimahaasi, iyadoo la og yahay in Dowladda Mareykanka ay heshiis la gashay kooxo Wasiiroka tirsan Dowladda Federaalka kuwasoo dagaal la galay midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo horey looga wareystay arrimaha ka taagan Mareykanka ayaa waxa uu ku tilmaamay kooxaha ka wada dagaalka Magaalada Muqdisho in ay yihiin kuwo sii dhibaateynaya Bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kooxaha Argagixisada ay yihiin kuwo tilmaaman looguna tagi karo guryahooda. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa Dowladda Mareykanka ka cosaday in ay gacan ku siiso dhismaha guddi la magacbaxay Guddiga Qaranka ee la dagaalanka Argagixisada, inkastoo Dowladda Mareykanka ay horey u beenisay inay wax lug ah ku lahayd dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo waliba sameynta isbahaysiga isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada iyo dib u soo celinta nabadda.

C/llaahi Yuusuf oo xalay gaaray wadanka Sweden..

C/llaahi Yuusuf oo mudo labo tobaad ah ku sugnaa Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa xalay waxa uu gaaray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo dalka Sweden.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay martiqaaad ka heleen dowladda Wadaka Sweden maadaama ay dowladda Sweden ay ka mid tahay dowladihii gacanta ka gaystay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in Madaxweynaha inta uu joogo dalka Sweden uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta wadnkaasi oo ay isla soo qaadi doonaan sidii Dowladda Sweden u sii wadi lahayd gacan siinta Dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska iyo ammaanka.

Madaxweynaha waxaa kalloo uu booqan doonaan wadamada la ologa ah ee ay ka mid yihiin wadanka Norway, Finland iyo Denmark, kaddibna Madaxweynuhu waxa u u soo duuli doonaa wadanka Liibiya kaddib markii uu martiqaad ka helay hogaamiyaha wadanka Liibiya Mucamar Al-Qaadi.

Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf “Wali Geeddi farbaa u laaban ..

Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuuusf ayaa waxa sheegay in Ra’isul Wasaare Geeddi uusan wali si cad u caddeynin mowqifkiisa ku aadan xafiiska ay Dowladda Itoobiya ka furatay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland.

“Geeddi waxa uu noo akhriyay qoraal ka soo baxay Dowladda Itoobiya ma ahan qoraal ay ku cad yihiin waxyaabihii looga baahnaa Dowladda Itoobiya” ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo sheegay in Dowladda itoobiya ay wali wado hagardaamada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dowladda Federaalka.

“Dowladda Itoobiya waxay ka mid ahayd dowladihii gacanta ka gaystay shirkii dib u heshiisiinta ee Kenya ee ay ka dhalatay dowladda Federaalka ilaa iyo haddana Dowladda Itoobiya way ka lug jiideysaa in ay si buuxda u taageerto Dowadda Federaalka” ayuu yiri Max’ed Cabdi Yuusuf oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay dalka Soomaaliya ka fuliso arrimo fara badan oo aysan ka warqabin Dowladda Federaalka oo ay ugu horeyso xafiiska haatan ay ka furatay Magaalada Hargeysa, wuxuuna intaa sii raaciyay “Haddii aan Dowladda Itoobiya laga hortagin waxaan imaan doonta in ay xafiisyo kale ay ka furato gobalo kale ee Soomaaliyeed iyadoo aysan ka warqabin Dowladda Soomaaliya”.

Inkastoo Ra’isul Wasaare Geddi uu taageero ka helay Baarlmaanka haddana Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf iyo Xildhibaano kale kuma aysan qancin hadalka Geeddi.

Ururka Daawo yaqaanada Soomaaliyeed oo dib u habeyn lagu sameeyay..

Kulan Mudo tobaad ah u socday xubnaha Ururka Daawo Yaqaanada Soomaaliyeed (Somali Pharmecist Association) loogana hadlayay sidii dardar loo gelin lahaa howlaha ururkaasi ayaa lagu soo gebagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Xubnihii ka qaybgalay shirkaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay si aad ah uga doodeen sidii uu ururku howlihiisa u balaarin lahaa, waxaana dood dheere iyo falanqeyn kaddib lagu isku raacay in ururka dib u habeyn lagu sameeyo, waxaana Guddoomiye loogu doortay Shiikh Dheere Cali Dheere.

Guddoomiyaha oo doorashadiisii kaddib u waramay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ururkaan wixii haatan ka dambeeya uu ku shaqeyn doono sidii Dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen daawo tayo leh, waxa uuna u soo jeediyay dadka ka ganacsada daawada dhacday ama midda is bedeshay in ay gubaan, waayo ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed u adkeysan karaan dhibaato hor leh, waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay kala kaashan doonaan sidii wadanka loo keeni lahaa daawo tayo leh oo dadka wax u tarta.

Odoyaal dhaqameed Soomaaliyeed oo ka qaybgalay kulan ka dhacay Maali..

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Majmaca Culumada Soomaaliyeed lagu qabtay kulan ay ka soo qaybgaleen 9 xubnood oo Odoyaal Dhaqmeed ah oo ka qaybgalay kulan diimeed ka dhacay magaalada Taariikhiga ah ee Tubugto ee Wadana Maali, waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Mucamar Al-Qaadi.

Xubnahaan oo uu hogaaminayay Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa waxa uu sheegay in Magaalaga Tubugto ee Maali ay tahay Magaalo taariikhda Islaamka Qiimo weyn uga fadhiya, waayo waxay xarun u ahayd faafintaanka Diinta Islaamka ee Galbeedka Afrika. Xubnihii halkaas ka hadlay waxaa kalloo ka mid ahaa Maxamuud Cali Ugaas, waxa uuna sheegay in kulankaasi Salaadihii Casirka iyo Maqribka uu tujiyay Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Mucamar Al-Qaadir oo ah hogaamiye ay ka go’an tahay sidii uu isugu keeni lahaa Islaamka, waxa uuna Ugaasku u mahadceliyay Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qaadi.

Waxaa kalloo ka hadlay Axmed Qani Xuseen Axmed oo isna ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in dadkii ka qaybgalay kulanakaasi ay aad ula yaabeen waxa ay Dadka Soomaaliyeed isku haystaan maadaama ay yihiin dad isku dhaqan iyo Diin ah, waxa uuna u soo jeediyay dadka ka hurinaya colaadhaa Magaalada Muqdisho in ay dhibka ka daayaan dadka, waxaana ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay kulankaasi Axmed Xuseen Xaaji, Mahdi Malaaq Xaaji Nuur, Axmed Cabdi Dhicisow, Max’ed Nuur Xareed, Sayd Cumar Macallin Abshir, Cali Shiikh Max’ed, Maxamuud Cali Ugaas iyo Garaad Yuusuf Dubad Jeexow.

Sidoo kale waxay ka qaybgaleen Odoyaashaani xus loo sameeyay dhalashadii Nabiga (NNKH).

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006


Date:08/04/06

Xaflad qalin jabin (master's degree) oo kadhacday magaalada qaahira

Xafladdaas oo siheersara loosoo agaasimay ayaa kadhacday hoolka xafladaha ee machadka jaamacadda carabta ee magaalada qaahira

Xafladdaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay safiirka soomaaliya dalka masar ufadhiyo islamarkaan ah danjiraha soomaaliya ufadhiyo jaamacadda carabta

Mudane/ c/llaahi xassan maxamud,waxaa kaloo kasooqeyb galay xafaladdaas martisharaf, aqoon-yahanno, arday iyo dadweyna kale oo farabadan 

Xafladaas ayaa waxaa looga doodayay (buuga master-ka). Oo uu qoray 

dr. xuseen cabdi cilmi oo wax ku barta machad al-buxuus waddaraasaat al-carabiyya ee magaalada qaahira. Qeybtiisa qaanuunka

Qoraaga oo buuga qorayay muddo 2sano ah ayaa  u soogudbiyay (buuga qalin jabinta) guddigi qiimeyta iyo xugunka si ey discussion ulasameeyaan qoraaga.

Guddigaas ayaa kakaoobnaa saddex professor oo kala ah

1-prof:  mohamed Mohamed badran oo ah profissor waxkadhiga kulliyadda qaanuunka ee jaamacadda qaahira

2- prof:  jabir jad nasar:  oo ah profissor wax kadhigo kulliyadda qaanuunka ee jaamacadda qaahira islamarkaasna ah lowyer caan ah

3-prof:  hamdi halfawe :oo ah kuxigeenka madaxa golaha dowladda maser

Profisarada ayaa aad ugu bogaadiyay qoraaga  dadaalka dheer ee uu  bixiyay, iyo sida cilmiyaysan ee uu usoo diyaariyay Buuga uu ku qaatay Master-ka

Kuno qoran luqadda carabiga,

Cinwaanka buuga uu qoraaga qoray ayaa ahaa sidan:

xiriirka wadashaqeyn ee kadhexeeya labada gole- baarlamaanka& xukuumadda - ee dowladda soomaaliya

Dooda buuga ayaa socotay mudo 2 saacadood, ugu horeyn waxuu qoraaga kabixiyay fikrad guud buugga uu qoray . oo uu  uqeybiyay sidan:-

 

GOGALDHIG

Qoraaga ayaa buuga wuxuu gogaldhig ugadhigay fasal kahadlayo aasaaska fikradda iskudheelli tirka golayaasha iyo kudabaqidda dowladaha casriga ah waxaa kaloo uu qoraaga fasalkan gogoldhigga uuga hadlay wanaaga iyo ceebaha eey leedahay figraddaas iyo qiimeynta kalasaaridda golayaasha

Kadib fasalkaas gogoldhigga ah qoraaga buuga laba baab ayuu uqeybiyay baabkastana 2fasal ayuu kakoobanyahay

BAABKA 1AAD

Qoraaga baabka koobaad wuxuu ugahadlay cawaamisha iskudheelli tiran iyo kuwa aanan iskudheelli tirneyn ee udhexeeyo xiriirka labada gole iyo mafhuum guud ee golaha baarlamaanka iyo waxyaalaha quseeyo nadaamyada siyaasiga ee casriga ah

BAABKA 2AAD

Qoraaga baabka 2aad wuxuu uga hadlay cawaamisha iskudheelli tiran iyo kuwa aan iskuheelli tirneyn ee udhexeeyo labada gole ee dowladda soomaaliya iyo isbedallada tiiriikhiga ah oo ey labada gole soomareen lagasoobillaabo meeshi uu kazoo askunmay xeerarkii iyo dastuuradii hore ee soomaaliya

GUNAANADKI  BUUGA

Gunti iyo gaba-gabadi  buuga ayaa qoraaga wuxuu aad uguxeel dheeraaday inuu muuqaal  cad kabixiyo xiriirka udhexeeyo 2gole marki laga eego dhinaca qaanuunka.

Wuxuu kaloo qoraaga buuga kucaddeeyay in dastuurki 1960ki uu siiyay muwaadinka soomaaliyeed xaq buuxa, dastuurkaas oo kadhigay nadaamki markaas jiray nadaam baarlmaani ah oo qaatay fikradda kalasaaridda golayaasha iyo in leyskudheelli tiro awoodaha 2gole

Dastuurki 1960 ayaa unoqday aasaas kuwi kadanbeeyay sida dastuurki soobaxay 1979ki iyo kuwi kadanbeeyay..

TALABIXIN

Gaba-gabadi buuga ayaa qoraaga wuxuu soo gudbiyay talooyin dhowr ah:-

1-in nadaamka siyaasiga  laga maar-maan utahay inuu qaato fikradda awood qeybsiga golayaasha

2- in dimuquraadiyadd saliimka ah ey tahay mid dhowreyso xuquuqda aadanaha ,damaanad qaadeysana xaqqa uu qofka uleeyahay inuu sameeyo ururo bulshadeed asigoo ilaalinayo qaanuunka.

3-si loo ilaahayo iskudheelli tiranka labada gole waxaa fiican in qofka xubin kanoqonayo baarlamaanka loo shardiya inuu leeyahay aqoon sare, si uu unoqdo qof kazoo bixi karo howshi looxilsaaro

4-in laga maar-maan tahay in laga saaro dastuuka shardiga qeexayo in R/W iyo kuxigeennadiisa iyo waziirada ey kamid noqdaan xubnaha baarlamaanka

5-iyo talooyin kale oo fara badan

Kadib markuu qoraaga kabixiyay fikrad guud buuga ayaa waxaa lagaaray qeybti discussion-ka oo ey isweydaarsanayeen guddiga qiimeynta kusameynayay buuga iyo qoraaga,

Dood dheer kadib ayey codsadeen guddiga inay shir gaar ah qaataan si ay go’aan uga gaaraan qiimaynta Buugga. Muddo gaaban kadib ayaa la’isugu soo laabtay goobtii discussion-ka ka dhacay si loo dhagaysto go’aanka guddiga,.

Guddigii waxay ku dhawaaqeen go’aan-kooda ayagoo sheegay dr xuseen cabdi cilm inuu  istaahilo Shahaadada( master's degree) isagoo ku qadanaya Darajada Mumtaaz(excellence).

 ugudanbeynti ayaa xafladdaas kusoogaba-gabowday farxad iyo reyn reyn ayadoo dadweynihi halkaas isugu imaaday ugu hambalyeeyeen qoraaga darajada iyo guusha uugaaray .

Intaas ayeey ku egtahay warbixinti xafladda

Qore: muxudiin a.samad
muxudiin_14@yahoo.com


Dagaal ka Dhacay Deegaanka Waxaracade
»Ugaas Max’ed Weli: C/llaahi Yuusuf wuxuu xabashi ahaa 30..
»Ra’isul Wasaare Geeddi “Si dhaqsi leh ayaan ugu soo gudbin
»10 ka mid ah Maleeshiyadii Mareykanka ku qabteen Xeebaha
»Isqabqabsi ka dhex jira sidii maamul loogu sameyn lahaa..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 30

Indhoolayaal  la Barey Farta Braille-ka oo ka Qalin Jabiyey Dugsiga Al- Nuur
»
Kulamada C/llaahi Yuusuf la yeeshay  Qabaa'il Soomaaliyeed
»JWXO oo u digtay sharikadaha damaacigu ka hayo shidaalka
»Wabarka Beesha Ceyr "Haddii aa laga hortagin kooxda..
»Xildhibaano ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan kulanka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 29

Dowlada Sweden oo diiday codsi uga yimid urrurada Islaamka ee dalkeeda

SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB | Safarkii Ibrahim saalx ee Minnesota

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa Liibya
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya, Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa sheegay in...  Guji.... Apr 28

Dil Ka Dhacay Tuulada Cabdille Biroole Ee magaalada Kismaayo...